Waxaa la wada ogsoonyahay sida ay ku yimaadeen Xildhibaan ku sheegyada Dowlada Somalia ka jirta.
Sidee ayeey Xildhibaan ku yihiin?
Shacabka Somaliyeed ma soo dooran kuwaan xildhibaanada sheeganaaya ee dagaal ogayaasha ka kooban. Ma fiicna in Ummada Somaliyeed laga beensheego, oo xildhibaan ayan war ka haynin meel uu ka yimid & cid uu ma talaayo & cida soo dooratay toona in lagu sanduleeyo.
Waxayna ka midtahay arintaasi Haqdarada & Cadaalad la,aanta haysata dadka Somaliyeed.
Waxaad ogtihiin in shirkii ibigaati, Kenya ay dhamaan dagaal ooge,yaashii ay isku magacaabeen in ay iyagu yihiin Xildhibaaanada Somaliya, waxayna Xildhibaano ku noqdeen Qori caaradiis & Xoog.
Waxaa kale oo labeeyey oo kale, Oday dhaqameed af,mishaar ah, oo iyagana keensaday wiilal yaryar oo ay adeero u yihiin oo aan waxba ka aqoon xilkaasi weyn & waayo aragnimo
ay u leeyihiin, deegaanada Somaliyeed & dhaqanka Somaliyeed toona.
Kuwaas oo aan ahayn dad u qalma ama aan buuxinkarin, maqaamka Xildhibaan laga doonayo.
Carta, jabuuti.
waxaa sanadka markuu ahaa 2000 ay dad ka mid ah dadka Somaliyeed isugu tageen Magalada Carta, jabuuti. Waxaa lagu soo dhodhoobay dowlad ku sheeg ay kooxo Af,mishaaro ah soo doorteen oo
ay halkaasi madaxweyne uusan Shacabka Somaliyeed soo dooranin ku soo doorteen.
Madaxweynahaasi oo isla markiiba isku badalay horjooge koox-beeleed.
Waadna wada ogtihiin wixii uu ka dhex abuuray Beelaha ku abtirsada Hawiye,
bal iskaba daaye Beelihii kale ee Somaliyeede. Dowladaasina waxay ku dabeeysay fashil & foolxumo.
Inbigaati, Kenya.
Waxaa ku xigay Dowlad ku sheegtii lagu soo dhob,dhoobay Ibigaati, Kenya October 2004,kii.
Waxaa Laalush ay ku doorteen Shaqsi geed gaaban & geed dheerba u fuulay sidii uu mar,uun
uu ogu fariisan lahaa, Kursiga madaxweyne ee Somaliya. isaga oo ujeedadiisa ogu weyni ay ahayd,
in uu baabi,iyo Beel weeyn ilaah,baa weyne oo ka mid ah Beelaha Somaliyeed.
isaga oo si Cad ogu dhawaaqay una sheegtay, in ay dhacayso wixii dhacay 1991dii.
Shakhsigaasi waa,uu kaga dhabeeyey Ruyadiisii cadaawada ahayd ee Aargoosiga.
Laakiinse waxa aan fiicnayn oo dhan fashil & waji gabax ayey ku dhamaadane, si xun ayuu ku tagay.
Jabuut, Jabuuti
Waxaa Bishii January 30- 2009kii hadana lagu kulmay magaalada, jabuuti ee dalka Jabuuti,
Waxaana lagu soo dhisay uu Madaxweyne ka yahay, horjoogihii maxaakiimta,
Sheekh Shariif Sheikh Ahmed.
Isaga oo Ra,isul wasaare u magaacabay Cumar Cabdi Rashiid.
Sheikh Shariif, Shakhsi aantiisa waxaan u maleeynaayaa, in uu labadii hore ka roonyahay,
marka laga eego xaga Aqiidada & Shakhsiyada Qof,ahaaneed & mid Bani,Aadam,nimo intaba.
Taasina waa aniga aragtidayda,uun & waxa ay ila tahay. Sheikh Shariif Sheikh Ahmed
waa shakhsi Hogaamiye wanaagsan noqon lahaa hadii uu heli lahaa Shacab fiican oo wadaniyiin ah.
Laakiinse nasiibdaro lafo xaaraan ah fuud xalaal ah lagama miiro,e waxaa Madaxweyne u soo
doortay Xildhibaano ku sheegyo sida ay xildhibaano ku noqdeen ay xaaraantahay oo aan rabitaanka Shacabkooda ku imaanin. Waxaan halkan ku xusayaa in hadii si dimoqoraadiyad ah madxweyne uu
isku soo taago in aan aniga qudhayda dooranlahaa una ololayn lahaa in isaga la doorto. Waa hadii uu
si xalaal ah u soo istaago Sheikh Shariif Sheikh Ahmed (Somali Democratic Presidential Candidate)
Talo soo Jeedin
Waxaan soo jeedinayaa ka dib marka aan eegay oo dhuuxay marxalada ay ku suganyihiin dadka Somaliyeed & Wadankaba, in Madaweyne Shikh Shariif, ku soo Rogo Xukun Dagdag ah (Martial Law) si ku meel gaar ah, inta laga baxaayo marxaladan xun & khatarta ay ku jiraan Ummada Somaliyeed.
Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in la cayriyo oo la kala diro, dhamaan Xildhibaan ku sheegyada Barlamaanka ee ay waxba ka socon la,yihiin mudada dheer.
In Golaha Amaanka ay Ciidamo Nabad curiyayaal ah isla markaasina Nabada ilaaliya ay Somaliya
u soo diraan si degdeg ay ku jirto. Ayaga oo u naxariisanaaya Shacabka Somaliyeed ee dhamaanaaya.
In aan Shirweyne Somali u dhantahay Muqdisho lagu qabto oo dowlad Shacabka doorto lagu dhiso.
In Caalamka Nabada qaba ay noo garsooraan isla markaasina Dowlad loo
dhanyahay oo si siman loo qaybsado halkaas aan ku dhisano.
Dowladaas oo Barlamaankeeda ay soo doortaan Shacabka, Xildhibaankuna ka yimaado deegaankiisa.
In Markaasi Madaxweynahana uu Shacakiisa doorashadooda uu ku yimaado si shaciga doorashooyinka
waafaqsan kuna maamulo isaga oo haysta kalsoonida Shacabkiisa.
Dastuurka 4.5
Waa in la joojiyaa oo aan mar dabe sharciga Somaliya aan lagu soo darin 4.5
Ma jiraan Beelo dhan & Beelo Nus ah oo aan dhamayn. Majiro Qof Nus ah &
mid buuxa Qof kastana waa buuxaa wixii alle siiyey. Beelaha Somaliyeed waa wada simanyihiin ee marka labaad ee aan
Dastuur sameeysaneeyno, yaan lagu fikirin 4.5 waa cadaalad xumo arintaas & Beelo
Somaliyeed oo meel looga dhacaayo sharaftooda.
Sidaas ayeey Dowlad xalaal ah ku imaan kartaa. Hana ka iilanina in aad waxa xaqa ah
oga hiilisaan wax aan xaq ahayn oo duliga & Cadaabta ay idinku sii socoto.
By. Mohamed Omar Osman
North America