Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 
 



Xisbiga Hantiwadaaga islaamka oo Warmurtiyeed kasoo Saaray
Hadalkii Madaxweyne Faroole uu ku Dhaliilay Qaybsiga Wasiirada.

24 nov 2010 SMC 


Xisbiga Hantiwadaaga islaamka ku dhisan wuxuu si aad ah u inkirayaa isagoo cambaaraynaya go’aamadda dowlad-goboleedka Puntland ee ku aadan qaabkii uu Ra'iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo u soo xushay wasiiraddiisa. Waxaan u aragnaa haddalada ka soo yeeraya maamulka Puntland kuwo ka aradan maamuuska. Waxa muuqata in raiisulwasaare Farmaajo u soo xushay wasiiraddiisa inta badan si xor ah oo aan cidi u yeerin ama ku qasbin. In lagu tuhmo hawshaas cadiimka ah u qabtay in cid kale ka danbayso waa jariimo loo gaystay sharaftisii iyo karaamaddiisii. Madaxda Puntland waxaan ku boorrinaynaa inay ugu hambalyeeyaan wanaagga uu soo qabtay mudane Farmaajo. Xisbigu wuxuu kaloo ku guubaabinayaa hogaanka Puntland inay si aan sharuud lahayn ula shaqeeyaan xukuumadda lana jaanqaadaan caqliga Soomalida cusub iyo inay dhamaatay anaaniyaddii iyo nin tooxsigii.

Xukuumaddaani xukuumad wanaagsan weeye, Xubnaha asalakoodu ka soo jeedo Puntland oo kujirana xubno wanaagsan weeye, dhinac kastoo laga eego, xag aqoon iyo xag kartiyeedba. Duruurina ma ahan in ay matalayaan dowlad goboleedka Puntland ee waxay matalayaan soomali oo dhan, qabaailka ay ka soo jeedaan waxaa loogu doortay si loo buuxiyo nidaamka 4,5 oo ah nidaam soomaaliyi ku heshiisay inay wax ku qaybsato. Wax lala yaabo ayay noqotay iyo fadeexad weyn in nidaamka Puntland uu tuhun iyo dood ka keeno sida Raiisulwasaare farmaajo oo runtii ay xukuumaddisa ka dhex muuqdaan go’aan wanaag iyo cadaalad uu wax u qaybiyay.

Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan wuxuu ceebaynayaa isagoo si aad ah uga xun qaab dhaqanka kuwa hogaamiya Puntland. Waxa aad rabtaan waxa weeye in dowladda Fedaraalka ah lagu daro kuwa idinku aad maamushaan oo rabitaankiina khaaska ku dhex jooga dowladda dhexe, waana arrinta sabab u ahayd in dowladdihii hore shaqaynwaayeen. Suurtogal maahan wasiir ku jira dowladda dhexe inuu halkaas u joogo inuu ilaaliyo danaha khaaska ah Puntland. Wuxuu Wasiir u yahay Jamhuuriyyada Soomaliya oo dhan. Saas darteed waa inuu yahay mid u madaxbanaan goamadiisa. Daacadnimda iyo kalsoonida wasiirku marka koobaad waa inay noqoto mid ku wajahan xukuumadda uu ka tirsanyahay iyo barnaamijka ay ku shaqaynayso, cidda kaliya uu ka amar qaataana waa inay noqoto raiisulwasaaraha xukuumaddaas hogaamiya.

Puntland waxa kaliya oo ay bannaantahay inay ka hadasho qaab dhismeedka xukuumadda waxa weeye markii uu khalal ku yimaado nidaamkii wax qaybsiga beelaha oo ay arkaan satbursi inuu jiro iyo dulmi, laakiin meel ay ku qorantahay in ay iyadu xubno ay soo barakaysay lagu daro xukuumadda federaaliga ah ma jirto, mana haboona aslan inay awoodaas yeelato. Xakuumaddaan waxaa lagu soo xulay aqoon iyo karti iyadoo la tixgaliyay nidaamkii waxqaybsi-beeleedka. Xisbiga hanti-wadaagga islaamka ku dhisan wuxuu ugu baaqayaa hogaanka Puntland inay ixtiraamaan shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed kuna ekaadaan salaaxiyaadkooda iyo xuduudda awoodooda.

Xisbigu wuxuu sido kale si adag u inkirayaa in lagu goodiyo in Puntland laga gooyn doono jamhuuriyyadda Soomaliya. Puntland way ka weyn tahay mashruuc siyaasiyiin dano gaar ah lahi ay ku shaqaystaan Ma jirto sabab taariikheed, siyaasadeed ama kuwo dhaqan dhaqaale oo Puntland u suurtogalin kara inay ka go’do jamhuuriyyadda inteeda kale. Shacabka Puntland magaciisa in lagu qaraabto waa khatar weyn oo mustaqbalka fog iyo kan dhowba dhaawac u gaysan karta sumcadda iyo karaamadda reer Puntland. Sidaas darteed koox iyo shaqsiyaad rabitaankooda khaaska ah waa inaan loo siyaasadayn mustaqbalka ummadda.

Ugu danbayn Xisbiga hanti-wadaaga islaamka ku dhisan hogaankiisa mid sare iyo mid dhexe iyo xubnihiisa guud wxay si ay xamaasadi ku dheehantahay ugu hambalyaynayaa shacabka soomaliyeed meel kastoo ay joogaanba in lagu guulaystay markii koobaad muddo labaatan sano ah inaan yelano xukuumad u qalanta shacabka soomaaliyeed oo ah shacab leh taariikh iyo ilbaxnimo guun ah. Wuxuu kaloo Xisbigu si adag ugula dardaarmayaa xukuumadda iyo hogaamiyaheeda mudane Faramaajo inay si daacad ah ugu shaqeeyaan ummadda oo ayna cidna ugu alaakoodin maslaxadda iyo danaha ummadda, isla markaasna ayna dhag jalaq u siin akeekanka kuwa danaha gaarka ah leh. ”Nin lagu seexdoow ha seexan xilbaad siddaa ha seexan”

Mubarak Xoosh

mubarakwarsame@hotmail.com>




Members Photos Advertisement

English News
Today's News 25-February-2010
Somali Journalist tortured at Bossaso town in Puntland (Read more) 25-Feb-2010

Somali Premier updates American Ambassador in Nairobi (Read more) 25-Feb-2010

EU to step up operation against pirates (Read more) 25-Feb-2010

SOCHRO- is LNOG- Organization standing the child rights protection (Read more) 25-Feb-2010

Today's News 24-February-2010
Amnesty International is calling for the immediate release of a Somali radio journalist (Read more) 24-Feb-2010

IFJ Calls for the Release of Radio Journalist in Somalia (Read more) 24-Feb-2010

District Officer killed at Mudug region in central Somalia (Read more) 24-Feb-2010

“We can protect our waters from all intruders” says Admiral Farah Qare (Read more) 24-Feb-2010

Interview with the pirate's leader holding the British couple (Read more) 24-Feb-2010

A Russian national captured stealing a young Somali girl (Read more) 24-Feb-2010

Russian Pacific Fleet task force departs on anti-piracy mission (Read more) 24-Feb-2010

Today's News 23-February-2010
The censure from Al-Shabab is baseless says Hizbul-Islam (Read more) 23-Feb-2010

Somali government is free from recent combats in Dhobley (Read more) 23-Feb-2010

Somali President appeals for additional support (Read more) 23-Feb-2010

President Farole of Puntland urges his citizens to unite for security (Read more) 23-Feb-2010

Opinion: Iran, Israel’s Naval Bases, Somaliland’s Recognition: Port Berbera—Bargaining Chip (Read more) 23-Feb-2010

Today's News 22-February-2010
Al-Shabaab arrests Radio Journalist in Southern Somalia (Read more) 22-Feb-2010

Al-Shabab arrests a journalist in the lower Shabelle region in Somalia (Read more) 22-Feb-2010

No surrender to Al-Shabab say displaced government officials (Read more) 22-Feb-2010

Puntland authority says it has foiled explosion attacks (Read more) 22-Feb-2010

Somali legislators detained at Jigjiga town in Ethiopia (Read more) 22-Feb-2010

Amanda Lindhout speaks publicly for first time since kidnapping (Read more) 22-Feb-2010

FSNAU Nutrition Technical Series Report for the Deyr ’09/10 season (Read more) 22-Feb-2010

Today's News 20-February-2010
Leaving from a peace to a war (Read more) 20-Feb-2010

Götenborg Initiativet: Politisk orientering (Read more) 19-Feb-2010

”Svenskarna vet inte mycket om oss somalier. Vi måste berätta vilka vi är.” (Read more) 19-Feb-2010

Selling itself cheap: Was Ahlu Sunnah also after position? (Read more) 19-Feb-2010

Al -shabab militant group attacked a cinema in Madina district in Moagadishu (Read more) 19-Feb-2010

Today's News 18-February-2010

Two perished in burring explosive device in the ground (Read more) 18-Feb-2010

Today's News 17-February-2010
Somali Pirates reject to release the Chandlers’ (Read more) 17-Feb-2010

Somaliland authority extradite a Somali lady to Ethiopia (Read more) 17-Feb-2010

Ethiopia opens fifth camp for Somali refugees (Read more) 17-Feb-2010

Today's News 16-February-2010
Ahlu-Sunnah Waljama Clerics criticize yesterday’s explosions in Mogadishu (Read more) 16-Feb-2010

WFP convoy is marooned at Lasanod town in Sool region (Read more) 16-Feb-2010

Somali ambassador to Kenya tours Somali Refuge camps in Kenya (Read more) 16-Feb-2010

Weekly Humanitarian Bulletin 5 -12 Feb (Read more) 16-Feb-2010

UN Humanitarian Coordinator for Somalia gravely concerned about the latest civilian casualties and displacement in Mogadishu (Read more) 16-Feb-2010

 

English News
Today's News 15-February-2010
Twin explosions in a densely populated area in Mogadishu (Read more) 15-Feb-2010 

Over 120 police officers leave for Somalia (Read more) 15-Feb-2010

Uganda to send fresh troops to Somalia (Read more) 15-Feb-2010

Today's News 14-February-2010
Fishermen in Eyl district complain of foreign vessels (Read more) 14-Feb-2010

“Pirates in Somalia are Violated” Justice and Constitution Minister (Read more) 14-Feb-2010

Government says Islamists maneuvers will have no effect on them (Read more) 14-Feb-2010

Ahlu-Sunnah Waljama’s fighters’ apprehend 20 people (Read more) 14-Feb-2010

UK Somalis rally behind pirates' British hostages (Read more) 14-Feb-2010

Today's News 13-February-2010
Somalia’s Sports and Youth Minister died in KSA (Read more) 13-Feb-2010

EU to start training of 2,000 Somali troops in Uganda in May  (Read more) 13-Feb-2010

Today's News 11-February-2010
Government urges Humanitarian Agencies to help needy Somalis (Read more) 11-Feb-2010

A new Battalion of Al-Shabab reaches Mogadishu (Read more) 11-Feb-2010

AU spokesman says no explosion from Al-Shabab (Read more) 11-Feb-2010

Islamist send warning signal to Kenya (Read more) 11-Feb-2010

Kayd Somali arts and Culture: upcoming events (Read more) 11-Feb-2010

Wardere plans bid for Kline seat (Read more) 11-Feb-2010

Press release: U.S. Raises Funds for Banadir University (Read more) 11-Feb-2010

Today's News 05-February-2010
Somali Government intends to shutdown several Embassies (Read more) 05-Feb-2010

Galmudug state authority says bilateral talks with Puntland state positive (Read more) 05-Feb-2010

Burundi peacekeepers go on trial for Somali mutiny (Read more) 05-Feb-2010

Today's News 03-February-2010
Ferocious fire in Mogadishu wipes out millions worth of properties (Read more) 03-Feb-2010

Somali bloodshed killed 258 civilians in Jan: UN (Read more) 03-Feb-2010

Kenya tightens security on porous Somalia border (Read more) 03-Feb-2010

Today's News 02-February-2010

كلمة رئيس الجمهورية الصومالية شريف الشيخ أحمد أمام مؤتمر قمة الإتحاد الإفريقي
(Read more) 02-Feb-2010

Hizbul-Islam detains 4 traditional elders (Read more) 02-Feb-2010

Baladweyn airstrip resumes flights (Read more) 02-Feb-2010

Prominent figure in Hizbul-Islam snubs amalgamation between Islamists (Read more) 02-Feb-2010

Somalia pirates release Greek cargo ship (Read more) 02-Feb-2010

Today's News 01-February-2010
Al-Shabab warns Djibouti not to deploy troops in Somalia (Read more) 01-Feb-2010

African Union says Somalia being ignored (Read more) 01-Feb-2010

British hostages: We're being badly treated (Read more) 01-Feb-2010

Spain Calls for Action on Somalia, Discusses Hostages (Read more) 01-Feb-2010

Today's News 31-January-2010
Protest against FGM staged in Abud Waq district (Read more) 31-Jan-2010

Education officer slain in Puntland state overnight (Read more) 31-Jan-2010

Three died in fierce combat in Bula-Hawo district (Read more) 31-Jan-2010

Pres Kibaki calls for UN involvement (Read more) 31-Jan-2010

 

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)