Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
Shiikh Shariif wuxuu ku guuleystay inuu si nabdoon ku xaqiijiyo hadafkii ay u dirirayeen oo ahaa in Itoobiyaanku uu ka baxo wadaanka

Haddii uu Shiikh Shariif qaatay go’aanka uu dhinac ugu turayay dadka dushooda lagu dagaalamayo, dhinaca kalena uu ku guuleystay inuu si nabdoon ku xaqiijiyo hadafkii ay u dirirayeen oo ahaa in Itoobiyaanku ay ka bado wadankii yaa diidan maslaaxadii uumada?

Marka dib loo eego sida ay wax uga dhacayeen Soomaaliya iyo heerka ay taagneyd colaada jirta waxay aheyd arrin aan la filan karin in la gaaro heshiis deg-deg ah oo soo celin kara rajadii dhimatay ee aheyd in Soomaaliya mar kale ay dib ugu soo laabato nabaddii iyo kala dambeyntii.

Ma aheyn dhaqan siyaasadeed oo Soomaaliya lagu yaqiinay in dowlad iyo mucaarad hubeysan o la diriraya ay heshiis isla gaari karaan, waxaana muuqatay in biseyl siyaasadeed iyo daacadnimo ay kusoo korortay madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan Raysal Wasaare Nuur Cade oo tan iyo markii uu qabtay xilka xafiiska uuna ka quusan inuu is-faham nabadeed la gaari karo mucaaradka hubeysan ee degenaanshaha u diiday dowladiisa taagta daran, isagoo haddii nabad lagu helayo ay xitaa ka gaartay heer uu mucaaradka u yabooho kursigiisa, balse arrintaasi ma aaney shaqeyseen haddii aanu hogaamiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta iyo saaxiibadiisa howsha la wada aaney la imaanin tanaasulka taariikhda galay ee aan abid laga maqlin jabhadaha hubeysan ee Soomaaliya soo maray, taasoo ka dhigan in Shiikh Shariif waqtigii ku haboonaa uu albaabka u garaacay dhanka nabadda, isagoo ogolaaday inuu soo gaabiyo dagaal uu habeenkii uu ka carayay caasimadda Muqdisho inuu socon doono labaatan sanno, tan iyo inta uu ka guuleysanayo Itoobiyaanka dalka qabsaday.

Shaki kuma jiro in Shiikh Shariif iyo xubnaha uu hogaanka u yahay ay qiimeeyeen in maxsuulka ama natiijada dagaal ay sii wadaan uu yahay mid dhibaatadda jirta kusii laba jibaaraya dadka Soomaaliyeed, adiguba isweydii haddii sanadkii hore oo keliya ay dagaaladii dhacay ay galaafteen nolosha dad lagu qiyaasay lix illaa toddaba kun, inta dhiman karta sanadkan oo haatan kala bar maraya, hantida ku baabi laheyd iyo barakacayaasha cusub ee ku biiri lahaa kuwii hore ee gaajada iyo hoy la’aantu heysato ee tiradooda lagu sheego iney halka milyan kor usii dhaafayaan.

Haddii uu Shiikh Shariif qaatay go’aanka uu dhinac ugu turayay dadka dushooda lagu dagaalamayo, dhinaca kalena uu ku guuleystay inuu si nabdoon ku xaqiijiyo hadafkii ay u dirirayeen oo ahaa in Itoobiyaanku ay ka baxaan Soomaaliya, weliba waqti xadidan oo leh marqaatiyaal caalami ah, maxay tahay ayaa leys weydiin karaa ujeedada iyo hadafka dahsoon ee ay leeyihiin qolooyinka doortay in aaney xabaddu istaagin ee weliba dadka dhexdooda hoobiyaha ka tuuraya?

Haddii labada cusbitaal ee ugu waa weyn Muqdisho illaa bishii May ee sanadkan la dhigay illaa kun iyo shan boqol oo dhaawac ah, sida ay Qaramadda Midoobay ku cadeysay warbixinteedii ugu dambeysay, hadii sicir bararka jira uu marayo meeshii ugu sareysay oo ganacsatadii ay nabadgelyo la’aan dalka uga carareen, hadii beerihii la falan kari waayay nabadgelyo xumo awgeed, haddii ay dooman sida boqolaal tahriibayaal Soomaali ah oo ka cararay dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay meydkooda ay dul sabeynayaan xeebaha Yemen iyo tan u dhaxeysa Libiya iyo Talyaanga oo misana ay kumanaan kale ku xeran yihiin xabsiyada dalal badan oo Afrika ku yaala, maxay tahay cudur-daarka ay dadka u hayaan kooxda Al-Shabab oo ay ku leeyihiin waan sii wadeynaa dagaalka, haddii aaney dantooda ka gelin ma dan Soomaaliyeed ayaa ku jirta iney diidaan rajada mar kale usoo bidhaameysa dadka Soomaaliyeed?

Hadda mar-marsiimadii waa ay soo dhamaatay, Itoobiyaankuna wuu baxayaa boqol maalmood kadib, caalamkuna wuxuu cod dheer ku taageeray heshiiskii lagu gaaray Jabuuti, marka ma waxaynu ayidnaa fursadan mar kale albaabka usoo garaacday Soomaalida, mise Al-Shabaab ayaan ka sugnaa mar-marsiimo kale oo ay daaalka kusii baneystaan oo aah ka aheyn midda ay hadda sheegayaan oo ah iney dagaalka sii wadayaan, isla markaana ay caalamka tusinayaan in aaney jirin cid xabadda joojin karta, koley kama sugeyno iney soo bandhigaan ujeedooyinkooda dahsoon

suhaad arlaadi <arlaadi@live.se>

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)