News from Somalia in Somali |
Al-Shabaab oo
laba weji kula dhaqma shacabka Soomaliyeed.
Hanbalyo
Al-Shabaab oo laba weji kula dhaqma shacabka Soomaliyeed.
Tan iyo intii soo baxeen kooxaha ku bahoobey maxkamadaha Islaamka
waxaa jireytuhun ah sida talada dalka iyo xukunka dowlada loo wada
qeybsan lahaa iyadoo sihoose loogu dabaqayo qabiilada ay ka kooban
yihiin maxkamadahaas.
Magaalada Muqdisho bartimihii sanadkii 2006 beel
walba maxkamad islaami oo gaar ah ayay laheyd, markii gacanta lagu
dhigey Muqdishu oo dhiigyacabyadii wadanka isbaarada u taaley laga
eryey, waxaa soo baxday in koox hal beel ama laba ah ku koobanto
talada ururkaas. Iyadoo taasi jirto ayaa ururka maxkamadaha waxaa
ku soo
biirey isla burcadii ay la dagaalamayeen iyadoo aan wax shuruud
ah lagu xirin.
Taas li
ajligeeda maxkadaha oo horeyba weji qabiil ku joogey gobolka Shabeelaha
Hoose ayaawaxaa loo maara waayey in dhibaatadii dadka Shabeelaha
hoose u geesteen laga abaal mariyo balso abaal marinta waxaa la
siiyey fidna wadkii gobolka isaga iyo
mooryaantiisa xooga ku heystey.
Waana tan sababtey in MMI-dii sidii subag qorax la
dhigey u dhalaasho ka dib markii isla fidnawayaashii loo ogolaadey
iney idaacada ka hadlaan iyagoo arimahooda qaaska ah fushanaya.
Caalamka waxa uu arkay in awooda MMI-da six un loo isticmaali doono,
qatarna ku sii noqon doonto degenaanshaha gobolka geeska Afrika.
Waa tan keentey
in caalamaka oo dhan u midoobaan in MMI-da cagta ay mariyaan Ethiopia
iyo USA.
Horey ayaa fashilka gudaha ee MMI-da uga hadleen qoryaal Somaali
iyo ajnebi leh iyo weliba isla hogaanka dhexdiisa. Marka ma rabo
sida cudadooda loo wiiqey iyo waxyaabihi teel-teelka u qaldamay.
Al-Shabaab oo horey gooni u aheyd ayna ahyd cududa
ugu weyneyd ee isla MMI-da ayaa burburkii guud ka dib bilowdey iney
dagaalo ma joogsadaan ah ku qaadaan ciidanka Itoobiyaanka taasna
sababtey in kooxihii kale ee MMI-da ku jirey iyagana neefta ku soo
noqoto.
Al-Shabaab waxay dhowr jeer qabsadeen magaalooyin tiro badan marka
laga reebo Baydhabo, iyo Kismayo oo ay xiriir leehiyiin kooxada
heysata. Waxayna dileen boqolaal ka trisan ciidanka DKM iyo weliba
shaqaale shibil ah oo qaarkood weli la soo shaqeeyey MMI-da.
Wejiyada ay magaalooyinka qaar ku galeen ayaa kala duwan, markii
ay galeen magaalooyinka Buurhakaba, Diinsoor, Qanasax Dheere, Beledweyne,
Buuloburde, Balcad iyo Jawhar waxa dileen shaqaale iyo shaqsiyaad
u shaqeeya booliiska degaanadaas, wixii xarumahaas yiileyna waa
ay bililiqeysteen sida warbaahinta
Somalida qoreen.
Wejiga ay ku galeen dhowaantan magaalada Baardheere
waa ay ka duwan yihiin wejigii hore, waayo waxay la kulmeen maamulka
magaaladas, khudbanda waa ay u jeediyeen shacabka magaaladas. Suaashu
waxay tahay waa maxay sababta
maamulka Baardheere oo la ogyahay iney ku bahawdey qolo xoog ku
heystay 16kii sano ee la soo dhaafey in ula dhaqmaan sidii lamaaanahoooda
oo kale, halka kuwa deegaanada kalena la laayo dadkooda, haba ugu
dambeysee saraakiisha lagu laayey
Manaas?
Waa maxay sababta Cusmaan Caato oo la ogyhay inuu
qandaraas ka qaadan jirey CIA-da ay iska sii daayaan halka xubnaha
nabadraadinta ee aan ka tirsanayna dowlada la laayo sida Sheekh
Ibrahim Yalale iyo Eng. Kulmiye?, Waa maxay sababta ay qabsan waayaan
Shabeelaha Hoose waaba hadii ay dowlad ka taliso, oo ugu hanqal
taagaan Baydhabo?
Miyeysan jawaabta cadeyneyso in Al-Shabaab weli wataan wejigii Dooxada
Jubba eey ku bahaboon labo jufo oo looga maara waayey iney nabad
qaataan? Jawaabtu waa
haa.
Balse hadii Abuu Mansuur oo isagu deegaan ahaan ka soo jeeda Xudur,
horeynamarag uga ahaa falgaboodkii loo geystey shacabka degaankaas
oo ay u geesteen isla xubnaha hada ugu firfircoon MMI-da mar uu
Luuq u fadhiyey jihaad aan u jeedo
lahayn, uu shacabka soomaalida ee aragtidan aqrsinaya uu jawaabo
u haayo dhaliisha halkan ka soo jeediyey ha u soo bandhigey.
Waxaan macquul ahyn in la jihaad lagu micneeyo mid dulimiilaha u
hiiliya, dulamanahana dil muteystaan. Taasi waxaa cadeyn kugu filan
sida Bare Hiiraale isaga dhex mushaaxo Kismayo, Cusmaan Caatona
wadada Baydhabo iyo Muqdisho, halka culimada waaweyn ee Baydhabo
guryahooda lagu bilqiyo.
Hadii Abuu Mansuur wax jawaab ah u heysnin suaalaha aan korey
ku xusey waxaa cadaaneysa in Al-Shabaab laba weji kula dhaqmaan
shacabka mid waa dhulboob heyb qabiil ku dhisan oo aan Abuu Mansuur
uusan ka warheyn amaba iska mala awaalinayo,
midna waa mid ay isaga daacad ka tahay in Itoobiyanka iyo wixii
soo raaca la dagaalamo, balse saaxibidiisa ay ulajeedo gurcan ka
leeyihiin.
Shacabka degaanadas marba sidii ay rabaan ka yeelan kooxo marba
shaar gooni ah soo gashta waxaa la gudboon iney miisaamaan siyaasada
gurucan ay Al-Shabaab ka wadaan degaanadooda, ayna ka baaraan degaan
talaabadii ay ka qaadi lahayeen,
waayo siyaasad qabiileed oo shaar kale loo soo geliyey cidin taageeri
meyso.Abuu Mansuurna waxaan leehayay isaga har jihaad aad dadkaaga
kula jirto ee u amba qaad tubta nabada adigoo eegaya dhibaatada
heysata shacabkaaga iyo siyaasada gurcan ay wataan xubnaha kula
jaalka ah. Dhalinyarta aad dagaalka micna darada ah
ee aad ku leyseen Idaale iyo Moode Moode intaas hakuugu ekaato,
kuwa hada kula joogana ku dadaal sidii mustaqbal toosan oo ay dadkooda
wax ka duwan xabada wax
ugu qaban lahaayeen. Waayo dhibta aad ku heysaan dadkiina dad kalaa
dheef u ah.
Wabilahi Tawfiiq.
A Nuur Isgoow.
isgoowe@gmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|