News from Somalia in Somali |
DIGNIIN:
Dhibaatooyin Cusub oo soo foodsaaray Somalida usocdaasha dalka Malaysia
Dalka Malaysia oo kamid ahaa wadamada farakutiriska
ah ee sidawacan utixgeliya muwaadhiniinta Somalida ayaa maalmahan
waxaa ay Somali aad ufaradan kalakulmeen Kuala Lumpur International
Airport dhibaatooyin aad ufarabadan oo ay kamid yihiin in Somalida
isla Airporka diblooga soo celiyo oo Somaliya iyo meeshii ay ka
kalayimaadeen lagusoo celiyo.
Wadanka Malaysia oo si gaar ah ugu warhayey dagaalka
sokeeye iyo xaaladda qasan ee Somaliya kajirta ayaa waxeey muwaadhiniinta
Somalida utixgelin jireen una soo dhaweyn jireen si aad ixtiraam
kujira oo lamid ah amaba kafiican sida dadyowga kale ee dunida kale
kasoo baqoola loola dhaqmo oo kale, Sikastaba waxaa soo ifbaxay
waxii kasoo ifbixijiray meelkasto oo Somalida raadkooda kubato ee
ahaa isku dhaxyaac, sharci lagutunto, iyaga oo si raxan raxan ah
loo safro iyada oo laga yaabo 10 ruux oo isla safraya midna uusan
luqadda English kacaawin Karin kuwo kale, iyaga oo waxbadan kaqaldanyiihin
ayey waxeey kasoo dagaan Airporka Malaysia, waxyabaha kaqaldan waxaa
kamid ah:
" Dadka dalxiis marka ay yihiin waxaa laga
doonayaa in Tickit ka uu 2 way yahay oo aad ticket kada noqoshada
kuu xajisan yahay, mudada kuuxajisan ticket ka bil uusan kabadneyn
maxaa yeelay, muwaadhiniinta Somalida waxaa loo ogolyahay marka
aydalxis wadankan kusoo galayan muddo bil ah ( Social Visa).
" Waa in ad Yellow fever book soo sameysataa muddo 12 cisho
kahor marka aad wadanka Malaysia soo galeyso, iskana hubisaa in
Buugaas yellow ga si sax ah meelaha muhiimka ah ee saxiixa iyo passport
numberka buuxbuuxinta ubaahan loo soo buuxiyaa. Haddii kale maalmo
ayaad Airporka kujireysaa.
" Waa in lacag gacan qabsi ah oo macquul ku ah qof dalxiis
usocda in uu kunoolaado oo Hotel iyo cunno iyo Transportation, iyo
rixladaha yar yare aad usocota kugu filnaan karto waa in aan gacanta
kusidataa, lacagta wax ugo'an ma alahan laakiin hal ama laba usbuuc
oo dalxiis wadankan Malaysia uguyaraan waa $1600 dolar iyo waxkabadan
waa in aad sidataa. Lacgtaan cidna lama siinaya, kaliya haddii lagu
su'aallo ayaad ushegeysaa in aad wadato.
" Mararka qaar waxaa laga yaabaa in lagu dhaho halkee ayaad
kudageysaa Hotel degan ah, waa in jawaabteeda diyaar kuu ahaataa
ama Hotel ki iyo addresskisa ama qofmesha degan oo aad addresskisa
wadato
" In qofka nimanka Immigration waxa kuweydinayaan ugu jawabto
oo ay kuu fahman in aad dalxiis kusocoto, waa mushkilada Soomalida
luqadda Englishka kahaysata ee ugu ba'an
" In aad umuuq egtahay qof dalxiis usocda, majiro muuqaal ugo'an
dadka dalxiis ka ah, laakiin waxaan ulajeedaa in aad yaranidaam
san tahay, labiskada iyo muuqada isku tosan yahay, oo aan dadka
kale ama shaqalaha immigration muuqaada kayaqyaqsoneyn.
" Intaas korkuxusan oo qof dalxiis ah lagarabo, ayaa Somalida
in ay kasoo kala tagaan, ayaa waxaa sii dheer iskudhexyaac iyo dadwada
shakisan gabi ahaan, oo aad mooddo dad wax soo xaday, luqadda Englishkii
aqoonin, muuqaal aad uqaab daran oo kamuqato rafaad fara badan iyo
gaajo. Waxaa intaas sii dheer dad waayeelo ah, dhalin yaro wada
teenage ah, labis xun, oo xitaa qaarkood shaarka ganuusyada ufuran
yihiin oo ay dhacday nimanki Counterka immigration in ay dhahen
maalin malmaha kamid"This not the way to travel, take care!!!"
" Passporada ay Somalida kusafrayaan oo qaarkood in ay wax
kaqaldameen oo qalin lagu tirtiray, sido kale, Somali group dhowr
iyo toban ah oo safkii ay kujiraan iskubuuqay, qaar kamid ah oo
lareebay oo lawareystay oo luqaddii fahmi waayey, laweydiiyey waxa
ay usocdaa yana jawaabi waayey oo dib looceliyey.
" Waxyabaha cajiibka leh ee kudhacay dadka Somalida ee Socdaalka
kuyimid ayaa waxaa kamid ahaa in taksiilayasha ay dadkan sida ba'an
ujahawarersan ku charge gareyen taksi fare ka Airporka ilaa caasimadda
Kuala Lumpur lacag aan macquul ahayn ee saa'id ka ah inta dadka
lagu keeno, tusaale ahaan, dadka qaar ayaa waxaa laga qaaday min
Airporka ilaa caasimadda $ 1000 dollar, meesha uu tax fare uu ka
yahay $30 dollar oo kaliya, qaar ayaa laga qaatay $ 500 dollar-
ardaygaas aniga ayaa lakulmay oo uu iishegay, intaas iyo waxyaba
kale oo kanaxdin badan.
" Waxyabaha hadda soo ifbaxay oo dhibka ugu badan ee dadka
in laceliyo sababayo waxaa kamid ah in dad Somali ah nimanka Counterka
Immigration jooga marka ay wareysanayen uqaatay in lacelin rabo
markasna ubalan qaaden in lacag laaluush ah bixinayan dadkaas oo
laga qaaday lacag $800 dolar ah, wixii markii kadanbeyey raggii
waxey sameyen dhibato ah in dadka Somalida si gaar ah u targatgareeyan
oo safarka kuciririyan, arintii ayaa la ogaday in Somalida laalush
bixiyan arintiina weysiicakiray.
" Sidoo kale, waxaa dhib keenay marka hal qof oo Somali ah
lagu celiyo Airporka, islamarkaas waxa airporka wacayo oo laxirirayo
qofwalba oo qarabada ama saaxiib la ahaa ama lasocday in uu qofkaas
imaanayey, oo waxey Immigration kaladoodayaan iyaga oo ay luqaddooda
English ka ah aad uliidato Why qofkas loogu diiday in uu soo galo
? Why you keep our friend in the Airport? iyo su'aallo kale oo qaabkaas
udhigan oo kale, oo ay u arkeen nimanka Immigration su'aallo rude
ah ileen iyaga immigration luqad problem in uu qofkan haysto ma
ufahamsanee, sidoo kale halkii qof dhowr iyo toban baa udoodaya,
nimankii Immigration in ay yaabeen bey waxeey kudhehen dadka Somalida
wax aan idiinka aqbaleyno malahan dhamaantiin waan idiinla soconaa
Agents dadkan lacag kasoo qaato ayaa tihiin oo waxaad wadanka Malaysia
keentaan Somalida, dadkan dhanna waan wada deport gareyneynaa.
Gabagabaddii waxaan dhamaan muwaadhiniin Somaliyeed ee usoo safraya
iyaga ama saaxibadood ama qarabadooda ama qof ay isgaranayaan dalkan
Malaysia, waxaan kulatalinayaa in dalxiiskii wadanka Malaysia lagu
soo galayey adkaatay oo dad aad ufarabadan lagaceliyey qaar farabadan
oo kalena dhibato kala kulmeen oo ay walikusuganyihiin Airporka
dhexdiisa.
Fadlan yeysan lacag idiinka qasaarin oo siwacan
iskaga hubiya shurudaha layska rabo in aad kusoo safartaan, midda
kale waxaan rabaa in aan halkaan kusheego arimaha dadka lagu soo
qaldo ee halkaan loo yimaado waxa kajira iyo waxa aan wax ba kajirin,
waana sidaan hoos kuxusan:
" Malaysia waxaa loo imankaraa qofkii waxbarasho
doonayo, waxeyna leedahay Jamacaddo iyo Colleges wax laga barankaro
" Malaysia waxaa kalo oo loo imaadaa arimo caafimaad, oo dad
meelo kale loogu waayey viiso in wadankan Somalida ufuran u imaadan,
kuna daweystan kana nodaan
" Sidoo kale dad Somali ah oo arimo ganacsi u imaado, ama kagasiigudbo
China, Thailand, ama Indonusia oo halkan Viisa kaqato, waa wax laxirira
arimo ganacsi
Intaas kor kuxusan waa wax loo imankaro oona lagahelikaro, laakiin
dadka badankood ee hadda kusoo jabay wadankan Malaysia waxaa lagu
soo qaldaa in Malaysia lagasii jeexo (dibadda laga sii gallo Europe,
Australia and America etc).
Waxaa lagu dhahaa in UN ka aqballo oo lagac lagusiiyo
oo line aad ufudud yahay, waxaas wax kajiro malahan UN ka meeshan
cid uu lacag uqoro malahan, xitaa qaadida dadka wax sahlan oo laysku
qaadayo ma ahan, 5 tii sano ee lasoo dhafay dadka laqaday 10 to
15 magaarayan ama maba kabadno, dadka waxey joogaan iyaga oo ka
register gareysan 5 sanno walina jawaab haysan, wax dad kusoo qaldama
oo bilo laysku kaxeyo ama lacag layskusiyo ma ahan ee yaanan arimahaas
lagu soo qaldamid, dad badan ayaa sidaa kuyimid in badan oo kamid
ahna wey kalabten Malaysia kadib markii qarashki nolosha ay aad
ugu adkatay waxkasta oo loo soo shegayna sida ay filayen noqonweyday.
Sidoo kale sicirka nolosha oo aad ukacay awgeed
dad farabadan ayaa qiyaastii ay ka haysteen kunoolaan wayey halkan
oo isaga hayaamay, marka dadbadan weysoo galan wadankan Malaysia,
qaarkalena weykaqusten oo wey iskaga laabtaan.
Sidoo kale, wadankan Malaysia qofka haduu uu yimaada
waa in uu si sharci ah kujoogaa haddii kale noloshada ciriiri ayaad
galeysaa, wuu kaduwanyahay sida wadamada carabta ah sida Masar,
oo mar haddii aad gudaha gasho sharci darro lagujoogikaro arintaasna
dadbadan ayaa kusoo qaldamayey oo sidaa loogu so sheekeyey kana
shalayey kamadanbeyntiii.
Walalaha muwadhiniinta Somaliyeed fadlan gaarsiiya
dadka kale ee usoo boqolaya wadankan Malaysia sawirka dhabta ah
ee kajira wadankan, si aynu ugu caawinno midka lasoo qaldaya, fadlan
una shega in aan wax lacag ah oo laaluush ah lagu bixinin Airporka
waa arin Qatar ah oo sumcaddeena iyo dadnimadenna dhib ukeneysa.
Maqaalkan waxaan ugu tiragalay in aan ku iftiimiyo
xaladda dhabta ah iyo dhibkan cusub ee kusoo saa'idey dadka Somalida
Malaysia usoo safra.
Wabilaahi Towfiiq.
By: Mohamud Abdirahman
Kuala Lumpur, Malaysia
E-mail: amakii@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” < |