News from Somalia in Somali |
Soo Gar Bax ama Garowso:
Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed
Yaa loo aqoonsanyahay Aabaha miisaanka maansada
Soomaaliyeed? Ma Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mise Cabdillaahi
Diiriye Guuleed (Carraaale)? Muranka su´aashaas ka taagani
waa mid hadda dad badani u dhegataagayaan si ay jawaabta saxan ugu
hubsadaan meel adag. Aniga ayaa ka mid ah dadka u hanqal iyo dhegoba
taagaya jawaabtaas. Haddaba YAAN JAWAABTAA KA HELI KARAA??
Maxaa looga Bartay Soomaalida, Murankan oo kale? Waxa aan arkayey
laba aqoonyahan oo aniga hortay mawduucan wax ka qoray, una arkayey
arrin ugub ah in Soomaalidu halabuurka isku qabsato. Taas waan deedafaynayaa.
Waxan leeyahay Soomaalidu si weyn ayey isugu qabsataa halabuurka.
Laakiin halabuurku weli ma hantiyoobin Soomaalida dhexdeeda. Taas
ayaa keentay in murankan xoog loo sii danayn waayo. Haddiise darajooyin
la isugu toli lahaa ama duunyo laga maali lahaa, waxad maqli lahayd;
dagaal ka dhashay gabay ama halabuur la kala dhacay. Haddii aad
gabay dhaadhi tahay waxad hubaashii maqashay gabayo fara badan oo
dad kala duwan loo tiirinayo, haddiiba aad gabayadaas u nisbayso
cidda aad u taqaanno na, dad kale ayey kariirta kaga dhegaysaa.
Bal adigaba aan ku waydiiyee yaad u taqaannaa in ay tiriyeen gabayadan
soo soocda:
Gabay 1aad: Qabqab dhaafay bay laba qabiil qaran ku
waydaaye
Gabay 2aad: Muslin aan islaam kugu dhaqayn muuminnimo
khaas ah, Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama
IYO Heestan : Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada
eey. Hadba kiina taag daraneey, taageera weligiineey
Shaki kama jiro in aad qaarkood maqashay muranka ka jira. Ta ugu
dambaysa oo ah heesta qaranka ee ay Soomaalidu si qiiro leh ugu
bururto marka la qaadayo, waxa lagu kala sheegaa ilaa saddex qof.
Waa Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, Cali Mire Cawaale iyo Qaasim Hilowle.
Ugu yaraan laba ka mid ah saddexdaas abwaan waabay ka hadleen lahaanshahooda
halabuurkaas. Qaasim Hilowlena waxa u hadashay gabadhii uu dhalay
ee Faadumo Qaasin.
Beri dhaweyd xaflad aan ka qayb galay waxa ka hadlayey aqoonyahan
uu dhalay Cai Mire Cawaale oo lagu magacaabo Eng Maxamed Cali Mire.
Aqoonyahanku wuxu hadalkiisii ku soo daray, codsi ah in aanu la
qaadno heestii aabihii Mire Cawaale sameeyey 50 sano ka hor, waa
siduu hadalka u dhigaye. Markaas ayaanu la wada jiibinay; Soomaaliyeeeeey
Toosoo, toosoo isku tiirsada eeeeeeeey. Wakhti kaas kasii dambeeyeyna
waxan akhriyey buug ay qortay aqoonyahanad uu dhalay Yuusuf Xaaji
Aadan oo ay aabeheed kaga taariikhaynayso. Waa Foosiya Yuusuf Xaaji
Aadane, iyaduna sidoo kale ayey u xustay taariikhda xiisaha leh
ee aabeheed ka curiyey heestaas guubaabada ah; Soomaaliyeey toosoo,
toosoo isku tiirsada eeey.
Murankaasi cidna kama daahna ayaan filayaa. Laakiin ma
jirto cid ka gar naqday iyo cid xeerar ka dejisay toona. Waayo?
Dee Soomaalida umaba cadda sababta gar iyo hawlo la isu gelinayo,
iyada oo ay jiraan xeerar fudud oo qadiim ah oo qof waliba u madax
bannaanyahay turjumiddooda. Xeerarkaasi waxa ay yihiin:
XEERKA 1AAD WAA: In aad sax u haysato wixii
aad hore u maqashay ama u taqaannay. Wax alla wixii aad gadaal ka
ogaataa waa bar kuma taal. Ninkii aad ka maqashaa waa: Iska hadloow
Ina Igarre. 114ka Quraanka ayaan aqaanna iyo waa haddii aan kaa
akhristo oo loogu jawaabaa.
XEERKA 2AAD WAA: Haddii hal abuur lagu murmo cidda iska leh,
waxa aad eegaysaa labada muranku ka dhexeeyo, qofka ku xiga abtirsiin
ahaan. Markaa isaga ayaad u aqoonsanaysaa qofka halabuurkan xaqa
u leh. Kuwa kale waa dhac doon iyo wax aan la aqbali karin.
Sow sidaasi xal sahlan maaha?. Dabcan way u muuqan kartaa.
Laakiin waa dhib weyn oo haysta hal abuurka Soomaaliyeed. Haddii
aan wax laga beddelinna jahawareer ku ridi kara dadka caadiga ah.
Waxa ay ahayd in la dejiyo xeerar lagu kala saaro hal abuureyaasha,
wixii la kala saari kari waayan, loo aqoonsado hanti umadeed oo
aan qof gaar ahi lahayn. Haddii ay taasi aanay hore u dhiicin haddaba
talada ha lagu darsado.
Qaddiyaddan miisaanka maansaduna ha noqoto tijaabo
ilaa Hadda iyo Ogaalkayga Muranka Miisaanka
In ay maansada Soomaaliyeed leedahay miisaan lagu cabbiri karo waa
mid aan weligayba dareensanaa laakiin ma ogayn wixii ka horreeyey
2002 wax daraasad ah oo lagu sameeyey daahfurka miisaankaas. Sanadkii
2004 waxa i soo galay buugga macalin CARRAALE ee wata ciwaanka mawduucan
ee ah:Miisaanka maansada Soomaaliyeed. Si xiiso leh
ayaan u akhriyey. Wuxu iila muuqday mid xambaarsan aqoon xeeldheer
oo aan la qiyaasi karin. Laakiin akhriska, fahanka iyo dib u xasuusashada
nuxurka buuggu waa mid adag oo lagu caajisayo. Waan jeclaan lahaa
in aan helo qoraallo u dhigan hab kale oo sahaalo iigu duxi kara.
Taas macneheedu ma aha in aanan waxbaba ka faa´iidin buuggan
isaga ah. Wax badan ayaan ka faa´iidaystay -Alla i lehe-.
Wakhti dambe oo taariikhdu ahayd 2005 ayaan nasiib u yeeshay in
aan la kulmo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo socdaal ku marayey
waddamada Yurub qaarkood. Halkaas ayaan ka ogaaday in muran ka taaganyahay
qofkii ama ciddii daahfurtay Miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Gaarriye waxa uu ka cabanayey nin Carraale la yidhaahdo oo iska
sheegtay; hindise iyo halabuur uu Gaarriye gaar u lahaa. Ninkaas
Gaarriye ka cawday ee abwaanka bililiqaystay- waa sidii hadalka
Gaarriye laga fahmi karayey eh- waan gartay oo waa ninkii aan dhawaanta
akhriyey buuggiisa. Hindisaha la sheegayana gartay oo waa isla kan
buuggaasi u qoranyahay.
Waxa kale oo uu Gaarriye xusay maalmaaas laba nin oo markhaatiyo
kala duwan arinkaas ka furay. Mid ahaani markhaati beenaale ayuu
furay oo waxbuu qarribay markii uu daahfurka miisaanka maansada
u tiiriyey Carraale iyo Gaarriye si isku mid ah. Ninka kalena wuxu
furay markhaati ilaahay oo waxbuu hagaajiyey markii uu daahfurkaasi
u keli yeelay Gaarriye. Labadaas nin waxa ay kala yihiin Johnsson
Heello iyo Martin Owen. Waa laba nin oo ka dhashay qabaa´isha
laandheeraha ah ee cadcad oo weedhooda awrk lagu kacsan karo amaba
carqalad lagala kulmi karo, haba ahaadeen af-barad ah aan dhalad
ahayne. Inta dambe waa faallo aan loo dhammayne garo.
Waagaas laga soo bilaabo waxa aan si weyn ugu baraarugay muranka
ka aloosan qaddiyaddan. Habase ahaatee uma banbixin dabagalkeeda.
Waxaabad i mooddaa in aan sugayey cid kale oo jawaabta saxda ah
ka soo baaraandegta oo ii soo hadiyadaysa daraasad hufan oo aan
hawl iiga baahnayn.
Mudduci iyo Muddaacale: Meeshaas ama hadalkaygaas hore waxa ka muuqda
qof cid kale wax ka tabanaya oo mudduci ah iyo qof wax
laga tabanayo oo muddaacale ah. Mudducigu halkan wuxu
noqonayaa Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye muddaacaluhuna
waa Cabdillaahi Diiriye Guuleed Carraale. Waxa la isku
haystaa waa; Yaa helay ama daahfuray miisaanka maansada Soomaaliyeed?
Si loo kala saaro labadan halabuure ee weliba macalimiinta ah, waxa
loo baahanayaa:
Xeerbeegti/guurti
Xeer ilaaliyeyaal
Qareenno
Caddaymo
Iyo Markhaati yaal
Xeerbeegtii:
Maadaadaama aanay jirin gole xeerbeegti ah oo u
xilsaaran xannaanaynta hal abuurka suugaanta iyo afka hooyo, waxa
lagama maar maan ah in ay xilkaas dusha u ridtaan dhammaan bahda
hal abuurayaasha iyo suugaanlayda Soomaaliyeed ee ay doodani soo
gaadho.
Xeer IlaaliyeyaaL:
Xeer ilaaliye waa qofka ciddii xeerka
jebisa ama lagu eedeeyo in uu xeer jebiyey dacwad ku soo ooga ama
maxkamadda soo taaga si xukun loogu rido ama isu difaaco. Halkan
waxa ku habboon, bahda saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed
oo leh aqoontii ay hal abuureyaasha ku qodqodi lahaayeen iyo awooddii
ay ku soo bandhigi lahaayeen waxa la doon doonayo.
Qareenno:
Doodani kama fursanayno qareenno u hadla labadan
hal abuuure ee is haysta. Maxaa yeelay qaddiyaddoodana dhinac walba
kama eegi karaan oo tooda ayuun baa u caddaan karta. Marna nimanku
waa odayaal waxana laga yaabaa in ay odayaasha ku adkaato adeegsiga
qalabka casriga ah ee kombuyuutarka iyo internetka. Markaa qareenno,
afhayeenno u noqda labadan hal abuure waa lagama maarmaan. Waxaana
ku habboon in ay qareenno inoo metelaan dadka durbaba mawqif cad
ka yeeshay mawduucan.
Caddaymo:
Labadan hal abuure ee Gaarriye iyo Carraale
iyo qareennadoodaba waxa looga baahanyey in ay badka soo dhigaan
caddaymo la taaban karo oo raadraac leh. Taasi waxa ay xeerbeegtida
u sahli doontaa in ay xukunka saxda ah ridaan.
Markhatiyaal:
Sida caadiga ah markhaatiyadu waxa ay ka mid yihiin
waxyaalaha lagu kala saaro muranka. Laakiin mawduuca kani, uma baahno
wax markhaati ah oo dheer caddaymaha qoran. Haa, waa loo baahanyey
markhaatiga haddii uu soo bandhigayo caddayn la aamini karo. Haddii
kale caddaymaha uun baa inagu filan.
Halkee Wax Marayaan Ilaa Hadda Sida aaan soo sheegayba, wuxu soo
ifbaxay muranka miisaanka maansada Soomaaliyeed wakhti dhaweyd oo
ku siman soo bixidda faaftay ee buugga Macalin Carraale 2003. Abwaan
Gaarriye ayaa goleyaal badan ka xusay lahaanshihiisa daahfurka
miisaanka maansada Soomaaliyeed iyo in uu halabuurkaas ku
qabsaday nin lagu magacaabo Carraale. Inta aan kala socdo is qabsigan
waa intaas, wayse dhici kartaa in horeba ay labada abwaan isu maandhaafeen,
laakiin ay markan uun shacabka caadiga ahi ogaadeen. Carraale isaga
wax juuq ah waa laga waayey.
Muddo yar ka bacdi oo ku siman 2006, waxa soo baxay maqaal ciwaankiisu
ahaa Ku maa ah Aabaha Miisaanka Maansada Soomaaaliyeed:
Ma Carraale Mise Gaaarriye?
Qoraalkan waxa qoray Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo). Af Soomaali
hufan iyo farshaxannimo heer sare ah iyo weliba cilmi-baadhis caddaymo
wadata ayuu ku lafa guray mawduuca murankan. Wuxu soo bandhigay
caddaymo ku siman 1976 oo ah markii ugu horraysay ee uu Gaarriye
mawdduucan ka hadlo, isaga oo hab maqaallo ah ugu soo bandhigay
wargeyskii Xiddgta oktoobar. Isla wargeyskaa waxa kale oo uu ka
soo xigtay markii ugu horraysay ee macalin Carraale isla mawdduucaas
ku soo bandhigo Xiddigta oktoobar oo ahayd 1978. Qoraal dhaxalgal
ah ayuu Barwaaqo halkaas ku soo bandhigay. Laakiin marka aad wax
yar uun ka gudubto bogga koowaad, waxa kuu caddaanaysa jawaabta
uu soo wado qoraagu.
Waxa ka muuqata qanacsanaan iyo kalsooni 100% ah in aabaha
miisaanka maansada Soomaaliyeed yahay Maxamed Xaashi Dhamac
(Gaarriye). Waxa ka muuqata la yaab weyn oo uu u qabo macalin Carraale-han
sheeganaya daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed. Xiitaa wuxu
qalad u haystaa in uu Carraale buuggiisa u bixiyey magaca uu u bixiyey.
Wuxu yidhi Cabdiraxaan Barwaaqo: Haddaba inuu Brof. Carraale
u bixiyo buuggiisa ladhka ah: Miisaanka maansada Soomaaliyeed, waa
gef weyn oo laga galay Gaarriye. Mar kale wuxu ku nuuxnuuxsanayaa
in ay tahay Gardarro aan geedna loogu soo gabban, haddii Gaarriye
lagala masuugo ahaanshaha: aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Marka aad si weyn u dhuuxdo qoraalka Cabdiraxmaan Barwaaqo, waxa
inoo caddaanaya in aynu helnay qareen wax ku ool ah oo labada hal
abuure mid ahaan u soo baxay. Taasi waa sidii la rabay Marraa
waaxid. Marka aad ka dheregto tabashadii Gaarriye iyo tafatirka
qareen Barwaaqo, waxay indhahaagu eegayaan dhinaca macalin Carraale
adiga oo leh: AMA SOO GAR BAX AMA GAARRIYE U QIR
.
Laga bilaabo markaa wuxu Carraale noqday mid laga dhawrayo caddaaladda
horteeda si uu isu barraxo. Macalin Carraale juuq iyo jaaqba waa
laga waayey. Laga yaabee in uu hoos hoos uga hadlay mawduucan, laakiin
war debedda u soo baxay lama arag. Dabadeed xeer ilaaliyaha mawdduucan
oo ah saxaafadda ayaa askartiisa u diray baadigoobka macalin Carraale.
Waa la soo helay waxaana lala yeeshay waraysigii ugu horreeyey.
Bogga internetka ee WardheerNews ayaa Carraale la yeeshay waraysi
taariikhi ah oo uu Carraale ku difaacay lahaanshihiisa xuquuqda
daahfurka miisaanka maansada Soomaaliyeed. Wuxu umadda ku wargeliyey
in ka hor intii aanu Gaarriye waxba ku qorin joornaalkii Xiddigta
oktobar 1976, uu isagu mawdduucan buug dhan ka soo saaray. Buuggaas
waxa iibsatay jaamacaddii umadda ayuu ku warramay Carraale, isaga
oo magaca buuggana ku sheegay GORFAYNTA GABAYGA. Buuggan
koowaad wuxu ku koobnaa miisaanka gabayga iyo xeerarkiisa laakiin
sanadkii 1977 ayuu Carraale soo saaray sida uu waraysiga ku sheegay
buugga kale ee MIISAANKA MAANSADA SOOMAALIYEED oo isagana
ay ka iibsatay jaamacaddii umaddu. Buuggan dambe wuxu daboolayaa
dhammaan noocyada maansada Soomaaliyeed iyo miisaankooda. Qoraallada
taxanaha ah ee ku soo baxay Xiddigta oktoobar 1978 waxa aan ka soo
qaadanayey buugga miisaanka maansada, ayuu yidhi macalinku.
Gabagabayn iyo Gunaanad Haddii aynu markii hore Gaarriye
ku sheegnay mudduciga kiiskan oo muddaacalehuna ahaa Carraale, isdifaaca
dambe ee Carraale wuxu noqonayaa mudduci-gawrac. Haddii ay caddaato
in macalin Carraale soo saaray buuggiisa Gorfaynta gabayga
ka har maqaalkii Gaarriye ee ugu horreeyey 1976, isla markaana uu
kaga hadlay miisaanka gabayga, markaa dacwaddii Gaarriye way jabaysaa.
Haddii ay caddaato in Carraale buug dhan soo saaray bilowgii 1976,
waxa loo qaadanayaa in uu buuggaasi ka dhashay shaqo wakhti dheer
soo socotay, waanu ka qiimo weynaanayaa maqaallo joornaal ku soo
baxay. Taasi waxa ay Carraale ka dhigi doontaa; Aabaha miisaanka
maansada Soomaaliyeed. Laakiin weli kubbaddu waxa ay taallaa dhinaca
macalin Carraale. Isaga ayaana laga sugayaa caddaynta. Dhinaca Gaarriye
iyo qareenkiisa wax loogu noqdaa ma yaallaan. Haddii Carraale ama
ciddii isu xilsaarta qareennimadiisa ay keeni waayaan caddaynta
buuggaas la sheegay, waxa taariikhda daahfurka miisaanka maansada
laga soo bilaabayaa axaddii 17ka jeenawari 1976 oo ku beegan maalintii
uu soo baxay maqaalkii ugu horreeyey ee Gaarriye. Isaga ayaana loo
aqoonsanayaa; aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed.
Maxamed Xirsi Guuleed
Email:abdibashir@hotmail.com
Posted By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|