News from Somalia in Somali |
Safarkii Madaxweynaha
Somaliland uu ku tegay dalka Jabuuti !
"Jabuuti waad dal aynu walaalo nahay,inaynu
xidhiidh wanagsan la yeelanana waa arin aad u muhiim ah",sidaa
waxaa tidhi Casha Maxamed oo ah hooyo dukaan yar ku haysata magaalada
Hargeysa"
"Jabuuti waxaa degan dad aynu wada dhalanay
,waxaynu nahay deris,mana ahayn in Jabuuti Cabdillahi Yusuf iyo
Cade Muuse inooga dhereeyaan" sidaa waxaa yidhi Cali Yuusuf-oo
ah nin darawal wada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee Hargeysa
"
"Jabuuti inagaa dayacnay mana ahayn "
sidaa waxa yidhi Maxamed Cabdi oo ah arday dhigta aamacada Hargeysa"
Erayadaa waxaan ka soo dhex xulay warbixin dheer
oo aan ka diyaariyey siyaasada arimaha dibada ee Somaliland mar
aan dhowaan Hargeysa booqday.
Hadii aan u soo noqdo dooda ku saabsan safarka Madaxweynaha
Somaliland uu dhowaan ku tegay dalka Jabuuti, waxaan qabaa in ay
dhowr arimood mid uun salka ku hayso,arimahaasna waxaa ugu muhiimsan
kuwan:-
Mar waxaan is idhi Madaxweynaha iyo Dowlada jabuuti
waxay ku farxeen erayo dhowaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland
,mar uu ka hadlaayey weerarkii dhowaan Eritrea ku soo qaaday dalka
Jabuuti.
Marna waxaan is idhi arintu waxay salka ku haysaa
ololaha Doorashooyinkii dib loo dhigay ,safarkuna wuxuu qayb ka
yahay sidii shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti
looga soo dhaadhicin lahaa, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhinac
kasta Doorashooyinka ka dhici doona Somaliland 2009.
Marna waxaa is idhi Somaliland iyo Jabuuti ayaa
isu soo xiisooday ,sababtoo ah awelba waa iska jiri jirtay in laysu
yimaado Guddiyana waa la wada sameyn jiray ,mudo yar ka dibna xuudada
waa la kala xidhan jiray.
Marna waxaan is idhi walaaleheen Jabuuti waxay inooga
baahan yihiin hiil,oo waxay raadinayaan xulafo dagaal oo ay iskaga
difacaan ciidamada Eritrea soo dhoobtay xuduuda ay la leedahay Jabuuti.
Mar waxaan is idhi Madaxweynaha Jabuuti ayaa shaqo
ka dhigtay u yeedhyeedhista madaxda Somaaliyeed,oo arintuba waa
iska masruuc iyo iska sheekaysi aan sidaa u sii weynayn.
Marna waxaan aad iyo aad ula yaabay,waxa isku soo
beegay booqashada Madaxweynaha Somaliland Md.Dahir Riyaalle iyo
xilligan oo shir Soomaliyeed ka socday,kana socon doono dalka Jabuuti,waxaan
kaloo layaabay waxaa Jabuuti dhowaan iyana yimid Cabdullahi Yusuf,Nuur
Cade, Cade Muuse iyo weliba Maxaakiimtii .
Hadal iyo dhamaan arimahaas iyo qaar kaleba waxay
ka mid yihiin waxyaabihii maskaxdayda ku soo dhacay ,markaan maqlay
booqashada aan la sii shaacin ee Madaxweynaha Somaliland Md.Dahir
Riyaalle ku tegay dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti,waxaanse hubaa
in wixii lagu wada hadlay ay sheegi doonaan kuwa la socda Madaxweynaha
sababtoo ah Hargeysa ma jiraan wax qarsooni.
Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|