Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
DastuurkaJamhuuriyada Dimoqraadiga
Soomaaliya 1979


Gogoldhigga Dastuurka

Shacbiga Somaaliyeed wadajir iyo midnimo ugu halgamaya nolol sharaf
leh & sinaan Aadanimo ee qaayo leh dagaalna ugu jira xasiloonida iyo
nabaddda joogtada ah gudaha iyo dibedaba, si uu u fuliyo himilooyinka
Waaweeyn ee Kacaankiisa midnimada ummadiisa, hirgelinta dhismaha Hantiwadaagg si uu u gaaro bulsho ku dhisan Cadaalad, Sinaan iyo
Dimoqraadiyad ijtimaaci ah ee qofkeedu gaaray garad sare tiro iyo tayaba ahaanba, una adkeeyo tiirarka Kacaankiisa iyo Gobanimadiisa qiimaha
weyn ugu fadhiya ,dabadeedna u gaaro horumar degdeg siyaasadeed
dhaqaale iyo Bulshaba wuxuu go,aan ku gaaray inuu qaato Dastuurkan
saldhig u noqon doona halganka horumarinta Bulashada Soomaaliyeed,
nabad isku noolaashada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga Ummadada Adduunyweynha,gaar ahaan kuwa ay dantoodu si gaar ah isugu
xirmi karto.


Qaybta kowaad
Mabaadii'i guud
Xubinta Kowaaad
Jamhuuriyada
Qodobka 1aad
( Qaranka Soomaaliyed )

1.Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa Qaran
Hantiwadaaga ah oo ay hogaaminayso dabaqadda xoog-
Satada ah waana qayb ka mid ah Ummadda Carabta iyo
Shucuubta Africa.

2.Awooda oo dhan waxaa leh wuxuuna ugu isticmaalayaa
isagoo adeegsanaya hay'adiisa masila

Qod. 2aad
( Calanka Astaanta iyo Magaalomadax )

1.Calanka Qaranka midabkiisu waa Buluug furan muuqaalkii-
suna Waa laydi ay dhexda kaga taal Xiddig cad oo Shan
geesley ah, Madaxyo siman leh

2.Astaanta Somaaliyeed waxay ka koobantahay Gaashaan
Buluug ah oo leh Xaddiyad Dahabiya dhexdana ku leh
Xiddig Shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh,Gaashaa-
nka dushiisa waxaa ku yaala Rukumo Carbeed oo xardhan
lehna shan madax oo Dahabiya oo labada geesaha ku
yaalli ay kala qaaranyihiin,hareeraha waxaa ka haya labo
Shabeel oo dabiici ah isuna tusmaysan, kuna kala taagan
Labo waran oo isku weydaaranaya caarada hoose ee
Gaashaanka, ayna weheliyaan Labo Caleen cawlbaar oo
Dabiici ah,diilin cadina ay ku qafaalantahay.

3. Magaalo Madaxda Jamhuuriyada Dimoqraadiga
Soomaaliya waa Muqdisho ( Xamar )


Qod. 3aad
( Diinta iyo Afka )

1 Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka

2. Af Soomaaligu waa afka kaliya ee Shacbiga Soomaaliyeed
ku wada hadlo iskuna wada garto,Afka Carabiguna waa afka
Shacbiga Soomaaliyeed waana midka ku xiriiriya Ummada
Carbeed oo uu ka midka yahay, Labadubana waa Afafka
rasmiga ah ee Jamuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya


Qod.4aad

( Midnimada Shacbiga Soomaaliyed )

1. Shacbiga Soomaaliyeed waa Shacbi mid ah Jinsiyada
Soomaaliyeed waa mid qura (kaliya )

2. Sharciga ayaa xaddidaya sida lagu helayo ama lagu
waayayo Jinsiyadda Soomaaliyeed

Qod.5aad

( Dhulka Qaranka )

1.Dhulka Qaranku waa muqadis waxay koobaysaa .Berriga
Jasiiradaha, Biyaha Goboleed, Dhulka uurkiisa hoose
hawada sare iyo Xeebaleyda.

Qod. 6aad
( Sinaanta Muwaaddinimiinta )

Muwadiniinta oo dhan, iyagoon loo eegin lab iyo dhedig
Diin, Dhalasho iyo af toona, xuquuqda iyo waajibaadka
way u simanyihiin sharciga hortiisa.



Xubinta Labaad
Xisbiga

Qod.7aad

(Awooda iyo Hogaanka Xisbiga)

1. Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed waa
Midka qur ah ee ka jira Dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga
Soomaliya lamana abuuri karo Xisbi kale ama Urrur
Siyaasi ah.

2. Xisbiga hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa leh
awooda ugu sareysa ee Hogaaminta Siyaasadda dhaqaalaha
iyo Bulshada Jamhuuriyada Dimoqradiga Soomaaliya

Qod. 8aad

( Midnimada Hogaanka Dalka )

Hogaaminta Dalku waxay ku dhisan tahay Midnimada
hogaanka siyaasaded ee Xisbiga iyo kan Qaranka


Qod.9aad

( Doodaha ,Go,aanka iyo Fulinta )

1. Hay,adaha Siyaasadeed ee la doortaa waxay ka shaqeynayaan
heer kasta oo ay yihiin mabda'a Wadarta Doodaha. aqlabiyada
go'aanka iyo u wadajirka fulinta.

2. Hay'adaha Xisbiga Dhexdoodaa, mabda'aasi wuxuu furayaa
aragti, dareen iyo doonis mideysan iyo isku duubni shaqo



Qod. 10aad
( Iskaabidka Waajibaadka Xisbiga iyo Qaranka )
Hay,adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranku waxay qabanayaan
hawlaha mid kasta ah ee sharciyadu tilmaamayaan iyagoo
u maraya Jidad kala duwan, si ay u gaaraan ujeedo mid ah


1. Abaabulka siyaasadeed ee Dalku wuxuu ku dhisanyahay
iskaabida waajibaadka hay'adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranka
sida sharciyada ay ku dhisan yihiin tilmaamayaan.

Qod. 11aad
( Xeerka Xisbiga )
Qaabka dhismaha haya'adaha Xisbiga iyo shaqadooda waxaa
caddeynaya xeerka Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaliyeed.

Qod. 12aad
( Ururrada Bulshada )

1. Qaranku wuxuu jideynayaa dhismaha ururro Bulsho oo ka
kooban Shaqaale, Iskaa-shatooyin, Dhalinyaro & Haween

2. Ururrada Bulshadu waxay u dhismayaan heer Qaran
heer Degaan, heer wax soo sar iyo xarun waxbarsho

3. Dhismaha, xeerarka iyo Barnamijyad agaar ahaaneed ee
Ururrada Bulshadu waa inay waafaqsanadaan danaha
guud ee Dadweynaha, Dastuurka ,Xeerka iyo barnaamijka
Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaliyeed.


Qod. 13aad
(Awooda iyo waajibaadka Ururrada Bulshada )
Ururrada Bulshada waxay ka qaybgalayaa,si waafaqsan
waajibaadka Xeerarkooda gaar ahaaneed u xilsaarayaan
hogaaminta arrimaha Qaranka iyo Bulshada, iyo xalinta
arrimaha la xiriira siyaasadadhaqaalaha Bulshada iyo
dhaqanka

Qod. 14aad
( Dimoqraadiyada iyo Gudoonka dhexe )
Abaabulka iyo hawlaha Xisbiga iyo Xisbiga Qarankaba
waxaa saldhig u ah mabda'a Dimoqraadiyada Gudoonka
dhexe.

Xubinta. 3aad
( Siyaasadda Dibedda )

Qod. 15aad
( Mabda'a Aayakatalinta )
1.Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaliya waxay aaminsan-
atahay Mabda'a aaya ka talinta Dadyowga Adduunka,
waxayna si buuxda u taageeraysaa dhaqdhaqaaqyada goba-
nimadoonka iyo dhamaan dadyowga u halgamaya xornimad-
dooda iyo Madaxbanaanidooda.

2.Waxay si adag uga soo horjeedaa gumaysiga ,Gumaysiga
cusub imeryaalida caalamiga ah iyo Midabtakoorka

Qod. 16aad
( Dalalka Soomaaliyed ee la gumaysto )

Jamhuuriyad Dimoqraadiga Soomaaliya iyadoo ku istic-
maalaysa dariiq nabadgelyo iyo qaanuun,waxay taageer-
aysaa xoreynta Dalalka Soomaaliyed ee weli ku jirra gaca-
nta Gumaysiga.waxayna soo dhaweynaysaa midowga
Shacbiga Soomaaliyeed ee ku yimaad dariiq nabadeed
Iyo rabitaanka Dadka ay khuseyso.

Qod. 17aad
( Siyasaasada dhexdhexaadka iyo Nabad-kuwada noolaanshaha )

1. Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya waxay ku soconay-
saa siyaasada dhexdhexaadka wax ku oolka ah

2. waxay si buuxda u aqoonsantahay mabda'a kuwada noolaa-
nshada Dadyowga Aduunka



Qod. 18aad
( Siyaasada wax-wada qabsiga )
Jamhuuriyada Dimoqraadiga soomaaliya waxay horumarinay-
saa siyaasadda wax wada qabsiga Dadyowga iyo Qaramada
Adduunka ee ku dhisan kala faa'iidaysiga ,sinaanta iyo xurme-
ynta, Gobonimada iyo habka siyaasadeed ee qola kasta u
Gaarka ah.
Qod. 19aad
( Qaanuunka dawliga ah )

Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaliya waxay aqoonsatahay
Baaqa Calamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga iyo Qaanuunka
Dawliga ah ee guud ahaan la aqonsanyahay.

Qaybta.Labaad

Xuquuqda , Xoriyaadka iyo Wajibaadka
Asaasiga ah ee Muwaadinka iyo Qofka

Qod. 20aad
Xuquuqda siyaasiga,Dhaqaalaha,
Bulshada, iyo Hidaha

Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo
hawlaha Siyasadeed,dhaqaale,bulsho iyo Hiddahaba
si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda.

Qod. 21aad
( Xaqa Shaqada )

1.Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay Shaqo
Shaqadu waa waajib ,sharaf iyo saldhiga Bulshada
Hantiwadaaga ah

2.Qaranku wuxuu hurumarinaya abuurista goobo shaqo
si loo xaqiijiyo xaqa Muwaadinka ee shaqo

Qod. 22aad
( Xaqa Doorashada )
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu
tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto
lana doorto


Qod. 23aad
( Xaqa Tacliinta )

Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay tacliin
lacag la'aan ah.

Qod. 24aad

( Xoriyadda banaanbaxa,faafinta qoraalada iyo ra'yiga )

1.Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu ka qayb galo
kulan,banaanbax ama abaabulkooda.

2.Wuxuu kaloo Muwaadinku xor u yahay daabacaada
qoraallada, hadalka iyo bandhiga ra'yigiisa si kastaba
haku muujiyee

3..Ku isticmaalka xorriyadaha ku qoran lambarka 1aad
iyo 2aad ee qodobkan waa inaysan ka hor iman
Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, anshaxa guud iyo
xasiloonida Dalka,waxna u dhimin Xoriyadda muw-
adiniinta kale.

Qod. 25aad

( xaqa nolosha iyo Nabad gelelinta Qofka )

1.Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa iyo nabadgelinta
qofnimadiisa

2.Sharciga ayaa tilmaamaya xaaladaha qofku ku muteysan karo
ciqaab dil.


Qod. 26aad

( Xorriyadda Qofnimo )

1.Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyadiisa shakhsiga ah

2. Qofna lama xiri karo ,xorriyadiisa qofnimo ciriiri lama gelin
karo hadii aan loogu imaan isagoo denbi faraha kula jira ama
aan lagu qaban amar ka soo baxay Hay'adaha garsoorka ee
awooda sharciyeed u leh, iyadoo la raacayo habka Sharcigu
tilmaamayo

3.Qofkii nabad sugid awgeed loo xiro waa in si degdeg ah loo
horgeeyo Hay'adaha Garsoorka ee awooda Sharciyeed u leh
dembiga loo haysto, muddada Sharcigu farayo dhexdeeda

4.Qof kasta ee xoriyaddiisa shakhsi ah laga qaado waa isla mark-
iiba la ogaysiiyaa dembiga lagu tuhunsanyahay.

5.Qofna shakhsi ahaan looma baari karo hadii aysan jirin shuruu-
Daha ku tilmaaman lambarka 2aad ee Qodobkan ama shuruud-
cda ku saabsan arrimaha la xiriira Garsoorka,Caafimaadka iyo
Maaliyada ama nabadgelyo awgeed, iyadoo markaas la raacayo
habka sharcigu tilmaamayo, lana dhowrayo sharafka iyo
xurmada qofka.

Qod.27aad

(Nabadgelinta qofka xorriyadiis shakhsiga ah laga qaado )

1.Qofka xoriyaddiisa shakhsi laga qaado looma gaysan karo
Waxyeelo jirkiisa ama niyadiisa (moraalkiisa )
2.Ciqaabta jirku waa mabnuuc




Qod.28aad

( Lahaashaha gaar ahaneed )

1.Lahaanshaha gaar ahaneed waa la damaana qaadayaa Shar-
ciga ayaana xadddidaya dariiqada lagu kaabi karo ama lagu
waayi karo,nuxurkeda iyo xuduuddeeda isticmaalkeda si loo
ilaaliyo doorka Bulshada ee ay leedahay

2.Isticmaalka lahaanshaha gaar ahaaned waa in uusan marnaba . wax u dhimin danta guud ee Bulshada,waana in uusan ka hor
imaan ujeedooyina Kacaanka.

3. Lahaanshaha gaar ahaaned waxaa lagula wareegi kara dan
Guud gebi ahaanted ama si ku meel gaar ah.iyadoo qofkii
lahaa la siinayo Cawilcelin munaasib ah

Qod. 29aad

( Xurmada Hoyga )

Qofna Gurigiisa ama meeshii kale isaga u gaar ah lama
geli karo, hadii ayna jiirin shuruudaha hoos ku xusan
Lambarka 2aad iyo 5aad ee Qodobka 26aad

Qod. 30aad

( Xoriyadda isgariinta )

Qarsoodig warqadaha iyo waxyaalaha kale ee war isgaar-
siinta la xiriira lama fara gelin karo, hadii aysan jirin
Shuruudaha Sharcigu tlmaamayo.

Qod. 31aad
( Xoriyadda Diinta )

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu rumeeyo
Diinta ama Caqiidadii kale ee uu aaminsanyahay.

Qod. 32aad
( Xaqa dacwada iyo is difaaca )

1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacawad sharciga
Waafaqsan ka furto Maxkamadda awooda leh.

2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu iska difaaco Max-
Kamadda horteeda.

3. Xaalada sharcigu tilmaamayo,Qaranku wuxuu kafaalo
qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la'aan ah

Qod. 33aad

( Mas'uuliyadda Ciqaabta )

1. Mas'uuliyadda ciqaabtu waa Shakhsi.

2. Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay Qof aan embi gelin
Ilaa maxkamadi si kama dambeys ah ugu caddeyso dem-
biga loo haysto .

Qod. 34aad

( Dib u noqosho laáanta Sharciga Ciqaabta )

Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay sharcigu
dembi uusan u aqoonsanayn, sida aan loogu xukumi karin
ciqaab aan sharciga ku xusnayn.



Qod. 35aad
Isucelinta eedeysanaha ama dembiilaha iyo
magangelyada Siyaasadeed

1. Jamhuuriyadda dimpqraadiga Soomaaliya dib waa u celin
kartaa Qof dembi ka soo galey Dalkiisa ama dal kale oo
ku soo cararay Dalka Soomaaliyeed, hadii uu jiro heshiis
dhexmaray Qaranka iyo kan soo weydiistay celinta Eedays-
anaha ama Dembiilha.

2. Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaalya waxy siin kartaa
xaq magangelyo siyaasadeed Qofkii uga soo carara Dalkiisa
ama Dal kale cadaadin siyasadeed awgeed, iasagoo u
halgamaya daryeelka danaha Dadweynaha, xuquuqda
Aadamiga ama nabadgelyo.


Qod. 36aad
( Ilaalinta Hantida guud
Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo xoojinta
danaha guud.

Qod. 37aad
( Ka qayb galka kobcinta Dhaqaalaha Dalka )

Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu ka qayb qaato
Dhaqaalaha,Dalka, bixinta cashuuraadka iyo ka qayb-
galka kharashka Qaranka si waafaqasan awoodiisa
iyo shuruucda Dalka

Qod. 38aad
( Difaaca Dalka Hooyo )
Difaaaca Dalka Hooyo iyo adkaynta midnimada
Shacabka Soomaaliyeed waa waajib muqadas ah
oo saaran Muwaadin kasta.

Qod. 39aad
Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu si daacad ah
u dhowro Dastuurka iyo shuruucda Qaranka


Qaybta Saddexaad
Saldhiga dhaqan dhaqaale
Xubinta Koowaad
( Dhaqaalaha )

Qod. 40aad
( Horuumarinta Dhaqaalaha )

1.Qaranku wuxuu horuumarinayaa dhaqaalaha Dalka iyo
kordhinta wax soo saarka isla markana wuxuu xaqiijin-
ayaa in si caddaalad ah dadweynaha wax loogu qaybsho

2.Si loo dedejiyo horumarinta Dalka, Qaranku wuxuu
Dhiiri galinyaa mabda'a Iskaa wax u qabso.

Qod. 41aad
( Qaybaha Dhaqaalaha )

Dhaqaalaha Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya
wuxuu ka kooban yahay qaybaha soo socda

Qaybta Hantida Qaranka:
oo ah horseedka horuumarinta dhaqaalaha Dalka
lehna mudnaan gaar ah

Qaybta Hantida Iskaashatooyinka :
oo lagu horuumarinayo Dhaqaalha Xubnaha Iskaashatooy-
inka , isla markaana lagu kobciyo dhaqaalaha guud ee Dalka
Qarankuna qorshaheeda iyo horuumarinteeda ka qayb galo

Qaybta Hantida gaar ahaaneed :
oo ah lahaansho gaar ahaneed ee aan ku dhisnayn
isku dul noolaasho

Qaybta Hantida isku Dhafka ha:
oo ah Hanti ay wada leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed & cid kale





Qod. 42aad

( Khayraadka Dhulka iyo Badda )

1.Dhulka, khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa Badda iyo Berrigaba
waa Hanti Qaran

2.Sida ugu haboon oo khayraadkaas looga faa'iidaysanayo
Qaranka ayaa Sharci ku habeynaya

Qod. 43aad

( Qorshaha Dhaqaalaha )

1. Dhaqaalaha dalku wuxuu ku dhisanyahay qorshe Qaran
ee Hantiwadaaga ah

2. Qorshuhu wuxuu leeyahay awood Sharci oo ka sareysa tan
Shuruucda kale.

3. Waxaa jiraysa hay'ad sare ee qorshaha Qaranka, Sharciga
ayaana tilmaamaya qaabka dhismaheeda, waajibaadkeeda
iyo awoodeeda

Qod. 44aad

( Ganacsiga Dibedda iyo Gudaha )

Qaranku wuxuu hogaaminayaa ganacsiga dibedda iyo gudaha
isagoo ku hirgelinaya horuumarinta dhaqaalaha Dalka

Qod. 45aad

( Ilaalinta Lacagta )

Qaranku wuxuu habeynayaa nidaamka Maalliyadda ee Dalka,
wuxuuna Sharci ku goynayaa Cashuuraha.


Xubinta Labaad
Horuumarinta Tacliinta iyo Cilmiga
Qod. 46aad
( Tacliinta )
1.Qaranku wuxuu mudnaan gaar ah siinayaa horumarinta
balaarinta, iyo faa'iidayntaTacliinta iyo Cilmiga wuxuuna
Tacliinta u arkaa maalgelinta ugu haboon ee kaalinta ugu
weyn ka qaadanaysa horuumarinta Dhaqaalaha & Bulshada
Soomaaliyeed.

2.Tacliinta Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya
waa mid u danaynaysa dabaqadda xoogsada ah.
kuna habysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee
Bulshada Soomaaliyeed

3.Tacliinta farsamada iyo xirfaddu waxya leeyihiin mudnaanta
koowaad.
Qod. 47aad
( Tacliinta Khasabka ah )
Jamhuuriyadda Dimqraadiga Soomaaliya Tacliintu waa
Lacag la'aan, waan khasab ilaa Dugsiga dhexe.

Qod. 48aad
( Ciribtirka Jahliga )
Ciribtirka qoris iyo akhris la'aanta iyo waxbarashada Dadka
waaweyn waa waajib Ummadeed, waana in Dadweynaha iyo
Qarankaba awooda la isugu geeyaa fulinta waajibkaas.

Qod. 49aad
( Horuumarinta Cilmiga iyo adabka )
1.Qaranku wuxuu horuumarinayaa Cilmiga iyo adabka wuxuu-
na dhiiri galinayaa hindisaha cilmiga iyo adabka
2. Xaquuqda qoraalka iyo hindisaha sharci ayaa habeynaya

Qod. 50aad
( Dhalinyarada iyo isbooriga )
Si dhalinyarada loogu xaqiijiyo kortaanka jir & maskaxeed
ee caafimaad qaba, barbaarintooda iyo garadkooda siyaasa-
deedna kor loogu qaado, Qaranku wuxuu ahmiyad gaar ah
siinayaa horuumarinta & dhiirigelinta cayaaraha jirka & isb


Xubinta Saddexaad
Dhaqanka iyo Daryeelka Bulshada

Qod. 51aad
( Horuumarinta Hiddaha iyo dhaqanka )

1.Qaranka wuxuu horuumarinayaa hiddaha iyo dhaqanka horuus-
ocodka ah ee Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo isla markaa laga
faa'iidaysanayo aqoonta Caalamiga ah ee Bulshada Aadamiga

2.Wuxuu dhiiri gelinayaa Fanka, Suugaanta iyo Ciyaaraha waddan-
iga ah ee Dadweynaha

3.wuxuu ilaalinayaa,daryeelaya. Waxyaabaha horuumarinta Taa-
riikhiga ah ee Dalka.

Qod. 52aad
( Caadooyinka Bulshada )
Qarnku uxuu dhowrayaa caadooyinka hagaagsan, wuxuuna Bul-
shada ka xoreynayaa caadooyinka haraaga ah, iyo kuwa laga
dhaxley gumaysiga, gaar ahaan Qabiilka, eexda gobolaysiga iwm

Qod. 53aad
( Xannaanadda dhalaanka )
Qaranku wuxuu horuumarinayaa guryaha xannaanada Caruurta
& xarumaha dhallinta Kacaanka.

Qod. 54aad
( Horuumarinta Miyiga )
Qaranku wuxuu xoojinyaa barnaamijka joogtaynta ololaha
horuumarinta Reer Miyiga si loo tirtiro Jahliga laysuguna
soo dhaweeyo nolosha reer Miyiga iyo reer Magaalka.

Qod. 55aad
( Caafimaadka )
Qaranku, isagoo fulinaya Siyaasadda daryeelka Caafimaadka
guud , wuxuu xoojinayaa ka hortaga Cudurrada faafa,daryeelka
nadaafadda guud iyo daaweynta lacag la'aanta ah.


Qod. 56aad

( Daryeelka Qoyska )


1. Qaranku wuxuu daryeelayaa Qoyska isagoo u arkaya aasa-
aaska Bulshada.wuxuuna taakulaynayaa Hooyada iyo ilmaha

2. Qaranku wuxuu iska xilsarayaa xannaanada nadaafada,carru-
urta aan Waalidkood la aqoon iyo Dadka Duqooba, hadayna
lahayn cid kale oo xannaanaysa.

3. Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa Carruurta waalidkood
ku geeriyooday Difaaca Dalka

Qod.57aad
( Shaqada iyo Shaqalaha )


1.Qaranku wuxuu dhowrayaa, horuumarinayaana shaqada iyo
noocyadeeda kala duwan

2. Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, da'da ugu
ugu yar ee shaqada loo qaadan karo waa 15 sanno.

3. Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin , iyadoo aan sina loo kala
soocin Mushar u dhigma hawsha ay qabtaan iyo qiimaheeda.

4.Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin nasaho Toddobaad iyo
fasax Sannadeed.

5.Sharcigu wuxuu xaddidayaa saacadaha , shaqada, habka
Dadka loo qaadan karo shaqooyinka qarkood.

Qod. 58aad

( Qiimaynta Shaqada )

Qiimaynta Shaqada Qaranku wuxuu ku dabaqayaa mabda'a
Qof kasta inta ay kartidiisu le egtahay inuu qabto
Qof kastana inta ay shaqadiisu le'egtahay inuu qaato


Qod. 59aad

( Taakulaynta iyo badbaaddinta Bulshada )

Qaranku wuxuu horuumarinayaa habka Taakuleynta iyo
badbaadinta Bulshada. wuxuuna xoojinayaa hay'adaha
Caymiska guud ee Dalka.

QAYBTA AFRAAD
Qaabka Dhismaha Qaranka
Madaxda kowaad
Golaha Shacbiga

XUBINTA KOOWAAD
Nidaamka iyo Hawlaha Golaha Shacbiga

Qod. 60aad
( Awooda Sharci dejinta )

1.Awooda shacbigu wuxuu ka koobanyahay xildhibaano
Dadeynuhuna ku soo doortay Madaxbanaani,
toos iyo qarsoodi

2.Xilka Xildhibaannimaada Golaha Shacbiga waxaa loo
dooran karaa qof kastoo Soomaali ah oo da'diisu ay
gaartay 21sanno. Shacbiga ayaa xaddidaya xaaladaha
qofka aan la dooran karin.

3. Tirada Xildhibaannada. Shuruudaha iyo habka doorash-
ada waxaa tilmaamayaa sharci gaar ah.

4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Somaliya
wuxuu u magacaabi karaa .Xildhibaanimada Golaha Sha-
cbiga ilaa lix qof oo laga dhex doorto Dadka si gaar ah
ugu soocmay goobaha Cilmiga adabka iyo fanka ama leh
qiimo sare ee Waddaninimo.



Qod. 62aad

( Muddada Xilka )

1. Muddada xilka Golaha Shacbiga waa shan sanno, laga
bilaabo maalinta la soo saaro natiijada doorashada


1. Markii ay timaado duruuf suurta gelinweyda in doorasho
la qabti, Madaxweynaha JDS isagoo la tashaday Golaha
Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga Soomaliyeed wuxuu
awood u leeyahay inuu muddada ku kordhiyo waqti aan
hal sanno ka badan.


Qod. 63aad

( Kala dirida Golaha Shacbiga )

1.Golaha shacbiga waa la kala diri kara isagoon wakhtigiisu
dhamaan, marka ay talo ku soo jeediyaan saddex melood
meel Xildhibaanada Goluhu ,ayna isku raacaan saddex
meelood labo.

2.Waxaa kale oo kala diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda
isagoo la tashaday Golaha dhexe ee XHKS.iyo Guddiga joog-
tada ha ee Golaha Shacbiga.


3.Doorashada Golaha Cusubi waxay dhacaysaa Saddex bilood
gudahood ,laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aanka
kala dirka Golaha.


Qod. 64aad
( Kalfadhiga )
1.Golaha Shacbiga Sannadkiiba wuxuu yeelanayaa labo kalfadhi

2.Goluhu wuxuu isugu imaan karaa fadhi aan caadi ahay markii
uu sidaas go'aan ku gaaro Guddiga joogtada ah, ama ay
codsadaan Saddex meelood meel Xildhibaanada Goluhu.

3.Madaxweynaha JDS wuxuu awood u leeyahay inuu Golaha
isugu yeero fadhi aan caadi ahayn.

Qod. 65aad
( Fadhiyada iyo go'aannada Golaha )

1.Golaha Shacbigu wuxuu fadhigiisa ugu horeeya ka dhex doora-
naya Xubnihihiisa Gudoomiye.Gudoomiyo ku xigeeno iyo
Guddiga joogtada ha.

2.Fadhiyada Goluhu waa u furan yihiin Dadweynaha.
hase yeeshee fadhiyo qarsoodi ah waa la qaban karaa hadii ay
soo jeediyaan Madaxweynaha Jamhuuriydda, Guddiga joogtada
ah Dawlada ama ugu yaraan afar meelood meel xildhibaanada,
Goluhu ogolyahay

3.Fadhiga Goluhu wuxuu ku ansaxayaa matka ay ka soo qayb
Galaan Xildhibaanada intooda badan

4. Go'aanka Goluhu waxay ku ansacayaan Cod hal dheeri hadii
Dastuurka ama Sharcigu uusan tilmaamin aqlabiyad gaar ah


Qod. 66aad
( Xeer Hoosaadka Golaha )

Habka Shaqada Golaha Shacbiga waxaa lagu nidaaminayaa
Xeer hoosaada Goluhu guddoonsado.




Qod. 67aad
( Awooda Golaha )
Awooda Shacbigu wuxuu leeyahay awdoodaha soo socda:-

1. Wax ka beddelida Dastuurka Dalka
2. dejinta sharciya iyo Ogolaanshaha go'aannada saameya hor-
uumarka D
3. Doorashada iyo xil ka qaadida Madaxweynaha JDS sida ku
cad Qod.80aad ee Dastuurka.
4. doorashada iyo xil ka qaadida, Guddiga joogtada ah ee Go-
laha S
5. Oggolaanshaha heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan siyaa-
Sadda, Dhaqaalaha, ganacsiga ama heshiisyada Qaranka u
keenaya mas'uuliyad lacageed
6. hubinta dhawrida dastuurka iyo Sharciyadda Dalka
7.Ogolaanshaha qorshaha horuumarinta Dhaqaalaha Dalka
8.Oggolaanshaha Miisaaniyadda Sannadka iyo Miisaaniyadda
Xisaab xirka dalka.
9. La xisaabtanka Dawlada iyo Xubnaheeda.
10.Awdoodaha kale e Dastuurka siiyey Golaha

Qod. 68aad
( Xilsaarasho Sharci Dejin )
1.Golaha Shacbigu wuxuu dawladda u wakiilan karaa inay ka soo
saarto Sharci,wakhti xaddidan gudahiis, arrimo la isla meel
dhigay, Sharciga Xilsaarashada waa lagu tilmaami karaa
mabaadi'da ama tusaalooyinka in Dawladdu raacdo loo baahan
yahay

2. Sharciga Dawladda loo wakiishay waxaa lagu soo saarayaa xeer
Madaxweyne.
Qod. 69aad
( Sharciyada degdegga ah )
1.Markii ay jiraan duruuf gaar ahaaneed oo dedeg ah
Dawladu waxay dejin kartaa Sharci leh dhaqan ku meel gaar ah
oo lagu soo saaro Xeer Madaxweyne .mudo Bil ah gudaheed
waa in sharcigaas lagu horgeeyaa Golaha Shacbiga, ama guddiga
joogtada a, si loogu dhigo mid rasmi ah.

2.Golaha Shacbigu, hadii uu kulansan yahay ama Goluhu kulansa-
nyahay, ama guddiga joogtada ah,marka Goluhu kulansanayn
waa inay go'aan ka gaaran 15 Maalmood gudahood laga bilaabo
Taariikhda Sharciga la soo hordhigay.


Qod.70aad
( Talo-Sharci )

Talo Sharci waxaa soo jeedin kara Madaxweynaha JDS
guddiga joogtada ah iyo Dawladda, waxaa kaloo talo sharci
soo jeedin kara Xildhibaanada Golaha Shacbiga hadii ay
soo jeedintaa isku raacaan Saddex meelood meel Xildhiba-
aanada Golaha

Qod.71aad
( Sharciyada saameynaya Istraatijida Xisbiga )

Mashruuca ama talo sharci oo kasta ee saameynaya istraatejida
Xisbigu ku xaqiijinayo himilooyinka iyo nidaamka uu dalka ku
hogaaminayo waa in golaha dhexe ee Xisbigu soo oggolaadaa.

Qod.72aad
( Soo saarida iyo faafinta Sharciga )

1.Sharci kasta ee Golaha Shacbiga ama Guddiga joogtada ah
isku raaco waxaa soo saaraya, Madaxweynaha JDS wuxuu
awood u leeyahay, muddada ku xusan Lambarka 1aad ee
qodobkan dhexdeeda, in uu sharcigaas dib uga celiyo
Golaha Shacbiga, isagoo sababta raacinaya, codaynayana
In dib looga doodo, go'aanada laga gaaro.

2. Hadii Goluhu mar kale saddex meelood laba Xubnihiisa
Sharcigaas isku raaco. Madaxweynuhu waa inuu soo saaraa
Afartan iyo Shan (45 ) Maalmood gudahood

3 Sharciga Goluhu isku raaco, Madaxweynuhuna soo saaro
Waxaa lagu baahiyaa Faafinta Ramsiga ah, wuxuuna dhaqan
galayaa Toban iyo Shan ( 15 ) maalmood ka dib, marka lagu
soo saaro faafinta Ramsiga ah, haduusan Sharcigu ka duwan
sheegin

Qod.73aad
( X I L D H I B A A N A K A )
1. Xildhibaanku kasta wuxuu masilyaa danta guud ee
Dadweynaha Soomaaliyeed.
2. Xildhibaanku marka uu hawsha Golaha bilaabayo wuxuu
Marayaa Dhaarta soo socota:
< Waxaan Magaca Illaahay iyo kan Waddanka ku Marayaa
Inaan ammaano, kalsooni iyo hagar la'aan ugu adeego Shacbiga
Soomaaliyeed, inaan fuliyo mabaadi'da 21 oktoobar 1969.
Inaan dhowro dastuurka iyo Shuruucda Dalka. Inaan hirgeliyo
Mabaadi'da hantiwadaagga inaan Illaaliyo danta guud ee
Shacbiga iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed .
Inaan kartidayda oo dhan ku difaaco Xorriyadda, Madaxbanaa-
Nidda iyo Midnimada dalka, inaan danta guud ka horuumarina-
yo dantayda gaar ahaaneed, inaan Dadka Soomaaliyeed ku
Dhaqo sinaan iyo Caddaalad hadii Illahay idmo >

3. Xildhibanka dhibaato kama soo gari karto fikradaha iyo aaraada
uu ka hor dhiibto Golaha iyo Guddiyadiisa isagoo gudanaya
Xilkiisa.
4. Xildhibaanka Golaha laguma qaadi karo dacwad Ciqaabeed,
lama xiri karo, lamana baari karo qof ahaan ama hoygii
5. Xildhibaanka Goluhu wuxuu xilkiisa gudanayaa isagoo wata
Hawlihiisii hore ee caadiga ahaa inta ay socdaan kalfadhiyadu
ama marka loo diro hawl la xiriirta Xilka Golaha Xildhibaanku
wuxuu xaq u yeelanayaa gunno lagu xaddidi doono
Sharciga gaar ah.

Qod.74aad
( Xil ka qaadidda Xildhibaanka )

1.Xildhibaan kasta ee oofin waaya Shuruudaha Xildhibaanimada,
ama ka soo bixi waaya waajibaadka Xilkiisa la xiriira waxaa
laga qaadayaa Xilka.

2. Xildhibaan kasta Dadweynihii soo doortay waa kala noqon
karaan kalsoonidooda, waxaana codsigaas soo jeedin kara
Afar meelood meel doortayaasha.

3. Xil ka qaadidda Xildhibaanka waxaa hal dheeri xubnihiisa ku
ku gudoominaya Golaha Shacbiga.


Qod.75aad
( Kormeerka Golaha )
1.Xildhibaan kadta wuxuu xaq u leeyahay inuu u jeediyo Dawlada
ama xubmaheeda su'aalo iyo afti oo ay waajib ku tahay inay ka
Jawaabaan Labaatan Maalmood gudahood.

2.Goluhu wuxuu amri karaa in baaris la sameeyo isagoo u xilsaaraya
Waajibkaas Guddiyo ka kooban Xildhibaano.

XUBINTA LABAAD
Guddida Joogtada ah

Qod.76aad
( Xilka Guddiga Joogtada ah )
Guddida joogtada ah waa hay'adda hogaaminaysa hawlaha Golaha
kuxuuna qabtaa xilka Golaha Shacbiga, muddada u dhaxeeya
kalfadhiyada, marka laga reebo awoodaha ku xusan.Qod 67aad
Lambaradiisa: 1,3,7 iyo 8 , iyo Qod.82aad,Lambaradiisa 3&12 ee
Dastuurka
Qod.77aad
( Xubnaha Guddiga Joogtada Joogtada ah )
1.Guddiga joogtada ah wuxuu ka koobanyahay Xubhanah soo socda:-
- Gudoomiye
- Gudoomiye ku xigeen
- Xoghaye iyo Toban Xubnood
2. Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeennada Golaha Shacbiga
ayaa noqonay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeennada
Guddida joogtada ah.

Qod 78aad
( Awooda Guddida joogtada ah )
Guddida joogtada wax ka beddelida Sharciyada Golaha, isagoo
ka dib ka ansaxinaya Golaha Shacbiga.

1.Dejinta iyo wax ka beddelida Sharciyadda muddada u dhaxeeya
kalfadhiyada Golaha, isagoo ka dib ka ansaxinaya Golaha Shacbiga

2.Fasiraada Sharciyadda iyo go'aannnada Goluhu soo saaro.

3.Isugu yeeridda kalfadhiga iyo fadhiyadda aan caadiga ahayn ee
Golaha Shacbiga.

4.Ilaalinta maamulka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacbiga
5.wax alla wixii awood ah ee Dastuurku siiyey ama Golaha
Shacbigu u xilsaaro.

MADAXA LABAAD

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA
DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa
Madaxa Qaranka.wuxuuna masilaa awooda Qaranka iyo
midnimada Shacbiga Soomaaliyeed.

Qod. 80aad

( Doorashada iyo muddada Xilka )

1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa soo saar sharaxaya Golaha
dhexe ee Xisbiga Hantiwaadaaga Kacaanka Soomaaliyeed.
Golaha Shacbiga ayaana dooranaya.

2. Doorashada Madaxweynaha waa in ay isku raacaan Saddex meelood
Laba Xildhibaanada, Golaha Shacbiga .aftida koowaad iyo Labaad
saddexaad waxaa ku filan cod hal dheeri ah Xildhibaannada Golaha

3.Golaha Shacbiga waa casili karaa Madaxweynaha isagoo raacaya
hababka ku xusan lambarka Labaatan iyo kowaad (21 ) ee Qodobkan

4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya, wuxuu
Xilka haynayaa Lix sanno, laga bilabo maalinta la dhaariyo, dibna
loo dooran karaa.

5. Marka uu hawsha bilaabayo, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu
marayaa dhaarta ku xusan Qod.73aad ee Dastuurka.

Qod. 81aad

( Shuruudaha Doorashada )

Waxaa loo dooran karaa jagada Madaweynaha JDS. Qof kastoo
Soomaali ah, Aabihii iyo Hooyadiina Asal ay Soomaali yihiin horey
aan u guursan, intuu Xilka hayana guursanin Qof aan Soomaali
Aheyn, lehna Shuruudaha lagu dooran karro Xildhibaanka Golaha
Shacbiga, da'diisuna gaartay Afartan sanno ( 40 ).



Qod. 82aad
( Hawsha iyo Awooda Madaxweynaha )

Madaxweynaha Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya awooda iyo
hawlaha Dastuurka iyo Sharciyaddu siinayaan waxaa u weheliya kuwa
soo socda.

1. Masilaada xiriirka Qaranku la leeyahay

2 .Masilaada midnimada hogaanka siyaasadeed ee Xisbiga iyo Qaranka

3. Meelmarinta heshiisyada Calamiga ah ee saameynaya difaaca & nabada
Qaranimada iyo Madaxbanaanida, Jamhuuriyada, ka dib marka ay
ogolaadaan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga.

4. Meelmarinta heshiisyada kale ee caalamiga ah.

5. Qaabilaada iyo aqoonsiga Danjirayaasha iyo Madaxda ergooyinka
shisheeye.

6. Gudoominta shirarka ay ku wada jiraan Hay'adaha Xisbiga iyo
kuwa Qaranka.
7. Magacaabida iyo xilwareejinta wasiiro ku xigeennada.

8.Magacaabida iyo Xil wareejinta Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo xeer ilaaaliyaha guud ee Qaranka. Isagoo dhagaysanaya talada
Golaha Dhexe ee Xisbiga:

9.Magacaabida iyo Xil ka qaadidda Saraakiisha sare ee Qaranka
isagoo dhagaysanaya talada Golaha Wasiirada.

10. Inuu bixiyo masaabax ( cafin ), ciqaabtana dhimo.
11. waa Taliyaha sare ee Ciidamada Qaranka sida iyo gudoomiyaha
Guddiga Difaaca Qaranka.

12. Ku dhawaaqida xaalada dagaalka iyo nabada, ka dib marka ay
go'aamiyaan golaha dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga.

13. Inuu Dadweynaha u bandhigo afti markii ay dalka la soo
gudbaanaadaan arrimo muhiim ah

14. Inuu soo saaro Xeerar Madaxweyne:

15. Bixinta Billadaha iyo aqoonsiyada Mudnaanta kale.

Qod. 83aad

( Awooda aan Caadiga ahayn ee Madaxweynaha )

1.Madaxweynaha , Jamhuuriyada Dimooqraadiga Soomaaliya
wuxuu awood u leeyahay, isagoo la tashaday, Guddiga Difaaca
Qaranka , inuu xukun degdeg ah ku soo rogo, tilaabo kasta oo ku
haboonna ka qaaado, Dalka guud ahaantiisa ama qaybo ka mid
ah, marka ay la soo gudboonaato arrimo khatar galinaya Qaranimada
nabadgelyada gudaha ama dibedda ee Dalka .ama markasta oo
ay jirto baahi lagama marmaan ah.

2.Xaaladaha dagaalka, Madaxweynuhu wuxuu la wareegayaa
awooda Dalka oo dhan, ku dhaqanka qodobbada Dastuurka ee
aan la socon karin xaaladaha wa la laalayaa.

Qod. 84aad

( Madaxweyne ku Xigeennada )

1.Madaxweynaha Jamhuuriyyda Dimoqradiga Soomaaliya wuxuu
Magacaabi karaa Madaxweyne ku xigen ama madaxweyno ku
Xigeeno, isagoo dhagaysanaya ra'yiga Golaha dhexe ee Xisbiga
iyo Golaha Shacbiga.

2. Madaxweyne ku xigeennadu marka ay hawshooda bilaabayaan
waxay marayaan Dhaarta ku xusan Qod.73aad ee Dastuurka

Qood. 85aad

( Xil gudasho karid la'aan )

1. Marka ay geeru ku timaado, ama shaqo ka fakirid ama sabab
joogto ah ee ka reebaysa Madaxweynaha JDS inuu xilkiisa
guto, waxaa la dooranayaa Madaxweyne cusub lixdan casho
gudahood, iyadoo la raacyao habka ku xusan Qod.80aad
Dastuurka.

2. inta ay doorashadu madaxweynaha Cusb ka dhacayso iyo
markastoo ay jiraan sababo aan joogto ahayn ee ka reebaya
Madaxweynaha inuu guto xilkiisa, waxaa jagadiisa sii haynaya
Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jamhuuriyadda


MADAXA SADEXAAD
D AW L A D D A

XUBINTA KOOWAAD
MAAMULKA DAWLADA DHEXE

Qod. 86aad
( Golaha Wasiirrada )
1. Golaha Wasiirradu waa hay'adda ugu sareysa fulinta maamulka
Dawlada.
2 Golaha Wasiirradu wuxuu ka kooban yahay Gudoomiyaha
Wasiirrada.
3. Guoomiyaha Golaha wasiirrada waxaa noqonaya Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
4. Madaxweynahu wuxuu magacaabi karaa hadii ay habboonato,
Wasiir Kowaad


Qod. 87aad
( Awooda Golaha Wasiiradda )

Awoodaha Dastuurka & Sharciga siinayo ka sokow,Golaha Wasiiradu
Wuxuu leeyahay awoodaha soo socda.

1. Inuu hordhigo Golaha Shacbiga talooyin sharci:

2. Inuu jiheeyo, iskuna duwo kormeerana hawlaha Dawladda:

3. Inuu soo saaro xeerar:

4. Inuu hogaamiyo hawlaha la xiriira Difaaca Dalka iyo nadab-
Gelyadda Qaranka:
Inuu diyaariyo miisaaniyad Sannadka iyo Xisaab xirkeeda:

5. Inuu dejiyo qorshaha lagu horuumarinayo Dhaqaalaha Dalka:

6. Inuu heshiisyo la galo Waddammada Dibedda iyo Hay'adaha
Caalamiga ah:

8. Inuu qaado tallaabo kastoo uu ku ilaalinayo danta Qaranka
iyo nabadgelyada Dadweynaha, isagoo dhowraya xadka
Dastuurku u gooyey awooddiisa



Qod. 88aad
( Nidaamka Dawladda )

1.Awoodaha iyo xilka Golaha wasiirada ee aan Dastuurkan ku
xusnayn, tirada iyo xilka wasaaradaha, waxaa lagu cadeynay-
nayaa sharci gaar ah
2. habka dhismaha Golaha Wasiirada, Wasaaradaha iyo Xafiis-
yada la xiriira, waxaa lagu nidaaminayaa Xeer madaxweyne.

Qod. 89aad
( Mas'uuliyadda ciqabeed ee Wasiirada )

1. Wasiiradu waxay mas'uul ka yihiin dembiyda ka dhasha fulint-
xilkooda.
2 .Sharciga aya tilmaamaya habka Wasiirada loogu qaadayo dem-
biyada ka dhasha fulinta xilkooda iyo dembiyada kaleba.

Qod. 90aad

( Dhaarta )

Xubnaha Dawladda , marka ay xilkoda bilaabayaan, waxay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya.
hortiisa ku marayaan Dhaarta ku xusan Qod.73aad ee Dastuurka


Qod.91aad

( Barnaamijka Dawladda )

Dawlad magacaabideeda ka dib waxay Golaha dhexe ee Xisbiga
iyo Golaha Shacbiga soo hordhigayaa Barnaamijka ay doonayso
inay hirgaliso.

Qod. 92aad

( Wasiirro ku Xigeenno )

Wasiirrada waxaa xilkooda ku kaalin kara Wasiirro ku xigeenno
uu maagacaabo maamulka dhexe JDS, isagoo dhageysanaya talada
Golaha wasiirrada.

XUBINTA LABAAD

BAAHINTA AWOODA IYO MAAMULKA DALKA

Qod .93a

( Fidinta Maamulka )

Xilka maamuleed ee Qaranka waxaa lagu fidinayaa inta ay suurto
galtahay,maamukla hoose ee Wakaaladaha.

Qod.94aad

( Mamulka Hoose ee Qaranka )

1. Awooda maamulka hoose waa qayb ka mid ah maamulka dhexe ee
Jamhuuritadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

2. Sharciga ayaa nidaaminaya awoodda maamulka hoose, si waafaqasan
Mabda'a Dimoqradiyadda gudoonka dhexe.


Qod.95aad

( Golaha Shacbiga ee Deegaaanka )

1 Dadweynuhu si toosa ayuu u dooranayaa Xubnaha Goloyaasha
Shacbiga ee Deegaanka.

2. Sharcigu wuxuu tilmamayaa dhismaha awooda, ilaha dhaqaalaha
iyo xiriirka Goloyaasha Shacbiga ee deegaaanku la leeyihiin
xisbiga , Golaha Shacbiga iyo Dawladda.


M A D A X A A F R A AD

GARSOORKA

X U B I N T A K O O W A A D

MABAADI'DA GARSOORKA

Qod. 96aad

( Ujeeddada Garsoorka )

1. Maxkamadaha iyo xeer Ilaalinta waxy ilaalinayaan nidaamka Qaranka
Hantiwadaagga iyo Dhismihiisa Bulsho.

2. Maxkamadaha iyo xeer ilaalinu gudashada xilkooda, waxay ku barbaar-
nayaan muwaadinka Soomaaliyeed inuu ka qayb qaato dhismaha Dalka,
difaaca nidamka, hantiwadaagga, dhowrista sharciyadda habka wadano-
noolaanshada Bulshadeed iyo daacadnimo waajibaadka Qaranka iyo Qa-
ranka ku leeyihiin.

3. Garsooruhu wuixuu sugaa dhawridda sharciyada, wuxuuna kafaalo qaa-
qaadaa ilaalinta xorriyada, xuquuqda iyo muwaadinka, danaha iyo shar-
afta Qofka aadamiga ah.

Qod.97aad

( Midnimada Garsoorka )

Garsoorka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa mid midaysan

Qod.98aad
( Madaxbannida Garsoorka )

Garsoorayasha Maxkamada iyo xeer illaaliyaashau waa madax banaanyih-
iin hawshooda , lagama qaadi karo xilka , xaaladaha shircigu tilmamay
mooyaane, waxayna u hogaansamayaan Sharciga oo keliya.

Qod.99aad
( Doodaha Maxkamadaha )

1. Doodaha Maxkamaduhu, mabda'a ahaan waa tirab, Dadweynuhuna waa
dhagaysan karaa, Sharciga ayaa tilmamaya xaaladaha, Maxkamadah irridaha
loo xiri karo.

2.Xukunka Maxkamadaha waxaa lagu soo saaraya Magaca Dadweynha
Soomaaliyeed .




X U B I N T A L A B A A D

MAXKAMADAHA

Qod.100

( Maxkamadaha jamhuuriyadda )

1.Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa kuwa
Kuwa soo socda:

- Maxkamadaha Gobollada

- Maxkamadaha Deegmooyinka

- Guddiyada Garsoorka

- Guddiyada Garsoorka, ee goobaha shaqada, iyo Maxkamadaha
Ciidamada Qalabka sida.

2. Waxaa la dhisi karaa Maxkamadaho gaar ah ee awooddooda iyo
dhismahooda lagu jideeyey Sharci.

3. Guddiyada Garsoorka ee Maxkamdaha , waxaa ka qayb gala
Garsoorayaal Dadweyne ee Sharci gaar ah lagu dhisay.

Qod.101

( Maxkamadda sare )

Maxkamadaha waa hay'adda ugu sareysa Garsoorka JDS.
waxay habeysaa, kormeertana hawlaha Maxkamadaha oo dhan.


Qod.102

( Habka shaqada Maxkamadaha

Habka shaqada Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqradiya Soomaliya
iyo magacaabida Garsoorayaasha waxaa nidaaminaya Sharci gaar ah.


X U B I N T A S A D D E X A AD

XEER ILAALINTA

QOD.103

( Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka )

1. Xeer ilaalinta Guud ee Qaranku waxy ka koobantahay
Xeer ilaaliyaha Guud iyo ku xigeenanadiisa.

2. Qaabka dhismaha xeer ilaalinta Guud iyo Hawlaha Xubnaheeda
waxaa nidaamiyan sharci gaar ah..

Qod. 104aad

( Xilka xeer ilaalinta Guud ee Qaranka )

1. Xeer ilaalinta guud ee qaranku waxay ilaalisaa ku dhaqanka dhabta
ah ee Sharciyada Dalka.

2. Waxay hubisaa in go'aanad, awaamiirta iyo tusaalooyinka, Hay'ada-
ha Qarnaku waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Sharciyada Dalka.

3. Waxay dacwad ku oogtaa Qofkii gala fal dambi ah.

4. Waxay kormeertaa Xabsiyada iyo xarumaha dib u edbinta Caruurta.

5. Waxay ilaalisaa xaquuqda Dadka tamarta yar.

6. Waxay fulisaa hawlihii kale ee Shrcigu u xilsaaro.



X U B I N T A A F R A A D

GOLAHA SARE EE GARSOORKA

Qod.105aad

( Xilka Golaha sare ee Garsoorka )

1.Golaha sare ee garsoorku waa hay'adada hogaamisa siyaasadda iyo
maamulka guud ee Garsoorka.

2. Golaha sare ee garsoorku wuxuu talo ka dhiibtaa masaabaxada
Madaweynaha Jamhuuriyadu bixiyo,magacaabida,beddelka,dalacaada
iyo xeer ilaaliyaasha.

3. Wuxuu kormeeraa hawlqabadka iyo anshaxa Garsoorayaasha iyo
Xeer ilaaliyaasha

Qod.106aad
( Gudoominta Golaha Sare ee garsoorka )
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ayaa ah
Gudoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka.

Qod.107aad
( Dhismaha Golaha sare ee Garsoorka )
Dhismaha Golaha sare ee garsoorka iyo habka waxaa nidaaminaya
Sharci gaar ah.


Q A Y B T A S H A N A A D
DIFAACA IYO NABADGELYADA DALKA

Qod.108aad
( Xilka Ciidamada qalabka sida )

1. Ciidamada qalabka sida waxy ilaalinayan gobannimada iyo madaxba-
naanida Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxay guulaha
iyo iyo miraha Kacaanka ka ilaalinayaan cadowga gudaha iyo kandibeda,waxay sugaan nabadgelyadada iyo xasiloonida gudaha, kaalina ka qaataan dhismaha Dalka.

2. Qaranku wuxuu xoojinayaa awooda iyo aqoonta farsamo ee Ciidanka
Qalabka, sida kor u qaadidda garaadkooda siyaasadeed ku beeridda
Ruuxa waddanimo iyo naf u hurida Dhulka Hooyo.

Qod.109aad

( Dhismaha Ciidammada qalabka sida )

Sharci u gaar ayaa tilmaamaya dhismaha iyo qaabka ay u
habeysanyihiin Ciidamada qalabka sida.

Qod.110aad

( Guddiga Difaaca Qaranka )

1.Guddiga Difaaca Qaranka xilkiisa wuxuu yahay inuu qiimeeyo
xaaladaha la xiriira difaaca iyo nabadgelyada Dalka.
gurmadiyana wax kasta oo waxtar u leh haqabtirka baahida
Difaaca Dalka.

2. Guddiga Difaaca waxaa Gudoomiye ka ah magacaabana xubnihii-
sa kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

3. Sharciga ayaa tilmamaaya awoodda guddiga Difaaca qaranka waqtiga
nabadda iyo Dagaalkaba.


Q A Y B T A L I X A A D

QODOBO KALA DUWAN

Qod.111aad

( Saldhiga Sharciyadda )

1.Dastuurku wuxuu leeyahay awooda sharci ee ugu sareysa

2.Dhaman shuruucda, Xeerarka iyo awaamiirta hay'adaha
Qaranka waxaa saldhig u ah Dastuurka JDS.
waana in ay waafaqsanaadaan

Qod.112aad

( Wax ka bedelka Dastuurka )

1.Talo wax ka beddel Dastuurka waxaa soo jeedin kara:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya Golaha
dhexe ee Xisbiga iyo sadded meelood meel Xildhibaannada Golaha
Shacbiga.

2. Golaha Shacbiga wax ka bedelka Dastuurka wuxuu gudoominayaa
go'aan ay isku raacaan, sadex meelood meel xubnihiisa.

3. Wax ka bedelka Dastuurka ma saaameyn karo arrimaha soo socda:
a).Nidaamka Jamhuuriyadnimadda ee Dalka
b) Doorashada mabda'a Hantiwadaaga.
t) .Midnimada Dhulka
j). Xuquuqda iyo xorriyadaha asaasiga ah ee Muwaadinka iyo Qofka

Qod.113aad
( Ku dhaqanka ku meel gar ah )

1.Shahrciyada hadda jira waa lagu sii dhaqmayaa, iyadoo intooda aan
Dastuurka waafaqasaneyn lagu bedeli doono hal sanno gudaheed.

2.Ilaa inta laga dhisayo hay'adaha dastuurkani tilmaamayo, awoodahooda
waxa sii fulinaya hay'adda imminka ka jirra Dalka.

Qod.113aad
( Dhaqanka Dastuurka )

Dastuurka wuxuu dhaqan galayaa laga bilabo maalinta la soo saaro
natiijada aftida oggolaanshaha Shacbiga.


- - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - -

Fiiro Gaar ah: Taariihdu waa tilmaanta iyo tusmada Asal raaca Dal iyo
Dadkiisa. Waxaana lama huraana inaad illaaliso ood
dhowrto . hadii ay fiicantahay iyo haday xuntahayba

Kaydintii:Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Amsterdam / Holland


 

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)