Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
BAAQ CUSUB OO "ENJIOWDA" TALYAANIGA U JEEDINAYA SOOMAALIDA

Annagoo ah NGO-yada talyaaniga oo ku sugan Somaaliya sannado badan si aan ugu deeqno agoonta iyo dadka guryabeelay: dawo, waxbarasho, biyo la cabi karo iyo sidii loo hormarin lahaa tacabka beeraha iyo xanaanada xoolaha, waxaan baaq cusub u soo jeedinaynaa dhammaan Soomaalida ku sugan dalka Soomaaliyeed iyo dibaddiisaba.
Afduubku wuxuu noqday hub si joogta ah loola beegsado dad talyaani ah iyo dad ka tirsan beesha caalamka iyo weliba dad soomaali ah. Xaaladdu waa mid murugo leh , waayo haatan ka hor Soomaaliya weli laguma arkin falal debmbiyeed sidaan u habaysan oo joogta u noqday dalkana isku ballaariyey.
Waa falal lala beegsado dadka ku hawlan daryeelka bulshada, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin khatar ah haddana dad u gargaariyaashan marna ma joojinin inay dadka u gargaaraan, waayo waxay aaminsan yihiin inay habboon tahay inay gacan siiyaan walaalahooda tabaalaysan rag iyo dumarba. Dadka ku hawlan ururrada aadamiga ah waxaa ka mid ah: Maxamuud Cabdi Aadan, Faaduma Suldaan Cabdiraxmaan, Cali Macow, Mahadey Biile, Iolanda Occhiapinti, Giuliano Paganini, Cabdiraxmaan Yuusuf Carraale "John", Xasan Maxamed Cali, Murray Watson, Patrik Amukhuma iyo weliba kuwa kaloo badan
Baaqan waxaa si gaar ah ugu jeedinaynaa Soomaaliya niyadda wanaagsan: madaxda siyaasadda, madaxdhaqameedyada, culimada, farsamayaqaannada, ganacsatada, ururrada bulshada rayidka, bulshada iyo qof waliba, si giddigoodu ay ugu hortagaan dembiyadan ama falalkan foosha xun leh oo aan xiriir la lahayn dhaqanka iyo taariikha Soomaalida. Falalkan waxay saansaan u yihiin in si aayar aayar ah ugu horseedaan Soomaaliya isdil aan laga fursan karin.
qofkastoo wax ka og ha hadlo; ninkastoo wax qaban karo ha qabto.; qofkastoo kaalin ka qaadan karo ka hortagga dembiilayaashan ha dhaqaaqo. Waxaan codsanaynaa in si deg deg ah lagu sii daayo dadka la afduubay oo dhan. Waxaan ku kalsoonnahay codsigeena: isla kalsoonidaan waa midda xiriirisay oo welina xiriiriso kuwa badan oo annaga naga mid ah, NGO-yadeenna iyo Soomaaliya idil.
Soomaalidu ma oggolaan karto in ay socoto naxariisdarradan oo horjoogsanaysa cid kastoo damacda in ay wax u qabato ummadda Soomaaliyeed, baabi'inaysana dadaal kastoo loogu jiro geeddisocodka nabadda. Ma jiri karo dal ama diin ama bulsho haddii ay u gacan galaan dembiileyaal iyo cabsi aan dhamaanaynin.
Annagu garabkiinna ayaan taagannahay mar walba: waxaana ku guulaysan karnaa oo keliya markii la arko Soomaalida oo idil si go'aan ugu tafaxaydato ka hortagga faafidda falalkan foosha xun leh oo binu'aadinnimada ka baxsan.
Walaalayaal waxaan si xushmad leh idinkaga codnsaneynaa inaad gacan nagu siisaan siideynta dadkiaas la hay76sto oo isugu jira Ajinnabi iyo Soomaali intaba
.

Ururka NGO-ga Talyaaniga, Luuliyo 2008


http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)