News from Somalia in Somali |
War-Saxafadeed Cuqaasha
Beesha Ciidagale.
Xildh: Mataan Hoori waxaanu U sheegaynaa in uu
hadhuubka u cushay geel aanu lahayn
Anagoo ah cuqaasha beesha Ciidagale waxaanu maanta
halkan si kooban ugaga hadlaynaa hadalo hadaaqayo ah oo beryahan
dambe ku soo baxayay warbaahinta dalka kuwaas oo Suldaan Maxamed
Suldaan C/qaadir iyo rag kaleba ay caadaysteen ku celcelintooda,
waxaanu halkan cid walba ugu cadaynaynaa in aanu hadaladaasi Suldaanku
cidna ku matalin , beesha uu ka soo jeedana aanu afkeeda iyo rabitaankeeda
aanu ku hadlin , wakiilna aanu nooga ahayn ee afkiisa khaaska ah
uun uu ku hadlay Waaxlay iyo Wada Bariis oo taako deegaanka beesha
ah anaan cidna uga ogolayn.
Beesha Ciidagale Way shirtay oo way tashatay oo
waxay dhamaanteedna isku raacday gudo iyo dibad , Miyi iyo Magaalo
,yar iyo weyn , rag iyo dumarba inay xaqeedii iyo xuquuqdeeda doonato
, gobolkeeda Gaaroodina ay raadsato isla markaana Sharafteeda karaamadeeda
iyo dhulkeedana ay ilaashato taas oo beeshu aanay cidna u daba fadhiisanayn
oo ay heegana u tahay arimaheeda guud ee gaarka u ah.
Gobollada dalka iyo degmooyinka bixintooda iyo kala
xadayntooda waxa u xilsaaran dawlada, cid kalena xaq uma laha in
ay tidhaahdo gobol hebel waxa uu xukumaa meel heblaayo ilaa meel
heblaayo , waxaanu u sheegaynaa Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan)
ee uu ku qoray hadalo aan munaasib ahayn joornaalka Saxan saxo cadadkii
tirsigiisu ahaa 352 kuna taariikhaysnaa 05/07/08 waxanu u sheegaynaa
in uu hadhuubka u cushay geel aanu lahayn.
Gobolka Hawd iyo kuwii kale ee la bixiyeyba horaanu
u hambalyaynay laakiin waxaanu u sheegaynaa xildhibaanka iyo cidii
kale ee la fakir ahba in ay ku eekaadaan Gobolkooda iskana dhaafaan
riyada beenta ah ee Waaxaly ilaa Wada Bariis.
Beelaha reer Somaliland waxa ay dhulkeena u degaan
qaab beelaysan oo ay raali ku kala yihiin kuna caana maalen, waana
in beel waliba deegaankeeda maamulataa ama gobol ha u noqdo ama
degmo ha u noqdo ama ha u yaraado ama ha u weynaadoe.
Haddii aanu nahay Cuqaasha Beesha Ciidagale waxaanu
Suldaanka u soo jeedinayanaa in uu ku dhaqmo nidaamkii iyo xeerkii
soo jireenka ahaa beesha u yaalay mudadda dheer taas oo Suldaanku
leeyahay gudoominta goaankana beeshu gaadho.
Ta kale waa in uu suldaanku ixtiraamo goaanadii
uu beeshiisa la qaatay fuliyaana rabitaanka beesha uu suldaanka
u yahay waana in uu joojiyaa hadalada xaalad abuurka iyo kicinta
uu ka dhex wado beelaha walaalaha ah dhexdooda hana kala garto in
uu wax dhisaayo iyo in uu wax duminayo.
Magacyadda Cuqaasha soo saaray Warsaxafadeedka.
Caaqil Xasan Badmaax Maygaag
Caaqil C/wali Jamac Cabdi
Caaqil Iid jaamc Cawaale
Caaqil Axmed Cusmaan Cabdule
Caaqil Xusen Aw Xirsi Askar (waraabacade)
Caaqil C/risaaq Maxamed Askar
Caaqil Maxamed Axmed Guun
Caaqil Maxamed C/laahi Maxamuud
Caaqil Muxumed Maxamed Aw Cabdi
Caaqil Axmed C/laahi Faarax
Caaqil Mawliid Malow Nuur
Caaqil Iimaan Mooga Dheyla
Caaqil Maxamed Xasan Cabdi
Caaqil Ibraahim Axmed Cabdi
Caaqil Siyaad Yusuf Maxamed
Caaqil Cumar Cabdi Axmed Tudhe
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir
Caaqil Ibraahim Cilimi Diiriye
Caaqil Khadar Maxamed Axmed
Caaqil C/laahi Yusuf Kabadhe
Caaqil Cali Jaamac Kaahin
Caaqil Cawil Axmed Fiiqle
Caaqil Maxamed Aw Jaamac
Caaqil Cismaan Muxumed Xaawis
Caaqil Cabdi Maxamed Cumar
Caaqil Maxamed Xirsi Dhawri
Caaqil Cali Maxamed Xasan
Caaqil Maxamed Badeed
Caaqil Rashiid C/laahi Faajeer
Caaqil Aabi Xasan Cabdi
Oday Maxamed <waryaa@live.com>
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|