News from Somalia in Somali |
Morgaanoow Marka
Maxkamada lagu soo Taago ana markhaati baan ahay
Waxaan Salamayaa Dhamaan Umadda Soomaliyeed Meelkasta
oo Ay Dunida Ka Joogaan.
Waxaa Xalay ka dhegeystey Wareysi VOA ay la yeesheen
Maxamed Siciid Xirsi {Mooraga} hadaladii moorgan la wareystey waxaa
ka mid ahaa arimaha Kismaayo, nabadgelyada, waxaa wax laga weydiiyey
arimahaas sida lagu dhameyn karo wuxuu hadalkisii ku soo darey kismaayo
puntlan muqdisho dhamaan dalka ineysan jirin meel lakala leeyahay
oo qofkasta guri ku leeyahay xaas u joogo iyo waxyaalo kale, waxaa
kale oo moorgan soo hadal qaadey dhanka waqooyi ama soomalilland
wuxuu yiri dalka intiisa kale ayey la mid yihiin, intaa ku muu ekeyne
wuxuu raaciyey hadii ay shaqsi eed ka tabanayaa waa gooni shaqsigeyna
kula xisaabtami karaan, hadii ay rabaan xataa maxkamad ayey la soo
is taagi karaan, weriyihii ayaa yiri adiga su'aal horena laguu wey
diiyey hadana aan ku weydiin doono markale lagu weydiin doono, wareysigaasi
wuxuu ahaa adigoo ahaa Taliyha 26aad ee gobolada waqooyi ayaa eed
laguu heystaa taas maxaad ka leedahay, Morrgan oo aanba is moodeeyn
nin eed galay una hadlaayey nin isku kalsoon ayaa wuxuu yiri waan
ogahaya balse waxba kama qabo xataa hadii maxkamad la isoo taago
anaa aqaan saan isu difaacayo, hhadii ay socon weydo in si kalae
wax lagu dhameysan waayo, wuxuu ku sii adkeystey xataa maxkamada
dacwadaha dagaalka hadii ley geeyo waan is daafacayaa anaa looyar
isu noqonaya, mar la weydiiyey qolooyinka Xuquuda aadanaha u doodana
wuxuu yiri waa NGO oo wuxuu ka soo qaaday iney waxbaba ka jirin
xuquuq u doodkooda, halkaa waxaa kaaga muuqata inuu moorgan is badey
in ayan cid wax dacwada kaga adkaan kartaa aysan jirin oo uu xataa
u baahneyn Looyar.
Sida aad Cinwaankeyga ku aragtaan hadii Moorgan
Mazkamad la soo taago isagoo lagu eedeynayo denbiyadii uu ka galay
dadkaa soomalillan layiraahdo iyo Xasuuquu ka geystey iyo Caadiskuu
saari jirey Diyaaradihii uu ku garaacay,oo loo soo kireystey Calooshood
u shaqeystayaal South African ah, si arxan darana loogu xasuuqay
intaa ka horna Account koodii looga xirey Ganacsigiina laga xirey,
kii iyaga laga xireyna loo furey dad ka soo jeeday Puntlan, heer
uu gaaray in gabdhihii u dhashay soomalilland uu yiraahdo Fasion
show sameeya intuu meel iskugu keenay rag fara badana ay daa wanaayeen,
gaarey in uu Gebileey ku xasuuqay maalin Qura dad qiyaasteyda gaarayey
26 dhalin yara ah, Burcana xisaab malaha oo mid xad dhaaf ah baad
ka geystey, iyo wax yaalo badan oo aan doonayo maxkamadaa uu ku
goodiyey moorgan in aan ka sheego hadii Eeebe idmo wixii kudhacay
dadkaa dega waqooyiga soomaliya Eeboow nagu sin maalintaa iyada
ah. Moorgan keliya ku koobnaan meysee waxaa dhintey dadkaas wax
ka xasuuqay Aadan Gabayoow, Maxmed Siyaad Bare, C/raxmaan Jaamac
Bare, Dhuudhi oo Ciidamada Cirka haystey balse isaguna dhintey,
C/qaasin Salaad Xasan, Maxamed Cali Samatar waa la saraa isagu wakhtigii
diyaaradaha wasiirka Gaashaandhiga muusan ahayn ee waxaa ahaa Gabayoow
isna dhimay inta dhimatey maahee inta nool oo aan magacyadooda ku
soo qorey halkan uma kala harin mid ka naxayna ma jirin subax walba
waxay fadhiyeen Barta Hogaaminta Dagaalka amarkana ka bixinayeen,
waxayna ku farax sanaayeen sida dadka loo xasuuqayo, qosolka afkooda
ka soo baxayeyna waxaad moodeysay in Cadowgii soomaliyeed lala dagaalamayo,
mana aadan moodeynin iney dhiig ka dhexeeyaan dadkaas xasuuqooda
ay ku sacbinayeen. waxaase alla mahadii ah in maantaba Moorga iclaamiyey
in Maxkamad xitaa la soo taagi karo, waxaaba laga yaabi lahaa inaaney
dhacdeen cid dacwad u qabsata balse isagaa isi soo shaac bixiyey
isna xusuusiyey dadkii uu xasuuqa ba'n u geystey ana, waxaa igu
balana inaan Markhaati ka noqdo maalintaas insha allah.wax badan
oo qarsoon rag badan oo iska dhiga ceeb ka saliin weliba hunguri
ka galay iney dalka madax ka noqdaan horena xasuuqaas ka soo qeyb
qaatey ayaa ku ka shifmi doona sida C/raxman Jamac Bare oo isu soo
taagey madaxweyne tartankii IMbegaati iyo C/qaasin salaad oo Carta
isku soo sharaxay inuu madax weyne noqdo bal ceebta u danbeyn doonta
maalinta lakala miirmo ogaada, hadii ay marxuum noqdaana aakhiraa
xisaab u taal insha allah Ilaah baa ka gooyn wixii maatadaa ku dhacay
oo dhib ahaa, barakac iyo dhimasho xisaab waa danbey ee adkeysigeeda
yeesha, markhaatiguna keligey maahee walee waxaa jira qaar badan
oo aan garanayo soona bixi doona wakhtigeeda.
MOORGAN MAXKAMAD BUU KU GOODINAYAA, REER WAQOOYINA
WAXAY LEEYIHIIN NINKII DILEY DADKEENII DIYAARADO KU GUBAY DALKEENII
ANAGANA NADUUD SIYEY DUUNYADEENIINA U DHACAY DADKIISII IGAWALEE
KAAGAMA HADHNO. SOOW INUU ISKA AAMUSO UMA HABOONEEYN. MOORGAN FALAARI
GIL GILASHO KAAGAMA HADHO HORAA LOOYI.
Zamzam Laska <zamzam900@yahoo.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|