News from Somalia in Somali |
XARAKOOYINKA
ISLAAMIGA IYO XAWAALADAHA SOOMAALIYEED.
Kaddib markey burburtay kala dambeynti iyo heybaddii
qarannimo ee dalki la oran jiray Soomaaliya mooryaantuna ay boobeen
hantidi guud, guurta iyo maguurta intuba, waxaa Bariga iyo Bartamaha
Afrika ka hanaqaaday "Xawaalada" badalay xil-gudashadi
Bangiyadi dawladda la burburay.
Xawaaladahan oo dhabti daboolay baahidi loo qabay bunuugta, waxaa
sameystay ururada Islaamiga ah, xarakaadka qaranjabki kaddib qaangaadhay,
kuna kala abtirsada labada fikir-dugsiyeed ee Xasan Albannaa, hormuudkii
"Walaalaha Muslimiinta" ee reer Masar iyo Maxamed Cabdiwahaab,
aabbihi dhaqdhaqaaqa "Salafiyiinta - wahaabiyiinta," ee
Sucuudiga. Fikir-dugsiyeedka "Albanna School of Thought"
waxaa ku abtirsada Xarakada Al-Islaax waxaana dugsigan lagaga aflaxaa
hadalgoobka; halka dugsiga "Wahabia School of Thought"
lagaga aflaxa hantigoobka.
Labada Urur-Islaami, Islaax iyo Ictisaam, Soomaaliya, oo Salafiya
"Qaddiima iyo Salafiya Jaddiidda" - Salafiyadi hore iyo
Salafiyada Cusub ay tan dambe leedahay, tan horana hadda u kala
jabtay "Dhiigga hore iyo dhiigga cusub" waxey hoggaanka
u qabteen kaabayaashi dhaqan-dhaqaale ee dalki gablamay ee Soomaaliya,
ayagoo la wareegay guud ahaanba gacan-ku-heynta Ganacsiga, Gaadiidka,
Isgaarsiinta, Waxbarashada iyo wax kasta oo lagamamaarmaan ahaa
loona baahnaa.
Xawaaladaha iyo Xarakooyinka Islaamka
Sidaan wada ogsoonnahay, xawaaladaha Soomaalidu leedahay waxaa xuurta
ku haysta xarakooyinka aan sare ku soo xusnay kuwaasoo "Tribal-Islamo-Ideology"
lagu maamula. Aan halkan idiin iftiimiyee, qofka laga shaqaaleysiinaya
xawaaladaha, waxaa lagu qaataa inuu beesha xawaaladda leh ku abtirsada
kaddibna dugsiyada sare midka maamulka xawaaladda uu ku aroora ardey
ka yahay.
Haddii uu u shaqatagaya xawaalad ay Islaax majaraha u haysa, waxaa
looga baahanyahay inuu cabsanyahay fikirka xarakada shar iyo qeyrba,
meeriska qabiil iyo midka mabda'na aad ugu dhagafududyahay basaasnimadana
uu u bisilyahay bog iyo baabacna balwareeya.
Haddii uu arji shaqo u gudbisanaya xawaalad ay Salafiyadu haysata,
waxaa looga baahan yahay inuu ka gadh-dheeryahay sheekaqorihi Ingiriiska,
Charles Dickens, dugsiga maryogaabnimadana maamula ka noqon kara.
Sarwaalka oo la gaabsada iyo gadhka oo la siidaaya waaba shay sunna
ah anna ma diiddani, laakiin, waxaa dhaygag iyo dhakafaar ah bakhiilnimada,
shaxiixnimada iyo la'iimnimada ay xarakooyinka ku kacaan. Tusaale
ahaan, haddii nin xaraka ka tirsan aad la socota aadna la kulantaan
mid ay isku urur ka tirsanyihiin, intuu u iljabiya ayuu hoosta ka
yidhaahdaa, "Ninkani ma akh baa?" Ma akh baadan la macna
ma ahan "Almuslim akhu Muslim" ee wuxuu ka wadaa ma naga
mid baa. Midabtakoorka iyo eexdana Diinta Islaamka wey reebtay.
Waakuu xaddiisku lahaa, "Waxaad naftaada la jeceshahay nafta
walaalkaana la jecloow." Walaalka waxaa laga wadaa walaalka
muslimka ah, Diintu waxey na bartay in Muslimiinta iyo Mu'miniintuba
walaala yihiin. Haddaba, weydiinta warcelinta u baahan waxey tahay:
Muslimiinta iyo Mu'miniinta ay Diintu walaaleysay ma kuwa xubnaha
ka ah ururada Islaamiga ah ee kursi-doonka ah ee Soomaaliya iyo
Bariga Afrika ku loolamayaa? Jawaabtu waa "MAY!"
Haddaba, waxaa mahuraan ah in la hela xawaalada waddaniyad iyo Soomaalinnimo
ku dhisan qofkana ku qaata aqoontiisa iyo xirfadda uu u leeyahay
maamulka iyo maareynta lacagaha. Marka laga shaqeynaya xawaalad,
waxaa la dhiraandhirinayaa lacag, saas ahaan, waxaa loo baahan yahay
inuu qofku wadey u yahay wadiiqadiisa. Xawaaladaha ay xarakooyinka
xero-edageysteen, waxaad ku arkeysaa in shaqadi uu qaban lahaa qof
"Book Keeping" ama "Blance Sheet" xirfad u leh
uu haya xarakaawi aan xirfad u laheyn. Tani waxey horseedi kartaa
milan ka dhax-dhaca "Assets-ka iyo Liability-ga" shirkaddu
ay ku socota kicidna waa u halis. Waxaa kaloo la-filaan ah "Failure
of Financial Auditing Annually." Laakiin, xarakooyinka halkan
guulo wax-ku-ool ah ayey ka soo hoyiyeen, sababtuna waxey tahay:
qofka Soomaaliga ah oo ilmac aadna u firfircoon, lana oran kara
waa "Jack of all trades." Markaan waxanoo dhalliillo ah
soo tusaaleysanaya, kama wada wadaaddadu xisaabiyayaal iyo xeeldheerayaal-dhaqaale
malaha, ee waxaan uga golleeyahay: halka xawaaladda uu qaban lahaa
qof ka baxay kulliyadda dhaqaalaha in laga doorbida mid ka baxay
luuqadda Carabiga asagoo lagu xusha xarakannimo iyo fikirkiisa dugsiyeed.
Marka is-barbardhig loo sameeya labada fikir-dugsiyeed, waxaa hubaal
ah inaan indhaha laga daboolan karin in midba dheef iyo dhib leeyahay,
tanina waa sunna Rabbaaniya. Laakiin markaan eex ka dheeraanna,
ururka Al-Islaax wuxuu dalka ka dhisay tacliinta oo ah billowga
kaabadda kaadirnimo, wuxuu soo saaray aqoonyahanna dalka iyo dadkaba
wax taray, waxaana tusaalo noogu filan mutacallimiinta Jaamacadda
Muqdishu kasoo baxa kana baxay. Balse qoladan Salafiyadu dadaalkooda
dhanka tacliinta ay u galeen marna la baaxad ma ahan tan Islaax.
Waloow, aan labadaba waxey galeen la diidi karin, haddana waxaa
hubaal ah iney dhibaatada Soomaaliya qeyb ka yihiin oo nolol-maalmeedka
lagu dagaallamaya shisheeyana loo raran yahay, Soomaalinnimadana
minjoxaabin lagu haya.
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|