News from Somalia in Somali |
Horta Somalia saaxiib maleedahay.
Waxaan maqaalkan inaan qoro ugoaansaday markaan arkay sida wadamada
aduunku ay midkasta oo kamid ah uleeyahay saaxiib kale oo u hiilliya
maalintii dhibaato kudhacdo markay brwaaqo yihiinna ay wax wada qabsadaan
gaar ahaan qaarada afrika wadama kuyaallaa waxay kutiirsanyihiin taageerada
saaxiibadooda reer yurub gaar ahaan kuwii gumaystay tusaale ahaan
wadanka ay soomaaliya dariska yihiin Kenya waa saaxiib weyn oo ingiriiska
iyo maraykanku kuleeyihiin bariga afrika waxayna sanad walba siiyaan
taageero dhaqaale oo farabadan wax si wayn uga caawiyaan arrimaha
amaanka iyo sirdoonka waxaana saldhigyo milletary ku leh wadan ingiriisa,
markii ay uu dhacay murankii dorshada Kenya ee sanadkii tagay waxaa
la ogaa sidii loogu dadaalay inaan dagaal sokeeye kadhicin wadankaas
sidoo kale wadanka Ethiopia waa saaxiib fog oo reer galbeedku kuleeyihiin
afrika waxaaba la orankaraa waa wadanka kaliya ee saaxiibka dhabta
ah ku leh yurub intaas iyo kale oo aanan soo koobi Karin oo saaxiibtinimo
ayay leeyihiin wadamada dariska la ah Somalia.
Bal hadana aan eegno Somalia, waqtigii Somalia xoriyada qaadatay waxaa
jiray laba quwadood oo aduunka ugu waa weynaa kuwaas oo kala ahaa
dawladii midawgii soofiyeetka oo looyaqaabay USSR iyo dawladaha reer
galbeedka oo mareykanku hogaan uyahay waa NATO IYO WARSO
waxaa kaloo jiray dawladaha carabta oo Somalia dhaqan iyo diinba ay
wadaagaan sidaas daraadeed waxaa qasab ku ahayd madaxdii soomaaliya
ee waagaas inay aduunka saaxiib kuyeeshaan maxaa yeelay Somalia waxay
ahayd wadanka faqri ah oo xorriyada hada qaatay oo hadana dhulkiisi
maqanyahay una baahan gacan qabasho si uu dhulka uga koco,
ayadoo taas laga duulayo ayuu raisul wasaarihii Somalia ee xiligaas
mudane cabdirashiid cali Sharma arke horraantii 1960kii wuxuu booqasho
kutagay magaaloyinka Rome iyo Washington wuxuuna kacodsaday kaalmo
miletari iyo mid siyaasadeed taas waa diideen waxayna yiraadeen Somalia
uuma baahna miletari ee waxay ubaahantahay 5000 oo boolis ah waxayna
ogolaadeen 10 milyan qaaraan ahaan loo uruuriyo.
mudane cabdi rashiid asagoo taas kacarooday ayuu 23/05/1961 booqasho
u tagay magaalada Moosko ee xarunta Ruushka wuxuuna codsaday in Somalia
lataageero waana laga aqbalay oo 02/06/19961kii waxaa qalinka lagu
duugay heshiiskii {Somali-soviet treaty} kaas oo ahaa mid balaaran
oo dhinacyo badan taabanya sida mashruucii Russian projects waxaase
ugu muhiim sanaa in Ruushku sare uqaado tayada, tirada, tababrka,
hubka ciindanka xooga dalka soomaaliyeed.
markii inqilaabka talada kula wareegeen miletarigu 1969kii waxay siyaasada
arimaha dibada kuwadeen tubtii uu cabdirashiid ujeheeyay waxaana sii
laba lixaadsaday xiriirkii Ruushka iyo Somalia waxaa dalka laga eryay
jaajuusiintii ameerikaanka waxaana Ruushku xoojiyay maalin galintii
Somalia sida ballarintii dekada iyo garoonka kismaayo, warshada hilibka
kismaayo, isbitaalka warshiikh, isbitaalka waajid, mashruucii faanoole,
madbacadda xamar, warshada kaluunka laasqoray iyo mashruucyo kale
oo farabadan xiriirkaas kadhexeeyay labada wadan waxaa sii xoojiyay
wadamada masar iyo suudaan oo dalalkooda kacayriyay khubaradii millatari
ee Ruushka.
Inta aysan masar iyo suudan cayrin khubaradii soofiyeetka waxaa Somalia
booqasho kuyimid marshal Grechko wasiirkii gashaandhiga ee Ruushka
si carabta loogu muujiyo in Ruushku saaxiibo kale kuleeyahay badda
cas, badda casna aysan ahayn haro-carbeed oo kaliya.
10/07/1972 waxaa moosko lagu martiqaaday wasiirkii gaashaan dhigga
Somalia maxamed cali samatar wadahadaladii uu layeeshay madaxdii Ruusha
waxaa kasoo baxay in Ruushku Somalia siiyo hub tiro badan oo ay kamid
ahaayeen taangiyo, diyaarado dagaal iyo sawaariikhda saam-3 iyo taageero
kale oo farabadan.
Bishii luuliyo 1974kii waxaa Somalia booqasho kuyimid madaxweynihii
soofiyeetka S.N.PODGORNY waxayna madaxdii Somalia kala saxiixdeen
heshiis saaxiibtinimo {friendship & CO-operation Treaty} Ruushkuna
wuxuu Somalia ugu deeqay hub qiimihiisu gaarayo 300 oo milyan oo doolar.
Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeyay Somalia iyo midawgii soofiyeeti
iyo taageerada Somalia ay kaheshay soofiteetka ayaa Somalia waxay
noqotay wadan sharaf iyo meeqaam ku leh caalamka.
Qaybta labaad ayaan ku eege doonaa meesha uu kudambeeyay saaxiibtinimadii
Ruushka iyo Somalia iyo waxa baabi'iyay iyo cidda mas uulka ka ahayd.
Sida aan soo sheegnay xiriirka Somalia ee dibada waxa ugu waynaa uguna
muhiimsanaa kan ay la lahayd midawgii soofiyeetka maamulayasha Somaliyana
waxay wadanka ujeheeyaan dhinaca hanti wadaaga ah ayagoo dhabarka
ujeediyay reer galbeedka.
xiriirku waxa uu sidaas kusocdaba ayaa sanadkii 1974kii waxaa wadanka
itoobiya taladisa lawareegay ciidamada millatariga waxayna halkaas
kusoo afjareen boqortooyadii xayle salaase ee soo jirtay nus qaringa,
markii milatarigu lawareegeen talada waxaa kadhex aloosmay muran kusaabsan
halka loo jahaynayo wadanka labada dhinac ee NATO iyo WARSO waxaana
dhex maray gacan kahadal sababay in ladilo jenaral Aman andom oo markii
xayle salaase lariday loo doortay madaxa sare ee dergue-ga ahaana
taliyihii ciidamada Ethiopia xiligii dagaalkii Somalia ee 1964kii
dagaalo farabadan kadib waxa markii dambe guushu raacday dhinicii
warso ee hogaanka u ahaa mengistu xayle mariam oo talada itoobiya
si rasmi uu lawareegay 1977kii guushii mengistu waxay guul kale u
ahayd soofiyeetka maxaa yeelay itoobiya waxaa saldhigyo kulahaa mareykanka
mengistuna mareykanka waa uu kasoo horjeeday.
1977kii bishii may mengistu wuxuu albaabada ulaabay saldhigii ameerikaanku
kulahaa casmara wuxuu kaloo cayriyay 300 oo saraakiil ameerican ah
taas oo guul u aheyd soofiyeetka maadaama uu berbera oo uu awalhore
saldhig kulahaa ku darsaday casmara sidaas daraadeed waxaa dawlada
soofiyeetka qasab kunoqotay in dhexdhexaadiso Somalia iyo itoobiya
si ay u badbaadsato saldhigyadeeda waxaana loo xilsaaray dhexdhexaadintaas
fidel castro madaxweynihii cuba,
castro ayaa 13/03/1977 muqdisho yimid wuxuuna sheegay inuu nabadayn
wado waana laga aqbalay, maalintii xigtayna addis ababa ayuu tagay
kadibna 16/03/1977 wuxuu cadan kushiriyay siyad barre, xayle maryam
iyo cali rubeeci oo markaas ahaa hogaamiyaha yamantii koofureed wuxuuna
miiska soo dhigay in sadexda dal ay kumidoobaan dawlad federal ah
oo hanti wadaag ah maxamed siyaad wuu aqbalay laakiin wuxuu shardi
uuga dhigay in Eretria iyo soomali galbeed madax banaani lasiiyo Kadina
ay kaqayb galaan hanti wadaaga taasna waxaa diiday mengistu sidaas
ayuuna kuburburay shirkii.
3/5/1977kii waxaa magaalada moosko booqasho kutagay mengistu xayle
maryam waxaana loogu deeqay hub qiimihiisu kor udhaafayay $385 million,
Somalia waa ay kacarootay arintaas waxay soofiyeetka kuwar galisay
in aysan udulqaadan doonin hubantabaynta itoobiya.
Sanadkii 1976kii maxamed siyad barre wuxuu booqashoyin kutagay dalal
carbeed waxayna kusalaysnayd kaalmo doon.
Bishii maaj 1976kii sacuudiga ayaa Somalia ugu yaboohay mucaawino
farabadan hadii soofiyeetka la gacayriyo Somalia
06/04/1977 amiir sacuud al faysal ayaa booqasho kuyimid muqdisho wuxuuna
ballan qaaday 350 million hadii soofiyeetka lacayriyo. 14/02/1974kii
Somalia waxay kubiirtay jaamacada carabta. Arimahaas oo dhan waxay
mugdi galiyeen xiriirkii soofiyeetka iyo Somalia waxaana jirtay khiyaamo
kale oo lagu wax yeeleeyay xiriirka labada dal..
Siyaasada arimaha dibadu waa wadnaha wadanka waa barta laga hago in
wadanka xuduudihiisu aanay cadaw gacanta ugalin haduusan wadanku taagwayne
ahayn waa meesha laga ogaado dadka kunool aduunka ninka cadawga kuu
ah iyo kan rafiiqa kuu ah waa halbeega lagu ogaado waxma tarayaasha
aduunka sidaas daraadeed Somalia oo ahayd wadan dhulkiisa inta badan
maqanyahay ahna wadan faqri ah oo taageero aduunka uga baahan waxaa
muhiim ahayd in siyaasada arimaha dibada ay noqoto meel laisugu keeno
dadka Somalia ugu aqoonta badan ugu aftahansan ugu wadanisan ugu dabeecad
wanaagsan aad ukala yaqaanna shuruucda caalamiga ah aad uyaqaana habdhaqanka
qaramada midoobay aad uyaqaanna luqada diblomaasiyada hadii intaas
laheli lahaa madheceen waxyaalahaan aan soo wado.
Sanadkii 1975kii Somalia waxay inkirtay saldhigii Ruushku kulaha berbera
ayadoo loola jeedo in reer gabeedka taageero looga helo maxamed siyaad
ayaa yiri mandaqada geeska afrika waa dhexdhexaad kamaxbanaan quwadaha
waaweyn wuxuuna berbera ku marti qaaday wariyayaal reer galbeed ah
iyo gudi xaqiiqo raadin ah oo kasocda senate-ka mareykanka markay
berbera yimaadeen oo ay tageen saldhigii Ruushka waxay isku dayeen
inay sawirro kaqataan laakiin saraakiishii Ruushka ayaa diiday. Marka
uu maxamed siyaad saas yeelayo waxaa wadanka Somalia jooga in kabadan
10,000 oo ciidan iyo khubaro millateri oo Ruush ah.
Talaabadaas waxay aad ucaro galisay dawladii Ruushka waxay maxamed
siyaad ku tilmaameen labo wajile raba inuu bari iyo galbeed darandoorri
uliso. Khiyaamooyinka kale oo ay wadeen wadamo carbeed iyo mareykanku
sida wanaagsanna ay umaaran waayeen saraashiikii wasaarada arimaha
dibada iyo madaxdii Somalia waxaa kamid ahaa
madaxweynihii masar anwar al saadaat ayaa kugoodiyay inuu Somalia
Ruushka kasaari doono wuxuuna yiri way noo fududahay taasi waayo markii
horeba annagaa soo galinay qaarada afrika. Anwar al sadaat oo Ruushka
taageero kawaayay markii uu ladagaalamayay yahuuda markaasna mareykanka
iskala saaxiibay iyo boqor fahad oo waligiisba ahaa maqaarsaar ameerikaan
ayaa waxay sameeyeen qorshe khatar ahaa oo Somalia lagu halaagay.
Nin lagu magacaabi jiray Kavin Cahill oo ahaa dhakhtarkii madaxweynihii
hore ee UAE dhalashadiisuna mareykan ahaa ayaa waraaq loosoo dhiibay
ay ku qornayd farriin been ah wuxuu ukeenay maxamed siyaad waxaa ku
qornaa in mareykanku hub ka iibinayo Somalia qiimaha hubkaas waxaa
bixinaya dawlada sacuudiga . sidaas daraadeed danjirihii Somalia u
fadhiyay Washington cabdullaahi axmed cadow ayaa codsi hub ugudbiyay
mareykanka laakiin waxba kama helin.
Waxaas oo dhan marka ay dhacayaan wadanku wax uu kujiray xaalad adag
ciidamada Somalia waxay joogaan gudaha itoobiya waxaa socda dagaallo
kharaar oo jabhadii xoreynta Somali galbeed oo kaashanaysa millateriga
Somalia ay kawadaan gudaha itoobiya, itoobiyana waxay wadaa qaylo
dhaan ah in Somalia rabto inay qabsato itoobiya indhaha caalamka oo
dhan waxay kujeedaan Somalia.
Sikastaba ahaatee dawladii midawga soofiyeetku markay qiimaysay habdhaqanka
saaraakiisha Somalia iyo sida ay rabaan in midba waji kula dhaqmaan
carab iyo mreykan oo meel ah iyo midawga soofiyeetka oo ay rabaan
inay mid mar lisaan markay eegtay wiilka dhagaha fudud ee itoobiya
maamula iyo sida uu ugu dhaga fududyahay amarada moosko waxay goaansatay
inay dib u eegto xiriirka Somalia hadii ay wax kabadali waayaan habdhaqankooda
qalafsan.
Horaa loo yiri:
Tuhmaa lagu ridaa niman haday kala tegaayaane,
Tubta toosan waa laga duwaa tuurintii jabiye..
Hadii sababtu dhici maanka waa layska suulshaaye,
Solimaysid taladii eebbe seeg ku leeyahaye..
Maxamed siyaad oo aaminay beentii carabta dibna aan ufiirin taariikhda
reer falastin iyo waxay carab u tartay ayaa taariikhdu markay ahayd
13/11/1977kii kudhawaaqay inla tirtiray heshiiskii {soviet Somali
treaty} iyo waliba wadanka cuba xiriirkiisii wuxuu kaloo amray khubaradii
soofiyeetku iyo safaaradii cuba-ba ay wadanka isaga baxaan saacado
gudohood.
Xaqiiqdii goaankaas wuxuu ahaa mid qayru masuulnimo ah wuxuu ahaa
jab weyn oo Somalia kudhacay xag millateri iyo xag dhaqaalaba wuxuu
ahaa mid haadaan dheer ku riday qarankii Somalia wuxuu ahaa goaan
uusan qaateen nin ruug caddaa siyaasadeed ah wuxuu ahaa goaan uusan
qaateen nin wadankiisa dagaal kufuranyahay wuxuu ahaa goaan uusan
qaateen nin hogaamiye u ah wadan sida Somalia oo kale ah wuxuu ahaa
goaan uusan qaateen nin xasuusta gabaygii sayidka ee ahaa
Nimankii cigaalada xumaa ciidan ma hayaane
inkastoy cid kuu soo diraan waa cidloo kale'e
maandhow calaacalka iga daa carabi waa naage..
goaankii maxamed siyaad ee qar iska tuurnimada ahaa wuxuu sharaf dil
iyo karaamo ridid ku ahaa wadan ah mid laga haybaysto aduunkaan wuxuu
dac kujiidis ku ahaa wadan taag weyne ah oo madaxdiisu utababaranyihiin
kaligii talisnimada iyo sida looga aarsado kuwa taagta daran ee awaamiirtiisa
kahoryimaada sharaftiisana wax u dhima.
Sidoo kale goaankaasi wuxuu bishaaro iyo bil khayr u ahaa kaligii
taliye mengistu xayle mariam waxyarkadib goaankaas si uu uraali galiyo
moosko wuxuu maalintaas toogtay ku-xigeenkiisi Atnafu abate oo lagu
tuhmay inuu ujanjeero dhinaca Washington wuxuuna dalbaday 15000 ee
ciidamada iyo khubarada Ruushka ah ee Somalia laga eryay in wadankiidu
gacmo furan kusoo dhawaynayo waana laga aqbalay oo meel dheer iyo
safar dheer midna magalin ee addis ababa iyo dakada casmara bay u
taxaaxuleen.
Markii ciidamadii iyo khubaradii soofiyeetka laga eryay Somalia dawladii
soofiyeetku waxay qaadatay talaabo ay kaga jawaabayso goaankaaas kudhawaad
15000 ee ciidamadii iyo khubaradii waxaa loo wareejiyay Ethiopia waxaana
ay ku dhaaratay in Somalia ka aarsandoonto.
itoobiya oo fursad taariikhi ah heshay waxay isku diyaarisay sidii
ay milatariga Somalia looga saari lahaa dhulka Somali galbeed oo markaas
ay dhamaantiis gacanta kuhayeen marka laga reebo magaalada taariikhiga
ah ee Harar
sidaas daraadeed dhamaan bahdii huwanta warso waxay isku diyaariyeen
sidii ay Somalia ugu qaadi lahaayeen dagaal saf balaaran ah.
Dadka somalidu marka waxay kudoodaan inay yihiin dad carab ah taasoo
ay sabab u tahay dhaqanka iyo diinta kadhexeeya carabta iyo Somalia
maxamed siyaad barre oo Somalia kudaray jaamacada carabta markii ay
Ruush kalatageen cidda kaliya oo taageero uu karabay waxay ahayd carabta
oo markii horeba ballan qaad sameeyay Yurub iyo Mareykan ayaga sicad
bayba mar hore udiideen inay Somalia taageeraan waliba mareykanka
gudiga arimaha yahuuda ee mareykanka ayaa dawlada mareykanka usheegay
in Somalia uusan hub kana iibin Karin siina Karin maxaa yeelay xiriir
fog ayaa kadhexeeya itoobiya iyo yahuuda itoobiyana waxaa kunoolaa
yahuud aad ufarabadan.
Huwantii warso waxay itoobiya ufidiyeen taageero balaaran oo milatari
oo isugu jirta cirka badda iyo dhulka wadanka Cuba wuxuu ugu deeqay
15000 oo askari Ruushku intaas in kabadan jarmalkii bari asaguna taageero
ayuu bixiyay yamentii koofureed 1750 askari liibya ayaduna ciidamo
ayay ku deeqday dhamaan ciidamadaas iyo kuwii itoobiyaanka ee dagaalka
loo diyaariyay waxaa taliye loo dhigay taliye ku-xigeenkii ciidamada
lugta ee Ruushka Gneral Petrov kuxigeenkiisana waxaa laga dhigay ninkii
taliyaha u ahaa Ciidamadii Ruushka ee Somalia joogay oo asagu sirta
ciidanka Somalia dhan yaqaanay waa General Barisov.
01/03/1978kii ayuu mengistu wuxuu yiri Ethiopia hada ayay bilowday
dagaalkii ay dhulkeeda kaga sifeyn lahayd Somalia dagaalkuna hada
kadib gudaha Somalia ayuu kasocondoonaa,
intaas kadib ciidamadii huwantu dagaalk cir iyo dhul ah ayay kusoo
qaadeen Somalia min nageyle ilaa derirdawe waxayna maalmo gudohood
gacanta kudhigeen dhamaan dhulkii Somali galbeed ee markii hore laga
xoreeyay waliba mengistu markuu arkay sida soomaalidii loo jabiyay
ayuu damcay inuu Somalia oo dhan qabsato si aan mar dambe loo arag
Somali duullaan kusoo ah Ethiopia.
laakiin boqorkii Iiraan Mohamed Raza bahlawi ayaa u sheegay huwantii
in hadii ay kagudbaan xuduuda la aqoonsanyahay ay Iiraan dagaalka
gali doonto Somalia u hiillin doonto.
Dhinaca kale taageeradii carab laga sugayay waaxay noqotay in ay kasoo
barbar dagaalamaan xabashidii sida aan kor kusoo sheegnay mucamar
al qadaafi hogaamiyaha libya waxay ciidamadiisu kadaalamaayeen barbarka
xabashida, yeman sidoo kale masar iyo sacuudiga ayaga waan soo sheegnay
in hadafkoodu ahaa in laisku diro Somalia & Ruushka ciraaq ayaa
timir keentay Somalia kor iyo hoos hiil iyo hoo kale carab waa laga
gablamay,
markii Somalia burburku kudhacay dadkii soomaaliyeed meesha ay xiriir
iyo iskaashi karaadiyaan waxay noqotay Ethiopia iyo kuwa meelaha lataagtaagay
dalalka walaaleheen ah ee carbeed, waayaabe goormaa Ethiopia noqotay
meel laga raadiyo maslaxad somaliyed aaway walaaltinimada carbeed
sootan sacuudiga dadkii somaliyed ee islaanimada miciinbiday soo tarxiilaya
soo kuwaan maahaa sacuudiga hooyooyin soomaaliyeed oo qaxooti ah xabsiyadooda
kudhex umulayaan.
kornayl qadaafi waligiis Somalia hub ayuu kusoo daldalayay si somaalidu
isugu dhameeyaan tii uugu dambeysay xiligii maxaakimta,
maxaakimta hub ayuu siiyay Cabdullahi yusufna wuu siiyay waa wax Somali
oo dhan ay ogtahay ma ahan anigu mid aan been abuurayo, dhalinyaradii
soomaaliyeed oo dalkiisa aaday xabsiyada ayuu kabuuxshay ayagoo waliba
qaar lafara xumeeyay bilo kahor waataan idaacadaha kadhagaysanaynay
wiilal lafaraxumeeyay iyo gabdho intii fool kuqabatay xabsi dhexdiis
misana markay ilmihii dhaleen xabsiga dib loogu celiyay ayagoo aan
maalin joogin ma waxaas baa islaanimo iyo bini aaadanimo ah. Marka
waxaad arkaysaa dad soomaaliyeed oo kudoodaya carabtu waa walaaleheen
waxaan way diinayaa aaway walaaltinimadu waa kuwaas dadkeenni saas
u ciqaabayee midda kale ninka soomaaliga ah oo manta carab wax kasugaya
carabi waxa ay kuu qabanayso adigoo ay kuuyaqaanaan adoon madow oo
waliba ayaga tuugsada waxay kuu qabanayaan maa falastiin uqabtaan
oo u hiilliyaan.
Marka anigu waxaan leeyahay dambi kaweyn oo uu siyaad barre soomaali
kagalay majirin daritaankii jaamacada carabta waxaan hubaa in dad
badan oo maqaalkaan akhirindoona hadii ilaahay idmo ay ileeyihiin
waa nin waalan dadkaaas waxaan waydiinayaa yaa iisheegi kara wax aan
dhibta iyo khiyaamadaas aan soo sheegnay ahayn oo jaamacada carabta
lagafaaiday sodon iyo dhowr sano ayaan xubin kannahay xoghaye guud
oo ay leedahay Somalia cag masoo dhigin marka waa inaan garanaa cadawgeenna
sida aan itoobiya uugu aqoonsanahay cadaw soomaaliyeed waa inaan ugaanaa
inaan cadow kale leenahay maxaayeelay markaad cadawgaa ogaatid ayaad
maslaxadaada raadin kartaa waatii murti ay ahayd
Baadida ninbaa kula doondoonayoo daalna kaabadane
Hadana inaad hesho aan doonayn daa'in abidkaaye
Marka hiilka iyo wax qabadka carab 40 sano laga waayay ee maanta laga
raadinayo waa mid aan garan waayay.
hada manta soomaali oo dhan way ogtahay in itoobiyaanku yihiin cadowga
soomaalida inta yar ee maanta lasocotana insha allaahu mardhow way
ogaandoonaan markuu ayaga dib ugu soojeesto.
marka dhibaatada Somalia haysataa tan koowaad waa qabyaalada tan labaadna
waa soomaalida oo aan aqoon saaxiibadooda dibada iyo halka dantoodu
kujirto maxaayeelay ninka madaxda ah waxaa laga rabaa inuu yaqaan
meesha danta shacabkiisu kujirto Tusaale ahaan Suriya waxay saaxiib
lanoqotay Iiraan oo ah wadan aan carab ahayn carabta xiriir wanaagsan
kalama dhexeeyo, masar markii in badan dagaal kula jireen yahuuda
carabna aysan wax hiil ah kahelin waa laogyahay sida uu yeelay Anwar
al saadaat.
WQ cali muxamed diini ( cali dhuux) Perth Australia.
Email calidhuux20@hotmail.com
Aden121@yahoo.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|