News from Somalia in Somali |
Maamuuska gabdheheena
iyo macnayaasha magacyadooda
Bulshada Soomaalidu aad ayay u maamuustaa una qadarisaa
gabdhaha, waxayna aad iyo aad uga hormariyaan wiilasha marka laga
reebo dhinacyo kooban. Waxyaabaha tusinaya qadarinta dheeraadka ah
oo la siiyo gabdhaha waxaa ka mid ah:
1. Waxaa aad loo difaacaa sharafteeda oo in lagu xadgudbo gabadhooda
Soomaalidu waxay ka xigaan geeri.
2. Waxaa la siiyaa tarbiyo iyo edbin ka dheeraad ah tan wiilasha.
3. Waxaa si gaar ah loo baraa sida ugu habboon ee ay mustaqbalka u
maamulayso reerkeeda, una maaraynayso nolosheeda. Waxyaabaha Xoogga
la saaro waxaa ka mid ah in la baro farsamada, hab maamuuska sayga,
mudanaha iyo martida.
4. Waxaa aad loo tixgaliyaa ninka gabadha guursada iyo waliba ciddii
xiriir la leh, Soomaaliduna naf iyo maalba waxay u hurtaa, kuna baaba'daa
difaaca ninka xididka la ah, reerkii wiilka gabadhooda qaba lagu xadgudbana
waxaa la yiraahdaa: gabadhoodu guur ma leh, haddaysan tillaabo adag
ka qaadin. Waxyaabaha tusaya arrintaas waxaa ka mid ah in Soomaalidu
u qaybiso xiriirka u dhexeeya bulshada: xidid iyo xigaalo oo ah macne
Qur'aanku sheegay.
5. Waxaa sidoo kale meel weyn ka jooga Soomaalida ilmaha gabdhoodu
dhashay oo aad looga hormariyo kan wiilkoodu dhalay, waxaana la yiraahdaa
qofka wax weyn la siiyo ama loo qabto: loo roonaa ma loo reer abtaa!!!.
6. Waxaa gabadha loo huraa wax weyn marka ay soo mudato ehelkeeda
(ha noqoto mar ay soo cayrowday ama markii ay agoonley noqoto), markay
soo booqatana waxaa lagu dhibaadiyaa waxa ugu weyn ee qoyskaasi heli
karo.
7. Gabadhu waxay ahayd qof lagu soo hirto oo ehelkeedu si buuxda u
tirsadaan marka ay reer yeelato, sidaa oo kale reerka ay u dhaxdana
kaalintaas waa qadarinayeen oo waxay u arkayeen gurigaani in uu ka
dhexeeyo labada qolaba.
8. Labada reer ee gabadhu u dhexayso (reerka dhalay iyo kay u dhaxdo)
waxay ka midaysan yihiin in gabadhaas laga difaaco qofka dadka ugu
dhaw (ninkeeda) hadduu xadgudub ku sameeyo.
9. Gabadhu waxay sabab u noqotaa xiriir iyo walaalnimo qoto dheer
oo dhex marta labada qoys ee ku xididay. Waxaa taas aad u muujinay
sida gabadha godob tirka ahi sabab ugu noqoto joojinta colaad raagtay
oo xal loo waayay, waxay ku maahmaahaan: meeshii xinjiri ku daadato
xab baa lagu daadiyaa.
10. Ninka ama reerka gabadha guursanaya waxay u huraan gabadha qoyskeeda
wax weyn oo xoolo ah (sooryo iyo yarad), waxaan meesha ka maqnayn
hasha hooyo iyo tan abti oo ka dheeraad ah waxa aabbe iyo tolku qaadanayaan!,
taas oo marka dhinac laga eego tusaysa in gabdhaani qiimo weyn ugu
fadhido ninka iyo reerka soo doonay.
11. Waxyaabaha tusinaya qiimaha gabadhu ka leedahay bulshada Soomaaliyeed
dhexdeeda waxaa ka mid ah sida ay suugaantooda qaybeheeda kala duwan
(gabay, guuroow, geeraar, maahmaah, halkudhig
) ugaga hadleen
gabdhaha, hadday tahay ammaan, kool, wacyigalin, baroordiiq, doonis
iwm.
12. Waxaa loo bixiyaa magacyo aad iyo aad u qiimo badan oo xambaarsan
tilmaamaha wanaagsan ee laga rabo gabadhaasi inay yeelato xagga muuqaalka
iyo xagga macnahaba.
Bulshada Soomaalidu siyaabo kala duwan ayay ugu
magac bixisaa ubadkeeda, magacyadaasina waxay ku baxaan munaasabad,
waqti ama xaalad markaas taagan. Waxaa kale oo magaca loola qasdaa
in uu tusiyo macne ama tilmaan qiime leh oo la doonayo in ilmahaasi
yeesho. Waxaan meesha ka marnayn in gabadha laga doonayo in ay ku
sifowdo tilmaamaha wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin dhammaan magacyada
loo baxsho gabdhaha.
Munaasabadaha iyo macnayaasha magacyada gabdhaha
Soomaaliyeed
Magacyada gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado,
waxayna xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga doonayo
gabadheenu in ay yeelato, waxaana ka mid ah:
* Magacyo ku baxay xilliga gabadhu dhalatay, sida: Isniino, Axado
iyo Salaado (xilli salaadeed).
* Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu, sida: Ugbaad, Cosob,
Xareedo iyo Roobo.
* Magacyo muslimiintu la baxaan, sida: Xaawo, Caasha, Xaliimo, Khadiijo,
Faadumo, Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo kale noqoto.
Magacyada xambaarsan macne ama sifo wacan oo la
rabo in gabadheennu yeelato:
1. Magacyo diimeed oo tusaya in ay tahay gabadhu qof Alle taqaan,
cilmiga iyo cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida: Muumino,
Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo, Khadro (Khadar-nimo), Ijaabo,
Duco, Ardo, Cibaado. Haddaba waa in gabadha Soomaaliyeed xambaarsanaato
sifooyinkaas ee aysan noqon Alle ka jeed inkaar qabto ah.
2. Magacyo goobo barakaysan oo loo saadinayo in Alle geeyo adduunka,
sida: Makka, Madiino, Muna, Marwo (buurta iyada iyo Mina la dhex
ordo, marka la xajiyayo ama la cumraysanayo), Rawdo(goob barakaysan
oo u dhexaysa Guriga Nabiga SCW iyo minbarkiisa).
3. Magacyo Janno oo Rabbi looga rajaynayo in uu aakhiro dajiyo,
sida: Firdawsa iyo Naciima (oo ah labo Janno).
4. Magacyo tusaya dhawrsoonaan iyo xushmad, sida: Astur, Cawrala,
Ceebla, Aamina, Ijo iwm. Gabadheenna iyada oo aan wax aqoon diineed
ah lahayn ayaa waxaa astaan u ahaan jiray asturnaan, xishood iyo
ceeb la'aan, waayadaan dambase ceeb Alle ha asturo!!!.
5. Magacyo muujinaya sama-sheeg iyo sama-fal, sida: Warsan, Nasteexo,
Samawada
6. Magacyo tusaya xilkasnimo, naagnimo iyo mudeecnimo, sida: Marwo,
Raalliyo, Amran iwm.
7. Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha ay leedaha gabadhu, sida:
Qaali, Dahabo, Cambaro, Jawaahir, Luul iwm.
8. Magacyo muujinaya quruxda iyo bilicsamida gabadha, sida: Qalanjo,
Muraayad, Ubax, Xasno, Sahra, Safiyo, Shamsa, Qamar, Habboon, Keeyf,
Cawrala (way dhammaystiran tahay oo meel laga xanto ma leh muuqaal
ahaan. Waxay kale oo noqon kartaa qof xagga dhaqanka iyo akhlaaqda
ka dhammaystiran oo wax lagu ceebiyo oo qawl iyo ficil ahi uusan
jirin).
9. Magacyo xambaarsan macnayaasha: nadaafad, udug iwm, sida: Nadiifo,
Mayran, Hufan, Cadar, Carfoon iwm.
10. Magacyo xambaarsan: Jacayl, macaan, qabaw, dagganaan iyo naxariis
ay ku sifowday gabadhu, sida: Muxubbo, Timiro, Barni, Xalwo, Rummaan,
Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar (qabawga daruuraha) iyo Naruuro.
11. Magacyo tusaya dulqaad, karti iyo firfircoonaan, sida: Carro,
Wiilo, Caabbiyo, Baxsan, Shan-karoon, Fariid, Geelo iwm.
12. Magacyo xambaarsan saad wanaagsan, sida: Falxado, Hoodo, Ayaan,
Maymuun, Caanood, Faa'iso iyo Fawsiyo
13. Magacyo tusaya boqornimo, sida: Mulki, Suldaamo iyo Ugaaso
14. Magacyo muujinaya inay ku filan tahay ehelkeeda, muslinkoo dhan
iyo gaar ahaan ninkii hela, sida: Deeqa iyo Kafeeya.
15. Magacyo sita macnaha aqoon, caqli iyo garasho, sida: Fahmo.
Wanaagga iyo maamuuska Soomaalidu u hayso gabdheheeda
ee aan ka waranay kama wadno in aysan jirin xadgudubyo iyo dulmi
loo gaysto gabdhaha ee waxaynu uga jeednaa in aan caddayno meekhaanka
iyo maamuuska ay ku dhex leeyhiin dadkooda, isla mar ahantaasna
aynu muujino in gafafka loo gaysto gabdhaha aysan ahayn dhaqan guud
oo bulshadeenu leedahay ee ay tahay wax ku gaar ah qofka xumaaday,
gafkaasi ha kaga yimaado reerkooda inta ay yaryar yihiin ama nimankooda
marka ay guursadaan ama ubadkooda marka ay weynaadaan ama ha kaga
yimaado qaar kale oo ka mid ah bulshada. Tan kale dulmiga iyo gafka
laga galo gabdhaha waxaa ka badan kan laga galo ragga, tusaale ahaan:
dhaqanka Soomaalida waxaa ka mid ah in aan la dilin dumarka wax
kasta hadday dhacaan, waxaana la ogyahay in ay laayaan wiilasha
yaryar haddii dagaalku dhanaanaado, waxayna ku magacaabaan siqiir
gawrac. Waxaa iyana soo qaadis mudan in ay isku mid yihiin asbaabta
keenta dulmiga ragga iyo kan dumarka oo ninkii gabar dulmiyaa uu
intaa ka badan raggana dulminayo.
Dhinacyada Soomaalidu ay kaga xadgudubto gabdhaha
Waxaa jira dhinacyo bulshada Soomaalidu ay gabdhaha ka hagrato ama
ku dulmiso iyada oo dhab ahaan gabdheheeda jecel una roon, waxaana
ka mid ah:
1. In dadka qaarkood ay jeclaystaan ilmaha u dhalanaya in uu noqdo
wiil oo ay ka naxaan haddii gabari dhalato, taasna waxaa sabab u
ahaa bulshada Soomaalida oo aan dawlad iyo caddaalad midna haysan
ee qof walba uu wiilashiisa ka filayay difaac. Xilliyadii yaraa
ee Soomaalida qaarkeed galay magaalooyinka ama maamulladu dhisnaayeen
waxaa yaraaday ahmiyadda qabiilka iyo horumarintii wiilasha.
2. In Soomaalida badankeedu gabdhaha ka hagran jireen xagga waxbarashada
oo caadadu ahaan jirtay in wiilka wax la baro gabadhana xoolaha
la raacsado. Arrintaan dhab ahaan hadda waa laga gudbay oo gabdhuhu
xagga waxbarashada diineed iyo adduunyaba xilliyadaan dambe iyagaa
kaga horreeya wiilasha, sababtuna waxa weeye waalidiinta oo ilmohooda
si siman u geeya waxbarashada iyo wiilasha oo inta badan ku mashquula
waxyaabo gabdheheenu ka hufan yihiin iwm.
3. In xoolo yari loogu diido nin geeyaankeed ah oo ay doonayso,
ama lagu xiro yarad uusan heli Karin.
4. In lagu khasbo nin aysan raalli ka ahayn oo xoolo loogu xishay,
lagana yaabo inuusan u qalmin ama qancin Karin.
5. Taas oo ay ka dhalatay dhaqan xun oo dhibaato weyn ku ah gabdhaha
diintooda, sharaftooda iyo ehelkoodaba, waana waxa loo yaqaan: ((
LA BIXIS)) oo gabadhu kaga fakanayso in lagu khasbo nin aysan rabin
ama ku raadinayso nin ay doonayso oo ay ka cabsanayso in loo diido.Waxaa
wax Rabbi loogu mahadnaqo ah in waayadaan dambe ay aad u yaraatay
gabdhihii lagu khasbayay nin aysan rabin, ama loo diidayay ninka
u qalma, waxaana ka dhashay in ay aad u yaraato la bixista oo diinteenu
aad u ceebaysay, una diiday.
6. Dulmiga gabdhaha loo gaysan jiray waxaa ka mid ahaa in dadka
qaarkood u diidaan dhaxalka, gaar ahaan geela oo lagu yiraahdo annagaa
kuu haynayna ee orod oo arigaaga kaxayso. Tanina waxay ka mid tahay
dulmiga aad ka u soo yaraaday xilliyadaan dambe oo diinta aad loo
bartay.
Gabagabadii bulshoweynta Soomaaliyeed rag iyo dumarba
waxaa la gudboon in ay joojiyaan dulmiga ay u gaystaan gabdhaha,
isla mrakaasna ay u guntadaan sidii dadkeena oo dhan looga dhaadhicin
lahaa arrintaas. Gaar ahaan aqoonyahanka iyo suugaanyahanka qawl
iyo qalinba inay ugaga qeybqaataan ayaan ka rajaynaynaa; si aan
gabdheheena uga samatabixino dabinada iyo mu'aamaradaha loo maleegayo.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Aden121@yahoo.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|