News from Somalia in Somali |
KU CAASHAQAYE MAXAAN
KU CALFAN WAYEY Qeybtii 6aad?
Qalbigu miyuu qaybsama qaadir waxa uu qadaray miyaad
diidi kartaa, Nolashayda labo ayaa ku dagaalamaysay mid waa sabool
nimo aan ku barbaaray midna waa Jaceyl kii aan u qabay Farxiyo,
lakinse Intii aan ku wareegay Guriga Adeer kay Sheekh Sharmare Yusuf
oo aabahay ilmo adeer afraad ay isku yihiin maxa isbadal ku yimid
nolashayda waxa ii furmay nolol cusub markii aan ka hadlayo tii
aan ku nolaa oo kale waxan hadda ku noolahay Guri Qasri ah oo ween
waxan go aan ku gaaray in aan wax barasho bilaabo Adeerkay waxa
uu iga baxshay College aan ka dhiganayo Maadada Computer sciene
iyo English ka waxa laygu qaadaa gari waxana layga shubay lacag
tiro badan lakinse nafto ma hilmaamto dhibaatadii aan soo maray
markaan bilicsado nolasha qawoow iyo raaxada aan galay waxan iga
marneed Murugo ku salaysan dhibaatada ciddayada ay ku jirto dhaqaalo
xumida markaas ayaan abaara wal wal waxan ku taamayey in aan shaqaysto
oo aan ciddayada wax taro wiliba waxan ku tamaa in aan Reerkayaga
aan soo dajiyo Magaalada kuwa iga yar yarna aan jahliga ka saaro,
markaan murugadaas xasuusteeda galo waxan soo xasuusta sidaan u
imid iyo Responsorkii aan ku dhacay waxan kaloo iga marneed Gabadhii
lacagta iyo dibada iga doorsatay oo inta badan murugo igu haysa
xasuustu waa mid aan iga guurin markaan xasuusto waan ilmiyaa, go
aan waxan ka qaatay in aan shukaansi dabe aan sameen kana fagaado
hablaha lakinse waxan hilmaamay in lay jeclaankaro aniga madaba
aan aniga iska xiray in aan wax dabe aan jeclaado
Waaga ii baryey waa mid aan go aan ween ku qaatay in aan wax barasho
aan bilaabo iyo shaqo balse mudnaanta waxan siiyey in aan marka
hore wax barto kadibna aan abaaro sidaan lacag usameen lahaa, anigoo
dabeecad fahmay Adeerkay Sheikh Sharmarke ayaan ka codsaday in uu
wax barasho iga baxsho waxan iska soo Register gareeyey College
ka Kenya Training Computer Technicail Center waxan bilaabay in aan
ka barto Computerka iyo Luqada Englishka, waxan galaa Subixii waxana
ka soo bixi jiray galabtii anigoo si iga muuqato in aan daalay balse
aan dan ka gali jirin jid kasta oo adag oo aan abaaro, waxa igu
darnaa markii aan baranayey luqada balse waxan ka gaaray guulo waween,
waxan si rasmi ah ugu tiigsaday in aan ardayda ka dhex muuqdo, hadii
aay ahaan laheyd luqada ama ay noqon laheyd Computerka waxan ku
mushquulay Aqrinta waxyaabahaan soo qaatay oo cashar ah intii aan
is dhahayey samee gool ween oo aad ka gashid iskuulka iyo nolashaada
waxan hilmaamay gabadhaan yartaa oo inta badan jecleed in aan lamaane
la noqdo lakinse waxa igu Record gareesna qoftaan jeclaa oo aan
isku dayeyo in aan hilmaamo Maalin Axad ah anigo iska jooga qolkayga
oo cabaar ka horaysay aan isla soo quraacanay adeer oo si fiican
ugaga mahad celinayo sidaan u dadaalayo iina balan qaaday in uu
wax barashadayda ilaa heer jamacadeed uu iga bixinayo waqti kastana
oo aan wax ugu baahdana uu ila garab tagan yahay Adeer waxaa uu
iga balan qaaday Shaqo Fiican in uu iga siin doono Company uu leeyahay,
markaan wada hadalnay adeer waxa si kadis ah albaabka gabaleelkiisa
soo garaacday Hodan, bacda salaan waxa ay igu tiri waxan isku raacaynaa
Magaalada waxan ku iri maantay waxbaan aqrisanaya balse adeer ayaa
igu yiri Gabadha raac madaba ay kaa codsatay in aad magalada aad
u raacdid balse kama aan diidi karin in an hadalka odayga ka hortago
waan labistay kadibna waxan isku raacnay Magalada waxa ay nugu waday
gariga ay ayadu leedahay
Aniga iyo ayada waxan wada galnay Sawiro xogaana waxan fariisanay
Beerta ween ee Uhuro Park intaan fadhinay ayeey igu tiri Mohamed
ku oran maaye Hanadow waayo waxad jeceshahay ayaan anigana jeclahay
oo magacaas waxad u nacday gabadhii dariiqa kaaga dhaqaaqday marka
walaalow waxan ku soo bandhiganayaa jaceyl dhab ah waxana kaa codsanayaa
in aad iga aqbashid oo aadan igu diidin run ahaantii aad iyo aad
ayaan ku jeclaaday waxana u daliil ah waqti kasta waxan jeclahay
in aan ku arko balse waan laka baqayey in aan durbo ku soo bandhigto
jaceyl ka aan ku qaaday mantay waan xamili wayey in taas in kabadan
in aan qariyo balse waxan jeclaaday in ku sheegto waxad iga oran
laheydna waan ka sugayaa
Hodanay hablaha waa ay dhib badan yihiin markaad hiil oga baahatana
waad ku hugoowdaa markaad laacsatana warka ayeey ku jilciyaan markaad
u hamuumootidna waa ay iska kaa weyneyaan dhibta ma anaga ayeey
no abuureen ma waxaad igu bilowday in aan soo gocdo jaceyl kii dhibta
iyo qaharka watay mise waxaa kaa dhab ah in aan hada kula sameeyo
jaceyl, hada waxan sameeyo ma garan karo nabar aan ka sawaaqsaneed
ayaa igu dhacay ma ogtahay in aan go aan ka gaaray hablaha hadal
iska daaye xitaa in aan lasocon waayo Hodanay they are after money
maxan sameyna dad ka miyaan dhacnaa mise jaceyl ka ayaan iska dhafna
waxan go aan ku gaaray in aan isku tilaab cas aan iska saaro hablaha
oo dhan tasna waa tan aan mantay aan ku taaganahay waxan ka oran
karo hada majirto jaceyl kaaga balse waxad tahay Hodanay Gabar qiimo
iyo qadarin dhankayga ku leh dabeecadadana waan aqaano mantay qof
aan lasameeyo jaceyl oo aadiga iga kaa fiican majirto balse waqtiga
ayaa ihaya iyo xasuusta oo igu dabaysay
Intaas ka dib hodan ayaa igu tiri qof kastaba waxa
uu leeyahay waayo aragnimo shalay gabadhaas adiga ayaa jeclaa in
ay kaa gashay Nabsina waan la socdaa waxan kaloo la socdaa in aad
darteed aad u martay dhibaato jaceyl waxana ogahay in aad aad iyo
aad u jeceshahay waxana tilmaan u ah magacaagii oo aad iska badashay
ayada darteed tasna waa dhibta xididaaysatay ay ku geysatay qoftaas
lakinse ma ku xisaabtantay in aadan adiga laftigaaga aadan ka sokeen
ayada wadaday martay oo qof ku jecel aad wada oga tagaysid nabsigii
lagaa galay in aad iga galaysid
Hodan waxa ay bilowday in ay ooydo balse waxan ku iri hodanay waa
runta wax iga maqnaana waad itustay oo in lay jeclaan karo balse
waxan niyada iyo naftayda ka dhaadhiciyey Nimcaan aan u qabo qoftaas
balse waxad tahay qof waayo arag ah waadna ku mahadsantahay jaceyl
kaaga mantay wixi ka dabeeya waxad tahay qofta aan jeclahay waxad
tahay qofta nolashayda Rumuudkeeda haysa balse waxan kaa codsanayaa
hadii dibada lagaa soo doonto maxa talo ah anigoo qoslaaya waxa
ay igu tiri hodan hadii dibada layga soo doonto lagaama yaabo in
aan kaa raaco waayo adiga ayaan ku jeclahay dibadaasna aniga ayaa
ka imid oo waan aqaan waxa ay tahay balse waxan ka codsanayaa in
aad ugu kolsooni qabtid
Hodan iyo aniga waxan go aan ku gaarnay in aan jaceyl
keena qarsano intaan wax barashadada aan boganayo shaqana aan helayo,
hodan waa qof aad iyo aad u fiican bisha markii ay dhamaato waxa
ay isiisa lacag anigana waxan u diraa cidayadii sidoo kale waxa
ay iga caawin jirtay dhanka wax barashada nolashaydii isbadalka
ku yimid waxa ay ka mid noqotay halgamaa ka qeeb qaadatay balse
xagee ayaan ku dabaynay isbadalki nolashayda xage ayuu garay farxiyo
iyo aniga ma is aragna markale, jaceyl kii farxiyo xagee ayuu ku
dabeyey aniga iyo jahligii miyaan ka guul garay intas oo dhan waxan
ku soo qaadan doona qeebaha kale ee barmaamijkaan KU CAASHAQAYE
MAXAN KU CALFAN WAYEY lasoco qeebaha kale
lasoco qeebta Dodobaad insha allah
Qoraasare hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email: peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|