News from Somalia in Somali |
Dhibaatada Koonfur
Ka Dhacday Yaa Ka Mas,uul Ah?
Jawaabta su,aashan waxay tahay bad aan laga bixi
karin. Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo waxyaalihii
aan ka soo uruuriyay dadweyne aad u tirabadan oo aan waraysiyo la
yeeshay.
Soomaalida aan su,aashan hordhigay xitaa waxaa ka mid ah Madaxweyne
Cabdullahi Yuusuf. Wuxuu isagu ku jawaabay {Waydii kuwa Xamar qasaaya
ee dalka burburiyay ee tan iyo maanta dhiiga dadka daadinaya, iyo
kuwa Hay,adihii dalka dilalka iyo afduubka u gaysanaya}.
Hadaba jawaabadkan ka helay dadyoowgii Soomaaliyeed ee kala duwanaa
waxaa ka mid ahaa kuwan soo socda:
Dad waxay qabaan dhibaatada Somaliya waxaa ka mas,uul ah dadkeena
gobolada dhexe iyo Mudug.
Dad waxay qabaan gumaystihii Somaliya shanta u qaybiyay ee Jamhuuriyadii
dhalatay ku kalifay inay hub aruursato oo wax walba hub galiso ayaa
u sabab ah.
Dad waxay qabaan inuu sabab u yahay dagaalkii 1977kii ku qaadnay
Itoobiya.
Dad waxay qabaan qabiiladeena qaar ka mid ah oo midba mid farta
lagu fiiqayo inay sabab u yihiin burburka.
Dad waxay qabaan inay burburka keentay sidii guracnayd ee uu madaxweyne
Maxamed Siyaad wax u maamulay.
Dad waxay qabaan kuwii jabhadaha ahaa ee cadawga u tagay ayaa burburka
sababay.
Kuwo waxay qabaan SNM-tii Woqooyiga soo gashay kama horayn burburka
oo markay magoolooyinkii bartankoodi dagaalka ka fureen ee ay Hargaysa
burburtay ayaa ugu horaysay burburka.
Dad waxay qabaan Turubkii siyaasadeed ee uu Mingiste la ciyaaray
Maxamed Siyaad ee uu Mingiste raayay inay keentay burburka.
Dad waxay qabaan inay qabyaalad burburisay Somaliya.
Qaar waxay aad u rumaysan yihiin Xasadka la is xasdayo inay sababtay
burburka Somaliya.
Qaar iyaguna waxay xoog u rumaysan yihiin in uu Fusuq xad dhaaf
ah oo dunida meel lagu arkay uusan jirin ay burburisay Somaliya.
Qaar waxay qabaan siyaasiyiinta dalka tan iyo 1954 ee wada qabiilka,
jahliga, xasadka iyo magaagnimada dalka ku maamushay inay sababeen
burburka.
Lisstadu waa ay dheertahay. Dambiguna ma yara iyo farqaha la isku
dhaganyahay ee yaa hadaba burburiyay dalkeeni?
Anigu ma qabo inuu mid ka mid ah qabiiladeena Soomaaliyeed uu burburiyay
Somaliya. Sababtoo ah, qabiil Soomaaliyeed oo dad wada xun leh ma
uu jiro sida uusan u jirin mid dadkiisu wada fiicanyihiin. Xitaa
kuwa Xamar ku sugan ee muuqaal ahaan Xamar iyo dalka intiisa kaleba
burburiyay arrintu way ka wayntahay iyaga. Sababtoo ah, hadaysan
siyaasad ahayn waxa dal burburiya cid iska soo dhaqaada maxay waa
horeba u burburin weyday Somaliya.
Soomalidu yaysan is xagxagan, hana dhaafto faraha
la isku fiiqayo.
Kuwa Koonfur Qasaya Maxaa La Gudboon Maanta?
Nimankan Koonfur qasaya, waxaa la gudboon unay xisaabtamaan oo ay
is arkan waxay shalay ku hamoonayeen inuu khalad iyo gaf weyn ahaa
oo sababo badan awgeed u socon wayday.
Marka, waxaad ku haamooteen khalad iyo saxba waxa ay iniigu socon
wayeen waa wax la garan karo, lakiin marka wixii socon waayeen oo
aad wali dabada haysataan oo jidkii khaldanaa ku sii dhaga adaygtaan
oo aad kusii indho cadaataan waa doqonimo mida ugu weyn.
Waxaan nimankaas khaldan ee ama garan la.a inay khaladkoodi ka soo
haraan ama aan wali is ogayn ama is og laakiin wali dib isugu noqon
la,a, waxaan kula talinayaa inay maanta is xisaabiyaan.
Hadii aad arrimahan hoos ku qoran ku dhaqaaqdaan, waxaad helaysaan
inay Ummadu ini cafiso uur iyo gacanba oo aad mar labaad Soomaali
magac iyo muuqaalba ku soo noqotaan ileen hadda daruuraha ayaad
korsantihiine oo ismaba ogidiine niman magacoodu sicir-barar ku
dhacay ayaad tihiine. Markaan intaas leeyahay, kuma jiraan haween,caruur
iyo kii xanuusanayayba.
Waxaan kula talinaya nimankaas:
1) Ka waantooba hadba gobol dad Soomaaliyeed ku dhaqanyihiin inaad
ku duushaan oo is waydiiya kuwii hore oo aad ku duusheen idinka
iyo ciidamada Itoobiyaanka ahiba inaydaan wax faa,ido ah ka keenin
khasaaro mooye.
2) Uga baxa guryaha dadka Soomaaliyeed ee aad ku jirtaan.
3) Faraha ka qaada maamulka Ummada Soomaliyeed ee aad iska dhoofsanaysaan.
4) Ummada Soomaaliyeedna in ninkaan Cabdullahi Yuusuf la dhaafsho
waxay maanta u taal idinkoo ahaan jiray hormoodka wadaninimada Soomaaliyeed,
balse maanta u jeestay dhac, dil, xasuuq, sun bada lagu daadiyo,
xashiishad beerihii Koonfur lagu beero, mooskii iyo dhamaan wax
soo saarki Ummada Soomaaliyeed oo la iska dhoofsado oo maal xaaran
ah dhasha. Beerihii shacabka oo xoo lagu haysto iyo dhismayaashi
iwm.
5) Woqooyiga Somaliya (Somaliland) maanta waxay haystaan nabad aan
Somaliya inteeda kale ka jirin. Ilaahay ha u siyaadiyo nabada, dhamaan
Somaliyana nabad haka dhigo, nimankaas reer Woqooyiga oo aan ka
mid ahay, kubadu iyaga ayeey maanta dhinacooda taala.
Nimankaas waxaa la gudboon inay maanta u hiiliyaan Somaliya iyo
sumcadeedi, arrimaha Koonfurna waxii ay ka qaban karaan ka qabtaan.
6) Waxaa muhiim ah in Soomaali mar labaad gacmaha ay is wada qabsato
oo sidii lagu yiqiin waliba maanta si abad ah ay noqoto.
7) Waxaa muhiim ah in sharaftii Ummada Soomaaliyeed lasoo celiyo.
8) Waxaa muhiim ah in dhamaan suntii bada lagu daadiyay imikana
wali socota, dunida lala kaashado in nalaga saaro.
Waayo, waxaa la ogsoonyahay in malaaygii badda ku jiray qaarna ay
sunta ka carareen oo ay galeen South Africa, qaarna shirkado Mafiyaan
ahi iska daldashaan, lacagta laga helona ay Koontooyin dad Soomali
ah ay iska leeyihiin ay ku dhacdo.
9) Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina cid wax u qabsan
ee Soomaali is wada cafiso oo waa dad walaala ah ee ay gacmaha is
qabsato. Waxii dhacay ma in la qoro, mise in la isa sii daba galo:
Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo Soomaliyeed inaan mar danbe la
daadin. Xitaa ninka la dhaho Cabdullahi Yuusuf anigu waxaan qabaa
inaan far la saarin ee la tuso inuu wanaagu yahay midka fiican ee
cuqdada iyo xumaanto tahay mida aafada inoo horseeday.
10) Waa in dadka Soomaaliyeed looga baxaa guryaha iyo dhismayaasha
sida sharci darada ah looga jiro.
11) Waa in dadkeena Galmudug-State iyo Puntland dhibaatadooda si
degdeg ah looga xaliyo, intaysan faraha ka bixin, waa in la baro
shuruucda aasaasiga ah ee banii-aadamka oo ah ilaalinta sharciga
lahaanshaha.
12) Maalka Ummada ee la iska dhacayo ha laga tanaaasulo. Xaarani
cawaaqib xumo weyn ayey leedahay. Mooskii Somaliya kala bar, in
ay Dawladaha Maraykanka iyo Talyaanigu iska daldashaan waa la ogyahay,
lacagta laga helona Koontooyin lagu shubto.
Waxaa la ogsoonyahay in macdantii Buur-Xakabo niman Mafia ahi inteedi
badan rarteen.
Gunaanad.
Ummada Soomaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay magaca Somali!
Wuxu waa Ummad sidii dunta looga dilayay dhimatay! dhimatay!
Wuxuu waa Ummad xaarka qasatay! Qabyaaladina cunto iyo cabitaan
u noqotay!
Dadkan Soomaali ee laguu sheegi waa wax dhintay oo uray!
Qabiilkan qalajiyay ee ay daba naadini mooyee waa dad Diin iyo Iimaan
kale oo ay leeyihiin uusan jirin.
Waa dad aan inaba dan ka lahayn dad,dadnimo,sharaf iyo wax kale
toona.
Walee tan Soomaali ah ayaan hagaagin! Waa Ummad qaliban oo Ilaahay
meel baas ku wado.
Soomaali waxaad ka quusataa waa dadka kaliyah ee Dunida oo dhan:
Mujrim u noqdo Madaxweyne.
Shaydaanka laga Cawdu bilaystay u yahay Shariif.
Saqajaanku u yahay Suldaan.
Tuug u noqdo Taliye.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockholm
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|