News from Somalia in Somali |
Somalis
are immensely indebted to Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis.
.
Kadeedka xad dhaafka ah ee ay nugu hayso Dawlada Mbaghati, waxa ka
daran kadeedka ay Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay ku hayaan shacabka
Soomaliyeed, shirkii beenbeenta ahaa ee ka dhacay Jabuuti waa lala
wada socdaa.
Qaramada Midoobay iyada ayaa dhexdhexaadinaysay shirkaas oo hogaanka
u haysay, balse ha moodin in Maraykanku shirkaas ka maqnaa, dhinaca
Dawlada Maraykanka waxaa matalayay Axmed Wallad-Cabdalla oo ah Danjiraha
Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Axmed Wallad-Cabdalla eedayn badan isaga in la saaro maaha, waayo
waxaa lagu tilmaami karaa ninkaas in uu isagu ahaa shakhsiga kaliyah
ee badbaadiyay shirkii Jabuuti oo runtii fashil qarka u saarna, midda
kale Axmed Wallad-Cabdalla isaga ayaa qodobada badankooda ansixiyay
oo meel mariyay, si ay Soomalidu nabad waarta u hesho.
Intii ay Soomaliya holcaysay oo ay ku jirtay cadaadiska qab-qablayaasha
dagaalka, Qaramada Midoobay iyo Dawlada Maraykanku si bareer ah ayeey
indhaha iyo dhagaha uga xirteen dhibaatada haysata shacabka Soomaliyeed.
Marka laga reebo shirarkii lagu maaweelinayay Soomalida, oo jiifka
lagu siinayay cuntada kuwa runtii masuulka ka ahaa dhibaatada dalka
ka taagan maanta. Marka dhankasta laga eego, xooga iyo aduunka ay
yeesheen dagaal oogayaashii toban iyo sideedi sano ee la soo dhaafay
hafinayay shicibka Soomaaliyeed, waxaa eedeeda leh Qaramada Midoobay
iyo Dawlada Maraykanka iyo wixii la halmaalaa, oo si buuxda uga qayb
galinayay hawlaha Qaramada Midoobay ee xafiiskeeda UNDP ee ku yaala
dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi oo laga xukumo Somaliya oo
si naxariis darro ah u caawinaysay qab-qablayaasha ama dagaal-oogayaasha
Soomaliya.
Maalmihii ay Maxkamaduhu Muqdisho qabsadeen Qaramada Midoobay iyo
Maraykankuba way ka xanaaqeen arrinkaas, maxaa sidaas xooga leh uga
caraysiiyay Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo ay usoo dhaween waayeen
Soomaalidii soo hoysay nabada iyo guushii lix iyo tobanka sano la
gaadhi waayay?
Guusha ay Maxkamaduhu ka guulaysteen qab-qablayaasha dagaalka wada,
waxay ahayd arrin ay Soomalidu si xad dhaaf ah ugu riyaaqeen !! Maxaa
u diiday in Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay la qaybsadaan farxadaas
wayn, hadii ay run ka tahay in ay u daneenayaan dalka Somaliya, iyo
shacabka sii dhamaanaya?!!
Maxkamadaha Islaamiga waxaa lagu qiyaasay inuu yahay dhaqdhaqaaqa
ugu wayn Geeska Afrika waayo,waxay gacanta ku hayaan %35 dhulka Somaliya
(Dhinaca Koonfur), shicibka Soomaaliyeed waxaa raacsan %70 qof.
Maxkamaduhu intii ay ka talinayeen Muqdish waxay baabiyeen musuqmaasuqii
dagaa oogayaasha, oo dadka dhici jiray afduubi jiray, jidgooye iyo
isbaaro dhigi jiray wadooyinka.
Soomaalidu waxay ku maahmaahda, ( Dab Munaafaq shiday, Mu,min baa
ku gubta ), waagi ay Maxkamaduhu dalka Somaliya (Koonfurta) ay nabada
ka dhigeen, waa kuwii soo baxay rag lagu magacaabo (La-dagaalanka
Argagaxisada) oo ay ku bahoobeen Danbiilayaasha ay Somaliya ka degi
la,adahay, markii danbana uu kusoo biiray Duqa magaalada Muqdisho
ee isna ah dagaal oogaha cadaw ka dhigtay walaaladiisa Hawiye Maxamaed
Dheere.
Aasaaskii qoladan la magac baxday (La-Dagaalanka Argagaxisada) waxaa
ka danbeeyay Qaramada Midoobay, lacagta ay hubka ku iibsadeen waxaa
bixisay isla Qaramada Midoobay, lacagtaas oo gaadhaysay Malaayiin
Doolar ah oo loogu talo galay in lagu xasuuqo shacabka Soomaliyeed,
iyo in Maxkamadaha Islaamiga lagu burburiyo, lacagtaas waxaa lasoo
dhigi jiray xafiiska UNDP ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay dalka
Kenya kuna yaala Nairobi.
Raga ay ka midka yihiin Qanyare, Suudu Yalaxaw, Cabdiqaybdiid, Hiiraale,
Bashiir Raage, iyo Maxamed Dheere waxay ka mid ahaayeen ragii Malaayiinka
Doolarka ah ku qaadan jiray in ay la dagaalamaan Maxkamada Islaamiga
oo u badnaa reerka Soomaliyeed ee Hawiye, ragani imika waxay noqdeen
Libaax ilkihii laga guray, oo imika Xildhibaano uun bay ka yihiin
Somaliya, balse Maxamed Dheere waa ninka wali ka wada dagaalada qaarkood
magaalada Muqdisho. Cabdiqaybdiidna uu yahay ninka haysta booliska
Somaliya.
(Dab Munaafaq shiday, Mu,min baa ku gubta). Waa maahmaah soo noqnoqopta
runtii. Qaramada Midoobay iyada ayaa isku dirtay Soomalida, oo hubka
isugu dhiibtay, una fasaxday dagaalka, dabkii waagaas la shiday, wuxuu
dhalay inay soo baxaan kooxo kale oo aan waxba dhaamiin Maxkamadihii
la burburiyay sida, Al-Shabaab,Itixaad iyo kuwo kale oo isla Muqdisho
uun ka dagaalama looguna magac daray (Kooxaha wax khaarijiya).
Xafiiska ku yaala Nairobi ee UNDP ee Qaramada Midoobay ay leedahay,
uguna talo gashay in ay Somaliya ka caawiso lacagatana halkaas usoo
mariso, hadii lala xisaabtamo oo cadaymo la hor keeno, waxaa cadaanaysa
in ay Malaayiin Dollar ahi ay qaybsadeen qabqablayaasha dagaalka,
iyo rag fara badan oo ka tirsan xukuumada DFKMG, iyo in lagu xasuuqay
shacab gaadhaya 5000 oo rayid u badan.
Ayaamo dhawayd, waxaa lagu soo qoray wargayska Newyork-Times, in Marayakanku
ugu deeqay shirkii Jabuuti ka dhacay lacag gaadhaysa lix Malyan oo
Dollar ah, xatal aan lama hayo lacagtaas meesha ay martay iyo hadal
haynteedaba, iyo lacago fara badan oo hadii la isku wada daro gaadhaya
hal Billion oo Dollar ah, lacagahaas maan jeclaysan inaan halkan kusoo
wada qoro, balse arrintu nuxurkeedu uu yahay baraarujinta shacabka
Soomaliyeed ee maalin kasta gaajada ugu bakhtiyay gudaha Somaliya.
Dhinaca kale, Dawlada Ingiriisku waxay Somaliya ugu deeqday lacago
fara badan oo loogu talo galay horu marinta DFKMG iyo horu marinta
booliska dalka, lacagtaas ninka ka masuulka ah waxaa la yidhaah Lord
Mallach Brown oo ah ninka Ingiriiska u qaablisan arrimaha Afrika,
lacagtaas siday u dhantahay waxay timaada xafiiska ku yaala Nairobi,
xafiiskaas dhexdiisa ayuun baa lagu qaybsadaa lacag kasta oo loogu
talo galay horu marinta Dawlada Federalka dhinac kasta ha ahaate,
ha ahaato dhinaca booliska, ha ahaato dhinaca qaxootiga, ha ahaato
dhinaca dhaqaalaha, lacagtaas shakhsiyaadka qaybsada waa dad Soomaali
ah.
Qof kasta oo ka mid ah qab-qablayaasha dagaalka, hadii uu kicitamo
Nairobi, kolay timir laf ayaa ku jirta (Al-Caaqil Yafham), waxaan
marnaba la iska indho tiri karin in lacago fara badan oo loo soo waday
shacabka Soomaaliyeed, in ay rag Soomaali ahi qaybsadeen.
Kadeedka Kooxda Mbaghati.
Wakaalada wararka ee AFP iyo Human Wrights Watch, labaduba waxay soo
saaren intii u dhaxaysay 2005-2008 in gudaha Somaliya lagu dilay 8000
oo shicib u badan, barakicinta 3 Malyan oo shacab ah, iyo burburinta
guryo gaadhaya 265 guri, kufsiga 16 qof oo dumar ah, badankoodana
ay kufsadeen ciidamada Itoobiyaanka ahi, gawraca in ku dhaw 50 qof
oo isugu jira waayeel, caruur, haween, iyo dad rayid ah.
Dhaca, xasuuqa, barakicinta, kufsiga, dilka iyo dhamaan falalka xun
xun ee ay ku kacday Dawladan Mbaghati waxay gaadheen heer uu caqligu
diidayo in la rumaysto, aduun waynahana la yaab ku noqotay.
Kumanaan qoys, iyo malaayiin qof ayaa ka barakacay gudaha Somaliya,
iyagoo ku dhibaataysan daafaha dalka gudihiisa, barakicintaas dadka
ka danbeeya waxaa qayb wayn ka qaatay kooxaha la dagaalama ciidamada
Itoobiyaanka, ee iska sheega Al-Shabaab Maxkamadaha, iwm.
Dadka Soomaali la yidhaah Ilaahay dhul iyo xoolaba waa ku manaystay,
balse kuma manaysay hogaamiye-yaal wanaagsan oo dadka hogaan fiican
u qabta. Xagee lagu arkay Dawlad shicibkeedi xasuuqaysa? Xagee lagu
arkay Dawlad qabiil wax ku maamulaysa?
Hay,adaha Samafalka oo La Ugaarsanayo.
( Hay,adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay qayb ka ahaayeen
dagaalki lagu jabiyay Maxkamadaha Islaamiga, waxayna hubka, lacagta,
iyo shidaalka siin jireen ciidamada la dagaalamaya Mujaahidiinta.
Mujaahidiinta waxaan ugu baaqaya in ay beegsigooda koowaad ka dhigaan
Hay,adaha gargaarka, waayo waxay gacan siinayaan cadawga ). Sidaa
waxaa yiri Mukhtaar Maxamed (Timo Jilice ) oo ah sarkaal wayn oo ka
tirsan kooxda Al-Shabaab, una waramayay Idaacadaha Muqdisho mid ka
mid ah.
Kooxda Al-Shabaab waxay qiratay in ay ka danbaysay dilkii Madaxii
xafiiska UNDP ee ku yaalay magaalada Muqdisho magaciisuna ahaa Cismaan
Cali Axmed, waxaan muran ka taagnayn in kooxda Al-Shabaab ay ka danbayso
dilal iyo afduubyo loo gaystay Hay,adaha samafalka, iyagoo ku tilmaamay
in ay caawiyaan DFKMG.
Al-Shabaab waxay ka danbaysa dilalka 23 Sarkaal oo ka tirsana Dawlada
Federaalka, badankoodana ay miino jidka u dhigeen, qaarna ay tacshiirad
ku toogteen.
Kooxda Al-Shabaab hore waxay u gawracday sagaal nin oo Soomaali ah,
kana tirsana ciidamada Dawlada Federalka, sababta ay u gawraceen waxay
ku tilmaameen in ay ragaasi diinta ka baxeen maadama ay ciidamada
Itoobiyaanka ah la shaqeeyaan. Al-Shabaab waa kooxaha qaska ka wada
magaalada Muqdisho, hadafkoodu wuxuu yahay in Kitaabka Quraanka lagu
xukumo Somaliya.
Deeq-bixiye yaasha lagu khaarijiyay gudaha Somaliya, hadii la isku
wada darro waxay gaadheen ilaa 23 qof, balse badankooda lagu dilay
Koonfurta Somaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Falalka dilka ah ee loo gaysanayo deeq bixiye-yaasha waxaa ka danbeeya
kooxo hubaysan, oo noqon kara kooxda Al-Shabaab iyo wixii la halmaala,
deeq-bixiyeyaashii joogay Somaliya iyo Muqdisho oo la ugaarsanayo,
waxay dhashay in ay Hay,adaha caalamku ka wada cararaan gudaha Somaliya,
arrintaasna waxay keentay in uu dalkii bilaa Hay,ado noqdo.
Imika gudaha Somaliya, waxaa la xaqiijiyay in aysan joogin Hay,ad
caalami ah oo si wacan dadka u caawisa, marka laga reebo Hay,ado yaryar
oo aan aduunka ku lahayn magac sidas usii wayn, kuwa la dilayaana
waa kuwaa aan magaca wayn lahayn, markaas dalkii maxaa kusoo hadhaya
hadii intii yarayd ee wax caawinaysayn dilal iyo afduub loo gaysto?
Waa su,aal aan jawaabteeda u daayay Akhristahayga sharafta leh!
Sanadkii 4-Dicember-2007, laba markab oo siday in ka badan 3.50 tan
oo raashin gargaar ah, oo uu markab dagaal oo Faransiis ahi gelbiyay
ilaa dekedda Marka, ayaa waxaa is hor taagay in la dejiyo, Madaxa
ciidanka sirta ee Dawladda Soomaaliya, General Darwiish.
General Darwiish waxaa uu sheegay in amarka uu bixiyay Madaxweyne
Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo yiri waa in xakameyn lagu soo rogaa gobolka
Shabeellada hoose.
Gobolkaas, waxaa u soo barakacay tobanaan kun oo ruux oo reer Muqdisho
ah. Gegooyinka dayaaradaha iyo dekedaha ayaa dhammaantood la xiray,
waxaana amar lagu siiyay shaqaalaha hey'adaha samafalka ee caalamiga
ah iyo kuwa Soomaaliduba, inaysan wax dhaqdhaqaaq iyo isu socod ah
ka sameyn gobolka Shabeellada Hoose gudihiisa.
Kooxda la magac baxday Al-Shabaab waxay waraaqo is daba joog ah usoo
qoraan shaqaalaha ka shaqeeya Hay,adaha samafalad, iyo shaqaalaha
DFKMG, iyagoo ugu baaqa inay shaqada iskaga tagaan, ama xilka iska
casilaan, arrintan waxaa amar ku bixiyay ninka la yidhaah Abu Mansuur
ee haysta Al-Shabaab.
Isku soo wada duubo, Muqdisho imika Hay,adihii samafalada way ka wada
qaxeen badankoodu, halka qaar kale ay shaqadii joojiyeen, kadib markii
afduubyo iyo dilal loo gaystay shaqaalahooda.
Deeq-bixiye-yaashi lagu dilay gudaha Koonfurta Somaliya.
Maxamed Maxamuud Khayre ka shaqaynayay Hay,ada DBG (Daryeel Bulsho
Guud) la dilay, 11-July-2008 / Muqdisho
Cismaan Cali Axmed oo ahaa Madaxii xafiiska UNDP ee Muqdisho, la dilay
10-July-2008 / Muqdisho
Faarax Diiriye Aloore oo Ka tirsanaa Hay,ada (NGO) ee SOLDA, la dilay
9-July-2008 / Muqdisho
Cabdinuur Sheekh oo Ka tirsanaa Hay,ada (NGO) ee SOLDA ladilay, 9-July-2008
/ Muqdisho
Maxamuud Axmed Rooble Madax ka ahaa Hay,ada (Gol-raado) ladilay ?-July-2008
Gal-hareeri
Kadeedka Dawlada Mbaghati Iyo Adkaysiga Shacabka.
Wakaalada wararka ee AFP iyo Human Wrights Watch, labaduba waxay soo
saaren intii u dhaxaysay 2005-2008 in gudaha Somaliya lagu dilay 8000
oo shicib u badan, barakicinta 3 Malyan oo shacab ah, iyo burburinta
guryo gaadhaya 265 guri, kufsiga 16 qof oo dumar ah, badankoodana
ay kufsadeen ciidamada Itoobiyaanka ahi, gawraca in ku dhaw 50 qof
oo isugu jira waayeel, caruur, haween, iyo dad rayid ah.
Dhaca, xasuuqa, barakicinta, kufsiga, dilka iyo dhamaan falalka xun
xun ee ay ku kacday Dawladan Mbaghati waxay gaadheen heer uu caqligu
diidayo in la rumaysto, aduun waynahana la yaab ku noqotay.
Kumanaan qoys, iyo malaayiin qof ayaa ka barakacay gudaha Somaliya,
iyagoo ku dhibaataysan daafaha dalka gudihiisa, barakicintaas dadka
ka danbeeya waxaa qayb wayn ka qaatay kooxaha la dagaalama ciidamada
Itoobiyaanka, ee isku sheega Al-Shabaab Maxkamadaha, iwm.
Dadka Soomaali la yidhaah Ilaahay dhul iyo xoolaba waa ku manaystay,
balse kuma manaysay hogaamiye-yaal wanaagsan oo dadka hogaan fiican
u qabta. Xagee lagu arkay Dawlad shicibkeedi xasuuqaysa? Xagee lagu
arkay Dawlad qabiil wax ku maamulaysa?
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo,com
Sweden, Stockholm
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|