Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
Awr xamilkiisa waa qaadaa xadhig qaloocanse ma qaado!!!!!!!!!!


Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu

Wax badan ayaa sir&caadba loogala hadlay,loogala taliyey,looga digay,laga waaniyey oo laga wacdiyey ku takrifalka & boobka hantida umadda ee maanta joogta heer aan la eegan karin oo u horseedi karta qaran jab & burbur aan laga kaban karin.

Lama odhan karo madaxweyne Riyaale xaaladda ma oga ama aqoon darro ayaa arrinta u sabab ah.

Dad badan oo shisheye ah oo xidhiidh Somaliland la leh &xogogaalka Somaliland gudaha & dibadaba waxay rumaysanyihiin in maamulka madaxweyne Riyaale uu gebi ahaanba horseed & masuulba ka yahay musuqmaasuqa baahay & maamul curyaaminta dalka Somaliland.

Waxa la gaadhay in si toos ah oo aan gabasho lahayn la isu baayaco oo dantii umadda lagu gorgortamo, oo cidii kasta ee maaligelin dalka qorshe u keenta maamulka ay hortaalo suaasha caanka ah ee immisa %percent ayaan leeyahay.

Waxa nasiib darro ah in madaxda dalka qaar ka mid ah shisheeyuhu u yaqaano mr 20%.

Madaxda mar walba la hadal hayaa ee farta lagu fiiqaa waa:

Madaxweyne Riyaale,wasiirka maaliyadda,wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka xidhiidhka golayaasha,wasiirka hawlaha guud & maamulka Bankiga dhexe.

Xilliga adag ee la maraayo ee maciishada,shidaalka & xaaladii guud ee dalka ay marayaan marxalad geeri & nolol taagan,waxay maamulkii dalku ku hawlanyihiin mucaarid la dagaalan,iska horkeenka golayaasha,gobolo & degmooyin abuur dadka lagu jeediyo, wax ka bedelka xubnihii golaha dhexe Udub, danaysi gaar ahaaneed & maxaad hanti meelaysataa intaan doorashadu so gelin.

Iyadoo la ogyahay tamarta dhaqaale ee dalka sababta waxyaalihii saldhiga u ahaa nolosha umadda loogu badheedhay in ganacsato & madaxweynuhu cid gaar ah oo ku xidhan ugu xakamaysay shidaalka maqaarsaarka ah ee sawirkii Total sita ee aan ilaa maanta la ansixin,waxaa u damiin ah Madaxweynaha oo qudha,waxa loogu dulqaatay iyada & arrimo kale oo badan, waxay keentay in manta dhoofkii xoolaha nool loo xidho nin Sucuudi ah,& laba ganacsade oo Somalilander ah loona xakameeyo xulufada Madaxweeyne Riyaale,iyadoo heshiis gaar ah Madaxweynaha & wasiiradiisu la galeen.

Waxay ganacsatadii xoolaha nooli suurta geliyeen inay soo helaan ganacsato Sucuudi ah oo ilaa 80$ neefkii adhiga aha ku qadata ,halkii 35$ heshiiskii lagula galay shirkadii hore.

Ganacsigu wa saylad aan qof loo xidhi karin, baahida maanta dalka ka jirtaa ,hadii Madaxweeynuhu daacad ka yahay wax ka qabadkeeda, wuxuu dhiirigelinlahaa in ganacsatadu xoolaha ay sixir heer sare ah ku baadi doonaan.

Sababta Madaxweeynaha &wasiirka xanaanada xooluhu ugu adkaysanayaan in xooluhu

35$u xidhnaadaan oo aan qiimaha 80$ la qadan iyagoo aan cudur kale shegayn waxay sii xoojinaysaa tuhunkii & aragtidii ahayd:

-Waa heshiis dano dhaqale oo gaar ahaaneed xanbaarsan.

-Heerka Madaxweynaha & wasiirka xananada xoolaha daacadnimadoodu taagantahay.

-Ganacsaiga xooluhu xaga Sucuudiga kama xayrina ee madaxtooyadaa hortaagan.

Qooyska reer miyiga ah ee maanta gabdadii sonkorta ahayd neefkiisu u gooynayn ee

arkaaya sidii neefku gabdad sonkor ah & mid bariis ah ugu gooyn lahayd, uu Madaxweeynihii dalku ka hor taaganyahay, ku qanci maayo gobolo & degmooyin dano siyaasaded loo magaacaabay.

Wuxuu Madaxweyne Riyaale u badheedhay oo weli ku adkaysanayaa ,inuu ganacsigii xoolaha nool ee keligii taliyihii haligmay M.S.Barre ka xishooday inuu faro geliyo , uu maanta laba nin oo ganacsato u xakameeyo.

Maadaama labadii gole ee kale ay xaaladaa geeri & nolosha taagan ka aamuseen ,waxay ku qasbanyihiin dadweeynaha Somaliland inay xuquuqdooda danahooda & noloshooda ilaashadan oo si dhab ah isu hor taagaan inaan ganacsiga xooluhu u xidhnaan dano gaar ahaaneed .Ninkastoo arrintaa maanta ku taageera maamulka fadhiidka ah ee dalka ka jiraa wuxuu u muuqanayaa khainul wadan & cadaw taariikhda gala oo lagu xuso.

Arrintii taagnayd ganacsatada xoolaha & xukuumadoo xaalada ka wada hadla ,sababta ciidamo Berbera loogu diray ee loo adeegsanayaa waa nabadgelyadii oo si toos ah loogu ciyaarayo, lagana fekerayn waxa ka iman kara.

DHacdooyinka & waxyaalaha khaldama waxa daawo looga dhigaa, in waayoaragnimo laga dhaxlo oo la saxo.Waxaa nasiib daro ah in mamulka Somaliland xalaalaystay in marka

marxalad laga soo gudbaba la irmaaneyo dhibaato ugub ah, si aan danihii dalka loo haleelin.

Marka la eego habdhaqmeedka & ficilka maamulka Madaxweyne Riyaale maaha maamulkii

xiligan adag dalka hogaamin lahaa , waa maamul aanu qiimo la lahayn halgankii & dhibkii dalkan loo soo maray hankii ummadda,&halkay higsanayso aragti ahana aan waxba kaga duwanayn 1987kii .Waa maamul ku hawlan tirtirkii taariikhdii S.N.M.Waa maamul dan u arkay iska hor kenka wasiirada,goloyaasha, xisbiyada,& beelaha waaa ha u shaqayn ee ka shaqayso..

Waxaa beryahan danbe aad u tisqaaday rag shaqo ka dhigtay in Madaxweeynaha ay abaan ama dilaal u yihiin oo reerkii dan lihiba adduun siiyo una habrado.

Si ay wax uga jiraanba waa aragti &sawir laga qadan karo maamulka dalka & kalsonidarrohir gashay.

Waxaa marar la is weeydiiyaa Madaxweyne Riyaale ma isagaa go,aanka qaata mise dad aanu ka hor iman karin baa sidan ku kalifa????!!!!!!!!!

Hadduu moodayo Madaxweyne Riyaale in wax u qarsoonyihiin, ama dadku demene & warmooogeyihiin, ama aan laga tashan karin oo siduu doono yeeli karo, isaga &la taliyayaashiisa midna habeen ma jirin.

Qaranimada & jiritaanka Somaliland wuxuu u baahanyahay halgan & hiil dhab ah.(Doqon & nin liita & nin danaysanaaya & nin debcoow dhan uga durug)

Wa bilaahi Tawfiiq

Suleiman Cumar ku joog

ibnuh2003@yahoo.no


http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)