Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
JAWAAB KU SOCOTO QORAALKII AHAA Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???.


Marka Hore waxaa salaamayaa Bahda Bogga Somaliweyn iyo dhamaan akhristayaasha

Waa Haboontahay In Wax Laga Qoro Oo Laga Hadlo Oo Loo Istaago Sidii Looga Hortegi Lahaa Ciribtirka Lagu Wado Shaqsiyaadka Wax Ku Oolka Leh Laakin Hadii Lamarin habaabiyo Oo Aan Runta Laga sheegin Kuwa Manaxayeesha Ah Oo Falkaa Ku Kacayo Daawada Cudurka Lama Helayo Ciribtirkiina Halkiisa Ayuu Ka Sii Soconayaa Heestii Fanaanada Khadra Daahir Ku Luqeyneysey Ayaa Ku Jirtey "CUDURKA KAA GALEY FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWANA LAMA GAARAYO"

Arintaa noocaan ah waa arin khatar ah oo halis ku ah Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si isku duubni ah looga wada hortago waxa la jarayo waa Halbowlaheena ma'aha wax ciyaar ah oo indhaha laga qabsan karo waxeyna nagu soo bilaawatey Waqtigii Dowladii CARTA wadanka ka talineysey waxuuna sii xoogeysatey intii loo fadhiyey Shirkii Dibu-heshiisiinta oo ka socdey Wadanka Kenya

Waana waqtigii Urukaan AL-SHABAAB kuwooda ugu firfircoona wadanka Dib ugu soo laabteen oo ay ka yimaadeen Wadanka Afgaanistaan waqtigaas oo ahaa markii nagu bilowdeen Dilalka Qorsheysan oo Gafuurka Cimaamada lagu Duubanayo marxuumiintii ugu horeeyeyna waxaa ka mid ahaa Madaxii Hay'ada CRD Marxuum Yaxye iyo General Marxuum Maxamed Cabdi

Dhaqamada naloo soo safriyey kuma ekeen Dilalka lagula kacayo Dadka Aqoonta leh waxaa kaloo ka mid ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso oo mobaylka lagu qarxiyo waxaa kaloo ka mid ah dadka is qarxinayo oo marar badan la sameeyey waxaa kaloo ka mid ah Dhiig walaalka muslimka ah oo la xalaaleysanayo ka dib markii la gaaleeyo

Hadaba intaas oo ah Dhaqamada ugu xunxun oo bini'aadamka ku kaco ayaa wadakeena oo horey u aafeeyey Dagaalo Sukeeye iyo Cudur,Gaajo iyo barakac ayaa muwaadaniin Soomaaliyeed nooga soo safriyey wadan kale waana dhaqamo dad gaar ah lagu yaqaan oo isticmaala waxaana xusid mudan in Shiikh Macalin Xaashi warbaahinta ka cadeeyey in Ururka dhaqamadaan ku caan baxay ay ka tirsan yihiin

Waxaa la soconaa in saraakiil badan loo diley wadan Shuuci ah ayuu wax ku soo bartey oo aan diin laheyn waxaa la soconaa in Aqoonyahan badan loo diley wadamo gaalo ah ayuu wax ku soo bartey waxaa la soconaa in Hay'adaha u yimaada kaalmada la dilo oo la leeyahay waa gaalo

Marka waxaas oo cadeymo ah markaa isku dartid waxaa kuu cadaaneyso Cadowga Soomaali leedahay waa AL-SHABAAB

Dilalka ugu dambeeyey oo la bartilmaameedsanaye madaxda Hay'adaha ayadana waxey bilaawatey markii la saxiixay Heshiiskii Jibuuti iyo Qaraarkii QM ay ku gaareen in Hay'adaha QM Xafiisyadooda loo Xawilo gudaha soomaaliya dadka go'aankaan diidan ayaa ka dambeeyo waana ALSHABAAB si cad ayeeyna u qeexeen

Hadii sida dadka qaarkii ay qabaan in Itoobiya ka dambeyso aan taageerno Heshiiska Jibuuti lagu gaarey si ay nooga baxaan inta harteyna oo aqoonta leh ka badbaadaan dilalka wixii soomaali ah oo heshiiska ka horyimaado aan meel uga soo wada jeesano

wabilahi towfiiq

Xaji Maxamouid

moalinm2us@yahoo.com>

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)