Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
MAANSO:DAHABSHIIL DUCAYSANE

ASC
Ummad walba mar ayaa taariikhdu is dul taagtaa dhacdo saamayn weyn ku yeelata nolosheeda. Maanta dadkan iyo dalkan waxa aad u cidhiidhi geliyey maceeshadda oo cid uga naxda iyo cid u damqata ka waayey hoggaamiyeyaasheedii dawladeed, dhaqameed iyo ganacsiba. Keenista Dahabshiil keenay xoogaaga raashinka iyo isbeddelka laga dareemay waxay muujisay in dadkani sida inta yae ay uga mahad sheeganayaan in ka badanna abaal ugu hayn lahaayeen oo u guddi lahaayeen cid kasta oo u gashaba.

Haddaba, haddii aad tihiin saxaafaddii ummadda u dhexeysey iyo kuwii aannu u daba fadhinnay inay darenka bulshada iyo hamigooda, nimilooyinkeeda isu gudbiyaan, maansadan oo aan sida ku cad taariikhda, mar horena idiin soo diray, inaad bogaggiinna qaaliga ah meel yar uga qaydaan ayaan marti idiinka ahay, aniga iyo inta dareenkan igu wehelisaaba.

Maanso: Dahabshiil Ducaysane


Dahabshiil Ducaysane

Danyar baanu nahay oo

Daruurigii cirkaa qabay

Mar hadduu dalbaday soor

Daruuriga la quutiyo

Diqiiqdiyo bariiskii

Dekeddii Berbera dhigay

Dadwaynuhu dhamaantii

Danyar ha u darnaatee

Ducay soo diraayaan.



Dahabshiil Ducaysane

Sida diintu nagu tidhi

Duul hadduu dihaal iyo

Darxumiyo abaar qabo

Ruuxii ka diriree

Inuu doorshe doonee

Darxumada u diidee

Derbi jiif kulay tahay

Deeqdiisu gaadhee

Dollar iyo istaraliin

Ku dalbada daruuriga

Dekedaha camira ee

Dadku ay farxaane

Diihaal u rogay doog

Duco inuu qabaa oo

Daarta horee aduunyada

Danbigiis la dhaafoo

Degal ina sugaayiyo

aakhiro hal door noqoy

Dareejee ilaah oo

Dooxihii jannaad iyo

Halkuu doorto Rabbi gayn.

****************************

Dahabshiil Ducaysane

Dadkan ay degaankii

Ku duugeen shinnida ee

Dayrta ay sugaayeen

Inuu doog ka soo baxo

Diir baa ku dhalatoo

Dalag wuu ka ba'ayoo

Dadkii sarac ma haystee

Iyagoo dekaamoo

Dadban oo hagoogtoo

Ducfi iyo harraad qaba

Dunuunucu yarayn oo

Deeqdaa illahow

Ayaan kaa dugsanynaa

Dibnahood ku doodeen

Dahabshiil Illaah diray

Ayaa doonyo waawayn

Ku dalbaday bariiskii

Deji qiimihii oo

Dadwaynuhu dhamaantii

Damaashaad la kace oo

Ducay soo diraayaan

Dahabshiil Allahayow

Derejee aduunkoo

Dahabshiil Ilaahow

Dulli iyo ha badin ceeb

Dahabshiil Ilaahow

Dalacaadda dunidiyo

Derajaynta aakhiro

Deeqdaa u sii badi

dahabshiil ilaahow

Dunidu maalmo weeye

Ha dulaynin weligaa

Durriyadiisa barakee

Duco iyo wanaag sii

Denbigiisa dhaafo

Derejee ilaahow.

Dejiyoo haddana dhigay

Dahabshiil Ilaahow

Dollarkuu xawilayo

Dacallada aduunyada

Min daraf ilaa daraf

U daadihi sideedaas.

Dejiyo hadana dhigay

Dahabshiil Ilaahow

Dariiqii Rasuulkiyo

Dadkii salefiyiintu

Dararkay durduurteen

Ugu deeq ilaahow

Dejiyoo haddana dhigay

Inta duco la yidhi hore

Doc kastaba abaareen

Dahabshiil Rabbow sii

Ilaa daa'in abidkaa

Dahabshiil Rabbow sii

Adaan kuu dikrinayaa

Duco iyo wanaag sii

Dahabshiil

Dahabshiil.


By Farid Cadani, Hargeysa

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)