News from Somalia in Somali |
Shirarka iyo Heshiisyo-siyaasadeedka
Soomaalida oo laga Naxo (Jibuuti & Yemen)
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Markaan shirar iyo heshiisyo-siyaasadeed maqlo waan
ka naxaa! Kama wado shirarka iyo heshiisyadaa xun laakiin laga soo
bilaabo Sodare, Qaahira, Carta, Khartuun, Mbagathi/Kenya, Yemen,
Asmara, Jibuuti, iyo kuwo kale waxaa mar walba sii kordhiyey khilaafka
iyo isgaashaanbuursi hor leh. Dadyoowga kale waxyaalaha laga cabsado
ayey magac fiican siiyaan sida Carabtu lamadegaanka u tiraahdo Mafaazah
ama ay masaska/abeesooyinka u dhahaan suleym/saliim! Soomaalidu
qofkey ammaanayaan waxay dhahaan: tuug tuug dhalay ama doofaar doofaar
dhalay weeye! Nin sheekh ah baan maqley oo leh dadka Soomaaliyeed
ee qurbaha lacagta deeqda ah ku qaata waxay ugu yeeraan cayrta!
Marka sida Carabtu waxyaalaha laga baqo ay magaca ugu wanaajiyaan
ayaa Soomaalidu waxyaalihii lagu farxi jiray waxay siiyeen wax laga
naxo. Haddaad beryahan maqashid dib-u-heshiisiin waxaa laga wadaa
dib-isu-abaabul. Haddaad shir siyaasadeed maqashid waxaa laga wadaa
shar hor leh. Haddaad heshiis siyaasadeed maqasho waa halaag cusub
oo soo kordhay. Qolyaha Jibuuti jooga baa ergiga ka socda xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay u arka nin dan u wada Soomaaliya halka
isla kuwaas jooga Jibuuti u arkaan walaalahooda Tigreega la dagaalaya
xag-jir!
Sida magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya dagaalkii
sokeeye kaddib dadku dhulalka/boosaska isku qabsado oo ay baxsheen
oraahda ah ku qabso ku qadi meyside ayaa hadda waxaa dadkii dibadaha
joogay, kuwii siyaasiyiinta sheegan jiray iyo dad kale bilaabeen
in la tago Qaahira, Itoobiya, Kenya, Jibuuti, Yemen iyo meelo kale
iyagoo dhahaya meel shir ka socdo istag wax jago beenbeen ah kuu
magacaaba waayimeyside. Waa arrintaas waxa dadku ugu qamaamaan meeshii
lagu maqlo ergi ka socda Qaramada Midoobay ama haweyndeyda wasaaradda
arrimaha dibadda ee Maraykanku u xilsaaratay Soomaaliya ku shirayaan.
Nin baa laga sheegay cadaabkaba geeri baa ii keentay.
Wuxuu ka wadaa haddaan la dhinteen aakhiraba lama tageen iska daa
cadaabe. Shirkii Asmara baa noo keenay kan Jibuuti. Iyagaa dad aan
la isku halleynkarin ku safay jagooyin iyo darajo. Sidaan horay
u sheegay Asmara waxaa isugu tagay dad is huwan. Kuwo dammanayaal
ah oo xildhibaanno sheeganayey. Kuwo dibad ka yimid oo darajo doon
ah. Iyo kuwo daacad ah laakiin sidaas dan u arkay.
Heshiiskii Jibuuti goormuu yimid? Waa markii Tigreegu
ka abaadeen iney maraan waddada isku xirta Xamar iyo Baladweyne.
Markii Tigreegu kala kulmay dhib badan iney iskaga gooshaan inta
u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo. Marka sidii heshiiskii Cadan u
badbaadiyey C/hi iyo Ashahaado-la-dirirka ayaa hadda kan Jibuuti
iyo Sanca waxay waqtiga u sii dheereynayaan Tigreega iyo kuwa u
adeega.
Waxyaalaha ka soo baxay shirka Jibuuti waxaa ka
mid ah in wax lala qeybsado dagaaloogye iyo Ashahaado-la-dirir!
Dadka Soomaaliyeed waa iney gartaan in cadowga koowaad ee Soomaali
yahay dagaalooge iyo Ashahaado-la-dirir. Markii dagaaloogayaashu
isku leynayeen shacabka Soomaaliyeed 1991 ma Zenawi baa joogay Itoobiya?
Dagaalkey ku soo caanbaxeen dadkaas sheeganaya hogaanka maxkamaduhu
ma Itoobiyey la galeen? Maya waxay la dagaaleen Ashahaado-la-dirir.
Maaddaama cadowga koowaad ee Soomaaliya ahaa dagaalooge, markii
laga ceyrshay meelo badan waa iyada shacabkii si heer sare ah usoo
dhoweeyey madaxdii kacdoonka. Nimankii horboodayey Ashahaado-la-dirarka
intooda badan waa ka soo horjeedeen Zenawi markaas. Haddii wax lala
qeybsanayo dagaalooge maa markii Khartuum la tagay 2006-dii oo maxkamaduhu
heysteen Koonfurta Soomaaliya oo korneyl C/hi lahaa aan wadahadalno
aan Itoobiya ka hadalnee maxay u diideen? Ma markii saqiirkii la
bireeyey, hooyooyinkii uurka laga soo dooxay, dumar badan Tigreegu
kufsaday, culumadii masaajidda lagu laayey, magaalooyinkii la burburiyey,
dhaqaalihii ka badbaaday sagaalkii sokeeye la tirtiray baa hadda
madaxda maxkamadaha qaarkood leeyihiin aan la heshiinno cadowga
koowaad ee Soomaaliya, Ashaado-la-dirir? Waa labo mid. In kuwa Jibuuti
jooga shalay khaldanaayeen oo hadda saxsan yihiin. Hadday saas tahayna
haddee qof khalad intaas le'eg galay ma soo hor istaago dad. Hadday
awal saxsanaayeen oo ay ka noqdeen mabda'ii saxda ahaa sababo kale
owgoodna ka sii daran.
Kuwa Jibuuti ku shiray waxay dhaheen Golaha Ammaanka
arrinta galaya! Ogoow xitaa Ilaah uma celin arrinta. Yey yihiin
Golaha Ammaanku? Miyeysan ahayn kuwii markii Xamar iyo Koonfur la
xoreeyey dhibsaday nabadda iyo Islaamka? Soom maaha kuwii ku fasaxay
Soomaaliya Itoobiya iyo calooshood-u-shaqeystayaal? Xitaa markii
maxkmadihii laga saaray magaalooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ma
oran Golaha Ammaanku war awalba diin iyo wadaaddaan la dagaaleynee
aan haddii la saaray badbaadinno shacabka Soomaaliyeed oo xitaa
aan u sameyno dowlad maqaarsaar ah laakiin waxay ku fasaxeen Tigree,
jirri iyo mooryaan oo geystay falalkaan kor ku sheegay. Hadda markii
Tigreegii laga saaray waddanka intiisa badan oo ay ku soo urureen
xerooyin milatari ayaa Golaha Ammaanku dib usoo orday oo iyagoo
isticmaalaya madaxda Jibuuti joogtay sheeko cusub la soo shirtageen.
Teeda kale maxaa Golaha Ammaanka gacanta ugu jira?
Golaha Ammaanka waxaa u yeeriya maamulka Bush ama kii markaas Maraykanka
heysta. Hadda Bush iyo adduunkoo dhan waxaa la soo gudboonaaday
dhaqaale la'aan, shidaalkii oo cirka isku shareeyey, cuntadii oo
la goynwaayey, dagaalo ka heysta Ciraaq iyo Afganistaan, adduunkii
oo laga nacay maamulka Bush. Waxaa ku furan arrin kale oo Iiraan
ku saabsan. Maaddaama uu Bush shiidaad u heyn Soomaaliya wakaas
xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sidii looga sugayey inuu keeno
qorshe iyo jawdalkii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Soomaaliya
iyo sidii loo keeni lahaa ciidan kale oo "dhexdhexaad"
ah uu sheekadii ku soo xiray waxaa fiican in Itoobiya ka baxdo Soomaaliya
oo la keeno ciidamo ka socda Afrika! Xogyaha guud wuxuu la mid noqday
shacabka Soomaaliyeed ee markey la soo xiriirayaan idaacadaha iyo
taleefishinada ku hadla Soomaaliga dhiibta ra'yigooda ku saabsan
xalka Soomaaliya. Marka ma filayo in labada bilood iyo xoogaga dhiman
cidi keeni karto ciidan. Marka qolyaha Jibuuti ku shiraya iyagaa
laga rabaa waxay shacabka u sheegi lahaayeen.
Haddii cid arrinta Soomaaliyeed lagala hadlayo waa
Zenawi qofka koowaad. Zenawi isagaa Soomaaliya qabsaday oo ka taliya.
Marka haddii kuwa Jibuuti leeyihiin waxaan la shiraynaa kuwa u adeega
Zenawi oo keliya waa u doqonnimo. Hadday si qarsoodi ah ula shiraanna
waa nifaaq oo ka sii daran. Maraykan keligiis kuma khasbi karo Zenawi
inuu ka baxo Soomaaliya. Haddii Zenawi baxayo isagaa ku dhibtooday
Soomaaliya ee ma ahan Maraykan baa ka saari kara. Maraykanku muu
ku khasbo inuu Eritereeya ka reebo iney maxkamadaha soo dhoweeyaan?
Haddii Eritereeya wax ka maqliweyday Bush sidee buu ugu khasbi karaa
Zenawi wax kale? Muu Bush ku khasbo Al-Bashiir inuu Daarfuur dhaafo?
Al-Bashiir oo muslim ah baa Bush wax ka maqli waayey marka sidee
uga fileysaan in Zenawi oo gaal ah loo khasbi karo.
Qodobbada iyo qoraalada qolyaha jibuuti la ordayaan
waxay la mid yihiin saxiifaddii Mutamalis. Akhristayaal saxiifadda
Mutamalis wax kale maahan ee waa arrinta Soomaalidu u taqaan: ninkii
gacmahiisa ku watay wadkiisa. Arrintu waxay ku baxday mar gabyaagii
caanka ahaa ee Mutamalis iyo gabyaa kale ooy qaraabo ahaayeen ay
hanti ka raadsadeen boqor markaas dhulka Ciraaq ku taal ka talinayey.
Boqorkii wuxuu labadii gabyaa u qoray warqad oo ku yiri ula taga
waalligeyga (guddoomiye gobol oo kale) jooga magaalo hebla isagaa
idin siinaya abaalmarine. Labada gabyaa midna wax ma akhriyo. Gabyaa
Mutamalis la socday baa yiri: wax kasta waa dhici karaane aan raadsanno
cid noo akhrisa warqadaha. Mutamalis baa is kibriyey oo yiri anigu
caan baan ahay mana filayo in boqorku warqadda ku qoro dhibkeyga.
Intii ay waddada sii marayeen baa waxaa ka horyimid wiil dhallinyaro
ah. Gabyaagii kale baa ku yiri wiilkii: wax ma akhrisaa? Wiilkii
baa yiri haa. Gabyaagii wuxuu yiri ii akhri warqaddan. Wiilkii dhallinyarada
ahaa baa yiri nasiib baad leedahay oo waxaa warqadda ku qoran in
lagu dilo. Gabyaagii wuu jeexjeexay warqaddii. Weli Mutamalis wuxuu
soo istaagay: kuma dhaco warqaddaas in dhib lagu qoro wuuna diiday
in loo akhriyo. Waxaa walligii u tagay gabyaagii kale oon warqad
wadan (wuu soo jeexjeexay) iyo Mutamalis oo warqad la bidaya. Walligii
wuxuu siiyey abaalmarintii Mutamalis oo ahayd in la dilo. Maalintaas
laga bilaabo Carabtu waxay soo saareen oraahda ah ninkii wadkiisa
gacmihiisa ku sitay. Marka waabaa ku baryi doona qolyaha la ordaya
waxay Jendayi Frazer ku tiri oo ah na soo raaca waxaa idin caawinaya
Golaha Ammaankee.
Nimankaan Jibuuti jooga marna ma cambaareyn falalkii
Maraykanku ka sameeyey Soomaaliya ee ku laayey shacabka iyo xoolaha
Soomaaliyeed. Dadka la laayey waa kuwii wax ka dhigay qolyaha Jibuuti
jooga. Marka dadka u hadliwaayey saaxiibadood iyo shacabka la xasuuqay
sidee looga filayaa iney u doodaan shacabka kale ee aysan aqoon?
Hay'adaha u dooda xuquuqda binu Aadanka baa intaas ka hadla waxyaalahaas
laakiin kuwa raba iney na xukumaan xisaabta uguma jirto.
Jago-jacaylku waa wixii Benazir Butto dib ugu ceshay
Bakistaan. Waa ku filnaanweyday intay ra'iisul wasaaraha ahayd.
Markii Musharaf laga dhameystay bey dhaheen dib ugu noqo Bakistaan
oo u tartarn jago kale. Jago-jacaylkii waxay gelisay qabri. Ma dhahayo
waa la dilayaa sheekh Shariif laakiin waa in la fahmaa waxa waddanka
ka jira.
Yemen waxaa laga yiri hala keeno ciidamo ka socda
kuwa muslimiinta!
Ciidamada waddamada muslimiinta ka imaanaya iyo madaxdooda lama
hayo wax lagu mitaalo oo kiristaan ama Yuhuud ah oon ka ahayn dhibtii
ka dhacday Ruwaanda iyo Burundi. Muslimiintu waa labo. Kuwo iyagaa
la waardiyeeyaa sida kuwa Khaliijka. Qaarna waa kuwa Bakistaan oo
kale oo iyagaa masaajid iyo dugsi-Quraan ku xasuuqaay shacabkoodii
magaalooyinka dhexdoodaa. Waddanka saas yeelay malaga filayaa in
ay asxaan u sameynayaan wadaado kale? Nimanka wata saxiifadda Mutamalis
ma arkaan khatartaas laakiin waa dhibaato aan caad saarneyn. Culumadii
runta ka hadli jirtay ee joogijirtay waddamada muslimiinta intoodii
badan waxay joogaan wadamada reer Galbeedka ama xabsi bey jiifaan.
Ilaahay baa runta jecel laakiin madaxdeennu waa ugu liitaan madaxda
caalamka.
Zenawi wuxuu Xamar ka soo bartay waaguu Soomaaliya
joogay: lafo maroodi iyagaa la isku jabiyaa. Wuxuu Bush ka dhaadhiciyey
in la sii wado sheekadii ahayd xagjir oo Soomaalidu u taqaan xaqjir
iyo kuwo loo yaqaan qunyar-socod. Marka markii hadda gumeysigii
qilqiil galay oo xitaa ay awoodi waayaan iney iskaga kala gooshaan
Xamar iyo magaalooyinka kale ayaa waxaa hadda la bilaabay shirar
la iskugu dirayo kacdoonkii shacabka. Marka Zenawi inta meel fariisto
buu daawanayaa qolyaha Jibuuti jooga oo sidii Ashahaado-la-dirirkii
la soo bixidoona dardar cusub. Zenawi wuxuu shirarka Yemen iyo Jibuuti
u arkaa nasri Ilaahay usoo diray.
Qolyihii Ashahaado-la-dirirkaa yaabban oo leh war
xaggee ka soo baxeen kuwaan cimaamadaha qaba oo nooga dheereeyey
CIA iyo Frazer! Waxay leeyihiin sidii habartii bixisay: hooyo qoodha
lama dilo bey arrintu ku dambeysay oo iyagii baa Bush naga ceyrsaday.
Wax badan baa shacabka Soomaaliyeed soo dhoweeyeen
shirar sida kii Mbagathi iyo kii bakhaarka galayda ee Baydhabo ama
garaashkii gaadiidka ee Xamar dhacay. Marka horaan uga dharagnay
magac heshiis oo belaayo soo wada. Marka shacabku diyaar uma aha
inuu dad-qalato mindiyo wadata isku soo hogaansho. Insha Allaah
ma foga marka la arki doono qolyaha Jibuuti oo marka sidii xanjada
macaanka laga dhammeysto la iska tufo oo ku biira saaxiibbadood
Ashahaado-la-dirirka.
cabdulwaaxid Khaliif <cabdulwaxid@hotmail.com>
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|