Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
Adis Iyo Asmaraba Danteena kama Shaqeeyaan

Indhacade,Zakariya xaaji iyo xuseyn caydiid ha ka hareen waa dhib ha kaa haro, Soomalina dheef ha hesho. raggi wadanka qasay waxaa ka haray iyaga iyo Col Cabdullahi Yusufka waddankeena ku soo hogaamiyay cadawgi ugu weynaa ee dalkeena lahaa(xabashi).

Shiikh shariif ma dhihin sidi Maxamud Cabaaska Falastiin "hubka iska dhiga,nabadna ha laga doono Yahuud", balsa wuxuu adduunki tigree uga raali noqday in ay dalkeena ku soo duusho, ku yiri"waa idinla xaaltameynaa,tigree xanuunkeeda haddii uu idin dhibaayo ,waxaana idinka rabnaa Tigree oo aad naga saartaan" ,iyagana waxay yiraahdeen yaa amniga ilaalinayo ,Muqdishana ka hor istaagayo kooxaha xag jiro, waxay iyaga ugu yeeraan ragga u soo jeedo daafacaada dalkooda iyo diintooda islaamka,wuxuu ku yiri ,"waxaa ilaalinayo waxaan isla garano, booska tigreedana lagu bedeli karo ,howsha nabad ilaalintana ka fogeynayso dowladaha deriska la ah Soomaliya" waxay yiraahdeen"waa isla garanay". Heshiiski Jabuuti ay isla meeldhigeen Isbahaysiga oo dhinac ah iyo adduunweynihi dalkeena ku soo hogaamiyay tigree oo iyagana dhinac ah, weli waa qabyo,qoriga tigree cabaadka ka keenayna weli gacanteena ayuu ku jiraa, Shiikhana ma amrin in la iska dhigo"

Hadaba maxaa qaylida, waa warayda iyo iska horkeenida kooxaha muqaawamada keenay iyo abuuritaanka asbaaba hor leh oo tigree u sahlayso sii joogitaanka dalkeena .

Qoraalkayga wuxuu salka ku haayaa ,maxaa laysku khilaafay, yuusa dan u yahay khilfaakan waa haddii uu wax u dhimaba, in xabashi dalkeena looga saaro gacan qori lagu wato iyo gacan lagu wato dalkayga iiga bax ,kolkaas anigana waa iga nabad gelee oo iyada saldhigeeda yahay, wada hadal lala galo cadowgaada, adiga oo aanan daciif ahayn.

Waa yaab, inta aanan u guda gelin gundhiga qoraalkayga ,waxay Soomaali badan ku jahwareertay,maxaa isku mowqif ka dhigay ,dhiigya cab dalkiisa ka rabo in uu qabiil ku xumo sidi Indhacade iyo asxaabtiisa, muwaadin jecel dalkiisa oo dhan walba xor ka ah,laakin caadifadi ka adkaatay, cid walbo oo aanaan yeelin sida uu rabo si deg deg-deg ah, u arko mid ka mid kooxaha hor istaagan xal u helida dhibatada waddankeena ka aloosan, Sidi Cabdulwaaxid Khaliif oo isaga ah qoraa weyn oo wax ku qoro safxadaha shabakada internetka iyo nin tan iyo maalinti uu jaamacada ka baxay ,pasaporna ka helay waddan uu qaxooti ku yahay ka dhax muuqday shirweyne walbo oo soomaali loo qabto, had walbana la jiro qolada uu shaqshaq iyo mansab ka helo ,kana soo horjeedo qolada uu wax ka waayo ama ku tuhmaayo in aynan wax u ogalayn sidi Zakariya xaaji.

Jawaabta su'aashan waxaan u daynayaa aqristayaasha, waxaana ka cudurdaaranayaa in uunan qoraalkan ahayn mid wax loogu dhimaayo, ruux waddankiisa wanaag la jecel sidi Cabdulwaaxid Khalif , wallow aan haddana ku kala duwanahay meela badan in aan si uga wada aragno qaabka ugu haboon ee xal loogu heli karo dhibaatada waddankeena ka jirto tan iyo maalinti la danshay iftiinki dowladnimadi Soomaaliyeed.

Khilaafka ka dhax abuurmay Isbahaysiga wuxuu salka ku haayo kursi jeceyl iyo hami aanan waqtigiisi la gaarin ,waxaana taa daliil u ah kelmadaha madaxda isku magacawday madaxnimada qeybta isbahaysiga ee ku haray Asmara u isticmaaleen mediyaha, sida fulaan waa erinay ,shalayna taageerayaasha qaar ka mid maxaakimti waxay qabeen kelmada aanan ka dhib yarayn fulaan waa erinay,sida fulaan annagaa wadano.

Yeynan kaa hoos bixin ,aniga kuma jiro taageerayaasha Shikh Shariif iyo kooxda hadda la socoto toona ,laakin waxaan ahay nin aanan la dirarsanayn shaqsi Soomaaliya oo ku doodayo waxaan u istaagayaa in aan waddankeeni iyo dadkiisi u soo celiyo sharaftoodi haddii allah ka raali noqdo taa,welina aanan lagu hayn qalad cad oo uu galay.

Sideedaba nin meel u cadahay meel ka madow,shikh Xasan Daahir wuxuu arkaa in uunan sad ku lahayn howl ay caalamka gacan ku leeyihiin ,waxaasa ka madow arrintaasi in ay tahay shaqsi ,Soomaliweyna xalkeeda uunan ku xirnayn dan shaqsi, Shikh shariif xilka waa ka qaadnay isagana dhib badan ayaa kaga haray iyo culays saarnaa ,waayo taageerayaashiisa waxaanan ka yarayn Soomaali badan oo niyada ka rabay soo garab istaagida shiikha, balsa naftooda ay ku adkaynaysay diidmada qaadashada in ay hiil hoobo la garab istaagaan koox uu ka dhax muuqdo Gneral Indhacade oo isaga uunan jirin soomali dhab ah oo ogol ka qayb qaadashada howl uu dhinac kaga jiro.

Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com



http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)