Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
Inkastoo Loo Baaqoo Loo Sheego Barwaaqo Dad Bay Meeli Bugtaa

Waxaan salamayaa dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa la maryaa in ay soo dhowaatey wakhtigii ceebta, fadeexada, wakhtigii ay isi soosaaryeen qofkasta oo nabad diida, in ladaku ku soo noqdo nabad iyo kala danbeyn, waa wakhtigii ninka daneystaha ah uu soo shaac baxaayey, waa wakhtigii uu banaan u soo baxaayey ninka danta guud ay kala weyn tahay dantiisa gaarka ah waa alle mahadii in maantaba ay soo banaan baxdey dabintii isdaba marintii waligeed lala damacsanaa Sheekh bin Sheekh bin Sheekh waa Shariif Mahad, Waa Shariif Nad, waa Shariif Qalibi Qabooje Shariifku Qalbi mudo 18 sano gubanayey ayuu dabdemis u noqdey taasi waa markhaati madoonto, hadalka fiican diinta ayuu ka mid yahay taasna waa la iskugu markhaati furey, wax qabdkiisana horaa loo arkoo mugdi kuma jiro, kursi markey noqotana umaleyn maayo inuu yahay in kursi kala weyn yahay danta guud oo wax qabadkiisa ayaad ka garan kartaan, wadaadnimana u maleyn maayo mid sida uu ugu dhaqmayo in cidi kula tartami karto oo waa mid absoo jireen ah ee maaha mid la bowsadey, sifada sheekh shariif mid qoraal lagu soo koobi karo maaha, maaha mid shaqsi iska hadley wax loogu dhimi karo, maaha mid xumaan laga sheego dadka lagu marin habaabin karo.

Waxaa wax aan geedna lagu qarin karin ah in Sheekh Shariif moqifkii uu qaatey markii maxkamaduhu dalka ka talinayeen oo ahaa in Ilihii dhaqaalaha dib loo soo celiyo dayactir aan la soo koobi karina laga fuliyey Magaalo Madxda Soomaliyeed neecaawdii dadka soo martey iyo saxan saxadii udgooneeyd dadkii kala tuurey eey weli u haminayaan ka kala tuura tan maanta uu la soo shirtegay kana dhaa dhiciyey Caalamka in soomaliya waad ka sii jeedeene bal maanta u soo jeesta oo nabad baanu ogol nahaye dalka nooga saara cadowga aad balaayiinta aad ku bixiseen sidii aad balaayiin kale ugu bixin lahaydeen inaad ka saartaan dagaal la'aan hadii ay socon weydana wiilashii weli waa joogaan hubkiina waa la haystaa ee aan dadka bad baadinee naga saara taasna maaha wax lagu can baareyn karo denbina kumuu gelin khayaamada qaran aad sheegeysaana midhaa macnaheeda meydan baran, Sheekh Shariifna angaa ka xaal marineyna saa anaguu aflagaadaas madaxeena ku muteystaye in nin iskadaa inuu meel la soo fariistee aan harkiisa gaarin inuu ku sheego Sheekh Shariif Khayaamo qaran ayuu galay. waxa taa kasii daran ninkii mudadaas 18 sano ah cadowga u sacab tumayey in uu maanta Sheekh shariif aflagaadeeyo waa mid ayaan daro ah, ninkii soomaliya oo aysan argagixiso joogin ka been abuurtey oo meelkasta ka sheegay argagixisaa joogta, oo xataa meeshii umada laga quudina yeu ee dadkooda dibadaha ka aadey lacagta ugu soo dirayeen ku sheegay waa argagixiso oo sidaa dadkii lahaa xawaaladaas ay noqdaan mid la xiro iyo weliba maalkoodii oo laga xanibo oo ilaa wakhtigaas la joogo aan loo furin, ninkii bakaaraha oo ah xaafad xaafadaha muqdisho ku tilmaamay waa goob argagixiso, waa ninkii yiri Itobia walaalaan nahay oo xuduudayada waa la isku furayaa dal ku galkayagu isku mid buu noqonayaa soow Caajaaib maaha inuu maanta hadlo oo weliba ka hadlo nin uusan gaari karin hadey siyaasad noqoto, hadey diin noqoto iyo hadey Taageerada dadweynaha noqotoba, arintaa waxaa lagu tilmaami karaa waa Dhalaankii Hooyayadood Dhalmada Barey waa maah maah soomaliyeed soomaliduna been ma maah maahdo.

Daahir Aweys isagu lala yaabi maayo in mudo ahba wuxuu jihaad ugu jirey in uu mar un maqlo koox baad madax u tahay oo inta C/llahi Yuusuf kursi Madaxweyne in uu mar un ku fariisto ugu haminayey ayuu isaguna ugu haminayey mar un madaxweyne ka noqo dalka, waxay kaloo iskaga mid ka yihiin Dagaal lagu faano iyo Ciidan baan ahaan jirey, bal dib ugu fiirsada hadalada labada Korneyl waxaad hadalkooda ka waayeen anigu Askari baan ahay iyo dagaal, marka Diin iyo askari baan ahay meel wada gashaa waaba laba isu cadow ah waa Baasuuke iyo Kitaab Jaamac ah labadaasna la ismaba bar bar dhigi karo sidaas ayaan Sheekh Shariif iyo Kornel Daahir la isku bar bar dhigi karin waa sida dhabta ah. waxaa wax laga naxo ah in marka nabad la sheego ay soo baxaan dad nabadaas ay Xasaasiyad u Noqoneyso kuwaasna waxaa lagu tilmaami karaa xaasidka umadda soomaliyeed, xaasidna ma aflaxo mana aflaxayaan saa umad dhibanayaal ah bey warankii ku taagnaa ku sii gilgilayaan, waa halka ay soomalidu tiraahdo waranka kan kugu dhufta iyo kan kugu sii gilgila kee wanaagsan kan kugu dhuftaa ka daran saa waxaaba laga yaabi lahaa kan kugu dhuftey iaanu meel fog gaarsiin balse kan kugu gilgila waaba ku sii dhamaytirey, waxaan uga gonleeyahay ragaa Asmara jooga ayaa waankii Tigreegu nagu dhufteen lagu sii gilgiley waxayna doonayaan ineey noo dhamaystiraan, waxayna ku sifoobeen cadowgeenii oo nala soomaliya nala af ah wax iima dhaamo dabalahaa kilinka 5aad ka soo duulaanka tegay ee qaarna jaajuusnimo naloogu soo direy saa waaba nala af waanala midab iskama jiri kartid waxaase ka sii daran kan diinta igu hodey ee hooga ila damacsan haraantida ku dhufanaya hadalkii Sheekh shariif yiri hadalka ay sheegayaan shishuu noo gubahayaa ee allow shartooda naga shakaal huwantaa asmara ku shirey.


Wabilaahi Towfiiq
Zamzam Laska <zamzam900@yahoo.com>

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)