Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
SHACABKA S/LAND SADEX ABAAROOD BAA MAR KU WADA DHACAY


Marka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka xalaasha ah ee reer s/land meel kasta oo ay joogaan,

Marka xigta waxaan salaamaya bahda war baahinta kuwaada dhexdhexaadka ah ee suura galiyey in dadku isku dhaafsadaan afkaara kala duwan, suugaanta IWM…

Sida aan la wada socono waxa wadankeena ka taagan xaalada kala duwan oo markaad mid eegtoba aad Is odhanayso waar malaa tan wax la mid ahi ma jiraan.

Waxaana ay u kala baxaan qaar dadka haysta iyo qaar dad iyo xooloba haysta, hadaba maqaalkan aan ciwaanka ugu dhigay sadex abaarood, waxaan u kala qaadi doonaa sidan…

1- waxa jirta abaar xoolaad oo aad u baaxad weyn oo ka dhalatay roob yaraanta xiliyo badan oo la filaayey in uu roob da’o laakiin aanay sidii dadka iyo duunyaduba ugu baahnaayeen u din, waxana taas ka dhashay in xoolihii riiqdaan oo ay u riiqdaan biyo iyo baad la’aan aad iyo aad u baaxad weyn, dhulalka miyiga ah hadii aad booqato waxaad arkaysaa baqtiga xoolaha oo buuxiyey meelaha ay ka raadsadaan QURDUBKA ama hadhaaga dhirtii baxday roobkii ugu danbeeyey ee da’a, waxaad kale oo aad arkaysaa ninkii haystay 100 neef oo adhi ah in uu maanta haysto 40 ama 30 oo aan lahayn waxa la quuto cid u maqan oo aan ilaahay ahaynina ma jirto.

2- Waxa kale oo jirta abaar dad oo gaadhay abidkeed halkii ugu xumayd kadib markii sixir barar xoogani ka dhacay

Sida la sheegayna raashin yaraan ay sabab u tahay dadkii dalalkii debeda u dhoonfin jiray raashinka aynu quudano gaar ahaan bariiska iyo daqiiqda oo gabi ahaanba ay joojiyey in ay debeda u diraan, taasina waxay keentay in ay 50KG ee bariiska ama daqiiqda ahi gaadho ( $ 60) ama wax ka sareeyay.

Abaartan dadka oo sida aan taariikhda ku hayno dhacday marar badan oo hore ayaa waxa loo wajahay qaab looga hortago iyadoo ay tijaarto meel ay ka keenaanba keeni jiray raashin dadka gaajada lagaga badbaadiyo. Waxa kale oo jiray sharci xadaynaayey qofkasta oo ganacsada ahi heer aanu wixiisaa dhaafin Karin tusaale ahaan ninka debeda ka soo waarida raashinka waxa uu ku iibin jiray dekeda oo muu lahayn bakhaaro iyo meel kale oo uu dhigto suuqana sida kuwan imanka muu ku qaybin jirn, dad aad u faro badanina waxay ka heli jireen shaqo iyadoo taasi jirto ayaa hadana dadka hoos loo eegi jiray oo ninka hantida ilaahay siiyey u naxariisan jiray kuwa markaa aan waxba gacanta ku hayan..

3- waxa kale oo jirta abaar intaaba ka xun oo leh ( AF, ADIN, GACAN, CALOOL, INDHO) abaartaasi waa dawlada xun ee ilaahay xukunkeena gacanta u gashay

magacan abaar maaha wax xad leh waayo qofku hadii aanu waxba aqoon waxa haysta abaar aqooneed hadii aanay waxba cunin wax haysata abaar cuno, hadii aanu wax naxariis ah lahayn wax haysata abaar nariis daro..

abaarta dawlada waxay ay dheertaya kuwa kale ee alle keenay amaro iyo wax ku qasab waxaana tusaale inoogu filan heshiiskan ninka carbeed QOOLKA laagu hidhay adhigeenii.

Waxa ka sii daran ku tiiqtiiqsida uu ninka lagu sheegay wasiirka xanaanada BBC-DA ka yidhi waa dad waalan oo 12KG ayey doonayaa in ay 50KG ku qaataan maxay adhiga ilaa 3 neef uga soo dhigan waayeen ( adhiga malaa wuxuu moodayaa wax sida qaadka kabadh ku jira oo ninba inta uu cuni karo ka cuno)

Nin oday ah ayaa anagoo meel ku hadal hayna arintaa adhiga iyo hadalka wasiirka igu yidhi adeer, anigu waxaan u soo taagnaa mar uu madaxweynihii hore ee dalkii somaliya la isku odhan jiray maxamed siyaad uu wafti ahaan debeda ugu baxay isagoo shir ka qayb galaaya uu sii qaatay joog hilib ah oo JABDHAN u badan markii shirkii la galay ee loo baxi doono waxa loo yaqaan BREAK TIME-KA ayuu siyaad barea ku yidhi qolyihii kale anagu waanu sidanaa break timakayagii orda oo idinku suuqa u doonta…

Waxaana ay ka ahayd faanin uu faaninaayo waxa wadankiisu qaniga ku yahay hadana waxa la taagan yahay neefkoodu waa 12 kg, anigii ayaa su’aal is waydiiyey ah awal DR IDIRIS maxa uu ahaa AMERICAN ilayn waakan leh adhigooda..!!!????

Isku soo duub oo dadkeena reer s/land wax ku kulmay sadex abaarood hareeraa isaga celiyey.

Waxaana ku soo koobayaa abaaraa qaar ilaahay ayuunbaa inaga ridi kara laakiin abaarta ugu xun ee iyado meeshii aan galno inaga soo daba galaysa ee magaceedu yahay (ABAAR AMAR LEH) waa in aynu waqtigeeda adhaxada qabanaa oo aynaan noqon RIYO LUGTOODA AYEY SHALAW KU DOONTAAN…




Sacad ciise cumar

Berbera Somaliland

e-mail f_bihaary@hotmail.com

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)