News from Somalia in Somali |
KU CAASHAQAYE
MAXAAN KU CALFAN WAYEY Q5
Aqristayaasha Qiimaha iyo Qadarinta mudanow waa
sheekadii Ku caashaqaye maxan ku calfan wayey waana qeebtii shanaad
(Part 5)
Labo qof ayaa is calfaday, qofbaa wayey jaceyl
kiisi, waana habeen murugo ay hareraysay nolashayda ayado sababtay
in aan xakameen wayey naftayda waxan xasuusta halmado afkayga ka
soo baxay waxana ka mid ahaa Farxiyaay xafududaan, nafbaa ku jecel,
xoolo ha idhaafsan, lakise waan ku guuldareystay in ay habeenkaas
wax ila qabato, waxana ka yeerayey kalmado aan laheyn naxariis iyo
in ay ugaraabto jaceyl kayga waxana ka mid ahaa kansala arooska,
iyo cay aad utiro badan aan jecleen in aan soo bandhigo, si aan
sharaf laheyn ayaa kuleetiga layga soo qabtay wiliba anigoo lay
dharbaxaynayo markii lay adeegsaday Rag xoog badan oo Kenyanti ah
waxaana isoo garay daqar isha badib ilaa iyo hadda aan ku leeyahay,
waxaan imid wadada ween ee islii gawarideeda ay maraan balse nasiib
xumo waan wayey lacag aan ku raaco maxa yeelay markii hore ayaa
layga jeebtuugay boorsadii lacagta iyo card ka studentiga
Waxan ku qasbanaday in aan ulugeeyo xaafadaan daganaa, intaan jidka
u dhaxeeya hall ka arooska iyo gurigayga waxan la kulmay tuugo kuwaas
oo ibaartay kadib markii ay iga wayeen lacag iyo mobile igaraacay,
waxan imid gurigaan daganaa anigoo aad iyo aad uliita,igana muuqdaan
daqaro shaydaan ku dil ah, habeenkaas waan siixan wayey xitaa jiifkii
ayaa i dhibay waayo jirka ayaa idaqnanaya waxan ku qasbanaaday ilaa
uu waga ka baryayo in aan iska fariisto, habeenkaas waxan xasuusta
saxib kay sheekadiisa iyo anigoo inta badan oga sheekaynaya guuldara
ku yimid jaceyl kaygii, iyo in ay isjeclaan karin gabar raadinaysa
jaanis iyo lacag iyo wiil iska faqiir ah, saxib kay halmado kaftan
ah ayuu inta badan igu soo cel celinayey balse xagayga waxan uqaatay
in ay ahayeen kuwa dhiiro galin igu sababay, sxb kay waxa uu iyiri
waxad tahay Faqiir ama sabool marka gabar Reerood maxay kugu falaysaa
war nin yahow isku yax yax oo dhibtaan aad ku jirtid iska daah gabadhaan
ee nolashaan ayaan labadeena ku hareeraysanahnay ee sidaydo kale
ha fakarin
intaan oga jawaabin ayaan ku iri sxb macaan waxan
la seexan wayey kaar qoftaan jeclaana hada waxa ay ku jirtaa nolol
teedi hore ka gadisan marka hore waxa ay heshay guri ay leedahay
ayadu, waxa ay heshay wiil lacag wata caawana waa habeen uga duwan
habeenada kale oo wey raaxaysanaysaa laakinse aniga xitaa jirkii
ayaa i daqnanaya xanuunka iyo kaarkana waa mid isii dheer saxibow
hadii aan kaga jawaabo Faqiir ayaa tahay, run ahaanti waan ahay
faqiir, balse Raganimo iyo in aan ahay dhalinyaro ayaan ku faraxsanahay
hadii aan sii nolado waan ka baxayaa, balse caaway sheekadaada wey
ii baxaysaa waayo waxad ka wada sxb kaa xifalee balse aniga waxan
ku arkaa in aan arkay wado inta badan iga xir xirnayd in aad iifurtay
waxana go aan ku gaaray in aan hilmaamo magaca Farxiyo lakinse aan
sameeyo labo arin mid waa wax barasho midna waa in aan lacag tabcada,
Rabina aan tawakalaa, Rabi wuxu yiri INA LAAHU
MACASABIRIIN kuwa samra ayaan xagooda ahay Waga markii uu baryey
waxaan aday Maqaxidii aan ka sheqeen jiray balse nasiib xumo waxan
wayey shaqadaydii waayo dodoba maalin ayaan aadin waxana la aadi
wayey fakarka iyo jaceylkii ay igu abuurtay Farxiyo balse ay igu
reebtay nimcaan, waxan soo laabtay anigoo shaqo la aan ila soo daristay,
intaan gurigaan dagana aan usocday gabigayga waxa isaaqay Fakar
iyo in aan faraha taag taago, wadada Gaariso oo lugu yaqaano in
ay tahay wado gawaari badan anigana ay iga tan badisay fakarka waxan
damcay in aan wadada gooyo balse gaari ay wadato gabar yar oo aan
is iri waxa ay ka timid dibada ayaa si kadis ah igu soo gashay balse
waxan ka war helay sacado kadib anigo jiifa isbitaal ku yaala xaafada
islii, nasiib wanaag madaxa ayaa iga soo garay daqaro, gacanta bidixna
way ijabtay, sidoo kale kursi ay ku fadhiyaan gabadh iyo maamo ayaan
arkay iyo oday aan isku ehel nahnay oo leh lacag oo lugu magacaabo
Sheekh Sharmarke Yusuf Ahmed, odaygii ayaa ila hadlay oo igu yiri
Maamadaan waxa ay dhashay Gabadhaan waa gabadhii gariga shilka kula
gashay aniga waxan ahay oday adeer kaa ah oo lugu magacabo Shiikh
Sharmare yusuf ahmed marka maamadana waa Sahro ayaa la dhahaa gabadhana
hodan ayaa la dhahaa dhibta kusoo gadhayna waa ay sahlan tahay waxaan
ahayn gacanta ku jabtay mahane ee adiga iska waran hadda maxa dareemaysaa
Horta adeer waad mahadsantahay wax ku gaarayana waa wax adiga kaa
ween, waxan ku hamdi naqayaa Rabiga ii saqiray Gabadhaana qaladka
ayadu malahayn oo aniga ayaa lahaa waayo sakay ayaan shaqo aan ka
shaqeen jiray oo ah maqaaxi aan aday balse waan soo wayey waxan
sababay dodoba casho oo arin ay ila soo daristay ayaan ku wayey
shaqadii ay ku xirneed nolol maal meedkayga sidaas awgeed waad garan
kartaa xafadaan islii shaqo si sahlan loogama helo waxan ka fakarayey
shaqo in aan heli doono iyo in kale balse waxan ogaa in aan galay
shil kabacdina waan miyir beelay sidas awgeed hada waan bixi karaa
oo waan fiicnahay Reerkana waxan u haysto majiraan Maamada iyo godaygii
ayaa is raacay waxa ay u dhaqaaqeen dhanka rasibshinka ee istibalka
si ay usoo baxshan lacagta laygu leeyahay inta ay iga maqnayeen
ayaan is wareysanay waxa ay iweydiisay Magacayga, waxan ku iri waxa
lay dhahaa Mohamed waayo magaca Hanad waxan u hibeeyey qoftaan jeclaa
iyo jaceyl kaygii waxan rabaa in aan isbadal ku sameyo nolashayda
magacaas waxan iska kansal gareeyey, waayo waxan soo xasuusanaya
codki macana oo inta badan aan iska xakameen wayey waxan ku iri
adigana, waxa ay igu tiri waxa lay dhahaa Hodan Yusuf waxana ka
imid Yurub waan ka xumahay shilkii gariga waayo
wadadana way igu cusbeed kala keeshin aan xakameen wayey isteerinkiina
waa uu igu yimid balse waxan la gafeen waa qadarka in aad gashid
shilkaan oo dhawacaan ku soo garo ayaa idmaneed marka waan ka xumahay
walaal kiis halkaana waxan u nimid waan kasoo guurnay oo Nairobi
ayaan soo dagnay, intaas kadib odaygii iyo waxaa soo laamtay mamadii
odaygi ayaa iweydiiyey yaad la nooshahay adiga aniga waqti hore
ayaa soomaaliya igu dabaysay waqtigaasna Abahaa baadiye ayuu dagana
moddo laga joogo afartan sano Haa adeer wili waxa uu dagan yahay
baadiye isagoo xoolihii ay ka dhamadeen, intana waxan i imid responsor
balse waan ku dhacay oo nasib ayaan u yeelan wayey, waxan la daganahay
wiil aan saxibo nahnay cid sidaas ah oo aan aqaano majiraan, intas
kadib odaygii ayaa igu yiri aniga ayaa ila dagaysaa ina raacaysaa,
maamadi iyo gabadhiina waxa ay ku raceen odayga fikirkiisa, anigana
kama aan diidin, waxan soo galay guri ween oo ah (palace) wax aan
ku
qiyaaso maran karo , waxa uu iifuray qol kamid ah qololkiisa guriga
aad iyo aad ayuu u camirnaa balse waxan arkay in ay nolashayda ay
ku timid isbadal balse ma aan aminin taas waxana sababay aamin la
aan ayaan arkay iyo nolol ku bidhaanta oo riyo kadib noqota, guriga
waxa dhex yaalay sariir qurux badan oo ween nasib xumo waligay kuma
aan seexan sariir, muraayado waween oo lugu labisto balse waligay
iskuma mushquulin markii aan labisanayo, TV ween ayaa yala balse
waligay madaawan mana aqaani sida loo daro ama looshido, balse waxaan
lasoo baxay dabecadihii asal ahaan ay nugu xaman jiren oo waan daadiyey
wax kasta anigoo markaas adeegsanaya maskax, TV ga waxan isku baray
markii aan seexanayo ayaan qor qorsheeya kadibna marki an si qaldan
taabto botoonka qeelada waxan farta galiyaa mesha laga daaro ama
loga damiyo si aan udimiyo
Hodan iyo guriga odayga waa ay isku dhowyihiin, waaga markii uu
baryo waxa ii timaada hodan, oo ah gabar fur furan oo qosol badan
markii ay hadlayso ahna gabar wax ka soo baratay dibada, waxa ay
jeclaatay in ay wax ka ogaato nolashayda balse ma aan rabin in aan
ogado dhawicii jaceyl kayga hayeshee waan ku qasbana waayo hodan
waxa ay ahed gabar inta badan igu dadaasho in aan buskoodo cidladana
iga ilaalisa
Hodanay Hadii aan kaga falodo Nolashayda waxan ka imid Soomaaliya
qaasatan Baadiyaheeda, waxan ka dhashay reer dagan baadiyaha nolashoodana
ku tiirsantahay Xoolaha miiga waxan aheyd Reero Sabool nimo ay curyaamisay
balse farxad ku nool, 2000 abahey waxa la soo hadashay wiil uu abti
u yahay una sheegay in cidda wiil laga dhoofinayo taasna waxa ay
keentay ciddayada in ay aniga ii doortaan in aan dibada u aado,
waxan ku fakarayey in aan nolasha isbadal ku sameeyo, 2001 bishii
11 ayaan ku xarooday airport ka balse saacado kadib waxa baaqday
dulimaadkii aan ku tagi lahaa Mareekan waxana sababay qarixi weynaa
ee ka dhacay washiton iyo New york sanad ka dib waxan soo qaatay
dhicitaan warqad ay ku qoran tahay, waxan arkay in wax isbadal ah
aysan ku imaan doonin nolashayda waxan ila soo gudboonatay Rajo
xumo, balse wiilka ay dhashay Eedaday ayaan ka codsaday in aan wax
barto, waxan dhigtaa hada College ku yaala Down town ka waxana diyaarshaa
Computer Science lakise lacagta guriga waxan ku
dabaraa Maqaaxidi aan ka sheqeen jiray mushaarka aan ka qaato lacagta
wiilkana waxa ku aadi jiray college ka, Malin ay nolashayda farxad
iyo bidhaan wanaagsan ay heshay balse waa gabar aan ku nasbeyey
in ay ka hartay Qooskii Madaxa adkaa ee Reer Abi lahab, waxa ay
igu abuurtay jaceyl, waxa ay ku soo gaba gabeysay jaceyl kaygii
Murugo iyo Rafaad in modo ah iheystay balse waqtigii aan galay shilka
ayaan go aan ka gaaray in aan qoftaas dib dabe aan u xasuusan xitaa
magacayga Runtaa waa hanad ayada ayaan u nacay sidaas awgeed waxa
ay igu nacday Faqiir nimada waxa ay iga raacday wiil dibada ka yimid
oo boorso lacag ah wata waxan ogaaday Gabdhaha ku nool Africa in
ay daneyaan Money and Dibada anigana waan guul dareystay
Hodan intaan u shekaynayey ilma dhamanadayda qoysay ayadana indha
waxa ay ku haysay fuuskuleeti ay ooyinta iskaga tiraysay, balse
waqti dheer aniga iyo isbadalkaygii ku yimid nolashayda, Aniga iyo
Farxiyo xagee ayaan ku dabaynay, Hodanse waa qofma hadda, waxad
ka bogan doonta sheekada lixaad lasoco sheekadaan

lasoco qeebta Lixaad insha allah
Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka
cudur daranayaa wixi dhanka qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo
weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email kayga aan hoos ku qoran
mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala jooga
sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan
had iyo jeeer in ay soo bandhigaan dhamaantiin waad mahadsantihiin
.
Qoraasare hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email: peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|