Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
Siilaanyo waa nin nooceeya?

Siilaanyo waa nin nooceeya?


waxaan akhriyey maqaalo aad u badan oo lagaga jawaabayo maqaal uu qorey nin suxufiya oo reer soomaaliland ah. maqaalkaa uu qorey suxufigu waxaa ciwaan u ahaa "soo qoyso aan kuu xiiree", runtii waan akhriyey maqaalkaa kumaana arag wax wax u dhimaya sharafta iyo nasabka axmed siilaanyo toona, balse waxuu ka hadlayey siyaasada silaanyo iyo xisbiga kulmiye ee ku wajahan shirkooda ay ku doonayaan inay ku doortaan musharixiintii uga qayb geli lahaa tartanka madaxtooyada ee soomaliland ee soo socda hadii ilaahay idmo iyo siyaasada guud ee xisbiga iyo gudoomiyahooda. dadka u jawaabeyey ninkaa suxufiga ah waxay dhamaantood ka sinaayeen wax ka sheega iyo aflagaadada shaqsiyada suxufigaa waxayna ka dhigeen axmed siilaanyo nin aan wax ceeba ama dhaliila aan lahayn.

hadaba waxaa hubaala in qof isu dhami aanu joogin ama ku uunayn koonkan aynu ku noolahay, siilaanyona waa ka mid waxaana odhan karaa ma noqon karo hugaamiye umadeed. waayo, maxaan u leeyahay taa? siilaanyo waxaa uu ahaa hugaamiyihii ugu mudada dheeraa ee xukunka u qabta ururkii SNM ma ogtahay akhristow inaanu siilaanyo keenin ama ururka aanu helin wax huba xataa qori fududna (AK47) ha ahaadee intii xilka ururka hayey. waxaa jirey xiligaa dawlado ina taageeri jirey oo inaka caawin jirey xaga saanada dagaalka intii aanu siilaanyo xukunka ururka qaban, dawladahaa oo ay ka mid ahayd liibiya way joojiyeen taageeradii ay ina siin jirtey siyaasadii siilaanyo la yimid awgeed oo ku salaysnayd iska fadhi iyo tuurtuur.

maaha nin leh odoros iyo barnaamij siyaasadeed oo qoto dheer, waayo siilaanyo lix sano iyo dheeraadkii uu ururka hugaanka u hayey ma keenin figrad ama siyaasad lagaga bixi karo dhibkii jirey oo hogaankii siyaad bare lagaga takhalusi karo si hawl yar, isla markaana lagu abuuri karo aagag cusub oo cadawga lagu kala furfuro qawadiisii ciidan ee xilagaa joogtey Soomaaliland, mana samaysan saaxiibo cusub oo ku taageera siyaasadiisii ku wajahneyd riditaanka dawladii siyaad bare oo ka soo jeeda soomaalida ku nool caasimada iyo agagaarkeeda iyo koonfurta soomaaliya oo dhanba, kuwaas oo u baahnaa taageero ciidan iyo mid dhaqaale iyo weliba dhiirigelin.

siilaanyo waa nin nugul oo marka culays siyaasadeed ku yimaado aan xejin karin, oo talo ku baahdo, waxaan u leeyahay taa, markii mingeste hayle mariam yidhi SNM ha la baabi'iyo ee ay hashiiyeen siyaad bare siilaanyo ciidamadii SNM wuxuu ku amray inay ku soo xereedaan xeryo ku yaal gudaha Ethoipia oo loogu talo galey in hubka lagaga dhigo, balse waxaa arintaa is hortaagey oo diidey qaar ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii ururka, hase yeeshee siilaanyo ma garwsan saraakiishii, markey ogaadeen mowqifka hugaamiyahooda ayay go,aansadeen inay iyagu fuliyaan hawlgalo qarsoodi ah oo aan loo sheegayn Ethoipia iyo siilaanyo toona, waxayna ka dalbadeen siilaanyo inuu shidaal iyo saad ciidamada lagu soo raro u waydiiyo dawlada ethoipia siilaanyo sidii buu yeelay ethoipiana shidaalkii iyo saadkii bay bixisay saraakiishii ururkuna hawlgalkoodii qarsoodiga ahaa ayay fuliyeen oo ahaa kii burco iyo hargeysa lagu soo galay sanadkii 1988kii, siilaanyo iyo ethopipiana waxay ku war heleen SNMtii burco iyo hargeysa ayay qabsadeen maalin ka dib. taasina waxay kuu muujinaysaa khartida iyo go'aan qaadashada siilaanyo ee waqtiyada adag.

Axmed max'ed Max'ud siilaanyo waa nin aqoon fiican iyo waayo aragnimo siyaasadeed lagu tuhmo balse waxaa is weydiin leh shacabka reer soomaaliland ma u aayeen ama ma ka faaiideen aqoonta iyo waayoaragnimada siilaanyo jawaabtu xageyga waa maya, waayo? maalintii ay ugu baahida baahnaayeen shacabka soomaaliland siilaanyo aqoontiisa, waayoaragnimadiisa iyo kartidiisaba waxay ahayd 1991kii markii wadanka la xoreeyey, sida aynu ka warqabno inteena badani siilaanyo waa ninkii ugu horeeyey ee yidhaahda dawladi ma jirto xiligaa iyadoo ay wadanka ka jirtey dawlad aan awood dhaqaale, booliis iyo mid ciidan toona oo buuxa oo ay dadka iyo dalka ku hanan kartey lahayn, oo wuu u war hayey dhibka ay keeni karaan kelmadahaasi wayna keeneen runtii oo waatii wadanka uu dagaal sokeeye halakeeyey oo lagu waayey naf iyo maalba. waxaa xiligaa loo baahnaa in qofwaliba uu dhinaciisa qabto wixii uu ku biirin karayey dawladaana talo iyo tusaale, dhaqaale iyo awood uu isla garab taago, balse axmed siilaanyo aqoontiisii xiligaa waxbay burburisey dad iyo dalna way galaafatey ee waxba lagama faa'idin.

Isku soo wada duuboo iminkadan aynu joogno axmed kursigaa madaxweyne waa doonayaa balse weli lama hayno meel uu kaga hadlayo waxqabad ama ku soo bandhigayo qorshihiisa siyaasadeed ee ku wajahan dadka iyo dalka somaliland. waxaa axmed sheegaa in wadanku baaba'ay oo dawladan hada ka talisaa ayna waxba qaban, laakiin siilaanyo mar qudha muu soo bandhigin siyaasadiisa wax qabad ee uu doonayo inuu ku bedelo habnololeedka dadka iyo dalkan. ogow qofwalba wuu odhan karaa waxaasaan qabanayaa hadii lay doorto balse kursiga madaxtooyadu wax ma qabto ee waxqabadka iyo kartida waa loola tagaa waxaa qudha ee looga faaiideystaa kursiga awooda iyo sharciga.

Waxaan ku soo gunaanadayaa axmed waa la tijaabiyey waana la arkay waxa uu dhiiqo, markaa yanaan noqon niikii indhaha laa' ee mar indhaha kala qaaday ee arkay bakeylaha dabadeedna dib indhala'aantii ugu noqday ee waxkasta oo loo sheego odhan jirey bakayle siduu ka yahay ama ma u eeg yahay. waxaan uga jeedaa aynu raadino cid leh awood hugaamineed waa la helayaa iyagoo badane, oo yaynaan noqonin qaran qof uun yaqaana, qof qudhana maqla, wargeys qudhana akhrista, cunto keliyana cuna, dukaan qudhana wax ka iibsada, keligoodna isu haysta inay saxan yihiin.

wa bilaahi towfiiq
qalinkii fuaad
la soco cadadka danbe oo aan ku eegi doona wanaaga odayga.
fuaad04@yahoo.co.uk

 

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)