News from Somalia in Somali |
Cabdalla Nuruddiin
waxa aan ILaahay uga baryayaa in uu geeyo Jannodii Ferdowso
Inaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun!
Anigu waxa aan ka mid ahay intii aragtay Al-akh
Cabdallaa isaga oo
aan 20 jirsan, tintu na ay madoobayd; ahaan na wiil aad u qurxoonaa.
Soomaalida jeclayd na waxa aan maanta ku biirin
lahaa in aan bartay isaga oo qabanayay "Iidheh-diisii"
ugu horreysay (abbaarohii nuskii dambe ee 1969) ee uu u sammeynayay
arday Soomaaliyeed ee berigeedii dhigi lahayd "Somali Circus".
Waxa aad u caan ah oo ardaydaas laga yaqaan: al-akh Cabdulqaadir
Maxamed Mursal, kaas isaga qudhiisu na ah weriye, qoraa, iyo fannaan
weyn ba; Cali Biixaani, Dr. Maxamed Cabdulqaadir, Dr. Xaydar Cali
Raage, Daahir Cali Raage, Inj. Seed (aun), Inj. Nuur Diiriye (Booshka)...
iyo...
Meesha waxa wax ka joogay kooxdii Shareero, sida
Maxmuud Biixaani
(Little Jerry), [Cali & Cantar Naaji], iyo macallimiintii kitarrada
liidka Axmed Cabdalla, iyo Siciid Maxamed Xarawo; iyo tabobare-qaran
Maxamed Cali Mataan (oo ahaa ninkii suurtgeliyay jiritaanka Somali
Circus)! Waxa isla "Soomaali Circus" ku soo caanbaxay
fannanka weyn ee la yiraahdo Axmadeey Abubakar (Heestiisii: Itiinkaa
Ilbaxa keenay!) iyo Cabdlqaadir Shaandi iyo Zio Tom [waa asxaabiibtii
iyo aw Koombe].
Habeenkii la dhigay "Somali Circus" waxa
wax ka daawaday madaxweynehii la dili lahaa beryo gudahood -- Mudane
Cabdirashiid Cali Sharmarke (aun) iyo qoyskiisii iyo madax kale
oo badnayd. Waxa uu na Madaxweynehii ardaydii dhigtay ku wada casumay
in ay isaga la quraacdaan subixii xigay! Dabdeed na waxa uu u ballaanqaaday
in uu kooxda "Somali Circus" u wada lahaa dalkii USSR
loo yiqiinnay; socodkaas oo ku beegnaan lahaa Oktoobar 11, 1969!
Hayeeshee, ballanqaadkiisii ba, amar Eebbe ayaa ka soo soke maray.
Kooxdii Waaberi, berigaas intooda badnayd, lug ba
ma ayan gelin rugta la oran jiray "Somali National Theatre".
Ugu yaraan waxa aan isku dayay in aan muujiyo haybaddii
uu la soo hor
baxay walaalkay Cabdalla Nuuruddiin! Geeri waa xasuus, iyo nolol
horleh. Markii aan isaga ka sii fekeray ayaa intaan iyo in kale
ba
maankayga ka soo dhex maaxdeen. Cabdalla waxa uu ka mid yahay
Soomaali badan oo aan xusuus wanaagsan weli ka haysto.
Aad ayaan na ugu farxay in uusan ku dhex dhiman
Soomaalida lagu
magacaabo: Bulshoda Qurbejoogta ah. Eebbow, addoonkaaga, Cabdalla
Nuuruddiin ahaa, walaalkay, u naxariiso! Aamiin!
Ilaahay ha u naxariisto inteennii dhimatay! Ha na
u gargaaro inteenni
weli nool. Aamiin.
A. M. Yusuf
--
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|