|
Waa xogwaran soo baxay sanadkii laba jeer kana hadlaya xaalada soomaalida Denmark gaar ahaan Århus iyo nawaaxigeeda
4 Febraayo 2010 SMC
Ururada soomaalida ee magaalada Århus
Waa badan yihiin ururada soomaalidu samaysay tan iyo markay wadankaan Denmark yimaadeen, waxaase xarumo ka leh ilaa hadda ama ugu waaweyn Shan urur oo kala ah.
Somali community, biblitek Gellerup(Siyaasi), Den Somaliske familieforening, Eckersbergsgade 27 (Santarka), Den Somali Kultur og Opdregelses Forening, Gjællerupvej 87(Åbyhøj), ururka Odayaasha Beeshinka, Eckersbergsgade 27 (Santarka) iyo Det Somaliske Forbund, Bentesvej 43.st.th.(Islaax).
Ururadaas waxaa ugu facweyn Somali community oo la aasaasay…., waxaa ku xiga Den Somaliske familieforening oo la aasaasay 1995, waxaa xigay Somali Kultur og Opdregelses Forening oo la aasaasay 2001, waxaa xigay ururka odayaasha beeshinka oo la aasaasay 2005,waxaa xigay Det Somaliske Forbund oo la aasaasay 2008 waxaa jirikara ururo ay isticmaalaan shaqsiyaad kuwaasina waa badan yihiin, laakiin ma ahan kuwo muuqda.
Waxaa marka haboon in la dul maro mid walbaa siduu ku furmay iyo wixii faa'iido ama khasaaro ah iyo marxalada uu hada ku sugan yahay urur waliba shanta urur ee aanu kor ku soo xusnay.
Ururka Somali community: waxaa aasaasay soomaalidii ugu soo horgashay wadankaan Denmar sideedamaadkii, wuxuuna qabtay waxyaabo ummada soomaaliyeed faa'iido u leh, nasiibdarose waxay noqotay markay isku qabqabsadeen xubnihii ururkaasi maamulkii ururka, ururkii wuxuu socdaba wuxuu hadda ku dambeeyey C/rashiir Sheekh Maxamuud(siyaasi) oo hada ah gudoomiyaha ururkaas, mana jiraan xubno kale oo la maamulaa.
Den Somaliske familieforening: waxaa ururkaan furay ama aasaasay dhamaan dadka degan magaaladaan århus rag iyo dumar, waxaana loo sameeyey xarun, xaruntaas dhaqaalaha lagu furay waxaa baxshay dadka soomaaliyeed ee degan magaaladaan århus, markii xarunta ururku hadda ku jiro la furay, dhaqaalihii ku bixi lahaana la baxashay, ayaa waxgaradkii magaaladu dhamaantood ku balameen in xarunta loo sameeyo gudigii maamuli lahaa, nasiib daro markii shirkii loo balamay furmay ayaa waxaa laga sheegay in gudigii la doortay. Waxaa dhamaan dadkii shirkaas fadhiyey layaabeen qaabka loo soo ururiyey dhaqaalaha xaruntaas lagu furay iyo sida ay u afduubeen koox yari, xaruntaas waxaa loo furay oo dadka magaaladu ugu talagaleen goob ay dhamaantood ku soo hirtaan kuna fushadaan hawlohooda diineed iyo dhaqanba yar iyo weyn, rag iyo dumarba, nasiibdarase waxaa afduubay markiiba koox yar oo aan ka badnayn 7 ruux.
Den Somaliske familieforening wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa lagu murmay, waa lagu dagaalamay, waa lagu kala guuray, ururku wuxuu helay dhaqaale badan, dhaqaalahaasi wuxuu ku soo xerooday magaca jaaliyada soomaaliyeed ee degan århus mase calfan jaaliyadu, dhaqaalahaasi wuxuu ka
yimid mid laga shaqeeyey ururka dhexdiisa iyo mid ka soo xerooday hay,adaha kala duwan ee dawladan aynu martida u nahay. Dhaqaalahaa wixii kirada iyo adeegyada xarunta ururka ku baxay mooyee wixii kale meelay mareen lama garanayo, dhaqaalaha rasmiga ah ee 1995 ilaa 1998 ururka haystay wuxuu ahaa 500.000,-kr oo cash ah. Dhaqaalahaasina meel uu jaan iyo cirib dhigay ilaa hada lama hayo, markii la ogaaday in dhaqaalahaasi yaal ayaa waxaa sii laba jibaarmay dagaalkii siyaasadeed ee maamulka xarunta ururka, waxaana markii hore ku loolamay ururada kala ah Al-itixaad iyo maamulkii is magacaabay oo meel ah iyo Al-islaax oo kaashanaya wadaadkii meesha wax ka furay, waxaana looga xoogroonaaday Al-islaax wadaadkiise waa sii waday dagaalkii. xaruntii waxaa isugu haray maamulkii ismagacaabay markii la furay iyo Al-itixaad. 1996 ilaa 1997 ayaa waxaa dagaal culisi ka dhex qarxay labadaas qolo, aakhirkii waxaa goobtii iyo xoolihiiba u haray maamulkii is magacaabay, Al-itixaadna banaankaa la dhigay waxay difaac ka galeen Al-ikhwa Al-musaawaa (Masjidka carabga ee Brabrand) waxaana loo baxashay (Goobweyn) ururkii ay u hareen maamulkii is magacaabayna waxaa loo baxshay isna (Busta yare), wixii intaas ka dambeeyey waxaa xulufoobay Maamulkii ismagacaabay iyo Al-islaax oo aan markaas xarun haysan. Waxaana halkaas ku dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee ka taagnaa ururka qoysaska soomaaliyeed iyo dhaqaalihiisii, waxaana ururkii iyo dhaqaalihiisii oo sii laba jibaarmay toos ula wareegay maamulkii ismagacaabay oo kaashanaya Al-islaax.
1998 waxaa sii kala jabay kooxdii laga saaray ururka ee u qaxday masjidka carabta, waxayna u kala jabeen 2 kooxood haba kala badnaadeene, kooxdii badnayd ayaa markiiba olole culus qaaday furtayna ururka dhaqanka iyo tarbiyada ubadka soomaaliyee. Den Somaliske kultur og opdregelsesforening. Kooxdii yaraydna banaan joog bay ahayeen mudo.
Den Somali Kultur og Opdregelses Forening: ururkaani waxaa la furay 2001, waxaana furay rag kooban oo aan ka badnayn 20 qof iyagoo la kaashanaya dadweynaha magaalooyinka Århus, Ålborg iyo Esbjerg kana ururshay xoolo badan kuna furay xarunta hada loo yaqaan Åbyhøj. Markay xaruntaasi furantay waxaa loo sameeyey maamul ay iska magacaabeen dadkii yaraa ee furay, maamulkaasoo dhamaa markii hore 3 xubnood, sanad dibna loo bedelay 5 xubnood oo maamulka ah iyo inta kale oo shuuradii ah, labo sano ka dib waxaa laga shaqeeyey in la isu keeno kooxdii markii hore ka hartay kooxdaan furtay Åbyhøj, waxaa ku soo biiray qaar ka mid ah xubnahii banaan jooga ahaa, laba ilaa saddex qofna way ka hareen waxayna fureen xarun kutaalay malagade, xaruntii malagade wax yar ka dib waa fashilantay.
Isku soo wadaduuboo xarunta Åbyhøj waxay noqotay xarun caan ah waxbadana u qabatay dadweynaha degan magaalada dhinacyo badan, waxaa maamuli jiray xubno dadku qanaaco ku qabeen aadna u firfircoonaa, waxayna isugu jireen xubnihii aasaasay iyo xubno gadaal kaga soo biiray aanse ahayn kuwiii heshiiska ku yimid. Maamulkaasi wuxuu xarunta ku soo xiray dadweynaha magaalada oo in badan oo ka mid ahi markii hore ka aaminsanaayeen meel koox gaara leedahay ama qabiilooyin isbahaystay furteen. Waxaa xaruntaasi gaartay meel sare waxaa ka wada mid noqday dadweynaha soomaaliyeed ee magaalada århus iyo nawaaxigeeda.
2004 iyo 2005 waxaa xarunta Åbyhøj ka biloowday guux iyo xusulduub aad loo soo abaabulay, guuxaasi waxaa bilaabay oo waday kooxdii markii hore buuqa ka biloowday Masaajidka santarka, kooxdaasi waa koox aaminsan inay kaligood hogaanka hayaan sidoo kale aaminsan in dadka kale aysan waxba wadi karin, kooxdaasi Åbyhøj waxay ku soo biireen sanadkii 2003, waa koox aan salka dhigi karin hadaysan iyagu meesha xukumayn, 2004 iyo 2005 markay bilaabeen damacooda ahaa inay qabtaan maamulka xarunta waxaa ogaaday abaabulkooda hoose xubno ka mid ah xubnihii furay åbyhøj markiiba waa laga hortagay waana la fashiliyey. 2006 markii maxkamaduhu soo bexeen ayay fursad heleen ah in maamulkii markaas åbyhøj hayey ka lug jiideen taageerida maxkamadihii iyo ka qayb qaadashadii dagaaladii socdayba, kooxdii maamul doonka ahayd waxay heshay fursad qaali ah oo ay ku hantaan maamulkii åbyhøj halkaasayna doorasho abaabulan kula wareegeen maamulkii åbyhøj2007. Xaruntu waxay lahayd xeer qoran, waxay lahayd xubno badan oo wax dooran jiray, waxay lahayd sheekh. Markii hore waxaa liiska xubnaha wax doorta laga saaray xubinkasta oo wax garanaysa iyo xubnihii ay u arkeen inay taageeri karaan rag ay iska ilaalinayeen, waxaa lagu xejiyey xeerkii oo daaqada laga tuuray, waxaa ku xigay sheekhii oo wax laga dhagaysan waayey, arimahaasoo dhan waxay sameeyeen sanadkii 2007 waa sanadkii ay hayeen maamulka åbyhøj, waayo waxaa dhamaaday taageeradii xubnihii doortay 2007 oo aan hada u hayn taageero dambe, sidoo kale dagaaladii iyo maxkamadihii ay taageerada ku helayeen oo siyaabo kale isu rogay, marka waxaa u soo baxday in waayayaan sanadka 2008 haddii doorasho dhacdo, waana ahayd oo maysan heleen, waayo si aad iyo aad ah ayaa loonacay maamulkooda oo xaruntii ayay ka dhigeen meel hal famil leeyahay kuna ganacsado.
2008 meeshii laga sugayey doorashada waxaa ka dhacay åbyhøj inqilaab aan dhiig ku daadan, waxaana in qilaabay kooxda aanu kor ku soo xusnay, maadaama ay arkeen inay lumiyeen kalsoonidii xubnihii taageersanaa markii hore, markay arkeen guuxa dadweynaha ayay waxaa u soo baxday inay waayayaan sanadkaan maamulka åbyhøj, sidoo kale waxay ka baqeen inay maamulka ku soo baxaan xubno aad siyaasadooda uga soo horjeeda kana maamul wanaagsan dadkuna u simanyihiin, waxaa kaloo sababtay inqilaabka iyagoo ilaashanaya dano ay ku qabaan maamulka ururka.
Åbyhøj waxaa bishii soo gala dhaqaale dhan 73.500,-kr. sanakii waxaa soo galo (882,000,-kr), Waxaa ku baxa kirada,korontada,nadaafada, mushaarooyin kala duwan oo ay qaataan dad gaaraya 8 qofood. marka la xisaabiyo waa 714.800.-kr sanad kasto waxaa dhigma 167.200,-kr Waxaa xisaabtaa maamula 4 xubnood qof maamulka ah iyo labo shuurada ah, iyo xubin ka mid ah xubnaha caadiga ah. xubnaha kale ee ururka åbyhøj waxba ma kala socdaan meesha la mariyo lacagtaas, maadaama aan loo sheegin xaqiiqda, si aysan xubnuhu u ogaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta meesha waxaa la joojiyey dhamaan wixii xisaab celin ahaa ee loo soo gudbin jiray shuurada iyo xubnaha sanad walba. Xubnihii waxaa loo sheegaa in meeshu maynis tahay bil walba. Arin xaqiiqo ahna ma aha, waayo bil kasta waxaa soo gala lacag dhan.73.500,-kr. Wixii soo cusboonaada maqaalada dambay ku soo bixi doonaan, waxaa intaa dheer lacagtii loo qaaday øktober.2009 magaalada dhanaan ee soomaali galbeed inaan la gaarsiin lacagtaasi waxay hayd 36.500kr.
Haddaba Ururka Åbyhøj saddexdii sano ee ugu dambayey waxaa u dhigmay lacag gaaraysa 501.600kr, lacagtaan waxaa u taliyey afarta xubnood ee aanu kor ku soo sheegnay, iminkana waxay wadaan qorshe ay ku furanayaan goob ganacsi, iyagoo xubnaha qaar u sheegay inay furayaan goob ganacsi oo ururka Åbyhøj sheer ka yahay, ma ahan wax jira ee lacagtu waa tii ururku lahaa oo shaqsiyaad u tashadeen iyadoon laga tala galin inta badan xubnaha ururka tiirarka u ah. Si kastaba ha ahaatee waxaa dhawaanahanba ururkaas ka socday ciladihii iyo ceebihii ay ku sheegi jireen Det Somaliske familienforening{santarka}, kuwaasoo ahaa inay lacag badan hayaan dadkana ay ka qarsanayaan isticmaaleena, inay maamulkii dhiibiwaayeen, inay taladii marooqsadeen iyo inay dacweeyaan dadka walaalohooda ah. Intiiba maanta waxaa dhabarka u ritay reer Åbyhøj, dadka xogogaalka ah oo waliba qaarkood ka tirsan yihiin Åbyhøj waxay ogyihiin in dhibkii sagaashameeyadii ka dhacay urur somalida ee santarka ay abuureen shaqsiyaad reer Åbyhøj, maxay u jeedadu ahayd???????????jawaabta dadweynahaan u daynaynaa. Warbixintaani waa xaqiiq, wixii faahfaahin ah oo xagga xisaabaha ah ama shaqsiyaadka ah haddii dadweynuhu codsado maqaalada dambay ku soo baxayaan.
Det Somaliske Forbund: Waxaa la aasaasay 2008 mana lahayn xarun sal dhig u ah, nasiib wanaag ururku wuxuu xarun helay 2009 horaantiisii, ururku wuxuu leeyahay xubno aan badnayn, waxaase maamula xubno kooban oo ka tirsan ururka Al-islaax, ururka islaax ma ahan urur awood badan ku leh wadanka somaliya iyo dibadiisaba, waxay wax la wadaagaan akhwaanka hadba meeshay joogaan, ururka somaliske forbund dadka maamulaa waxay qorshaysteen inay ka dhex muuqdaan magaalada århus ayna saamayn ku yeeshaan dadweynaha soomaaliyeed ee degan magaalada, ururkani wuxuu laamo ku leeyahay magaalooyinka København, iyo Odensa xaruntoodu waa Århus, ururkaasi waa urur biloow ah, waxay ilaa hadda ku guulaysteen waa inay xubno cusub heleen laakiin ma badna.
Det somaliske forbund waxaa u badan hal famil, waxaase hada ku biiray dad aan badnay oo familo kale ah, kuwaasna waxaa loogu daray keenista dadkooda, ururku wuxuu dhawaan ku guulaytay inuu furo dugsi quraan waxaana dhigta caruur badan, waxay kaloo sameeyaan caawinta cashrada skoolada gaar ahaan xisaabta iyo danishka. Ururku wuxuu tartan adag kula jiraa ururka Åbyhøj oo iyagu xisbi ahaan ka soo jeeda Al-itixaad.
Ururku wuxuu beryahaan dambe qabtay shirar iyo muxaadarooyin ay uga soo horjeedaan arimaha ka socda somaliya, gaar ahaan Al-shabaabka, waxay u waramaan joornaalka JP, waxayna ku soo qoreen qoraalo badan oo ka hadlaya arimo badan oo kala duwan, qaar ka mid ah joornaalkaasi wuxuu soo baxay 17.01.2010. shaqsiyad kooban oo markii horeeto isticmaali jiray joornaalada iyo Tv yada wadanka isuna arka dadka ugu aqoonta iyo caqliga badan ee magaalada ayay ka xanaajisay arintaasi. Qoraalkaas waxaa qoray 3 nin oo ka mid ah maamulka ururkaas sidii ku cadayd jP. Waa urur u jajaban joornaalada iyo TV wadanka markay beqeen ururadii kale. Xubnaha maamula ururkaasi waxay jecel yihiin inay cid walba la jaanqaadaan.
Waxaa xusid mudan in la qabtay laba shiroo lagu weeraray ragii JP maqaalada ku qoray, shirarkaasna waxaa qabanqaabiyey shaqsiyaad kooban kuna kacsan ururka det Somaliske forbund, shaqsiyaadkaasi oo ku midaysan ururka la yiraahdo Somalisk Forum, ururkan waxaa ka mid ah Ururka familada (Santarka), Åbyhøj, Iftin iyo kuwo kale, shirarkaas midka hore wuxuu dhacay 20.01.2010 kan labaadna wuxuu dhacay 24.01.2010, labada shir waxay ka dheceen xarunta den somaliske familienforening (Santarka) waxaana meeshaas shirka ku balansaday shaqsiyaadkii watay, maamulka meeshaasi wax kama ogayn labada shir waase lagu martiqaaday waana ka qayb galeen, waxaa kaloo ka qayb galay xubnihii soo diyaariyey oo dhamaa 6 xbnood iyo xubno iyana lagu martiqaaday oo ka socday det somaliske forbund, shirarkaasi waxay ku dhamaadeen guuldaro.30.01.2010 waxaa shir qabtay ururka Somaliske Forbund, shirkaas waxay ku casumeen odayaasha magaalada Århus waxayna ku soo bandhigeen joornaaladii ay qoreen waxayna shirka ajande uga dhigeen wax ay ugu yeereen fikrad isweydaarsi. isku soo duuboo shirkaas ujeedaday kalahaayeen wuxuu ahaa inay odayaasha is baraan kagana fogaadaan qayladii ka timid qoraaladii ay ku qoreen JP. shirkaasi wuxuu soo xirmay isagoon waxba ka soo bixin, waxaase la xusay inay la dhexdhexaadiyo dadka is haya oo markaas loo dhigayay Åbyhøj iyo Islaax.
Ururkaasi wuxuu hada u xusul duubayaa sidii uu dhaqaale u heli lahaa, hadda waxa soo galaa kama badna 15000-20000,-kr. Waxay mar ama laba jeer wax ka heleen saaxiibadood akhwaanka carabta.
Ururka Odayaasha Beeshinka: ururka odayaasha beeshinka waxaa xarun u ah ururka qoysaska soomoaliyeed, laakiin jimcayaasha qaarkood ayay ku kulmaan xarun ku taal brabrand taasoo kommunuhu leeyahay, saacado koobana ayaana laga siiyey, ururka odayaasha beeshinada ah waxaa caawiya kommunaha, ma ahan urur horumar keenay tan iyo markii la sameeyey, waayo waxaa markiiba is khilaafay odayaashii sameeyey, waxayna banaanka dhigeen odayaashii qaarkood sidii buuna ku shaqeeyaa wali. Ururkaas qofkastaa ma gali karo ilaa ay soo ogolaadaan halka oday ee ugu awooda badan ururkaas iyo khasnajigiisu.
Ururda kala ah Somali community ee siyaasi, Den Somaliske familieforening ee Santarka, Den Somali Kultur og Opdregelses Foreningee Åbyhøj, sadexdaan urur waxay dhawr jer heleen lacago badan, lacagahaasi meelo kalaa lagu weecshay waana xoolo umadeed. lacagahaas waxay ka dalbadeen hay'adaha baxsha projectiyada ee wadankan waxayna heleen dhawr jeer ururkastaa. Waxaa lagu dalbaday magaca Caruurta soomaaliyeed ee ka diwaangashan labada urur ee Santarka iyo Åbyhøj, laakiin Somali community si kale ayay wax u farsamaysataa.
Waxa jira ururo kale oo xarumo aan lahayn sida Iftin, Somali Media, iyo ururka midnimada oo dhawaan la aasaasay ayna xubno ka yihii odayaasha magaalada intooda badan iyo waliba dhalinyaro. Ururka midnimadu waa urur biloow aahaa xambaarsanaana fikir ah in la mideeyo soomaalida degan århus, waxay qabteen dhawr shir, laakiin shirarkoodu markii hore oo dhan waxay ku saabsanaayeen doorashadii Golaha deegaan Århus oo ay wateen Cali Nuur kumase guulaysan, wixii ka dambeeyey doorashada iyo abaabulkeedii waxaa ururkii ku dhacay waji gabax, ururka waxaa aasaasay xubno kooban walina iyagii ayaa hogaanka u haya lamana filayo inay wareejinayaan dhawaantaan. Maamulka ururku wuxuu marlabaad soo sharaxay Saciid Cabdulle Cali waxayna u sharexeen integrationsrådgiver ee magaaladan Århus, waa urur ku tartamaya xilkasta oo soomaalidu danaynayso sidaasoo ay tahayna aan cidna kala tashanayn, Maamulka ururku kama midaysna arimaha kusaabsan doorashooyinka mid hore iyo mida soo socota.
Dhamaan ururada midba mar ayaa la soo gudbinaa waxa ka jira dhexdiisa waana la haayaa dhamaantood warkooda waxaana loosoo bandhigayaa mid mid.
Waxaa kaloo soo socda wixii lacago laga ururiyey magaalada Århus iyo nawaaxigeeda inay gaareen meelihii loogu talagalay iyo in kale.
Waxaa maqaaladeena dambe ku soo bixi doona waxa ay isku hayaan Islaaxa iyo Itixaadka Århus iyo qolo waliba ururada magaalada ee ay taageerada ka helaan.
La socda maqaalada kale inshaa allaah
xowaran news
xogwarannews@hotmail.com
 |
|
 |
Arabic News
Today's
News 17-June-2009 |
تشهد العاصمة الصومالية إشتباكات عنيفة ومؤتمرالعالم الإسلامي يعلن أن التحالف مع الأجانب لا يناقض الولاء والبراء
(Reads
more) 17-June-
2009
حركة الشباب المجاهدين تسيطر علي كبري مدن إقليم شبلي الوسطي في جنوب الصومال
(Read
more) 17-may-
2009
مقتل خمسة وإصابة عشرة بعد سقوط قذيفة مدفعية علي مدرسة لتحفيظ القرآن الكريم في وسط مقديشو
(Read
more) 17-may-
2009
الأمم المتحدة لن ترسل قوات الى الصومال قريبا
(Read
more) 16-may-
2009
سكان العاصمة الصومالية يواصلون النزوح خشية تجدد المعارك
(Read
more) 16-may-
2009
الحكومة الصومالية تعلن محاولة حسن طاهر أويس بلإطاحة بشيخ شريف
(Read
more) 14-may-
2009
المحاكم الإسلامية تعلن حقهم الشرعي في الدفاع عن أنفسهم في العاصمة أو في الأقاليم الصومالية
(Read
more) 14-may-
2009
شبكة جواسيس تتيح للقراصنة الصوماليين اختطاف السفن
(Read
more) 14-may-
2009
رئيس الجمهورية الصومالية يصادق علي تطبيق الشريعة وحركة الشباب تستولي علي مناطق جديدة
(Read
more) 13-may-
2009
حركة الشباب تواصل إرسال المزيد من قواتها العسكرية إلي العاصمة الصومالية
(Read
more) 13-may-
2009
حركة الشباب تحذر من تسمية المجاهدين المسلمين بأجانب
(Read
more) 12-may-
2009
إقليم هيران يشهد إشتباكات بين قوات الإثيوبية وفصائل الإسلامية
(Read
more) 12-may-
2009
الحزب الإسلامي يغلق ١٠ شركات للحوالة في مدينة أفقوي عاصمة إقليم شبلي الوسطي
(Read
more) 12-may-
2009
البحرية الفرنسية تسلم 11 صوماليا متهمين بالقرصنة للقضاء الكيني
(Read
more) 11-may-
2009
شيخ شريف يتهم المعارضة بتنفيذ مخططات ومصالح اجنبية في الصومال
(Read
more) 11-may-
2009
هيئة علماء الصومال تصدر بيان ختاميى بشأن الوضع الصومالي
(Read
more) 11-may-
2009
الشعب الصومالي بين مطرقة الفصائل الإسلامية وسندان عجز الحكومة الإنتقالية
(Read
more) 09-may-
2009
العاصمة الصومالية تشهد إشتباكات عنيفة ليومها الثالث أدت لمقتل العديد من المدنيين
(Read
more) 09-may-
2009
العاصمة الصومالية تشهد إشتباكات عنيفة ليومها الثالث أدت لمقتل العديد من المدنيين
(Read
more) 09-may-
2009
قاض أمر بالافراج عن سبعة قراصنة صوماليين مفترضين في اسبانيا
(Read
more) 09-may-
2009
البحرية الفرنسية تسلم 11 قرصانا آخر مشتبه بهم الى كينيا
(Read
more) 09-may-
2009
العاصمة الصومالية تشهد إشتباكات عنيفة ليومها الثاني
(Read
more) 08-may-
2009
اعتقال 7 قراصنة صوماليين واختطاف سفينة هولندية في خليج عدن
(Read
more) 08-may-
2009
طائرة اماراتية تصل الى مطار بربرة على متنها 35 طنا من المساعدات للشعب الصومالي ./ إضافة ثانية.
(Read
more) 08-may-
2009
قراصنة يطلقون النيران على سفينة للبحرية الأمريكية أمام الصومال
(Read
more) 07-may-
2009
منظمة ملاحية: قراصنة صوماليون يحتجزون سفينة هولندية
(Read
more) 07-may-
2009
مقتل مدني واصابة اكثر من ٥٠ شخصا في موجهات بين القوات المحاكم الاسلامية وحركة الشباب في العاصمة الصومالية مقديشو
(Read
more) 07-may-
2009 |
English News
Today's
News 29-October-2009 |
Yemen Arrests 6 Suspected Qaeda Africans (Read more) 29-Oct-2009
39 illegal foreigners mostly Somalis arrested in South Africa (Read more) 29-Oct-2009
Militants can't attack Uganda – Somalia envoy (Read more) 29-Oct-2009
Today's
News 28-October-2009 |
President Shariff is back home from Arab Countries (Read more) 28-Oct-2009
Somali pirates seized after firing on French ship (Read more) 28-Oct-2009
Somali PM says his country is haven for Al-Qaeda (Read more) 28-Oct-2009
Open Letter to H.E President Obama (Read more) 28-Oct-2009
Somalia moving forward, more money needed, UN says (Read more) 28-Oct-2009
Today's
News 27-October-2009 |
Hizbul-Islam disarm Sheikh Abdirahman Moaw
(Read more) 27-Oct-2009
WFP Transport Contractor Decries Baseless Accusations of Misappropriation... (Read more) 27-Oct-2009
British couple hijacked by Somali pirates (Read more) 27-Oct-2009
10 mln internally displaced in east, central Africa (Read more) 27-Oct-2009
Today's
News 26-October-2009 |
For peace in Bujumbura and Kampala troops should be pulled out (Al-Shabab) (Read more) 26-Oct-2009
Ugandan Somalis distance themselves from Al Shabaab (Read more) 26-Oct-2009
Soldier jailed over Somalia affair (Read more) 26-Oct-2009
The inhabitants of Dhusamareb asked to register their arms (Read more) 26-Oct-2009
Puntland administration sentence 12 pirates (Read more) 26-Oct-2009
Djibouti says Eritrea arming, training militias (Read more) 26-Oct-2009
Today's
News 25-October-2009 |
Islamists send warning signal to Kenya and Djibouti (Read more) 25-Oct-2009
Youngsters gunned down for Espionage reasons-say Al-Shabab (Read more) 25-Oct-2009
Museveni warns Somali Islamists (Read more) 25-Oct-2009
UN political chief calls for increased world support in push for peace (Read more) 25-Oct-2009
Today's
News 24-October-2009 |
Stop Recruitment of Somalis in Refugee Camps (Read more) 24-Oct-2009
Weekly Humanitarian Bulletin 16 Oct-23 Oct (Read more) 24-Oct-2009
PSU Institutional Capacity Building
Conference in Minnesota (Read more) 24-Oct-2009
Obama offers millions in Muslim technology fund (Read more) 24-Oct-2009

Washington D.C Metropolitan Area Somali Community welcomed Mrs. Asha Haji Elmi, winner of 2009
(Read more) 24-Oct-2009
Today's
News 21-October-2009 |

Ambassador Noor Ade Visits 2 regions in Italy
(Read more) 22-Oct-2009
Somalia: Daybreak bombardment in Mogadishu kills 23 (Read more) 22-Oct-2009
President Shariff denies, Military Commander Dhumal proves!! (Read more) 22-Oct-2009
Djibouti Rejects Alleged Destabilization Role in Somalia (Read more) 22-Oct-2009
Today's
News 21-October-2009 |
 |
The King of KSA sent congratulation latter to President Shariff (Read more) 21-Oct-2009 |
Foreign Vessels in the Somali waters are hazardous than Pirates says - Qanyare (Read more) 21-Oct-2009
Kadhafi receives Somali maritime organisation delegation (Read more) 21-Oct-2009
Al-Shabab martyrs closedown 2 independent radio stations in Bay region (Read more) 21-Oct-2009
Protest against the writings for the masters of deceit (Read more) 21-Oct-2009
2010 terror plot: 'SA not ready' (Read more) 21-Oct-2009
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|