News from Somalia in Somali |
TAZDIIQINTA
(ATTESTATION-ka) SHAHAADOOYINKA
JAAMACADEED EE WADANKAN PAKISTAN
Hordhac/Gogoldhig
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo
Naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, xaqiiqdii waa ciwaan aad muhiim u
ah. Waxaana rajeynayaa in ardey iyo waalidiin aad u farabadan uu
wax weyn u faa'ideyn doono haduu Alle idmo. Xaqiiqdii qeybo dhan
oo ka mid ah Ardeyda faraha badan ee wadankan Pakistan waxkabarata
ayaan garaneyn waxa uu yahay Attestation-ka, muhiimadiisa iyo wadada
saxda ah ee loomaro intaba. Sidaa daraadeed waxaan qalinka u qaadaney
in aan wixii awood ah wax uun ka dhahno, si ummada uga wada faa'ideysato,
gaar ahaan kuwa sida tooska ah eey u quseyso, si aay ugu baraarugaan
waqtiga ugu haboon, iyo si eey ugu fufudaato wadada saxda ah ee
loomaro Tazdiiqinta Shahaadooyinkooda Jaamacadeed. Haduu Alle idmo.
Waa warbixintii aan jeclaan lahaa in aan anigaba
helo sanado farabadan ka hor. Waa maalintii aan wadadan marayey
oo xaqiiqdii ii save-gareyn laheyd (Baajin laheyd) Waqti iyo dhaqaale
intaba. Sidaa daraadeed ardeyda wadadaas kusoo socota iyo waalidka
ama walaalka ka mas'uulka ah ayey xaqiiqdii u tahay wax aad u qiima
weyn. Sidaa daraadeed; ka faa'ideeyso una faa'idee inta kale maxaa
yeeley "Ragga hore Gubashadii, waa kuwa dambe Gabbaad kood".
Waa maxay tazdiiqintu Ama (Attestation-ka)
Shahaadada jaamacadeed?
Bal inta aanan u dhaadhicin ama aanan u guda galin
mowduuca, bal aan isla qeexno, Tacriifinno ama isla Define-gareyno
waxa Tazdiiqintu tahay.
Attestation-ka ama Tazdiiqinta Shahaadada Jaamacadeed:
waa cadeyn ama xaqiijin lagu sameynayo in shahaadada ardeygu wato;
sax tahay, wado sax ahna loo soo marey qaadashadeeda, lagu soo qaatey
waqtigii iyo maadooyinkii loogu talagalay intaba, lagana soo qaatey
jaamacad eey aqoonsan tahay Hey'ada Tacliinta Sare ee wadanka, ugu
dambeyna sidaa shaabada, tiimbaraha ama cadeenta sharciga ah lagu
dhufto.
Xaqiiqdii Waa kala saarida ardeygii mudada sanadaha
ah soo dadaalayey iyo Dibjirkii meelaha siduu u daaluqlahaa shahaado
iska sameystey ee raba in uu la mid noqdo ardeygii Dhididka soo
daliiqay ee naf iyo maalba isugu geeyey sidii uu cilmi dhab ah oo
naafic ah ku heli lahaa, kaasoo lagu miro gurto meelkastoo aduunka
uu kala tago. Waa u kala garsoorid ardeygii guntigiisa u xirtey
waxbarashadiisa ee ku guuleystay howshii waalidkii iyo walaalihii
ku ogaayeen, iyo kan "Matacbade Burweynaha" ah ee siduu
meelaha u hurdo weynaa oo uu utimo Raamo lahaa kusoo baraarugey
ficii oo wax wada bartey, sidaana ku damcey in uu "Baakad Bug
ah" iska sameysto si wax uun uu ula noqdo. Waa ukala xaqsoorida
waalidiintii waxeey lahaayeen iyo waxkastoo eey heli kareen intaba
waxbarida Owlaadooda/Ubadkooda u hurey, Owlaaduna la garteen-ileyn
waa muhiime-, iyo waalidkii Jahliga ku fiirsadey Owlaadiisa sidaana
Focood uga reebey iyo in eey aqoon wax kula qeybsadaan ama ku hogaamiyaan
Asaagood/Focood.
Muhiimada tazdiiqinta ama (Attestation-ka) Shahaadada
jaamacadeed
Qofku marka uu si sharci ah ku qaato shahaadada oo uusan iska sameysan,
sida dhacda marar badan, meelo farabadan oo aduunkoo idil ahna ka
dhacda, waxaa looga baahan yahay in uu tazdiiqiyo Shahaadadiisa
Jaamacadeed (Attestation), si uusan Dhib, Shaki ama Muran ugala
kulmin, marka uu ku shaqo doonanayo si caalami ah ama marka uu aqoon
sare doonayo in uu sii kororsado iyo waliba xilliga uu doonayo in
uu qabto xafiisyada ummada (Public offices). Weey dhacdey rag sheegan
jirey in eey kasoo qalin jabiyeen jaamacad heblaayo sidaana Jagooyin
dowladeed loogu dhiibey, hayeeshee dib ka cadaatey baaritaan kabacdi
in eey Huuhaa iyo Been uun aheyd! sidaana ceebtooda ummadoo idili
ku wada ogaatey, maxaa yeeley Caalamkan waxkastaa Computerized-ka
wada yihiin oo eey waxkastaahiba ka buuxaan "Database"
iyagoo wada leh Serial number-kooda, wey iska fududahay in lakala
saaro kan wax sharci ah wata iyo midka waxa Bugta ah wata. Sidoo
kale u maleyn maayo in uu jiro ardey Jecel ama ku farxaya in uu
la mid noqdo mid asigoo waxba aanan baran Baakad Bug ah iska sameystey
iyo isagan sida hufan ugu soo dadaaley tacliintiisa oo eey Berri
ku wada tartamaan waxkasta, sidaa daraadeed waa muhiim in ardeygu
uu sameysto attestation-ka Shahaadadiisa marka uu ka qalinjabiyo
Jaamacada. Xaqiiqduse waxa eey tahay, Waxa idin kala saaraya maaha
oo kaliya in aad si sharci ah Shahaado jamaacad uga qaadatey, ee
waa in eey Kuu tazdiiqsan tahay ama Attestation kuu leedahay Shahaadadaada
jaamacadeed, Waloow waxa dhabta ah ee aadan marna ka sinnaaneyn
eey tahay Cilmiga dhabta ah ee Qalbigaada kuugu jira, ee cidina
eeysan kaa Bililiqeysan Karin, ee ah Masaar/Gudin aad meelkastood
tagto ku geedo guran karto, xaqiiqdiina kuu ah "Hantida dhabta
ah ee Maguuraanka ah".Sidaa si la mid ah ayeyna Muhiim u tahay
in uu kasii taxadaro ardeyga shuruudaha lagu xerikaro iyo Dukumiintiyada
uu u baahan karo marka uu doonayo in uu sameysto attestation-ka
ama Tazdiiqinta Shahaadadiisa jamaacadeed.
Wadada loo maro Tazdiiqinta Shahaadooyinka Jaamacadeed ee Pakistan
Marka hore si aad u sameysato Attestation-ka ama Tazdiiqinta Sharciga
ah, waxaad u baahantahay dukumiintiyo la'aantood aadan heleynin
attestation-kaas, sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in aad marka horeba
sii urursato dukumiintiyadaa inta aanba la gaarin waqtiga aad wax
tazdiiqin laheyd, ileyn waatii Soomaalida hore u tiri " Cilladhaan
warmo kama tunmaane" waliba Dukumiintiyadaa dhamaantood, waa
kuwo aad ugu baahantahay sharci kusii joogitaankaada wadankan iyo
waliba xasilooni kusii wadashada waxbarashadaada. Marka waxaaga
maadba sii urursatid oo dhibba kasii taxadartid, ileyn soomaalida
ayaa tiraahda "Biyo inta eeysan kusoo gaarin ayaa leyska Moosaaye/Owdaaye"
Yaanan hadalka sii dheereyn ileyn "Hadal badan haan ma buuxshee"
Waa sidan dukumiintiyada aad u baahantahay marka aad sameysaneyso
Attestation-ka Shahaadadaada Jaamacadeed.
Dukumiintiyada Ardeyga looga baahanyahay
1. Koobiga Baasaboorka oo aan wali kaa dhicin
"Valid Passport " dhamaan inta eey wax uga qoran yihiin.
2. Koobiga Fiisaha ardeynimo "Valid Study Visa"
oo aan iyana dhacsaneyn ama waqtigeedii uusan dhamaan.
3. Dhowr sawir oo nooca passport size-ka ah
4. Koobiga Shahaadada tacdiilka ama isbarbardhiga (The Equivalence
Certificate)
5. Koobiga Shahaadada N.O.C-da (No Objection Certificate)
6. Koobiga a Shahaadada Dugsiga Sare,-waa hadii aad Bachelor
tazdiiqsaneysee- Hadiise aad shahaado kasii sareysa u rabto, dabcan
tii ka horeysey waa leyska doonayaa.
7. Shahaadada laguu attest-gareynayo iyo Transcript-geeda
(Warqada Maadooyinka iyo Buundooyinkooda ku qoran yihiin) dabcan
waaba waxa aad mesha geeyneyso.
Waxaa is xasuusin Mudan waxa aad gudbineyso ee lagaa
reebanayo waa Koobiyaasha Dukumiintiyada, waxaase lagama maar maan
ah, in dhamaan orjinaalka Dukumiintiyadaasina aad wadato, oo aad
hore usii qaadato, maxaa yeeley iyana waa lagaa qaadayaa oo la hubinayaa,
laguuna soo celinayaa, kadib marka howsha laga lahaa laga dhameysto,
hadiise aad kasii tagto, oo Koobiga uun lasii orodo, ee lagu soo
celiyo, "Wixii dhaca adaa dhigey"
Meesha laga sameysto Attestation-ka
Waxaa laga sameystaa Attestation-ka, illaa iyo sadex meelood badanaa,
mid kastaahise qolo gaar ah ayey quseysaa. Waa tan 1-aade; waxaa
laga sameystaa Xarunta weyn ee Hey'ada Tacliinta Sare ama HEC-da
(Higher Education Commission), kuna taalla Caasimada wadanka ee
Islamabad. Waxaa wanaagsan in ardeygu uu waqti hore tago, sida 9:00am
iyo wixii u dhow, maxaa yeeley dadka wadankan oo aad u tiro badan(165Million)
,si aad ahna wax u barta iyo jaamacadaha wadankan oo aad u badan,
ayaa waxeey sababeysaa in sanadkastaa Daadad ardey ah soo wada qalin
jabiyaan. Maalinkasta ee ardey Attestation u tago xarunta Hey'ada
Tacliinta Sarena waxaa aad u buux dhaafaya ardey. Waxaa lagalaa
Saf dheer, hadii aad soo dib dhacdo wax yar ee inta aadan soo gaarin
meesha Safkaas lasameeyana hade dadka kusoo daba feyl ayaa kuu taalla,
adigoo meesha kusoo kallahay ayeyba foojignaan gaar ah kaa rabtaa
si aan gadaal laguu marin.
Waxaa sidoo kale jirta in ardeyga badanaa waqti
uga lumo isku qaldida labada Foom oo mid uun la buuxinayo inta aadanba
safka galin. Waa caqli hadii aad labo tihiin ee midna Foomka idiin
sii buuxbuuxiyo midka kalana leynka idiin waar diyeeyo ee idiin
sii galo booska. Labadaas Foom ayaa kala ah, mid loogu talagalay
ardeyda Ajaanibta ah, iyo mid loogu talagalay dadka wadankan u dhashay,
hadii ardeygu uusan ku baraarugsaneyn in eey jiraan labadaa Foom
ee kala duwan, wuxuu iska qaadan karaa, iskana buuxsan karaa midkii
aan isaga loogu tala galin, maadaama eey isku egyihiin, meelna wada
yaallaan. Mudo markuu ardeygaa saf ku jirey ee isaga lasoo gaarana
lagu yiraahdo orodoo dib u noqo oo kan kale soo buuxi, waa gadaal
kasoo biloow, xaqiiqdiina waa dhabar-jab iyo dhib intiisa la eg.
Waxaana wanaagsan in ardeygu Koobiyadiisa oo dhameystiran horey
usoo wada qaato si uusan iska daba wareeg kale u galin.
Qiimaha lacagta Attestationka ee Hey'ada Tacliinta
Sare waa Rs200/ ($2.86)/warqadii orginal ahba, halka wixii Koobi
ahna laguugu Attest-gareynayo Rs100/ ($1.43)-Qiimaha iyo Sarifkuba
weey is bedeli karaan Dabcan-Waxeey kaga dhufanayaan Attestation-ka
qeybta dambe ee Degree-ga iyo Transcript-ga Orjinaalka ah, halka
koobiyaashana eey uga dhufanayaan wajiga hore. Qiimaha lagaa qaadayo
waxeey ku qoran yihiin foomka aad buuxbuuxineyso, waxaana sidoo
kale eey ku dulqoranyihiin waraaqaha yaryar ee aay kuugu dhajinayaan
Dukumiintiyada la Attest-gareynayo, waa waraaqaha Soomaalida u taqaan
"Farangaboolooyinka", waxkastana waxeey kuu lahaanayaan
Serial Number, laga xaqiijiyo attestation-kaas markastoo loobaahdo.
Nuxurka hadalka ama Muhiimada ayaa ah in adeygu ogaado in Hey'ada
Tacliinta Sare eey tahay meesha ugu muhiimsan ee ugu horeyn eey
tahay in ardeygu uu maro marka uu Shahaadada Jaamacadeed Attest-gareysanayo,
waana meesha hadii eeysan u tazdiiqin , wixiisu ka kac yihiin/Bilaash
yihiin.
Udiyaargaroow su'aalo Kadis ah ee lagaa weydiinkaro
maadooyinka aad kusoo qaadatey qeybta aad baratey, in aan lagu weydiina
waa wax dhici kara. Waa Su'aalo qodqoditaan iyo baaritaan ah, waloow
qofkii si dhab ah wax u bartey eeysan ku noqon doonin wax sidaa
usii weyn.
2-Meesha labaad ee ku xigta marka aad kasoo Attest-gareysato
Hey'ada Tacliinta Sare, waa Wazaarada Arimaha Dibada, iyana waxeey
kaa qaadayaan lacag dhan Rs 25/($0.42)/Warqadiiba. Nasiib wanaagse
orjinaalka iyo koobiyaasha kalama saaraan. Howsha halkan weey ka
fududahay, shaqaalaheeda oo aad u badan iyo dadka wadanka u dhashay
ee Dibada wadanka uga socda oo kaliya ayaa imaanaya, marka laga
reebo Ajaanibta, marka xoogaa weey ka Zaxmad/Buuq yartahay, weeyna
ka fududahay Hey'ada Tacliinta Sare, dhinackasta hadii eey ahaan
laheyd baaritaanka, qodqodista iwm, waxaa laga yaabaa in eey sabab
u tahay maadaama qofka uu horey u soo marey Hey'ada Tacliinta Sare
oo aad u ad adag, dabcan waxeey isleeyihiin waxkasta oo aad marsiin
laheydeen horaa loosoo marsiiyey, waloow hey'ad kastaahiba eey leedahay
Siyaasadeeda iyo hab wax-u-qabadkeeda (Policies and Procedures).
Wazaarada Arimaha Dibadu waxeey ku xigtaa ahmiyad ahaan tan Hey'ada
Tacliinta Sare. Waana muhiim in aad Attestation-kaas Wazaarada arimaha
dibada ka sameysato, maadaama aad dooneysid in aad wadankan Pakistan
dibadiisa Shahaadooyinkaas wax uga qabsatid ileyn Ajnabi ayaad tahaye,hadii
gudaha wadankan aad uga shaqeysaneysana, kaba sii fiican oo waa
kalsooni weyn, marba hadii intaas oo xafiisyo muhiim ah kuusoo tazdiiqiyeen.
3-Meesha Sadexaad ee Ardeygu uu Attestationka kasii
sameysanayo ayaa iyana ah Safaarada Wadankiisa, waloow eey "Mustaxab"
iska tahay, hadana waa wax aad u wanaagsan, maadaama wadanka aad
wax ku baratey xafiiskii kumatalayey eey tahay, waana wax inta badan
aqoonyahanadu sameystaan , sababo kaloo farabadan oo tan aan sheegey
kasii muhiimsanna wey jiri karaan, ee adiguba kusii darso.Waxaa
sidoo kale meesha ku jirta hadii aad wadan kaloo Ajnabi ah usii
socodo Safaraadooda in aan kasii smeysatana wax weyn ayey xaqiidii
caawineysaa, dhibkii aad documents-kaas kala kulmi laheyd ayey iyana
yareyneysaa amaba meesha ka saareysaa.
Gabagabo/Gunaanad
Gabagabadii iyo Gunaaanadkii waxaan dhihi lahaa ardeykastoow,
wadankan Pakistan si sharci ah kusoo gal, oo viso ardeynimo oo sharci
ah kusoo gal marka hore, markasta oo eey kaa dhacdana cusbooneysiiso
oo 45-maalmood ka hor gudbi dukumiintiyadaada, noockasta oo dukumiinti
ah ee aad u baahankartana waqti horeba sii ururso, ileyn garanmeysid
waxa is bedelikaree, ogoowna in wadada saxda ah in uu ardeygu maro
eey markasta ugu qarashyartahay haba u ekaatee in eey mararka qaar
wadada gaaban(The short cut) fududahaye, cawaaqibteeda ayaanse la
mahdineyn. Ugu dambeynna waa in uu ardeygu raadiyaa waxkastoo muhiim
u ah waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisaba, si wax muhiim u ahba
uusan si fudud ugu seegin. Waa waano tan ugu muhiimsan gaar ahaan
in aad hesho waqtiga ugu munaasibsan ee taladu kula simantahay,
cidkastaana eeysan kuula soo ordeynin waa Qurbe iyo caadadiisee,
Asia-na kumaba sii jirto oo wax yaabaha lagu barto eey ugu horeyso
Xaasidnimo! "Waa qofkii aan naftiisa kala dagaalamin saameyntan
xune".
Mahadnaq
Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqayaa walaalkeey iga yar Eng.Cali
Maxamed Cismaan "Cali Nuur' iyo Dumaashidey Naciima Axmed Yuusuf
"Ummu Sumaya" ..
Oo xaqiidii si hufan igala shaqeeyey ururinta, qorista iyo soo bandhigida
warbixintan Muhiimka ah.
Wabillahi Toqfiiq

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan
"Cabdi Boqor"
MBA (MKT)
Bahria University
Karachi- Pakistan
Email:abdulkadirphd@hotmail.com
Mobile No: 0092-3002477489
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|