News from Somalia in Somali |
Ninkii waxa xamar
ka socodanaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada
26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay
oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad
ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo
ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba
u aragtay in arinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada
ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho
ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal
Afghan, kuwaasoo lagu qanciyey 'In dhul muslim lagu soo duulay isla
markaasna Jihaad waajibay". Raga xilgaas waxay hayeenba dhigay
ee jahaadka Maraykanku homuudka ka ahaa u dareeray waxaa ka mid
ahaa Sh. Cabdallah Cazaam alla ha u naxariistee oo ahaa falastiini
ku noolaa Urdun iyo Osama Binladen hogaamiyaha kooxda al qaacida
ee xiligan.
Jabhadiihii mujaahidiinta loo bixiyey waxaa saldhig
looga dhigay magaalada bashaawar ee wadanka Bakistan Waxaana dhinac
walba kaga soo furmay hub casri ah oo maraykanku ku deeqay iyo lacag
hagar la'aan ah oo wadama carabta ee batroolka lihii ay u hureen
jahaadka ujeedooyinka badan huwanaa ee ruushka lugula jirey.
Ugu danbayntii dhimasho iyo burbur badan ka dib waxaa lagu guulaystay
in soofetigii laga saaro afqaanistaan, laakiin howshii halkaa kuma
dhamaan nimankii dagaalyahaniita ahaa ee la isaga keenaya aduunka
daafihiisa waxaa mid waliba ku soo noqday wadankiisii isagoo xanbaarsan
figrado argagaxiso oo xag jira doonayana in dowladihii ka dhisnaa
wadamiidiisa uu manja xaabiyo abuurana dowlado ay iyagu maamulaan
oo hogaankeeda hayaan. Waxaa intaa dheer magaalada bashaawar oo
ah halkii la dejiyey dagaalayahaniintii la dagaalamayey ruushaka
waxay isu rogtey goob fowdo ah oo amaan daro baahday ka jirto, waxayna
ku caan baxday ilaa maanta aynu joogno meesha ugu mukhaadaraadka
badan Bakistan iyo gobolkaba. Dowlada maraykanka oo lahayd figrada
asaasida mujaahidiinta afqaanistaan iyadoo is lahayd xiligaa ku
xumee ruushka si ay ugu noqoto Vietnam oo kale ayaa waxaa ay ilaa
maanta kula jirtaa dagaal mujaahidiintii ay iyadu abuurtay dagaalkaas
oo saameeyey nolosha baniaadamka caalamka ku nool oo dhan.
Qabsashadii ciraaq 2003 waxaa aad uga carooday suniyiinta
ciraaq oo ah dadkii uu ka dhashay madaxweynihii hore Saddam Xuseen
(Allah ha u naxariistee), waxayna bilaabeen inay marti geliyeen
dabley ka kala timi daafaha dunida oo ku doodaya inay yihiin Mujaahidiin
doonaya inay wadanka ciraaq ka xoreeyaan gaalada ku soo duushey,
dadka reer Anbaar oo lagu yaqaan marti soor iyo gobonimo waxay u
fidiyeen taageero hiil iyo hooba leh dagaalyahaniintaas u soo gurmadey,
nasiib xumo mudo yar ka dib waxay bilaabeen inay ku amar kutaag
leeyaan dadkii reer ciraaq ee soo dhoweeyey, waxayna faraha ka laabteen
la dagaalankii maraykanka oo waxay u jeesteen laynta shacabka ciraaq
oo ay ugu horeeyaan reer Anbaar.
Sheekooyinka yaabka leh ee arxan darada ha ee dhacay
waxaa ka mid ah in Argagixisadu maalin maalmaha ka mid ah soo dhigeen
meel kaalin ah oo shidaalka laga qaato booyad weyn oo ay sheegeen
in uu ka buuxo Batrool lacag la'aan ah oo ay dadkii ugu yeereen
inay qaataan Batroolkan bilaashka ah, gobolkaas oo ay xiligaas ka
jirtey shidaal yari dadkii oo yar iyo weyn leh waxay ku qamaameen
si ay wax uga helaan batroolka la sheegay inuu bilaash yahay, xataa
waxaa dhacday in dadkii baabuurta watey qaarkood baabuurtii joojiyeen
oo jirikaano la soo yaaceen. Nasiib xumo marka cadadkii ugu badnaa
ee dad ahi ku soo xoomeen booyada hareeraheedii ayay mar kaliya
remote ku qarxiyeen booyadii oo ay ka markii horeba ka soo buuxiyeen
waxyaabaha qarxaa..........!! ugu yaraan 190 qof oo ay ku jiraan
caruur, dumar iyo waayeel ayaa goobtii ku naf waayey, dhaawacuna
waa tiro beelay.
Ugu danbayntii waxay ku kaliftay shacabkii reer
Anbaar inay samaystan ciidan u gaar ah oo ay buxiyeen "Saxwatul
Anbaar" kuwaasoo la dagaalama kooxaha argagixisada ah ee ay
markii hore moodayeen mujaahidiin u soo gurmaday inay dalkooda la
xoreeyaan, laakiin ay cadaatay in hadafokoodu yahay dhiigyacab-nimo
iyo arxan daro.
Anigoo tacsi u diraya ehelka hooyooyinka la xasuuqay
hadana waxaan jeclahay inaan dad badan oo u haystey in xamar jihaad
ka socodo ay ku quustaan xasuuqa hooyooyinka ogaadaana in hadafku
yahay yaraysi dhiig islaam iyo soomali layn.
Walaahu Aclan
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|