News from Somalia in Somali |
Dibin daabyada
Cadowga, Dayrada Shiikh Shariif ka timid, Duur xulka dadkuu kasoo
tagay, yey dan u tahay dadow?
Sheekaba sheekay keentaaye. barigii kacaanku ka
waalnaa Soomaaliya ayaa maalin degmo demooyinka xamar ka mid ah,
waxaa ka jiray (iskaa waxa u qabso), dowladii ayaa dadkii ku amartay
in maalin heblaayo xaafad heblaayo la iska soo xadiriyo, si loo
guto shaqadii qasabka ahayd ee iskaa wax u qabso, waa la isku soo
baxay, ayadoo laga Jawaabayo codsigii qasabka ahaa ee dowladu kusoo
rogtay dadweynaha Soomaaliyeed.
Dabadeedna oday weyn oo dadkii xaafada laga soo
saaray ka mid ah, ayaa nin guul-wade ahi ku yiri: "Jaalle shaqadda
si fiican u cab" oo uu ula jeeday Askarigu Jaalle shaqada si
fiican u qabo, Qashinkana si hagar la'aan ah u xaaq.
Dabadeedna odaygii Askarigii buu inta fiiriyey wuxuu
ku yiri: "Hibirtaa iyo walaashaa aa Jaalle ah."
Guulwadahii shalay ma'ehee daraad ay ka noqotay,
ka dibna odaygii asagoo takhantakeynaaya ayuu saldhiga booliiska
geeyey, ka dibna Booliskii waxa ay weydiiyeen askarigii waxa odaygani
uu bi'yey, waxuuna askarigii yiri: "waa uu na af-lagaadeeyey".
halkaas markay sheekadu marayso ayuu Taliyihii saldhigu
wuxuu odeygii warsaday waxa uu askariga Qaranka ku Afla- gaadeeyey,
markaas ayuu odaygii taliyihii ku yiri: "weydii askariga waxa
aan ku afla gaadeeyey?", hadana taliyihii ayaa yiri: "war
muxuu odaygu ku yiri"? markaas ayey gulwadayaalkii waxay yirahdeen
: hooyoyaalkeen iyo walaalaheen buu wax ka sheegay, ayagoo qariyeen
in uu yiri "hibirteen iyo walaalihiin ayaa Jaalle ah".
Markay sheekadu halkaas marayso ayaa odaygii wuxuu
ku jawaabay: "Arey minay jaalle wax fiican tahay xuu habarti
iyo walaashii ugu diidaa anigana iigu dhaahaa",kkkkkkkk. waala
wada qoslay, waxaana markaas ka dib si waadixa (si cad) loo wada
ogaaday waxa Askarigu ka xanaaqay iyo waxa odayga lagu soo qabtay,
waxaana arintii dhameeyey Taliyihii saldhiga oo labadii nin kala
diray, asagoo mid walba dhabarka ka taabtay kuna yiri: "adigaa
saxane orodoo gurigaagi qabo".arinkaas ay isku qabteen askariga
iyo odaygu wuxuu ahaa is-maandhaaf si fudud ku bilowday si fudubna
lagu xaliyey, maantayse is-maandhaafkii si fudud ku dhashaa si fudud
laguma xalin karo, waxaana in badan la arkay rag isku jid (wado)
ahaa oo iminka kala tagay tolow maxay ku kala tageen? haday kala
tageense maxaan u kala qaban weynay? sida Taliyuhuba u kala qabtay
Askariga iyo Odaygaba, Siyaasiinteenuse ma ogol yihiin in wax laka
dhaho?, waa mayaan filaya jawaabtu.
Sida taariikhda Soomaalida lagu hayo, amaba ay dhabtu
tahay, dadkeenu intii aanay baran nidaamka dowladnimo ee aynu ka
dhaxalnay gumaystayaashii reer galbeedka ahaa dadka kaliya ee hogaanka
noo hayey waxay ahaayeen Odayaasha iyo Culimaa u diinka. Qabiil
walba oo ka mid ahaa beelihii Soomaaliyeedna wuxuu iska lahaaa Wadaad
bari jiray diinta Islaamka iyo akhlaaqda suuban, wuxuuna Wadaadku
markuu intaas sameeyo loogu badali jiray Karaamayn, Tixgalin iyo
Ixtiraam saa'id ahaa oo uu dheeraa bulshada inteeda kale maadaamaa
uu asagu ahaa kan kaliya ee dadka khayrka ku hanuuniya.
Dhaqankaas suuban ee Soomaalidu lahaan jirtayna,
waa mid wali sii jira, waxaana deegaan kasta fadhiya Sheekh iyo
Macalin dadka deegaanka ku hanuuniya diinta Islaamka, waxaase jirta
in Diintii, Dhaqankii iyo Siyaasadiiba la isku qalday oo koox waliba
ay sheegato in ay iyadu wax walba mas'uul ka tahay, waxayna taasi
keentay in wadaadadii xumaan reebista iyo wanaag farista lagu yaqiinay,
dadkuna kusoo carari jireen marka ay xaaladu xumaato, in ay isku
badalaan Dukaamo lagu iibiyo Khayaanada, Beenta, Dilka, Is qarxinta,
Lugooyada iyo hagar daamada toosoo sababtay markii danbe in lagu
kala guuro meeshii wadaad lagu maqlaba, halkii markii hore looga
soo carari jiray, waxaana sabab u noqday in dhibku ka yimaado dhankii
la filayey in lagu badbaadi doono, waa culimo kale oo ay diinta
dano gaar ahi u wehliyaan. Cismaan Yuusuf Keenadiid oo Abwaan weyn
ahaa, kana gabyi jiray wadaniyadda iyo dhaqanka ayaa yiri:
Culimada gadaalkani, waxaay galay khilaaf weyne.
Gayigan dariiqooyin baa, gooni ku ahaaye,
Khaliifyadan guutada watiyo, Calankan giirgiiran,
Iyo gabano soo baxay dhawaan, yaa u gar naqidoona.
Abwaanka, oo xili hore gabaygan tiriyey, maantay
ayaan filayaa in ay kaga haboonayd maalintaas, maadaamaa ay Soomaalida
maantay joogta isaga darsameen wanaagii iyo xumaantii. kuwii laga
filayey in ay dabkan maantay shidan damiyaana, waa kuwa aad arkaysaan
ee Miinooyinka dhigaaya, lana kala safan Itoobiya oo gurigeena dab
ku qabanaysa, iyo Eritrea oo aan doonayn in ay damiso gurigaas dabku
qabsaday oo rabta in uu gurigaas basbeelo, Wadaad Owowgay ahaa oo
xaga beenta isla ilaalin jiray, ayaa maalin niman u tashadeen, ayagoo
rabay in ay Shiikha Afkiisa been ka keenaan, waxay waydiiyeen Eyga
iyo Doofaarka midka daahirka u dhow? wuxuu ugu jabaabay; "Adeerayaaloow
labaduba waa Alow kaa bixi", oo la macno ah mid mid dhaamaa
ma jiro, sidaas daraadeed Itoobiya iyo Eritrea labaduba waa alow
kaa bixi, iyo alow naga bixi.
Waxaa kale oo dhacday in Macruufkii booskiisii Munkar lagu badalay
oo haddii culimadii hore dadka Samir, Dulqaad iyo wanaaga fari jireen,
xaqana sheegi jireen, dharkooduna u cad cadaa sida afkoodu iyo gacantootu
nadiifka uga ahayd Dilka iyo garab marida xaqa maantay waxaa soo
baxday culimo kale oo ku caan baxday Dilka, Dhaca, Cayda, Ceebaynta,
afkooda iyo ficilkooduna uu is khilaafsan yahay, waxayna noqdeen
kuwo ay kusoo hirtaan inta sharta wadata oo dhami, garabna siiya
inta dulmiga heshiiska ku ah, halkii la doonayey in ay u hiiliyaan
xaqa iyo diinta, waxayna Soomaalidu soo martay xili ay sidan ka
Xoog yarayd, ka Xoolo yarayd, ka Aqoon yarayd, ka Siyaasad yarayd,
ka Ilbaxnimo yarayd oo ay isku duubnaayeen, wax qabadkooduna uu
muuqday, Mira badana uu dhalay, Anaguna aan wax ka guranay mirahaas,
maantayna ayadoo Xoolihii, Aqoontii, Xoogii, Siyaasadii la hayo
ayaanu noqonay Shinbir Ceel ku dhacday oo kale, waxaana taas noo
keenay baan filayaa in ay tahay isku duubnaan la'aanta, duulkii
talada ku murmaana waxa Ilaahay Qur'aankiisa ku cadeeyey in ay fashilmayaan,
Awoodooduna lumayso hadaanay is qaban, sida kucad Aayadda (45) ee
Suurada Al-anfaal.
Hadaba, akhristoow ragaas afkooda iyo ficilkoodu
is khilaafeen, waxaa ka mid ah labadii hogaamiye ee waa weynaa ee
reer Asmara, waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir
Aweys, oo ay dadka badankoodu u yaqaanaan Geesiyaalkii birta ahaa,
Aabayaalkii Nabadda Soomaaliya, Madaalayaashii Halganka, Mujaahidiinttii
iyo magacyo kale oo fara badnaa oo aanan halkaan kusoo koobi karin,
laakiin ujeedada laga lahaa ay ahayd in dad gaarihi ku Awr kacsadaan
si ay danahooda siyaasadeed u gaaraan, Nasiib darase masiijirin
magacyadaasi oo waxaa dhacday in labadii Mujaahid mid ka mid ah
lagu tilmaayo (Matukade) ka dib markii lagu soo eedeeyey mujaahidkaas
Matukade loo bixiyey in uu hareer maray Halgankii iyo Dariiqii lagula
balay in uu maro.
Yaanan war idnku daaline, aan idin baro Mujaahidka
magiciisa Matukade loogu wanqalay, waa ninkii aad wada garanayseen
ee lugta kaga soo baxay Xuduudka Soomaaliya sidii Jaale Siyaadba
uu lugta uga baxay xuduudka Soomaaliya, waa Mujaahidkii Lugta ku
galay Xuduudka Kenya, sidii ina Siyaadba uu Lugta ugu galay wadanka
Kenya, waa Mujaahidkii reer Asmara u duceeyey sidii Nabi Muxumad
CSW ugu duceeyey reer Madiina, waa Mujaahidkii caqli tiradiisa looga
yaabay sida Ahraamaadka dadkii dhisay loola yaabay, waa Mujaahidkii
Sal fudaydkiisa lala yaabay sidii Assayes Afawrqiba Aduunku ula
yaabay , waa Mujaahidkii Xikmadiisa lala yaabay sida Abwaan Hadraawi
oo kale, waa Mujaahidkii marka xaaladu xumaato xanaaqi jiray, sida
Abwaan Sangub Maraykanka uga soo xanaaqay oo kale, waa Mujaahidkii
markii Su'aal xun la weydiiyo xanaaqi jiray, sidii Jeneraal Mashayl
Coon Al-Jazeera uga xanaaqay oo kale, waa Mujaahidkii habaarka badnaa,
sidii Madaxweyne Marxuum Xasan Guuleed oo kale, waa Mujaahidkii
Amiin Arts habaarey sidii C/qaasim u habaaray reer Muqdisho markay
dowladiisi diideen ka dib, waa Mujaahidkii Indha-Cadde ku sheegay
Hooyadii Maxkamadaha, sidii maxamad dheereba loogu sheegay Hooyadii
dowlada, Cadaalad badanaa, ma Jeeneral Caydiidbaa?, waa Mujaahidkii
dagaalkii Xaafada CC ka qayb galay, sidii Jeneraal Caydiidba uga
qayb galay dagaalkii Makka iyo Madiina, waa Mujaahidkii Dhalinyarada
Aaga hore galin jiray, asaguna Darbiga ku ganban jiray, "talo
wanaagsanaa Alow cimrigiisa noo dheeree, yaa noo talin doona haduu
dhinto, waa ninkii loogu duceeyey markuu Guriceel booqashada Sirta
ah ku tahay".
Waa Mujaahidkii Beenta ka dharjiyey duqdii Maraykanka
ahayd (Jendaye Fraser) ee Lacagta ka qaatay, isla markaana u sheegay
in uu isaga bixi doono ururka Argagixisa, waa Mujaahidkii Asmara
qaxa ku tagay, sidii C/qaasimba Qaahira qaxa ugu tagay, waa Mujaahidkii
sida diintu qabto gabadha Midgaanta ah guursaday ka dibna furay,
waa Mujaahidkii markii Xamar la joogay Iclaamiyey (ku baaqay) in
Baydhaba dagaal lagu qaado sidii C/qaasimba horey ugu baaqay in
Beeshiisu Koofurta Soomaaliya qabsato, waa Mujaahidkii ururkii Asmara
madaxda u noqday, sidii Mowliid Macaane-ba (SRRC) madaxda ugu noqday,
waa Mujaahidkii C/laahi Yuusuf Camiilka u yaqiinay, C/qaasina mujaahidka
u yaqiinay, waa Mujaahidkii in C/laahi iyo Geeddi la isku miidaamiyo
saxiixay, sidii Xasan Nasrulaahiba u saxiixay in Yuhuuda dagaal
lagu qaado, waa Mujaahidkii ninkii Geeddi isku qarxiyey Diyadiida
bixiyey sidii C/qaasimba u qaatay Diyadii Aabihiis, waa Mujaahidkii
labadii wiil ee Maxkamaduhu Qisaaseen dilkooda saxiixay, sidii Maxkamadii
Godkuba u saxiixday Qisaaska Wadaad reer Baydhaba ahaa , waa Mujaahidkii
tolkiis hubka ka dhigay,waa Mujaahidkii reer Muqdisho ugu Heeseen
nooloow Shiikh Shariif, waa Mujaahidkii Beesha Caalamka waxba kama
rabno yiri, halka Cali Mahdi uu dalbaday Galeey iyo Naafato in dalka
lala soo gaaro , waa Mujaahidkii hadana yiri beesha caalamka kama
maarano, waa Mujaahidkii is bad badalka badnaa, waa Mujaahidkii
oran jiray heshiis waa xaaraan inta Itoobiya joogto, waa Mujaahidkii
heshiisyada diidi jiray, waa Mujaahidkii Jowhar laga soo gamay,
waa Mujaahidkii Jowhar kasoo lugeeyey, waa Mujaahidkii hadalka qurxoonaa
sidii Faarax Gololeey oo kale, waa Mujaahidkii Gobolada Dhexe iyo
Koofurta Muqdisho Amiirka looga yaqiinay, sidii Xaaji Muuse Suudiba
uu degmooyinkii makka iyo madiina Amiirka uga ahaa oo kale, waa
Mujaahidkii Asmara amaani jiray. sida Claahi Yuusufba uu u amaano
dalka Itoobiya, waa mujaahidkii Askartiisu ay gubeen Calankii Soomaaliya,
sidii Jeneraal Caydiid, C/laahi Yuusuf, C/raxmaan Tuurba hortooda
loogu gubi jiray Calankii Soomaaliya waayadii ay ku kacsanaayeen
dowladii Soomaaliya ee ay joogeen dalka Itoobiya, waa Mujaahidkii
Caruurtiisu iyo Waalidkiisu u soo qaxeen magaalada Asmara, sidii
dadka Soomaaliyedba ugu qaxeen magaalada Hargaysa, waa Mujaahidkii
wax walba diidi jiray sidi C/raxmaan Tuur-ba u diiday gooni isu
taaga Somaliland, waa Mujaahidkii loogu baahnaa sida dadku dabka
ugu baahan yahay , waa Mujaahidkii sida Birta loogu baahnaa, waa
Mujaahidkii sida Dhulka iyo Biyaha loogu baahan yahay marka ay Jihaadka
tahay, waa Mujaahidkii intii danta gaaralihi jeclaayeen sida Siilaanyo-ba
Hargaysa looga jecel yahay, waa Mujaahidkii nin kasta oo halganka
ka qayb gala u Saxiixi jiray Xaaraan iyo Xalaalba si uu Cuno dhacday
usoo dajiyo dalak , waa Mujaahidkii shirkii Khatuum diiday in Heshiis
lala galo Dowlada, waa Mujaahidkii markii Arin culus jirto Telfoonka
xiran jiray sida Bashiir Raage oo kale.
Waa Mujaahidkii yiri: Shirkii Khartuum anagaa dayacnay, sidii C/qaasimba
u yiri Shirkii Jabuuti anagaa dayacnay, waa Mujaahidkii Guriga Assayes
Afawarqi aan mar walbaba laga weyn jiray sidii Atto Meles Senaawiba
aan looga waayi jirin gurigii Cali Maxamad Geddi Aabihiis, waa Mujaahidkii
Asmara isaga soo cararay markuu Naftiisa u baqay, sidii Sanguba
uga soo cararay dalka Maraykanka, waa Mujaahidkii Jabuuti kusoo
qaxay sidii Cali Mahdi-ba ugu qaxay dalka Maraykanka, waa Mujaahidkii
Shirka Jabuuti ku qabtay ka dib markuu Asmara kasoo tagay, waa Siyaasigii
Haweeyo Dacar ay ugu riyooday in uu Soomaaliya oo dhan ka talin
doono, waa Mujaahidkii yiri: aan la Heshiino C/laahi Yuusuf iyo
Itoobiya 2 Sano oo dagaal ah ka dib, waa Mujaahidkii markuu Qaahira
yimid halka beeluhu soo dhawaysay, waa Mujaahidkii markuu Qaahira
yimid diiday in uu Beeshiisa (Mudulood) la kulmo, waa Mujaahidkii
intuu Qaahira joogay beesha Cayr Qaabilay, waa Mujaahidkii Iqaamadaha
(Sharciyada ) u xareeyey intii asaga taageersanayd intii kalena
hoo Bariiska yiri, waa Mujaahidkii Waqooyiga Muqdisho laga soo cayriyey
ee lagu yiri Koofurta Muqdisho waxaad rabtaad ka sheegi kartaa,
waa Mujaahidkii aan u Tacsiyeyn Aadan Ceyrow iyo Shiikh Ilkacase
sida C/qaasim Salaad aanu ugu Tacsiyeyn Maxamad Ibrahim Cigaal,
waa Mujaahidkii dowlada Itoobiya caayey tan Eritrea-na amaanay,
waa Mujaahidkii yiri 14 qof baa joogta Asmara, waa Mujaahidkii Afka
Carabiga yaqiinay sida Xaaji Muuse Suudi oo kale, waa Mujaahidkii
C/laahi Yuusuf iyo dowladiisa hor fariistay sidii Anwar Al-Saadaat-ba
u horfariistay madaxdii dowladii Israa'iil, waa Mujaahidkii Xuseen
Caydiid iyo Sakariye Shiikh Maxamuud Kursi u dhexeeya fariisan jiray,
Qiiqa Saarkuna sanka ka gali jiray, Samir badanaa, daganaan iyo
Aqoon badanaa, birlab sanaa, waa kuma ninkaas? waa Mujaahidkii Mujaahidiinta,
waa geesigii geesiyaalka, waa Mujaahidkii weynaa, waa Mujaahidkii
da'da yaraa, waa Mujaahidkii naftiisa u huray difaacida dalka, waa
sh. Shariif Shiikh Axmed oo aad wada garanaysaan, Dadaalkiisa, Kartidiisa
iyo Aqoontiisaba, waa su'aale maantayna muxuu yahay Shiikhu? waa
Matukade, waa Jokar waa Sakiin iyo kuwo kale oo aad adinkuba meelaha
ka maqli doontaan sida qoladii uu Asmara uga soo tagay ay meelaha
la taagan yihiin.
Hadaba Karaamada iyo Ixtiraamka uu gaaray Sh. Shariif,
waxay ahayd mid ku waynad reer Qaahira, waxaanan xusuustaa Safarkii
ugu horeeyey ee uu Qaahira yimaado in la isku dili gaaray meeshuu
cagta dhigana 10 jeer cagta la dhigaayey si loo barakaysto, waxaan
kale oo xusuustaa xili uu Shir ku qabanayey Hotelkii uu daganaa
in aan soo raagay, ka dibna waxaa Iridda Hotelka iiga hor yimid
Shiikh Xasan Mahdi, waxaanan waydiiyey halka uu Shiikhu joogo? markaasuu
ii tilmaamay Jiho kale oo aan Shiikhu joogin, Nasiib wanaagse waxaan
helay Shariif Shiikh Aadan oo ii tilaamay halkii uu Shiikhu joogay.
anigoo u fahmay in aan meesha loo ogolayn rag war fidiyaal ah maadaamaa
Sheekooyin Sir ah oo sax iyo khaladba isugu jiray meesha laga akhrinaayey.
Waxaan kaloo xusuustaa, Safarkii labaad ee uu Shiikhu
Qaahira yimid in iyadana loo maamusay sida madaxda caalamaka loo
maamuuso oo kale, iyadoo lacag aad u badnayd markaas Jeebka loo
galiyey si uu Jihaadka socda qayb uga qaato, waxaan kaloo xusuustaa
mar aan Shiikha salaamayey miis hortiisa ku gudbanaana aan ka qaadayey
in uu Wadaad Ilka-case la yiraahdo oo Shabaabka Qaahira dagan ka
mid ahi uu sixun iila hadlay, waxaan kaloo xusuusta mar Shiikha
Su'aalo la weydiinayey in raga aadka u taageeri jiray ay yiraahdeen
yaan Shiikha la weydiinin Su'aalo Sadrigiisa (qalbigiisa) wax yeelaya.waxaan
xusuustaa oo kale Shiikha oo marti u ahaa dowlada Masar in hadana
martiqaadkiisa la isku dili garay oo cuno badan oo loo diyaariyey
markuu ka tagay Qaahira Masaakiinta loo qaybiyey, waxaan xusuustaa
oo kale maalin aan nin aan saaxiibo nahay uu igu yiri Shiikhu waa
amiirul mu'miniin, aniguna aan ku iri la iskuma raacsana arintaas,
asaguna uu iga xanaaqay asagoo leh: "Aniga wuxuu ii yahay Amirul
mu'miniin haduusan adiga kuu ahayn" ka dibna waxaan arkay saaxiibkay
waayadii Shiikhu is badalay, waxaan ku iri: saaxiibkay ka waran
amiirul muminiinkaagii? wuu qoslay, wuxuuna si hoose iigu yiri:
"waan qaldanaa, sow ma arkin xataa in Shiikhu garkii xiirtay",
ma arkin baan ku iri.
I sku soo duuboo, dadka Shiikha garbaha kaga jiray,
mar walbana soo dhawayn jiray xiliyadii kala duwanaa ee uu Qaahira
imaanayeyna waxay ahaayeen hal beel ah, maantay markuu Shiikhu yimidna
waxaa soo dhaweeyey Beesha uu ka dhashay iyo Taageerayaasha dowlada,
oo u arka in uu Shiikhu iminka ku socdo dariiqii ugu haboonaa ee
Soomaalinimada ahaa, halka markii hore uu ku socday ujeedo ay hal
beelihi leedahay, waxaadna dariiq walba oo Qaahira ku yaala aad
ku arkaysaa kuwo ku leh ma u tagtay Shiikha? haa markaad dhahdana
ku leh oo maxaad ka doontay? ogow dadkaasi waa kuwii shalay nagu
khasbaayey Sankana naga galinayey in aan Shiikha soo booqano, Maanatayna
waa kuwa nagu leh yaanu idin halayne ka dheeraada. hadaba sow lama
oran karo Sh. Shariif Shiikh Axmed beeshii dooratay wuu dayriyey,
ka dib markuu fahmay Dhagartii iyo Khayaanadii ay Sanadada badan
ugu Sacabo tumayeen..
Craxmaan Madaxeey
cadceed_80@hotmail.com
Cairo, Egypt
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|