Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
YAA KA DAMBEEYA XASUUQA HAWEENKA SOMAALIYEED?

Haweenku waxay ka mid yihiin qaybaha loo yaqaano birimagaydada,kadib markii ay dowladii dhexe ee Somaliya meesha ka baxday horaantii 90'ska ragguna ay gabeen kaalintoodii ayey Dumarka Soomaaliyed u istaageen samatabixinta qoysaskooda,iyadoo ilaa iyo hadana(ku dhawaad 20sano)ay wali garbaha ka raranyihiin.Waxyaabaha ugu badan ee ay reerahooda ka dabarayeen ayaa waxaa ka mid ahaa:- ka ganacsiga Qaadka,Shidaaalka,Shaaha,dharka hadba sida ay fursadaha ukala heli karaan.IWM.Si gaar ah waxay caan ugu ahaayeen sandaqadaha wadooyinka hereerahooda ku yaala ee ay ganacsigooda ku maarayn jireen maadaama aanay dhisan karin ama iska bixin karin ijraarka qolol tayo leh amase anay is keeneen qiimaha waxyaaba ay ka ganacsanayaan iyo ijaarka qolka oo aad u badan.

Max'ed dheere oo aaminsan in dadka loo talin karo marka ay gaajoodaan lana xanuujiyo islamarkasna qonsaday in howlaha dumarkani hayaan lagu taageero waxa uu ugu yeero argagixisada ayaa katarabiilo waawayn ku ekeeyey howlihii dumarkaaasi ay qosyaskooda u hayeen,isagoo ku andacoonaya in jidadka iyo nidaamka la hagaajinayo. Intaas ugama sii harin ee wuxu guri guri u duqeeyey goobihii ay ku noolaayeen hawenkas uu soo baaba'shay meheradahoodii ee aan helin bedelka goobihii ay ku ganacsan lahaayeen,sida dhaqanka dowladnimadu yahay,iyadoona lagula dhaqaaqay falal iskugu jira dilal, jirdil,bililiqo iyo kufsi uu Max'ed dheere amarkiisa lahaa, taas oo ku qasabtay inay nafta ula baxsadan duleedka magaalada Muqdisho.

Su'aashu waxay tahay M.dheere dumarkii halkaas ma uga haray?Waxan Warbaahinta ka maqalnay Max'ed dheere oo u caytamaya si aan mas'uuliyad lahayn oo leh "hoydaybaan gudneen minaanan Ceelsha biyaha imaanin" xili uu u jawaabayey wiilal yar-yar oo taleefanka gacanta ka wacay.Wuxuu sheegay in dadkii uu ka barakiciyey Muqdisho oo 98% ah haween iyo caruur ay yihiin Argagixiso ayna tahay in talaabo kale oo anay ka so waqsan laga qaado.Taas bedel keeda lagama hayo maamulkii uu madaxda ka ahaa oo gurmadka ugu yar ee ah inay bacaha roobabka laga galo ay u geeyaan dadkaas oo runtii marka laga soo tago dhibaatada M.dheere baday aan haysan gabaad ay ka galaan marka ay roobabku da'ayaan.

QOOM BALAAYO ABUURAY,
IYAGAY BARKATAAYE,
DULMI BIIRAY MA RAAGEE,
BERYAAN AAD U FOGAYN,
BALAAYADAAD FALKISEEN,
BARTANKIINA KA EEGA...W T:Tabantabo.

Todobaadkii tegay Markii xilka laga qaaday max'ed dheere kumanaan haween ah oo farxad la ilmeeynayey ayaa dibadbax ay ku taageerayaan xil ka qaadistiisa ka dhigay inta u dhaxaysa Siinka dheer iyo Af-gooye, midka mid ah hooyooyinkas oo aad u qiiraysnayd ayaa BBCda u sheegtay inay neecaaw dareemayaan hadii barakiciyihii uu EEBE ka hor wareejiyey,waxayna dhanka kale sheegtay in ay jeclaan lahayd inaan intaas looga harine ay mar uun dhaayaha ka qaado M.dheere iyo Saaxiibadiisa gummaadka oo cadaaladda la hor geeyo.

Haweenkii 3da bishan la xasuuqay oo ah ku dhowaad 100 iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waa isla kuwii ku barakacay duleedka Muqdisho oo intay caruurihii ka soo tagteen islahaa armaad nolol maalmeedka soo heshaan.Waa isla kuwii la bililiqaystay wixii ay hanti haysteen,waa isla kuwii jirdilka,dilka,bililiqada iyo kufsiga(slight genocide)lagu hayey.Hawenkani waa marag ma doonto inaysan Umadda Soomaaliyed aanay cadaw u ahayn ee ay leeyihiin hal cadaw kaliya oo ah kan gabood faladaas oo dhan u gaystay.

M.dheere ayaa Isbitaalka Madiina yimid isagoo u tacsiyeynaya dumarka la xasuuqay waxay i soo xasuusinaysaa Sheeko sanado ka hor ka dhacday Muqdisho:Mid ka mid ah
ganacsatada Soomaalida ayaa qolo ay ka dhaxaysay aano qabiil Masaajid ugu soo galeen,waxaa sheekada lagu hayaa in ragga mesionka fulinayey ay ahaayeen 3dex nin oo iska dhig-dhigaya inay Masjidka ku cibaadaysanayaan.Ninka la bartilmaameedsanayey markaas salaad taraawiix ah ayuu ku jiray 3dexdii nin waxay sameeyeen, mid Layrkii masaajidka ayuu denshay,midna xabbadii ayuu ku dhuftay kii kalena afka ayuu labadii yeershay"Inaalilaah,subaaxaanalah,ma masaajidkiibaa la'iskugu soo galay,waliba nin soomanaa,salaad ku jiray illaahay meesha logu dhowyahay oo ah sujuuda marayeyey,waawaray adduunyooy xaalkaa ba' IWM." Raggii falka gaystay waxaa la tuhunsanyahay inay wadaadadii kale ku ooyin darsadeen.

Bal u fiirso Hawenkas waxay barakacsanaayeen ku dhawaad 2sano in dhibkooda uu ka sii shaqeeyo mooyane wali lagama hayo ereyo xitaa uu dhibka kula qaybsanayo, xataa waxaa la xasuustaa in M.dheere uu is hortaag ku sameeyay sahay haweenkaas la gaarsiinayay oo u badnaa biyo caadi ah isagoo u dhaartay Cali maxamed siyaad (Cali dheere) Gudoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha oo xiligaas gurmadka hormuud u ahaa. ...

Marka la soo qaato war saxaafadeedkii Odoyaasha beesha muqdisho,lagu daro xogag laga aruurshay qaybaha kala gedisan ee bulshada,,waxay xaajadu u egtahay ninkii dhuumanaayee dhabarkiisu muuqdoow waa dharaar lagu dhowraye ogow.Aan ku soo afjaro tix ka mid ah Gabay uu mariyey Abwaan Cismaan Guure
Ma-wada baabaynoo, baaqi baa hari doona,
Intii naga badbaadana, berri way xisaabtami,
Haddii malyan meydo, maalyiinna dhamaato,
Madiidin shisheeya na maamuli maayo,
Toban kunna ha dhimatee, taangiga Amxaarada,
In nalooku taliyaa, waa habeenki xalay tegey
Bulsha diidan gumeysi, xorriyad madaxbannaaniyo,
Beegsaneysa xaqooda, BM lagu garaaciyo,
Kumanyaal la bireeyey, uga beyrimaayaan.


mursal mohamed <stethy1@live.com>

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)