News from Somalia in Somali |
Muxuu sheikh shariif ku qoonsaday
eriteria?
Eriteria oo aan garaneyno inta ay jirtay waxyaabihii
ay qabatay & weeraradii ay ku qaaday dowladaha dariska ah. Ka
kaalay Ethiopia, waxay weerartay YEMEN, SUUDAAN & JABUUTI oo
kulligood dowlado Islaam ah ma kula tahay in ay adiga kujeceshahay?
Taas Macquul ma aha! sheekhu hadafka Essias Afawarke ayuu darsay
waxaan u soo baxday waxa keliya ee uu u taageereyo in ay tahay isagoo
raba in uu Ethiopia kula dagaalamo Soomaaliya gudaheeda maadaama
uusan isagu ka dagaalami karina, ay arrintu tahay cadawgaaga cadawgiis
waa saaxiibkaa ee Soomaalida adeegso iyo isagoon rabin in wax wada
hadal ah ama nabad ah Soomaaliya laga hirgeliyo. Hadde qof aan soomaali
NABAD la rabin aniguna ma rabo ayuu sheekhu taagan yahay laakiin
shacabka Eriteria wuu amaanay.
Haddaba maxaa dhacay markii ciidamadii maxaakiimta
Muqdisho laga qabsaday. Meeshii ugu horeysay ee la weeraro waxay
noqotay hoygii Sh. Shariif
. Bililiqo xooggan ayaa loo geystay
guriga sh shariif, Waqtigaa UN-ka isma aysan arkin wax saxiix ahna
ma sameyn, cidna lama shirin, maxaa gurigiisa loo gurtay maalin
kadib markii uu baxay haddii markii hore sacabka loo tumayay? Yaase
weeraray gurigiisa? Jawaabta meel dheer haka raadin waxaa jiray
dad badan oo sheekha la socday laakiin aan ku hadaf aheyn oo markii
horeba ku taageerayay waa reer hebel ama annagoo reer hebel ah aan
ku dan gaarno. kuwaas weeye kuwa gurigiisa u daba maray.
Kadib maxaa dhacay Alle waa caadil sheekha waxaa
laga samata bixiyay gantaaladii mareykanka ee wadaadada lagu bartilmaameedsanayay.
Maxay mareykanku sh. Shariif u kaxeysteen? Ma jaceyl ay sheekha
u qabaan baa? MAYA! Waxay ka yaabeen wuxuu noqday sheekhu qofkii
ugu horeeyay oo soomaali ah oo taageero soomaaliyeed oo buuxda hela,
waxay kaloo u arkeen in uu yahay nin aan dooneyn in uu dad dilo
weliba dadkiisa soomaaliyeed iyo in uu doonayay in uu soomaaliya
dhibta ka saaro, waa haddii lala garto. Qofka noocaa ah Mareykan
ma ka hor imaan karaa? muwaadinimada u dhiman-se maxay tahay? Ogow
sh. Shariif weligii Mareykan lama shirin, kahor markii uu isu dhiibay
Dowladda KENYA.
Haddaba maxaa looga hor yimid waqtigan???
Dadkii siyaabaha kala duwan ula socday sheekha daaqadda
ayay ka baxeen sababta oo ah, waxa uu sheekhu rabo iyo waxa ay iyagu
rabaan waa kala labo. Kuwaasi waxay bilaabeen in ay dacaayad ku
furaan sheekha iyagoo adeegsanaya idaacado waaweyn oo daku aad udhageystaan,
oo ay BBC-du ka mid tahay. Qaar baa heerka ay naceybka shakhsiyadeed
meesha uu ka gaaray darteed xitaa u quuri waayay laqabka sheikh
ee uu wato iyagoo ku koobay Sharif Sh. Axmed, laakiin su'aashu waxay
tahay haddiiba ay isaga u diideen sheekhnimada maxay aabihiina uga
xayuubin waayeen? Waa wax lagu qoslo.
Heshiiska jabuuti miyaa meesha sartu ka qurunsan
tahay?
Waxaan filayaa in arrintu jabuuti ka weyn tahay
waxaana kuu caddeynaya wareysigii ugu dambeeyay ee sheekhu bixiyo
wuxuu ku yiri "Annaga waxaan dooneynaa in Ethiopia ay baxdo
taana Un-ta ayaa ballan qaaday, haddii ay bixi waayaan qoryihiina
waad heysataan" haddaba taa maxaa ku jaban? Maa la sugo waa
wax maalmo ku siman? Dadka qaar waxay ku taageereen sheekha in dantooda
ku fushadaan. Haddaba sheikh shariif ma yahay nin lagu dan gaari
karo? Musuuse intaa wax u baranayay haddiiba mid jaahil ah uu dantiisa
ku fushan karo? Waa wax aan macquul aheyn.
Muxuu uga hor yimid max'ed Dheere markii uu ahaa
madaxa maxkamaddii Jowhar haddiiba wax lagu shuban karo qabiil-na
lagu xodxodan karo? Tan kale markii hore ma waxaad sheekha u dooratay
in ra'yigaaga oo kaliya meel mariyo? Oo tan caamka ah uu ka tago.
Ka waran haddii la taliyaashiisa ay maamulka ku wada jiraan ay sidaa
kula taliyeen! Oo ah in uu NABADDA raadsho. Ma caqli baa in wax
walba aan ka hor nimaanno xitaa NABAD?.
Haddaba ma is tiri Akhriste waxaa la joogaa waqtigii
aan hurdada ka kici laheyn, oo caqliga fiyoobi shaqeyn lahaa. Anigoo
ogsoon in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ee wax garadka ah
ay taageersan yihiin Sh. Shariif Sh. Axmed haddana ujeedadeydu waa
in aan wax fahamsiiyo kuwa caadifadda qabiil madaxa ka gashay oo
ku fakaraya keliya halkaa reerkeyga dani ma ugu jirtaa isagoo aan
oran halkaa soomaali dan ma ugu jirtaa?
Sow lama gaarin waqtigii aan dooran laheyn Sh.Shariif
Sh. Axmed ilaah haka raali noqdee in uu hoggaamiye ka noqdo Soomaaliya
oo dhan. Taageer akhriste qofka dantu ugu jirto shacabka oo aad
adigu ka mid tahay xitaa haddaad joogto waddan NABAD ah, kana fogoow
qabyaaladda iyo waxa soomaali kala geeyay
.
Waxaan ilaah ka baryeynaa in uu towfiiqda na waafajiyo,
xumaantna noogu badalo samaan, soomaaliya mar qura nabadi shanteeda
dhinac ka unkato. AAMIIN.
suhaad arlaadi
arlaadi@live.se
_________________________________________________________________
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|