News from Somalia in Somali |
GEERI IYO GORGORTAN
Somaaliyeey toosooy toosooy
isku tiirsadayee
Had ba ki nataag daranee taa geera welli giineey
Waxaan ka bilaabeynaa buugi banaadirigaa
Baalkiisa bilaawgiisaa bisinkaan ka bilaabeyna
Beled keeyna banaadiriye baahidaa kuso badatee
Beydhowaan uso baxeeyna barlamaankan u bandhigeyna
Taladeeyna waa tiirlaay tusbaxeeyna waa ka
tagnee
Tajirkeeyna aan tuugnee taladeeyna ha noo toostee
Jamaceeyni waa jahwareer jidad keeyni waa
jilib jilib
Jilibka naga soo jabayee jaliil weyno naso jamciyee
Xamar waa laso xaalufiyee xabadaa lagu soo
xaaqeey
Xaaladeedana wa xuntahee xaakinkeey ha so xukmiyee
Xabsi aan xukun laheeyne xoog aan xaqa fahminee
Xuquuqdi aadankana xawaalaha lagu xooreey
Khasarahaan qabiilka keeney qarankiina waa
qeymo beeley
Qaadirkeeyna weeynaayo qeertaada na waafajiyee
Danaheeyna waa diidneey duli aan ka dooranayee
Da'in weeyno naso daryeel duligaan naga soo daweeye
Runti aan kaso roorneey rafaat aan isku soo
rarneey
Rabigeeyna rahiim badano raxmadaadan rumeeysanayee
Somaaliyee toosooy toosooy isku tiirsadayee
Had ba kii na taag daranee taageera wilii giineey
Shirar keeyni wa shilimaad sharaf teeyni waa
is shaxaat
Sharciga aan sharibno sharaf teeyni haso shaac baxdee
Dhulkeeyni dhirta badnaay dhuxul aa laga dhoofiyayee
Dhamaheega weeynayoo dhibkaan naga koriyee
Calankeeyna cirka u ekoow calafkiisa culees
badanaa
Ceeynti lagu ceymin laha casiiska ku cilmi laheee
Geeri aan gurmad laheeyna gorgortan aan u
gogol dhiganeey
Guula heega weeynaayow garab kaaga naso geliyeeee
Furihii fursadeeynaaa faham kaas ka fogaadee
Faataxaaan soo farnayee fataaxoow naso fura'ee
Qarankaan ka soo qaxnaye qasaaraan kasoo qaadnaye
Qaadirow naso qadiriyee qal bigeyna noo qaboojiyee
Kulan keeyna wa kursiyee kitaab keeyna wa
kumaas yahaye
Kariin keeyna weenaayow kulan kaasi aan ka kaaf toonee
Lugteeyna waa go'odayee laxawgeena waa badatee
Liillaahi aan nahayee laqdawne ma libaantee
Maamulkeyna maan darana musuq aan ku mashquul
sanaye
Mowlaheeyga weenayoow musuqaan naga meel mariyee
Niyadaan iskawada nacnayee naxriisteeyna wa
naga tagtayee
Nuurow naxriistaadiyee nagu soo naaficiyeee
Waxa aan la oo haayoow ilinteeyda u daa datayeee
Looma ooyo aan noqoneey looma aaro aan noqoneey
Hoowsheeyna waa hagrateey hantideeyna waa
hurtayee
Hurdadaa aan kaso toosnaa hamigeeyna ha so hooydee
Yar yarteeyna waa yumbadeen yaxaasa yoolka
dhigayee
Yaasinka aan uso noqonee ya'da aan u yeerano eee
###########################
Arageeyna waa badilmeeee abaara naso heshayee
Alahayow niciiim badano aarantaadaada no fidiyee
Edebta aan ku xad gudubne ehelkaan ka tilaabsanayee
Ebaheeyga weenayoow eedaan naga soo cafiyee
Ilmahi weey cid loodeen ilinaa kasoo daateeey
Ilaaheeygi weenaayow irridaada uso ifiyeee
Odiyaal aan jac dheheeynine ooyhintana ku
arwaaxaan
Olol aan ku qaadeeyna oow laadeena ha arwaaxdee
Umadeeyna uur adaga uurkaan kasoo ooynayee
Umadi ilaaheeyoow uurkeeyna isku soo uruuri
###########################
Aabahi awooda beeleey anfac aan aktiisa jirinee
Aa'daanka ha loo jeeste awoodeeyna haso noqotee
Eebow u gargaar yaryartaa ehelkooda la oofsadayee
Eedaan adiga arko oo ergo aan u baahneeynee
Iimaanka halaga teginee istiqfaarta aan badinee
Isfahamka aduunkeeyna ilmaheyna ku aayi karaan
Oodeeyna waa xirmatee ooy hinteena waa badateey
Oogadeeyn waa olasheey eebow oonka naga bixiyee
Uunkaan cajiibka badana umadaa ka baawiyeenee
Uurdoox yadaaaneee uwadka ugaar sanayaan
Dr Sheikh Osman
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|