News from Somalia in Somali |
Saxiixyadii
Sheekh Shariif iyo Nuur-cadde oo Soconwaayey
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ma durbadiiba! Talaadadii dhoweyd baa u-hadlaha
"xukuumadda," Cabdi Xaaji Goobdoon saxaafadda horteeda
ka akhriyey qodobbo ay ku jireen xil-ka-qaadistii Maxamed-dheere.
Warka markaan dhegeysanayo maalintaas Talaadada ah weli London qorraxdu
kama dhicin - waa 7-dii (pm) iyo wax la jira. Soomaaliya haddey
7:00 pm gaarto waa habeyn. Habaynkaas iyo subaxii Arbacada waxaa
boggagga Soomaalida ee internetka iyo shacabkuba soo-dhoweynayeen
arrintaas xil-ka-qaadidda ah. Waa maalintaan gartay in aan dadkeenna
Soomaaliyeedba fahmin sida wax u dhacayaan. Inkastoo dhallinyarada
iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed intooda badan internetka kala socdaan
akhbaarta Soomaaliya haddana waxaa igu filnaanwaayey qoraalkii aan
isticmaali jiray oo waxaan is iri maanta waxay rabtaa hadal. Subixii
Arbacada waxaan ka warhelay in dadkii soo barakacay ee degenaa inta
u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye ay bannaanbax ka sameynayaan halkaas
iyagoo soo-dhoweynaya jago-ka-qaadista Maxamed-dheere.
Waxaan goostay inaan la xiriiro idaacadda Capital
Voice iyo Hornafrik. Waxaan is iri ma sugtaa barnaamijka dhacdooyinka
maanta haddana waxaan is iri dadkii masaakiinta ahaa ee cidlada
ka bannaanbaxaya arag. Waxaan is iri haddii wareysiga aan bixindoono
uu u dhiciyo waayo sidaan sheegay soow mala-awaal iyo ceeb maaha?
Haddana waxaan isku samirsiiyey awalba inaanan la gabban jirin qoraallada
oo ay siday ila tahay wax u qoro marka muxuu hadalku uga duwanyahay
qoraalka? Waxaan goostay inaanan sugin barnaamijka dhacdooyinka
maanta oo soo gala qiyaastii 9:30 fiidnimo waqtiga Muqdisho markaasaan
wacay barnaamijka Muqdisho iyo maanta oo ka baxa Capital Voice subaxii.
Waxaa wareysiga iga qaaday Aweys Xaaji Nuur (Aar).
Sheekada Maxamed-dheere oo labadii qof oo siyaasad
iska wareysataaba hadalhayeen ayaan wax weyn iila muuqan maxaa yeelay
waxaa iga yaabiyey oon wareysiga ku sheegay in waddankii Tigree
heysto. Waxa dadka bannaanbaxaya dibadda soo dhigay ma aha Maxamed-dheere.
Waxaan wareysiga ku sheegay in shacabku yaqaan sida Maxamed-dheere
iyo dagaaloogayaasha kale looga saaro Soomaaliya. Waxaan dadka u
sheegay in kuwii ka saaray Maxamed-dheere Xamar iyo Jowhar ay weli
joogaan ee maxay hadda bannaanbaxayaashu iyagoo intaas tiro le'eg
uga dibaxbixiwaayeen gumeysiga weyn ee Maxamed-dheere soo gashay
Soomaaliya - Tigreega? Soow ma aragtid sida shacabka loogu khaldayo
wax aan weyneyn. Bal suureyso Gabra oo Villa Soomaaliya dhacdiida
baa Maxamed-dheere laga hadlayaa! Waxaan wariyaha u sheegay in ay
arrintu la mid tahay qof madaxa lagu dhuftay oo maskaxdu ka daadaneyso
oo xoogga saaraya xagtin lugta uga taal!
Waxaan wariyaha isugu daray oon shacabka maqashiiyey
in Nuur-cadde la mid ahaa kuwii saxiixa ku sameeyey Jibuuti! Waxaan
uga dan lahaa oon wareygsiga ku sheegay in korneyl C/hi leeyahay
saxiixa ugu dambeeya. Waxaan shacabka u sheegay ismiidaaminta Nuur-cadde
oo ah hadduu saas ogyahay muxuu iskaga dhigay nin saxiix (casilaad)
soconsiinkara? Waa meeshaas meeshaan ka rabay inaan dadka tuso inuu
ku dhacay khaladkii kuwa Jibuuti jooga oo iyagoon metelin kacdoonka
oo huteela iska jiifa raba iney dhahaan cid bey ka socdaan. Waxaan
shacabka weydiiyey C/hi oon jecleyn in riwaayadaha lala jilo oo
cid kale ka soo agdhowaato, haddii isagoo safar jira laga lug tallaabsaday
maxuu sameyn? Waxaan shacabka xasuusiyey in C/hi lagu sheego inuu
gacanta la galo waxyaalo aan dastuurku u ogolaaneyn marka ninkii
saas ahaa haddii loogu yimid wixii dastuurku u fasaxayey - magacaabidda
iyo ceyrinta guddoomiyayaasha gobollada maxuu ka yeelin? Teeda kale
waxay u muuqatay xitaa inaan Nuur-cadde arrinta kala tashan.
Waxaan wariyihii iyo shacabka u sheegay in sidii
kuwa Jibuuti jooga ay ugu daneeyeen Tigreega sababtoo ah Tigreegii
oo waddooyinkii mariwaayey oo ku soo ururay xerooyin ciidan ayaa
waxa bannaanka isa soo dhigay kuwa Jibuuti jooga oo leh Tigreega
xabbadda halaga daayo waa baxayaane! Waxay bilaabeen oo isku dayeen
iney shacabka iyo dal-xoreeyayaasha ka jeediyaan halganka ay ugu
jiraan saaridda Tigreega. Ilaahay mahadii gobonimo-doonka badankoodu
dheg jalaq uma siin sheekada kuwa Jibuuti jooga. Laakiin waxay xoogaa
haleen dad iska dabo-ordaya. Nin magaciisa la yiraahdo C/Xeyi Cismaan
Garaad oo maqaal cinwaankiisu ahaa: Halloo caddaalad falo Ashahaado-la-dirirka
ayaa yiri mar uu weydiiyey kuwa taageera kuwa Jibuuti jooga waxay
ku taageereen bey ku dhaheen: dhegtii C/hi wax ugu sheegi jiray
maamulka Bush/Bulshada Caalamka ayaan teedii kale helnay haddaan
nahay kuwa Jibuuti jooga! Qoraagu wuxuu isweediiyey horta maamulka
Bush ma leeyahay labo dhegood! Labada dhegood waxay metelaan miisaanka
qofka. Micnuhu waa Bush waxaa u cad hal wax - Ashahaado-la-dirir.
Qofkii u diyaar ah inuu mashruucaas ka qeybqaato wuu soo dhoweeyaa
siduu dagaaloogayaasha iyo korneylka u soo dhoweeyey laakiin kii
aan diyaar u ahayn waa ka fureystaa.
Waxaan wareysiga ku sheegay in sida Tigreegu uga
faa'iidey kuwa Jibuuti jooga uu C/hina uga faa'iidi doono Nuur-cadde.
Sidee? Beryahan shacab badan baa rajo muujiyey oo yiri haddii kuwa
Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde wadasocdaan waxyaalo badan bey qabankaraan.
C/hi baa arkayey sida UN-ka iyo Golaha Ammaanka u hadalhayeen ka-hadalka
Soomaaliya. Wuxuu arkay Jendayi Frazer iyo Axamed Caballa oo ordaya.
Korneylku wuxuu is yiri mindhaa maanta waxaa lagu qabsanayaa shukaanta.
Markaan maqlay in Nuur-cadde uu wareegtadaas soo saaray ayaan gartay
in C/hi helay fursad dahabi ah. Waxaan wareysiga ku sii daray in
la arki doono iyadoo la isku dayayo in Nuur-cadde laga qaado booskiisa.
Markaan wareysiga bixinayey oo la sii daayey ma heyn wax caddeyn
ah oo muujinaya in C/hi diididoono xil-ka-qaadista Maxamed-dheere
iyo in baarlamaanku soo gudbindoonaan mooshinkaas ee waxaan ka gartay
sida wasiirad Khadiijo Maxamed u hadashay in wax soo fooryayaan.
Saacado kaddib ayey ii caddaatay in sidaan wareysiga u bixiyey ay
soo socoto.
Akhristayaal yaan loo qaadan in aan ahay hal mar
wareysi-bixiye oo aan hadalheyntiisa idinku wareershay ee waxaan
u danleeyahay oo heystaa kuwii shacabka baahida la dhimanaya oo
nasiinada u baahan geliyey bannaanbax aysanba garan karin in waxa
laga mudahaaradayo fulidoonaan iyo in kale. Wixii soo agaasimay
bannaanbaxaas waa maangaab. Waxaan idin ku leeyahay waxaa meesha
idin soo tubay waa Tigree. Maxamed-dheere iyo waxa la mid ka ah
waa lagu adeeganayaa. Marka haddaad cid ka mudaharaadeysaan waa
dadka waaweyn oo mas'uulka ah waxa laga hadlaa - Gabre. Maxamed-dheere
isagoo taangi Itoobiyaan saaran buu Jowhar iyo Xamar ku soo noqday.
Haddii taangigu baxo, sheekada Maxamed-dheere waa hareysaa.
Waxaan wareysiga ku sheegay in waqtigii kuwa Jibuuti
sheegeen in xabbaddu istaageyso ay Tigreegu soo gasheen Baladweyne
ciidan badan oo ay magaaladiiba qabsadeen. Sidoo kale C/hi wuxuu
Baydhabo ka soo lugeysiiyey oo Xamar soo gashay maryo-calas badan.
Waxaa la isku ogaa in Tigreega iyo maryo-calasta laga saaro magaalada
dhexdeeda laakiin waa ku soo badanayaan. Marka waxaan sheegay in
korneylku rabo inuu isna Nuur-cadde madaxa uga istaago. Halka Kuwa
Jibuuti aysan farqaadin; mar horaba Itoobiya iyo korneylku waa jabsheen
saxiixaas. Micnuhu waa halka kuwa Jibuuti leeyihiin kuwa xornimodoonka
ah hubka ha dhigeen ayaa Tigreega iyo C/hi keensadeen ciidan iyo
hub hor leh. Soow ma aragtid waa isla jiraan seddexdooduba!
Ma jirto in C/hi helay guul-siyaasadeed ka sarreysa
tan uu ka dhashay Nuur-cadde. Wuxuu dadka tusayaan sida kuwa Jibuuti
jooga u yihiin iska-hadlayaal in Nuur-cadde u yahay iska-hadle.
Wuxuu dadka tusayaa ninka rugtuu ku dhashay jooga oo ceyrin la'
ninkii dad u xigay sidee uga hadli karaa arrimaha Soomaaliya? Been
idiin ma sheegayo weligay ma arag sansaaryo/dibirseexato ka xanuun
badan midda ku dhacday kuwa Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde.
Sida la sheegayo kuwa Jibuuti markay dareemeen in
shacabku garabkoodii ka baxay ayey hadda wadaan ciidan-urursi. Waa
sheekadii dagaaloogayaasha. Laakiin ma filayo in Macallin Xaashi,
Cumar Xaashi iyo C/Raxiim Caddow ay sheekadaas ka gadmeyso. Markii
horaba raggaasi waa arkeen khaladka kuwa Jibuuti. Maantana waa la
arkaa halkey ka mareyso marba haddii dadkii u xilsaarnaa UN-ka arrimaha
ciidamada ay dhaheen ma sahlana in Soomaaliya la geeyo ciidan nabad-ilaaliyaal
ah inta dammaanad laga keenayo kuwa hubka wata! Oo yaa ka keenaya?
Inkastoo qoraalladeyda iyo wareysiyaasheydu adagyihiin
laakiin mar kasta waa iga nasteexo iyo inaan shacabka u iftiimiyo
waxa la fili karo. Qofkii caqli lihi marka loo digo oo khatar muuqata
loo sheego waxbuu ku qaataa. Sidii Nabi Muuse (CS) markii nin reer
Fircoon ahaa oo Iimaankiisa qarsanaya ku yiri: Muuse iskaga baxa
magaalada waa lagu tashanayee. Ninkaas muslimka ah waa ka darajo
hooseeyaa Nabi Muuse (CS). Marka haddii dad badan u digeen kuwa
Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde ma ahayn inaad diiddaan marka la idin
dhaho Gole Ammaan iyo Bush waa kuwii shalay Soomaaliya soo gashay
Tigree. Marka diintii iyo caqiidadii Soomaaliya wax iskama bedelin.
Marka ma garanayo waxa wiilasha Jibuuti jooga ka bedelikaraan maamulka
Bush. Sidaas darteed baan dhahaa hala sugo inta Bush dhacayo. Badanaa
siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku si aad ah isuma bedesho.
Hadday isbedeli weydo sideennii baan ahaaneynaa haddii wixii la
doorto ogaadaan in Maraykanku ay dadkoodii iyo dadkii kalaba dhib
ku hayaanna waan arkeynaa laakiin bilahaas la sugo.
Markey kuwa Jibuuti iyo Nuur-cadde diideen naseexadii
waxgaradka Soomaaliyeed ayey qaateen taladii Ibliisku siiyey abbaheen
Aadan iyo hooyadeen Xawaa oo kale. Hadda Jendayi Frazer iyo Axamed
Cabdalla baa ku leh waxaa idiin diyaar ah Beesha Caalamka. Waxaa
la idin ka qabanayaa xag-jirka. Idinkaa qunyar-socod ah oo waddanka
qabsan doona. Iyo waxyaalo la mid ah. Labadaas tusaale ee waanada
ah waxaan ku sheegay wareysiga. Laakiin sida uu hal daqiiqo Ibliis
isu bedelay dagaalkii Badar ayaa hadda UN-ku ku leeyahay kuwa Jibuuti
jooga ma geli karno Soomaaliya inta la damaanadqaadayo cidda qabaneysa
kuwa hubka wata! Oo ciidankaba waxaa loo dalbaday iney hub uruuriyaane
sidee hadalkaas u dhihi karaan? Waxay i xasuusineysaa odey xakiim
ahaa oo dhaqtar u tagay oo markii dhaqtarku weydiiyey halka laga
hayo odeyga uu odeygii yiri: ka tag! Adaa dhaqtar ahe ii sheeg meesha
la iga hayo!
Sideed beri kaddib kuwa Jibuuti jooga waxaa u buuxsameysa
kala bar waqtigey qabsadeen - labo bilood ilaa haddana hal wax oo
u qabsoomay ma leh. Marka dadka noocaas ah iyo Nuur-cadde oo Muqdishada
oo uu ka soo jeedo sidaas loogu dulleystay maxay ku soo kordhin
karaan Soomaaliya? Teeda kale waxaa ku dhacday sumcad-darro iyo
ceeb aan horay loo arag. Maxaa dadkii barokacay ee Tigreega iyo
C/hi tusay calooshooda iyo iney hadalka Nuur-cadde soo-dhoweyn laga
yeelin? Muxuu Maxamed-dheere ku sameyndoonaa dadkii dartiis u bannaanbaxay?
Soow Maxamed-dheere ma aarsandoono? Wuxuu Maxamed-dheere ku aarsado
soow Nuur-cadde kama mas'uul aha? Waxaan wareysigii ku daray haddii
C/hi oo doortay Nuur-cadde iyo isagu heshiin karin sidee Nuur-cadde
iyo sheekh Shariif u heshiin? Sidee C/hi iyo sheekh Shariif u heshiin
karaan? Marka hadda kaddib yaan heshiisyo iyo saxiixyo lagu degdegin.
Cabdiwaaxid Khaliif
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|