Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali
KU CAASHAQAYE MAXAAN KU CALFAN WAYEY QEEBTII 7

Aqristayaasha qiima iyo Qadarinta Mudano waa sheekadii la magac baxday Kucaashaqaye Maxan ku calfan wayey waana Qeebtii Dodobaad,Part 7

Aniga iyo Hodan waxa na dhex maray jaceyl qoto dheer, heer waxan gaarnay ay xaafada oo dhan ay naga fahmaan, Galab ayaa waxa ii yeeray Adeerkay oo aad iyo aad aan u xushmeeyo waxa uu igu yiri adiga iyo Hodan maxa idinka dhexeeya hadii ay wax jiraan waxan rabaa in aan ku guuriyo ee wixi jira isheeg, waxan ku iri adeer aniga iyo Hodan waxa naga dhaxeeya jaceyl balse waxa jira hal arin aniga iyo ayada waxan go aan ku garay intaan bogonayo College ka in aanu is guursan ayadana waa ay iga yeeshay balse waqtigaan dhameeyo wax barashada waxaan jeclahay in aan guursado, Adeerkay aad iyo aad ayuu igu riyaaqay wuuna ku farxay sidaan hamigayga niyada ugu hayo wax barashada, Adeerkay Sheikh Sharmarke malahan Wax wiilal ah balse waxa uu leeyahay Dodoba gabdhood, Adeerkay waxa uu jeclaa in uu igu darsado Gabdhihiisa mid ka mid ah lakinse markii uu arkay gabadhaan Hodan oo uu ka dhigtay Gabadhiiso kale in uusan iga xumaan balse uu jeclaa in uu ii guuriyo halka arin oo jira ayaa ah wax barashadayda in ay tahay mid leh mudnaanta

Aniga iyo hodan waxan wadaagnay Farxad iyo Jaceyl habeenkii waxan gaari jirnay waqti dabe maalmaha Sabtida iyo Axadana waxan aadi jirnay magaalada, Maalin ka mid ah Maalmaha ahna maalinta aan lahaa Fasaxa ee Axada ayna tahay subax aroor nimo ah waana waqti aan ugo baran Hodan in ay ii timaado waa abaarihii 1 saac ee subaxnimo ad iyo aad ayeey u murugsaneed waxa ay igu tiri walaalow labiso oo banaanka soo fariiso si dag dag ah ayaan usoo xirtay labiskaygii waxa ay ii sheegtay in ay aadayso Landon laba bari kadib waxa ay intaas ku dartay waxa dhintay Awoowe Hooyo dhalay oo ku dhintay Landon sidaas awgeed ayaan u baxayna dhamaanteen waana soo labanayna waqti kasta ha noqote adigana waxan rabay in aan kula tashado maxa talo ah hadii ad i dhahaysid cida ka horna waa mesheeda bal tali,

Talo waa tii alle Hodan waa qeeb ka mid ah nolashayda balse waxa naso dhex galay Geeri kama aan reebi karo Reerka kumana Dari karo waa wal wal aad iyo aad usameyey Nolashayda balse waxan ku qasbanaday in aan ku daro, waxan ku iri raac reer ka aniga iyo adigana waxa inoo balan ah in uusan jaceyl keena uusan ku imaan wax naqusid ah waa ay iga yeeshay laba maal mood ka dib waxa la gaaray waqtigay ku laban laheyd Landon, hodan ayaa ii timid galabtii abaarihii Sagaalkii waxa ay iga codsatay in aan sii kaxeeyo ilaa Airportka balse waanka diiday waxan arkay in ay iga xumaanayso mana aan jecleen in ay xumaan igaga tagto, waxan ku qasbana in aan sii dhaweeyo, waxan tagay Airport ka kadib waxan wada galnay sawiro waana is macsalameenay, waxa ay ku xarootay Godaha wili waxa ay iga sii salamaysay Darbiga Dhalada ah waxan oga sii jeeday ayadoo sii oynaysa gacmaheedana kor ay u hayso oo ay igu salamayso, waa galab xasuus iga tagtay igu soo Refresh garaysmatay waxan xasuustay maalintii aan baxi lahaa oo layga soo ceshay waxa ay ahayd Galab Bishuna ay aheyd 11/11/2001 waxan ku taamayey in ay nolashayda ay utilaabsato hormar Familigaan ka dhashayna aan u baxo lakinse waa ay noqon wayday waxan kaloo soo xasuustay Jaceyl kii dhaawaca ii gaysatay ee iga raacday wiilkii lakinse galabtay waxan sii sogootiyey Gabadhii labaad oo aan jeclaaday anigoo is weydiinaya miyeey ku soo noqon doonta mise sidaas ayeey kugu daysay,

Waxaan ku soo laabtay Gurigaan daganaa waxa ka ifayey Layrar waaween balse qalbigayga waxa uu ahaa mid gudcur ah waxan seexday qokaygii waxana isoo galay Adeer oo iga wayey Miiskii cashada isagoo Fiirinaya xaaladayda waayo waxan ahaa nin qosol iyo farxad badan intaan guriga joogay Reerka waxan kusoo kordhiyey Farxad dhamaan gabdhaha Adeerkay dhalay waxa ay ila dhaqmaan in aan ahay wiil walaal kood ah oo ka ween anigana sidoo kale Adeer aad iyo aad ayaan u xushmeyaa waxana ka dhigtay Abahay oo kale in uu yahay isagana sida wiil uu dhalay, Adeer ayaa isoo galay Guriga kadibna waxaa uu i weydiiyey sidaan ahay, waxan ku iri Adeer waan ladanahay balse waan imaanayaa Cashada, wax hadal ah habeenkaas waa layga wayey Fartuun waa gabadha adeerkay dhalay waxa ay dhigataa Kenyatta Universal ayadoo diyaarisa Doctor waa gabar aad iyo aad u kaftan badan ayaa igu tiri caway walaal kay waxa ka muuqata Murugo oo saxibadiis Hodan ayaa ka tagtay, ee walaal waan helayna gabar kale ee Cashee xogaa ayaan qoslay oo waxan iska dhigay qof aan murugaysaneen

Dodobaad ka dib waxa isoo wacday Hodan, habeen farxad leh ayeey aheyd aniga iyo ayada waxan ku daahnay Telephone ka waxan is weydaarsanaynay Sheekooyin jaceyl ah oo macaan waan isku qoslaynay waana isku farax saneen mar kalmadaha aan is waydaarsanayno waxa ay nugu keenaan in aan isku oyno marka farxada ayaa naga badnatay balse waxa ay isheegtay in ay jirto dhib kale oo Hooyo lugu haysto Gabar yar oo Afar sano jirta oo lugu guday Kenya markii la ogaaday in lugu goday intii ay safarka oga maqneed wadanka waxa lugu furay maxkamad , waxana loo keenay Hooyo in aysan wadanka aysan ka bixi karin ilaa inta ay dhamaanayso Maxkamada, waxan ka dhigtay wax Fudud kiiskaas aniga ahaan kadib Telephone kii ayaa ka go ay

Maqnaantii Hodan, Sanad ka dib waxan dhameeyey College kii waxana qaatay Diploma Computer Science waxana bartay Luqada English ka ah, Adeer kay waxa uu idhiibay Xafiiskiisa isagoo igu wareejiyey mid ka mid ah Campany giisa, waxan ka noqday manager, Adeerkay waxa uu ii gooyey Kenya Passport , waxan aaday oo moddo kooban ku Maqnaa Cidayadii si lama filaan ah ayaan ugaaray anigoo aan usheegin in aan imaanayo iyo inkale waxan ka dagay Garoonka Galkacyo kadibna waxan qaatay Gaari Langaruusal ah waxan Gaaray Tuulo Cidu ay oga soo dhaansato Baadiyaha nasiib wanaag waxan la kulmay walaalkay iga yar waxan wada aadnay Cidi waxan u tagay Labadii waarid iyo caruurtii ila dhashay waarid wax dhalay horay ayeey iga aqoon sadeen walow aan Weenaday xogana aan caylay, Dodobaad ka dib waan soo raray waxan soo dajiyey Magalada Galkacyo waana kasoo laabtay, Nasiib Xumo waxan la kowsaday Adeer oo Xanuun saday oo aad iyo aad u liita, waxan isbitaal lagalay Adeer, intaan isbitaalka ku hayey Adeer ayaa igu yiri madhow waxan ka codsanayaa Arin hana igu diidin, waad la socotaa Guriga wax Wiilal ah adiga ayaa jooga anigana waad aragta aad iyo aad ayaan ulitaa Xoolahaan hadii aan dhinto waa dumar waxaa dhici karta in aysan xanaanaysan waxan ka rabaa in aad Guursatid Fartuun Xoolahaana aad adiga Mas uul ka noqotid, Reerkana aad isku keentid una noqotid Abbe oo aad buuskayga gashid hadii uu Alle i oofsado.
Waxa ila soo gudbonaatay Arin Cusub

Waxan sameeyo ayaan aqoon wayey hadalka adeerna ma diidi karo waayo waxa uu igu leeyahay Abaal arinka uu igala hadlayna waa arin Adag waayo Adeer waxan u ahay wiilkiisa oo kale Madaba uu arinkaan uu isoo bandhigay kuma aan diidi karo, lakinse waxa hubaal ah in aan naftayda aan ka jeclaa Farxiyo kadibna ay igu soo biirtay Hodan, Hodan waxa ay tahay gabar nolashayda aan ka jeclahay intii ay igu soo birtay waxan ka kowsaday Farxad iyo Nolol cusub, waxa ay aheyd qof nolasha wax ka taqaan waxa ay aheyd gabar aad iyo aad ii jecel nolashayda waxan is weydiiyey Gabadhaan Jeclaado maxa arqalad u keena, waxan go aan ku gaaray in aan Nabsi galo oo aan ka galo Gabadhaan Jeclahay ayadana ay i jeceshahay waa Hodan oo aan guursado Gabadha Adeer kay dhalay Madaba aan diidi karin Adeer Codsigiisa waxan Badashay Number Phone kii, hodan waxa ay weyday meel ay iga soo wacdo ayadana waxa qabsaday oo ku dheeraatay maxkamadii loo haystay Cidowda anigana waxan la aqal galay Fartuun, Fartuun ma ahan gabar xun balse aniga iyo ayada waxan isku haynay Jaceyl ilmo adeer nimo balse qoftaan jeclaaday waa Hodan

Aniga iyo Hodan xagee ayuu ku dhamaday Jeceyl keeni yaase Calfaday waxase ka maqneen Qisadaan farxiyo Qudeeda Xagee ayeey ku dabaysay waxan dhexgalay Qiso Cusub

Qida Hadda ayeey ugu macaantahay lasoco Qeebta Sidedaad ilaa dhamadka sheekada

Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala jooga

Qoraasare hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email: peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)