News from Somalia in Somali |
Melaz maxaa ka keenay
Soomaaliya Waan ka Baxayaa?
Waxaa wax lagu farxa ah warkaan ka soo yeeray Melez
Zanaawi laakiin waxaa isweydiin mudan maxaa ku soo beegay xeligaan?
mise runaa in ula jeedada ugu weyn ee Ciidankiisa qabsaday Soomaliya
dib uga saarayo arin ku saabsan Dhaqaalaha ?
mise waxaa jira ula jeedooyin u qarsoon oo ku qasbay inuu ka baxo
Dalka Soomaliya ?
Waa war aad u farxad badan marka laga eego dhinaca ah in cadwgii uu
qirtay in ay heestaan Culeesyo sida mid dhaqaale iyo inuu waayay taageeradii
siyaasadeen ee uu ka filaayay wadamada reer Galbeedka,laakiin waxaa
isweydiin mudan maxaa kusoo beegay xiligaan ayadoo la ogaa in horeyba
Ciidanka itoobiya uu u hestay Culees dhaqaale kuna adkeysan jirtay
in aysan marna ka baxeynin Soomaliya ilaa Dowlada ay taageerto Cagaheed
isaga taagto?
Waxaa lagu macneyn karaa in sababta ugu weyn ee keentay in Melez ku
dhawaaqo inuu Dalka Soomaliya Ciidankiisa dib ugala baxaayo arimo
badan oo isbiirsaday, qaarkoodna uu waxaa dhici karta dan kale inuu
ka lee yahay oo siyaasadeed waxaana arimahaas ka mid ah:
1- sida warkiisa ka muuqata in uu saaran yahay cadaadis siyaasadeed
uuna waayay taageeradii siyaasadeed oo uu ka filaayay wadamada reer
galbeedka gaar ahaan mareykanka oo ka mashquulay arimihii dibada ama
arimihii ku saabsanaa Afrika laba arimood daraadood.
A- Mareykanka waxaa ka jira loolan xaga siyaasada oo labada xizbi
ee ugu waaweyn wadankaas ugu jiraan madaxnimada dalkaas cidii majarahau
qaban laheyd taasoo ay muuqata in culees weyn uu saaran yahay Xisbiga
Jamhuuriga ee hada ka taliya Mareykanka oo ah Xizbi ku caan baxay
hurinta dagaalada hadey ahaan laheyd inuu weraro bareer ah ku qaado
wadamo xor ahaa, ama inuu taageero Dowlado gaar ah si uu ugu fushada
qorshayaashiisa Dagaal
B-Waxaa muuqata Mareykanka in uu saaran yahay Culees weyn oo
uusan maleysaney oo kaga yimid dhanka wadanka Ruushka oo ay muuqato
inuu dib u bilaawday tartankii u dhaxeeyay Naato iyo Waarso oo loo
yaqaanay Dagaalkii Qaboobaa, taasoo Mareykanka ku keentay inuu Xisaabaadkiisii
wax ka badalo maxaa yeelay Rauushaka ma aha Dowlad la dhayansan karo.
marka Itoobiya waxaa muuqata tiirkii ay Cuskaneed in ay weysday labadaas
arin dartood.
2- Arinta labaad ee ka muuqatay hadalkiisa waa in uu saaran
yahay Culees siyaasadeed kaasoo laga yaabo in aysan Dadka qaar isweydiin
maxaa keenay ? halkuuse kaga yimid?
Hadii aan bal arintaas faahfaahiyo waxaa muuqata inuu Culeeska siyaasadeed
kaga yimid Dhaqdhaaaqyadii nabadoonka ahaa ee ay sameeyeen Isbaheysiga
uu horjoogaha u yahay Sh Shariif Sh Axmad
maadaama ay dhinacooda muujiyeen in ay yihiin nabad doono dagaalka
ay ku jiraana uu yahay mid Itoobiya soo galitaankeedii sababay ee
aysan hada diyaar u aheyn dagaal weyn ee ay ka huriyaan Geeska Afrika
oo idil sida ay ku andacooto Itoobiya oo ku magac raadsaneysay in
aysan nabad marna ogoleyn Islaamiyiinta Soomaaliya taasoo keentay
in markii hore taageero ku hesho ayadoo sheegi jirtay in ay yihiin
Qatar cad oo Caalamka oo dhan kusoo fool leh.
3-Waxaa kaloo jira Culees weyn inuu ka heesto Duulaamada joogtada
ah ee Ciidankooda kaga yimaad dhanka Muqaawamada kaasoo u diiday fursad
ay ku socsocoto ama isugu gurmato ama ay ku taageerto Doowlada Embigati,
maxaa yeelay waxaa Ciidamadeeda joga Soomaaliya meelo ka mid ah ka
soo bixi waayeen Dhufeesyada si ay lafahooda u ilaashtaan taasoo xataa
ay ku badbaadi la'ayihiin.
4-Waxaa kaloo jiri kara siyaasado qarsoon oo ay damacsan tahay
Itoobiya sida:-
A-in ay ku dooneyso hadalkan ka soo yeeray Melez in ay ku hesho
taageeradii Dhaqaale iyo kii siyaasadeed ee ka go'naa mudooyinkii
lasoo dhaafay ayada oo u tuseysa in ay ka bixi karto Soomaliya amaba
ka bixi doonto hadii aan dalabaadkeeda loo yeelin, taasoo laga yaabo
wadamada qaar in ay Maslaxad u arkaan Itoobiya in ay mudan tahay in
loo jilco lana taageero maadaama la aaminsan yahay in ay hortaagan
tahay in Dalka Soomaliya dib gacanta ugu dhigi doonaan Maxaakiimtii
taagerada badan ka heysan jirtay shacaka Soomaaliyeed.
B-Waxaa kaloo dhici karta marka la eego xiliga uu kusoo beegmay
hadalkaan oo ah xili ay muuqato inuu qilaaf ku kala dhex jiro Muqaawamada
madaxdeeda iyo garabyada muqaawamada sida warnaahinta laga dhageestay
gaar ahaan qabsashadii Kismaanyo ka dib,oo waxaa dhci karta in ay
aaminsan tahay inuu uu qarxi doono Dagaal weyn oo dhex mari doono
kooxaha Muqaawamada taasoo ay ku faraxsanaan laheyd Itoobiya hadii
ay dhici karto taasna ay kaga filan tahay in ay dhiig Ciidamadeeda
ah ku daato gudaha Soomaliya ayadoo loo fulinaaya siyaasadeedii aheyd
in marna Soomaliya ka dhismin Dowlad leesku raacsan yahay oo awood
leh, taasoo ay Itoobiya aaminsan tahay in ay qatar ku tahay Amniga
wadankeeda iyo in ay keeni karto in ay Itoobiya kala go'idoonto qeybo
fara badan.
Hadaba Maxaa nala gudboon?
1-Waxaa laga maarmaan ah in aan arintaan ugu faraxno si taxadir
leh ogaanana in ay suuragal tahay in ay dhaboowdo, islamarkaana ka
digtoonaanaa wax walba oo Itoobiya Siyaasada u fulinaya Siyaasadeeda
ah in aysan Soomaliya marna Dagin sida in kooxaha Muqaawamada tartan
u galaan kala qabsiga Gobolada iyo Ilaha dhaqaale, taasoo keeni karta
in ay isu gacan qaadaan.
2-Waa in si dagdag u wada shiraan Madaxa Muqaawamada Gudaha
iyo Dibada gaar ahaan kuwa kala fadhiya Jabuuti iyo Asmara kana wada
hadlaan hadii ay dhacdo arintaas in ay dhaboowdo sidee lagu badbaadin
karaa diinta Dadka iyo Dalka soomliya, hadii kale oo aanan leesu tanaazulin
Danta guudna laga wada tashan waxaa dhici doonta in Muaqaawamada ku
dhacdo Dabinka siyaasadeed ee loo maleegayo, waayo marka laga hadlaayo
Danta guud waxaan maanta aragnaa Hellary in ay u tanaazuleyso Danta
Xizbigeeda waloow uu qilaaf iyo tartan shaqsi ahba dhex maray kana
dhaxeeyo ayada iyo Obama oo kaga Guuleestay Musharaxnimada Xizbogooda.
Hadaba waxaa dhihi lahaa Culimada Soomaliyeed ee xoogaa ku kala tagay
fekerka iyo ijtihaadka haka garaad liidanina Naagta u tanazushay Xizbi
aanan Diin gaar ah isu keenin ee kaliya ka mideysan Siyaasada qaar,
halka idinka Culimada ah aad ku mideysan tihiin wax badan oo aysan
ku mudeysneyn umadaha Caalamka ku nool. hadii aadan saas yeelinana
waxaa hubaal ah ASduunyada waxaad galeysaan Taariiqaha la qoro baalka
Madoow, maalinta Qiyaamana waxaad qaadi doontaan fidnada ka dhalata
Masuuliyadeeda maxaa yeelay maanta wax dhowran ama dhaqan ma jiraan
hadii ay ahaan laheyd Diin Dal iyo Dadba waxaa dhalin yaradii Soomali
rag iyo Dumarba dabin u galeen Shahwadooda iyo Naftooda waxa ayna
ku jiraan Kalaabyada habeenada Axadaha lagu tunto e Qamriga iyo Zinada
lagu isticmaalo, dhanka kalana waxaa ay ku daadaataan Badaha Caalamka
ayaga oo nolo doon ah, waxaa kaloo jira in Boqolaal Soomaliya ey ka
buuxaan Xabsiyo wadamo ku yaal Afrika ayagoo ku nool nolol ayasn eeyaha
Afrika joogaa ku nooleyn waxaana kula wada dhacay xabsiyada dhexdooda
Tiibishi iyoMaleeriyo oo aan wax daawo ah laga siin ilaa Todobaad
walbaaba qaar ka mid ah Maxaabiistaas ku geeriyoodaan xabsiyadaas.
Gabagabadii waxaa looga fadhiyaa Culimada soomaliyeed laba uun mid
in ay noqdaan kuwa danahooda gaarka iyo kooxohooda gaarka kala weyn
yihiin Diinta Dalka iyo Dadka Soomaali ayagoo buunbuuninaya Qilaafaadka
xaga fekerka ah ee u dhaxeeya una dhaqmaaya sidii Firaqdii Ahlu Bidcaha
sida Qawaarijta oo hadba gaaleysiiya cidii fekerka isku qilaafaan
iyo in ay wax walba ka hormariyaan Danta guud oo ah in la ilaaliyo
waxyaabihii asal ahaanba illaah(cw) usoo dajiyay Shareecada Isklaamka
Sida Diinta Nafta Sharafta Nasabka iyo Caqliga Muislimka
Waxaa diyaariyay Asad Cali Axmad
asadcnx@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|