News from Somalia in Somali |
Barack Obama
iyo ku xigeenkiisa Joseph Biden oo la sheegay in Asalkoodu uu ka soo
jeedo Kabo-tolayaal dalka Ireland ka haajiray!
Sida ay qortay wakaalada wararka ee (AFP) waxa Marwo
ku takhasusay raadraaca tafiirta aadamaha oo magaceeda la yidhaa
Megan Smolenyak Smolenyak una dhalatay dalka Maraykanka ayaa sheegtay
in siyaasiyiinta Brack Obama iyo ku xigeenkiisa Joseph Biden oo
u tartamaya madaxtinimada dalka maraykanku ay asalkoodii ka soo
jeedaan qoysay Kabo tolayaal ahaa oo wadanka Ireland ka haajiray
una jiheystay dalka Maraykanka Bishii April ee sandkii 1849kii si
ay ugu biiraan dad lagu qiyaasay Hal milyan iyo badh reer Ireland
ah oo dalkaasi Maraykanka u qaxay iyaga oo ka ordayay gaajadii adkayd
ee wadankaasi Ireland ku habsatay intii u dhexaysay sanadkii 1845-1849kii
wakhtigaas adag oo loo yaqaanay xiligii "Gaajadii Baradhada"
Sanadkii hore ayay ahayd markii Smolenyak Smolenyak
oo baadhis dheer ku samaysay halka ay ka soo jeedaan Obama reer
abtigii iyo awoowyadii hooyo waxay ogaatay in asalkoodu uu ka soo
jeedo qoys kabaha ku toli jiray tuulo yar oo la yidhaa Moneygall
oo ku taala degmada Offaly ee wadanka Ireland.
Gabadha baadhitaankan samaysay waxay imika aaminsan
tahay in ninkan uu Barack Obama u xushay inuu Madaxweyne ku xigeen
u noqdo hadii uu ku guulaysto doorshaada bisha Novembar ka dhacaysa
dalka Maraykanka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan Jo
Biden in isaga laftiisa ay awoowyadii kasoo jeedaan tuulo kale oo
Ireland ku taala oo la yidhaa Carlingford ee degmada Louth oo ku
taala xuduudka ay wadaagaan dalka Ireland iyo waqooyiga Ireland
oo ka mid ah dalkan Britain.
Waxaa kale oo iyana xiiso badan leh in ragga qoysaska
Obama iyo Biden ay Maraykanka u hayaameen sanadkii 1849kii halka
markii danbe xaasaskooda ama qoysaskooduna ay ka daba tageen sanadkii
1850kii
Waxaas oo dhan waxaa kasii xiiso badan in Barack
Obama iyo ku xigeenkiisa Jo Biden ay labadaba qoysaskoodu ay ahaayeen
Kabo-tolaal
In ka badan 34 Milyan oo Maraykan ah ayaa had iyo
goor sheega in uu asalkoodu ka soo jeedo dalka Ireland oo ay Irishka
asalkoodu xiidh la leeyahay.
Tani waxay dhiirri galin u noqon kartaa Kabo-tolaaysha
dalkeena ku sugan oo ah runtii ah qaar hoos loo eego , hase yeeshee
ah geesiyaal xalaal quutayaal ah oo isku filan kana sharaf badan
kumanaan mashaqaystayaal ah oo gafuurka kor u taaga oo shaxaadka
ku nool.
Geesiyaasha kabaha tola ee dalkeena ku sugan waxaa
la gudboon inay si mug leh u ogaadaan in aan wax u diidayaa jirin
inay gaadhaan ama higsadaan halka ay gaadheen murashaxiinta Brack
Obama iyo Joseph Biden oo hal qarni iyo badh ka hor uun ay qoysaskoodu
kabaha ku tolayeen tuulooyinkii Ireland ee gaajada iyo darxumadu
ay ka jireen waayadaasi.
Kaysar Cabdilaahi
The Somali Voice
Bristol. UK
kaysar@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|