News from Somalia in Somali |
Yaa lagu badeli
doonaa Maxmed Dheere?
Waa su'aal mug weynoo aan jawaabteeda la heyn. Waxey
aheyd 29kii Luulyo 2008 markii golaha wasiirada ee dowladda Nur
Cadde ay xilkii ka xayuubiyeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
oo ahaa guddoomiyihii iyo duqa magaalada ee caasimadda Soomaaliya.
Maxamed Dheere ayaa lagu soo eedeeyey arrimo fara badan oo ay ka
mid ahaayeen maamul xumo, lacag is dabamaryeen, cabasho ka timid
ku xigeenadiisa, cabasho ka timid odayaasha magaalada, cabasho ka
timid shacabka iyo in loo arkay sii joogitaankiisa inay caqabad
ku tahay dib-u-heshiisiinta. Ka dibna waxaa soo shaacbaxday in go'aankaas
uu diidanyahay Madaxweynaha DFKMG ah Cabdullahi Yusuf oo ay sii
wehlisay Maxamed dheere oo maalmo ka dib sheegay inuu helay wareegto
uu saxiixay madaxweynaha oo lagu tilmaamay in xil ka qaadistiisu
ay aheyd sharci daro iyo in wareegtada lagu xusay in Maxamed Dheere
uu yahay guddoomiyha iyo duqa magaalada sharciga ah.
Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii
wasiiro dhowr ah ay iska casilleen jagadoodii wasiirnimo, tanoo
loo arkay inay kalsooni buuxda ka heysteen Madaxweynaha, is casilaadoodana
ay sugi doonto in Ra'iisalwasaaraha lagu qasbo inuu iscasilo. Waxaa
ku xigtay in Nuur Cadde uu magacaabo wasiiro bedela kuwii iscasilay,
tanoo cayaarta sii kululeysay kana dhigtay barbardhac. Khilaafka
sidii u sii socday oo la isu lahaa waxaa cayaarta garsoore ka noqon
doona baarlamaanka ayaa seddexdii mas'uul ee ugu sareysayba u ambabaxeen
Addis Ababa kuna soo noqdeen waddanka iyagoo soo heshiiyey oo uu
heshiisku ka mid ahaa in magaalada Muqdisho loo sameeyo maamul ay
soo doortaan gole uu lahaado gobolku.
Haddaba su'aasha mawduuca qoraalkan ayey soomaalidu
is heybiyaan waxaana loo arkaa in haddii magaaladu yeelato maamul
wanaagsan iyo hoggaan kalsooni lagu qabi karo waxaa hubaal ah in
shacabka Muqdisho ay diyaar u noqonayaan la shaqeynta maamulkaas.
Waxaan weli caddeyn guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo inay soo
diyaariyaan sharuudaha shaqsiga hoggaamin kara caasimadda iyo golaha
deegaanku sidey ku imaan karaan. Ha yeeshee waxaan halkan ku faaqideynaa
shaqsiyaadka la filayo inay jagadaas hanan karaan.
1. Xuseen Cali Axmed - horey ayuu u soo noqday guddoomiyaha
iyo duqa magaalada xilligii C/Qaasim. Waana waayo arag horey u ahaan
jiray agaasimaha kaluumeysiga iyo kheyraadka badaha ee dowladdii
Siyaad Barre. Ha yeeshee uma badna inuu isagu hadda haweysto jagadaas
oo sumcad fiican kuma uusan helin waqtigii uu hayey xilkaas. Xuseen
ma aha shaqsi buuxin kara casriga hadda lagu jiro ee ah qarniga
21naad oo ma laha xirfad kombiyuutar, iyo xirfad wada hadal. Xuseen
waxaa lagu xantaa inuu isagu mas'uul ka yahay suntii lagu qubay
badaha Soomaaliya xilligii Cali Mahdi, wallow ay dadka qaarkiis
weli yiraahdaan howshaas waa uu sii wadaa ilaa iyo maantadanba.
2. Maxamud Xasan Cali Cadde Gaabow - 29kii Maarso 2006 ayey aheyd
markii xubnaha golaha deegaanka gobolka Banadir ay si akhlebiyad
ah u doorteen Cadde Gaabow inuu noqdo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Cadde oo uu Ra'iisalwasaare Geedi horey u magacaabay ayaysan u suurto
gelin inuu howl wado, ha yeeshee doorashadii golaha deegaanka ayaa
Cadde siisay awood uu howl ku qaban karo. Ka dib markii DFKMG ah
ay soo caga dhigatay Muqdisho ayaa waxaa la magacaabay Maxamed Dheere
inuu noqdo Guddoomiyaha iyo Duqa Gobolka Banadir. Cadde Gaabow waxaa
aad loogu xasuustaa inuu yiri " Habartaa ninkii u dhaxa waa
ADEERKAA oo uu ula jeeday ciidamadii Itioobiyaanka ee soo galay
Muqdisho" sidoo kale waxaa lagu xantaa inuusan aheyn shaqsi
go'aan leh oo adadag.
3. Maxamed Cismaan Dhagaxtuur - Dhagaxtuur waxuu ahaa Guddoomiye
ku xigeenka Maxamed Dheere tan iyo intii xukunka loo dhiibay horaantii
2007. Ka dib markii xilka laga qaaday Maxamed Dheere ayaa golaha
wasiiradu u doorteen inuu ku sime sii ahaado, ha yeeshee heshiiskii
Addis Ababa waxaa ka muuqata in la yiri waxaa sii heynaya jagada
guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo soo xulida guddoomiaha gobolka.
Dhagaxtuur waxaa loo heystaa inuusan ka duwaneyn hoggaamiye kooxeedyadii
Muqdisho, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo wata ciidamo uu soo
xiray Dr Culusow una dhacay gurigiisa oo uu bililiqeytay. Dhagaxtuur
lama hubo inuu la iman doono maamul wanaag keeni kara isbedel cusub.
4. Cabdiraxmaan Shifti - Shifti waxuu sagxadda soo galay markii
USC ay qabsadeen Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii
Itoobiya dagaalka ka soo bilowday. Shifti waxuu noqday Wasiir ku
xigeen dowladdii Cali Mahdi. Waxuuna afhayeen ka ahaa shirkii Muqdisho
lagu qabtay oo uu Cali Mahdi hoggaaminayey oo dad badani ay ku tilmaameen
"shirkii shimbiro yahay heesa" oo ay ka soo qeyb galeen
dad gaarayey 3,000 oo qof. Shifti ma laha waxbarasho heer sare ah,
kamana uusan soo shaqeyn hay'ad ama dowlad, sidaas daraadeed lagama
yaabo inuu la yimaado maamul wanaag keeni kara is bedel iyo dib
u heshiisiin.
5. C/llaahi Sheekh Xassan - oo loo yaqaano siyaasiga hawiye kana
mid ahaa guddigii beesha hawiye. Waxaana lagu xasuustaa inuu soo
shaacbixiyey kaarto ay Itoobiyaanku ku soo weerari rabeen Muqdisho.
Waxaana lagu xasuustaa inuu kala jabiyey guddigii beesha Hawiye
uuna ka qeybgalay shirkii Cali Mahdi ee Muqdisho, halkaasoo uu ka
jeediyey Khudbad. Ha yeeshee siyaasiga weli lama sheegin xil maamul
oo uu soo qabtay.
6. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) - Guddoomiyihii hore
ee ururka Somali Concern Group, kana soo qalinjabiyey Jaamicaddii
Gahayr oo uu Injineer ka soo noqday wasaarada Howlaha Guud, ahaana
ku xigeenka wakiilka jidadka ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Waddanka
UK ayuu ku diyaariyey Masterkiisa oo uu hadda muddo 10 sano ah u
shaqeeyaa dowladda hoose ee London oo uu waax madax ka yahay. Ha
yeeshee lama hubo inuu diyaar u yahay inuu Muqdisho tago.
7. Maxamed Cali Ameerika - waa safiirka u fadhiya Soomaaliya waddanka
Kenya, waxuuna horey ula soo shaqeeyey ra'iisalwasaarihii hore ee
Geedi, waana soomaalida qurbojoogta ah oo u tafaxeytay inay waddankii
ka shaqeyaan oo inta badan qurbo joogta lagu la'yahay. Waa aqoonyhan
ka soo dhalaali kara jagada guddoomiyaha gobolka, ha yeeshee diyaar
ma u yahay inuu ka soo tnaasulo safiirnimadiisa?
8. Maxamed Cumar Xabeeb - Maxamed Dheere waxuu sheegay inuu u tartamayo
jagada laga xayuubiyey. Ha yeeshee su'aasha waxey noqoneysaa maxaa
looga qaaday haddii uu isu sharixi karo. Arrintan iyo sida ay suurto
gal u noqon karto in doorasho laga hergaliyo Muqdisho waa su'aalo
taagan oo u baahan jawaab.
9. Sheekha Muudeey - waa oday rug-caddaa ah haddana ma cadda inuu
isagu diyaar u yahay xilligan kala guurka ah.
10. Hassan Abshir Farah - Waa rug-cadaa siyaasi soomaaliyeed soona
qabtay jagooyin fara badan oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho,
Bakool, Jowhar, soona qabtay xilar wasiirimo, noqdayna ra'iisal
wasaare dowladdii C/qaasim. Kana soo noqday safiir Germany iyo Japan.
Ha yeeshee waxaa u diiday jagadan wasiirka arrimaha dibedda ee DFKMG
ah Jangali oo yiri waxaa isu soo taagi kara jagada Gudoomiyaha gobolka
banadir dadkii u dhashay gobolka.
Waxaa kaloo jira shaqsiyaal fara badan oo qaban
kara xilka noocan oo kale ah. Haddaba si looga baxo xaaladaha cakiran
ee waddanka waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fiirsado shaqsiga
lagu aamini karo darajada ugu sareysa ee gobolka banaadir. Waxaa
hubaal ah in loo baahan yahay shaqsi fahmi kara caalamka, shaqsi
keeni kara isbedel, shaqsi aqoon sare leh, shaqsi u bisil inuu isu
keeno ummadda, shaqsi dhisi kara maamul cusub.
xmed Dheere?
Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli)
Abdi.alo@live.co.uk
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|