News from Somalia in Somali |
Kismaayo waa habaaran
tahay ee ha loo duceeyo
Ilaa 1991dii kismaayo waxaay ku jirtay weerar iyo weerar celin ,hadba
qolo aya qabsanaysay ,manaxayaashii Caydiid iyo Morgaan ,Isbahaysigii
Galguduud , Duulaankii Maxkamadaha iyo cayrintii Barre Hiiraale
,Duulaankii Amxaarada iyo xukunkii Afguduud ,soo noqoshadii Barre
Hiiraale iyo weerarkii Alshabaab aay shalay ku qabsadeen Kismaayo
intaas oo dhan waxaay tilmaamayaan in Kismaayo aay tahay magaalo
Habaar qabtaa.
Kismaayo iyo kistaa waa dhammaatay dulmigu waa isku mid ama magac
qabiil ha sheegto ama magac diin ha sheegto ,dadkii Kismaayo asal
ahaan u lahaa nus qarni baa xoog lagu haystay waligoodna waxba lagama
siin talada Magaalada Kismaayo .Barre Hiiraale waa kasii xumaa Morgaan
iyo Mooryaantii caydiid .Alla ha u naxariistee Gen. Liiqliiqato
qodobadii uu keenay oo dadka degan Kismaayo isku raaceen waxaa ku
tuntay Isbahaysigii isku bahaystay dulmiga ee la baxay Isbahaysiga
Galguduud ,isbahaysigaas oo sida magacoodu tilmaamayo ka yimid galguduud
waxaay xoog ku qabsadeen Kismaayo iyagoo dadkii dalka u dhashay
dhibaato u gaystay dad badana ka qaxiyey .
Kismaayo waxaa la wareegay shalay Ururka Alshabaab ,ururkaas oo
Kismaayo usoo hoggaamindoona Amxaaro iyo Mareeykan ,ururkaas Alshabaab
oo hadda kahor Itoobiya Keenay Magaalada Muqdishow .
Waxaan ka codsanaynaa Ururka Alshabaab haddii diinta Islaamka oo
aay sheeganayaan dhab ka tahay in aay magaalada isaga baxaan xukunkana
u dhiibaan dadkii u dhashay asal ahaana u lahaa magaalada Kismaayo
,dadkaas oo ah dadka miyiga magaalada Kismaayo dega oo caanaha iyo
xoolaha nool keena .haddii aanu nahay dadka Kismaayo iska leh ,Doonimayno
barre Hiiraale iyo dadkiisa ,Morgaan iyo dadkiisa Alshabaab iyo
wadaado hubaysan kulli waxba Isma dhaamaan ee magaalada ha noo daayeen
.Alshabaabna magaalada ha ka baxeen inta aan Amxaaro iyo Mareeykan
Imaan oo magaalada la Burburin .
Ugu dambaystii waxaan ka codsanayaa shacbiga Soomaaliyeed in aay
u Duceeyaan Magaalada Kismaayo in ilaahay dulmiga lagu hayo ka qaado.
maxamad Ismaciil Cali "Saneey"
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|