News from Somalia in Somali |
Aflagaadad Culimada
Dalka maku Xoroobi karaa?!!
Waxaa waayahaan badatay in caado laga dhigtay aflagaadeynta
culimada soomaaliyeed iyo qof walba oo kaalin wanaagsan ugu jira
umada, taasoo laga yaabo dadka sidaas ku kacaaya in ay u heestaan
in ay tahay dariiqad sax ah oo lagu gaari karo wanaag, ama ay u
heestaan hadii la aflagaadeeyo Culimada iyo waxgaradka in ay wax
u dhimeyso magaca wanaagsan ay ku dhex leeyihiin Bulshada Soomali?!!.
Hadaba waxaa isweydiin mudan aflagaadada ma waxey ka mid tahay Dib
u xoreynta Dalka oo gumeysiga Itoobiyaa ayaa loogu darnaanayaa?!!
Mise aflagaadada waxa ay wax ka tari kartaa in la badalo fekerka
wanaagsan ay Shacabka ka aaminsan yihiin Culimadooda?!!
Mise aflagaadada beryahaan dame waxa ay noqotay wax illaah(cw) loogu
dhawaado oo ajar lagu rajeynaayo?!!
Waxaa su aaahaas iga keenay inaan is wediiyo laba arin dartood:-
1- tankoowaad waxaa waqti dheer dhagaheyga ka maqli jireen dad u
badan dhalin yaro xamaasadeysan oo dhaliilo badan u haayo Culimada
waa weyn, gaar ahaa arimahaas oo aad u soo shaac baxay xeliyadii
uu dhamaaday dagaalkii ka dhacay Gobolaka Gedo markii ay Culimadii
horjoogtay dagaaladaas ku baaqaan in isbadal ay sameeyaan xoogana
saaraan dhanka waxbarashada iyo Dacwada ayagoo u arkaayay in sidaas
ka maslaxad badan tahay in lasii wado dagaalka
2- tan labaad ee igu kaliftay inaan su'aalahaas isweydiiyo waa in
laga soo bilaabo xeliyadii ka horeysay dagaalkii iidaale aan maqli
jiray xan iyo dacaayado laga faafiyo Culimadii Diinta gaar ahaan
kuwii horjoogay GolihiiMaxaakiimta ayadoo lagu tilmaamayo in aysan
ogleyn dabaqida shareecada Islaamka taasoo sabatay in ay sameesmaan
kooxo badan oo ah Caamo in ay u dhaga nuglaadaan Dacaayadaahaas
ayagoo mooday wax sax ah, waxaana Dacaayadihii lagu sameynayay Culimada
Diinta iyo waxgaradka Bulshada Muslinka ah ee Soomali uu gaaray
ilaa kuwa aan Diin iyo jihaad iyo Dacwaba dan ka laheyn maanta u
istaagaan ku been abuurashada Culimadii horjoogtay Jihaadka maanta
lagu jiro ayaga oo labisan shaar mas'uuliyadeed sida ninka la yiraahdo
C/naasir maxamuud isku tilmaamay inuu yahay inuu yahay Gudoomiyaha
Qurba joogta gudiga isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaliyeed ee ku
sugan Asmara, waxa uu ninkaas sheegtay mas'uuliyad inuu u haayo
umadda Soomali ku hadlay hadalo ay haboontahay in ay wada maqlaan
shacabka Soomaali si ay u ogaadaan bal waxa ka soo fool leh Dalka
Soomaliya hadiiba ay dad noocaas ah ay mas'uuliyad sheegtaan.
Waxa uu ku sheegay mar uu ka hadlayay idaacad ka mid ah kuwa ku
yaal wadanka Kenya in Gudooniyaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed
Sh Shariif Sh axmad uu si ka soo baxsaday Magaalada Asmara islamarkaana
waxa uu ku eedeeyay eedo fara badan eaxa uuna ku aflagaadeeyay inuu
asal ahaan Sh Shariif Isbaaro dhigan jiray xaga aqoontana inuu yahay
mid la mid ah Maxamad dheere oo uu san wax qibrad ah u laheyn maamul
iyo siyaasad,waxa uuna tilmaamay Sh shariif in uu Maxaakiimta uu
ku soo daray Sheeq Xasan, taasoo dad badan oo dhageestay Barnaamijkaas
ka yaabisay niyad xumina ku reebtay, halka uu kusii adkeeysanayay
oo uu marwalba oo qof ka mid ah dhageestayaasha su'aal weydiiyana
waxa ku sii hadlayay hadalo aysan suuro gal ii aheyn in aan gacanteyda
ku qoro xataa anigoo ka hadlaya gafka uu geestay Mas'uulkaas Asmara
laga soo doortay.
Sidaas darteed waxaan jeclaan lahaa in bal qof walba oo Muslin ah
ee fahmaya afka Soomaaliga dhageesto isla markaana bal isweydiiyo
marunbaa waxa uu ku hadlay ninkaas ama masuuliyad dad Muslimiin
ah ma qaadi karaan dad Dad Muslimiin ah ama Diinta doonaya in ay
u adeegaan, waxaan soo gaarsiin doonaa cod ahaan barnaamijkaas dhamaan
webabka Soomaalida aqrisato
Waxaanan ka cudur daaranayaa in aanan marnaba jecleyn inaan dhexgalo
qilaafka ku kala dhexjira Culimada soomaali oo aan aaminsanahay
dhamaantood in ay u taagan yihiin dhowrinta Diinta iyo Xoreynta
Dalka si shacabka Soomali looga Dulqaado Gumeysiga ku dul habsaday
haba ku kala duwaanaadaan fekerka iyo aragtida(ijtihaadka) waxaanan
illaah (cw) uga rajeynayaa inuu taladooda mideeyo kana dhexsaaro
Qilaafka illaahna ajarka siiyo ijtahaadkooda kan gafa iyo kan saxaba.
Talojeedin
Waxaan kula talin lahaa Culimada kala joogta Asmara iyo Jabuutiba
in ay ka digtoonaadaan kuwa Diinka ku yar yahay ee aan dhowreyn
wax maslaxad ah iyo Adaabta looga baahan yahay Muslimiinta marka
ay isqilaafaan hadii kale waa in ay ogaadaan waxaa xalaal noqonaaya
Sharafkooda ha joogeen Jabuuti ama ASmara.
Waxaa la ogyahay dadka muslimiinta waa ku kala duwanaan karaan kekerka
iyo Ijtihaad ama Cilmi ahaan waa kala sareyn karaan waxaase looga
baahan yahay kuwa Cilmiga leh marwalba in ay Cadaalada Dhowraan
oo aysan maalinba mid wanaagsan tuurin ayadoo la aaminsan yahay
inuu Ijtihaad ahaan qaldan yahay, waxaa lagu yaqaanay Culimadii
Diinta ee horeysan (Salafkii) Garsoor iyo Cadaaalad in ay u sameeyaan
xataa Gaalba ha ahaadee ruux marka wax laga sheegayo iyo in Muslimiinta
lagu tixgaliyo wanoogooda badan xataa hadii ay gafgalaan iskaba
dhaaf mid laga yaabo inuu saxan yahay.
Sidaa darteed waxaan leeyahay kuwa Cilmiga leh ha
ogaadaan waxaa maalinta Qiyaame laga su'aali doonaa Cilmagoodii
waxa ay kaga Camal faleen hana ka digtoonaadaan in ay fursad siiyaan
kuwa Diinka aan aqoonta u laheyn haba ku feker ahaadaane midkiin
hadii kale waxaad guran doontaan abaalmarka ka dhasha aflagaadadooyinka
aadan ka reebeyn Caamada sida tan uu ku kacay C/naasir maxamuud.
Waxaan kusoo gababeynayaa kwa jooga Jabuuti oo uu horjoogaha u yahay
Sh Shariif sheeq Axmad Iyo kuwa jooga ASmara ee uu horjoogaha u
yahay Sh Xasan Daahir waxaa dhamaan umadda Muslimiinta ah ee dhibaateysan
idinka sugeysaa badbaadin iyo inaad ka dulqaadaan heeryada Gumeysiga
jidka lagu gaarayana waa midnimo isxaqdhawrid iyo in la dhawro Cadaalada
hadii aad isla jirtaan amaba kala tagtaan, ogaadana guul laguma
gaari karo aflagaado Dalna kuma xoroobo midwalba oo idinka mid ahna
waxa uu ku leeyahay wadanka guduhiisa iyo Dibadiisaba kuwa taageersan
ee kala ilaaliya dadka idinkala taageersan hadii kale ee aad indhaha
ka qabsataan waxaad ogaan doontaan maalin aadan awoodina kala celintooda
oo mar hadii ay fidno kacdo _illaah(cw) ayaan ka magan galeynaaye_
majirto cid damin karta.
asad libaax <asadcnx@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|