News from Somalia in Somali |
Ma`ooyey Markaan
Xorownay?Qorre Fiyoore
Ma`ooyey Markaan Xorownay?
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Shirkeena Jaraa`id hawada kala socda
usheegeynaa in aan ku wada suganahay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan
Koonfurta, waxaan jecelnahay in aan dhowr arimood kusoo koobno Shir
Saxafadeedkenaan, kow, waxaan ka raaligalineynaa qilaafkeenii Shacabka
uu ku wareeray lana kurbooday, waxaan Shacabkeeniyow idiin leenahay
in Maanta Alle mahadii aan kasoo bogsanay xanuun annaga naftigeena
Uur kutaalo nagu reebay ileen waan kala oodanay Nin walbana Koox
ayaa Sax iyo Qaladba ku raacday,mida labaad, waxaan Alle weydiisaneynaa
cafis, Shacabka oo ay Mujaahidiinta ku jiraana waxaan uga cudur
daaraneynaa intii uu Jihaadka socday ee aan Banaanka ku maqneyn
anagoo ay na wehliyeen jiraan Masuuliyiin badan oo Maxakiimta ah
walow si kale aan Jihaadka ugu jirnay.
Maanta waxaan Balan Alle weyne hortiisa ku qaadeynaa in aan Safka
hore taagnaaneyno sidii awalba nalooga bartay, kana xoroobeyno danaha
Beesha Calamka iyo tan Erataria, iskana iloobeyno in Guusha meel
aan aheyn aan ka raadino, waxaan idiinkugu bishaareyneyna in Xoogaga
Muqaawamada dhamaan midoobeen Jidka Allah na noo yahay udub dhaxaad,
Walaalayaal waxaan hadalkeena kusoo gunaanadeynaa in Insha`allahu
wax badan ood ku faraxdaan aad maqlidoontaan ama arkidoontaan dhawaan.
Waxaa markaliya dhawaaq farxadeed oo dabrid iyo ducaba isugu jira
ka yeertay Shacabkii kadib markii ay yiqiin sadeen in codadka ay
maqlayeen ay ahaayeen Shiiq Shariif Sh Axmed iyo Sh Xasan Dahir
Aweys iyo Abuu Mansuur oo si toosa qadka Talefanka Shir Jaraa`id
ugu wada qabtay, sigaara waxaa labada Shiiq ee Dalka soogalay ugu
duceeyeen da`daalkii ay sameeyeen Hogaanka Muqaawamada ee Gudaha
ka tagay si ay udhex dhaxaadiyaan labada Garab ee lanasaqay, iyagoo
sheegay in sababtu lahaayeen Rabbi hadhowree soogalbintooda.
Maalmo aan badneyn kadib waxaa bilowday dagaalo cadowgu ku faranaxay
waxaana caaboonaaday Qalbiyada Mujaahidiinta, waxaa duco iyo daryeel
kayimid Shacabkii niyad dilmay ee hankooda hoosta jiray Malmahan,
waxaa durba Idaacaduhu sheegeen in Baladweyne uu ka socdo Dagaal
aan horey loo arag iyagoo markaa qadka Taleefanka si toosa usoogaliyey
Afayeenka Milatariga ee Midowga Maxaakiimta Sh C/raxiin Ciise Cadow,
wuxuuna Shiiqu sheegay in xoogaga is garabsanaya ay inta badan magaalada
la wareegeen, dur durada dhiiga cadowgana ay dareerayaan dariiqyada
Baladweyne, isagoo raaciyey in ay ku hanweyn yihiin haduu Eebe idmo
in dhamaan ay la wareegidoonaan Xarunta Gobolka ee Baladweyne,wariyihii
Idaacada ayaa sii raaciyey in ay Indhihiisu qabanayaan Ciidamo Itoobiyaana
oo sii baxsanaya iyagoo lugtooda malaya.
Allow wada jirku fiicanayeey maxaa Gumeysitihii qabsaday, waxaan
maqlaaba waa war farxad leh, kolba dhanbaan u ordaa, Taleefan dir
oo Mujaahid hebel weydii cadowgii jiida hebla joogay imisaa laga
qabtay halkee xaalku marayaa?, Rabbow mahadaa waxaa soo dhacay qabar
dag daga kasoo ah in Warshada Baastada Guuto Gudoomiyaha Midowga
Maxaakiimta Sh Shariif horkacayo ay cagta mariyeen Xabashidii iyo
Copy-gii halkaa ku sugnaa, wuxuu Amiirka u sheegay Iadaacada in
ay soo islaaxiyeen aagagaa oo idil isagoo sheegay in hub fara badan
ay ku qabsadeen Warshada Baastada iyo Xeyla Bariise iyo Maxaabiisba,
wuxuuna sheegay in dirirta hada ka socota Isbartiibada ay xoogooda
isugu geyndoonaan kuna biiridoonaan xoogaga walaalaha Al shabaab
ee daraf ka qabsaday Garoonka kuwaas oo iyagu kasoo galay dhanka
Towfiiq, wuxuuna Sh Shariif intaa ku daray in uu Saxaafada dib ula
hadlidoono.
Guuleysta waa wixii aan sugaayey waa wixii ay sugaayeen shacabka,
"jabiya Gaalad madowda Dalka ma`iyagaa nala leh" waxaa
sidaa tiri Hooyo Yaanyo danbiil ku sidatay oo aan idaacada wada
dhageysaneynay, waxaan isticmalayaa taleefankeyga si aan ula socdo
guulaha isdaba jooga ah marna Idaacadahan marba mid saartaa, Allah
Allaah, Bishaaro kale waxaa durba maqlayaa Mujaahid Abuu Mansuur
oo leh waxaan kulaaleynaa Saldhigyada waaweyn ee Baydhabo waxaana
socda dagaal aad uculus, isagoo mar la weydiiyey cida ku wehlisa
Alshabaab dagaal yiri"Walaal waa laga soo gudbay xiligii naloo
kala saari jiray Qunyar socod iyo Argagixiso waxaana mahadaa leh
Allah sw waxaana dagaalka nagu wehliya walalaha Jabhada Islaamka
Soomaliyeed ee Jabiso".
"Ma`raadiyahan yar ee aan sito ayaan farxad darteed la tuuraa?,
ma`waxaan xusuustaa Maalmihii Madoobaa ee Samirka Culimada nagu
waanin jireen?, cako yaa Boqol iiga dhiga aan baqti badan ka talaabsadee".
Mansuur haduu Baydhabo ka shanqarinaayo maxaa uyaal meela badan
oo cadowgu dagan yahay?, Raxmaanow iigusin inaan guusha oo dhameystiran
arko, Madaxtooyada waxaa fananaaya Jabiso oo Guutooyin xoog badan
ah waxaana ku wehliya MMI sidaa ayuu u sheegayaa Saxaafada Afayeenka
Jabiso Farxaan ciilmooge, wuxuu Farxaan leeyahay waxaan soo qabsanay
ilaa dhanka Tiyaatarka iyo wardhiigley jidka Caga dhig, wuxuuna
leeyahay Dagaalku wuxuu ku socdaa dhabihii Awood badanaha nagu abaal
marinayey samirkaan usoo galnay, isagoo sheegay in ay marwalba kusii
siqayaan Madaxtooyada ayna qabsadeen Afafka Safaarada Itoobiya,
isagoo xaqiijiyey in ay ugu dhex tageen Safiirkii Xabashida oo dhaawac
ah gacantana ay ku hayaan si ay ugu badashaan walalo uxiran cadowga.
Ma`ilmadaa iqubaneysa?,Allahu Akbarta aan Takbiirsado Gaalo Dhoorey
Godkeedaa Biya ugu galay, durba Shiiq Fu`aad Shongolo oo aan waayadan
la maqal ayaa Ciidamado Mujaahidiinta Al Shabaab ah oo uu hogaminaayo
ay Geeska Xaafada Madiina kasoo galay Kuwa sharciyeynayey Gumeysiga
ee AMISOM,Mujaahidka oo ay codkiisa ka muuqato qiiro ayaa sheegaya
in ay Gawaari ka qabsadeen cadowga, Dagaal saf balaaran ahna uu
socdo,Allow ku xafid adiga iyo inta Mujaahid ee kula socota,waxaa
idaacada soogalay Mujaahid Cumar Xaashi wuxuuna Korneylku sheegay
in Baladweyne ay Xorowday cadowgana ay ka qabsadeen Hub fara badan
iyo Maxabiis isagoo sheegay in Ciidama xoojin ah ay uga yimaadeen
Shabeelada Hoose oo uu horkacayo Sh Tuurxume Rabbina usahlay in
cadowgu soo afjaraan awoodiisa.
Maalmuhu iguweynaa maxey Mujaahidiintu makansadeen Maganta Illaahey,
waxaan xusuustay Shacabka dibadaha jira ee Qalbi Mujaahid iyo Qarash
Mujaahid aan ubixiyey ee qaarkood Sariiraha la saaran Cudur ay dawadiisu
tahay Dalkoo Xorooba, away Gabadhii Dhiigu furmay markii ay maqashay
cadowgii Dalka waa qabsaday kadib dagaalkii sagaalka cisho ee labadii
kun iyo Todobadii iyadoo Naf ka dhowr ahna la dhigay Cisbitaalka
Abuu sanada ee Jiddah,Tollow ma`ogtahay Gabadhaa Guulahan aan ku
diirsaney?, sow ma ogi in qaar badan ay ku hurdi jireen Cadowgii
madoobaa caawa maladin?, ma`waanan ka jawaabin Taleefana badan kuwaa
oo ay iga soo waceen qaar farxad la oynaya,qaar aanba hadli karin,
qaarba si, aniga nafteydaa lamida oo aanan Juuq awoodin Jiifna Warkiisa
daa ama in aan damiyaa Taleefankeyga Hormuud.
Adba garo wali waxaan hadba weydiinayaa oon wacayaa horjooge Mujaahid
ah sida in aan ahay Taliya Guud ama Wariya shaqadiisa ku jira, waxaan
weydiinayaa sida ay ku sugan yihiin Guutooyinkiisa aanan kala joojin
Xabada tan iyo Afartii Cisho ee lasoo dhaafay,waxaan ogaanayaa in
Guutooyinka Iidaale ee sida aadka ah u tababaran ay Afgooye ku qaadeen
Guluf ay cadowgu sara madaxa uqaadi waayeen kuwaa oo iyagu ku leh
Dagmada keydka ugu weyn ee looga guro Hubka Xiryaha Muqdisho ku
yaal, waxaa Guutooyinkaa horkacaaya Afayeenka Siyaasada MMI Sh Maxamuud
Sh Ibraahim Suuley, ogow waxaa durba laga soo sheegayaa Guulo bilow
ah iyo in beerta ay dagan yihiin Xabashido bar gubaneyso.
Dhanka kale Waxaa Shir Jaraa`id qabtay Jandaaydii Madaxa Dhukurneyd
aheydna Wakiilka Mareykanka ee Geeska, iyadoo Saxaafada usheegtay
in aanan loo dulqaadan karin Dagaalka socda loona baahan yahay in
la xaqdhowraa Heshiiskii Jabuuti, waxaa kaloy tiri waa in ay Nabadgalaan
Ciidamada caawinaada uyimid ee Itoobiya iyo kuwa Amisom, markasaan
Afka ka iri "sow kaama weyn iga bixi, sowkama weyn Jandaay
Dadka Masaakiinta unax oo Diyaaradahada naga deyso, Maantaba Cirka
kasoo daadi waxaad heyso koley waan ujeedaa Diyaradahada si Sare
iyo si Hoosay udul heehabayaan hawada Muqdisho,Baladweyne iyo Baydhaba",waxaanse
la`yabanahay yaa Hoteel udagan oo ay la hadashaa? ma`kuwii looga
yimid Asmara iyo Jabuuti? waaba hadey joogaan, qaarna xaqiiqdey
qaateen oo Gudahay soogaleen, qaarna Ingiriiskey ku noqdeen, Nin
walbana camalkiisuu qabsaday kii Alle dartii u Jihaadayey wali Shaqadii
kama bixin, kii Xil raadinayey ee awalba la`ogaa ama Culimada isku
diraayey si uu Ilmaha uga korsado ama dana Shisheeye ufuliyo Maanta
Muraadkada Mowlaa maya yiri kii Muslimiintana Aqbalay.
Sidii anigoo Raadiyaha usita iyo Taleefankeyga Hurmuud, Habeenba
Tuula seexda ayaan maqlayaa Malas oo leh Ciidankeena waan la baxeynaa
hadii Dagaalku nalagu caawin waayo isagoo dhaleeceynaya Dowlada
Mareykanka, wuxuuna sheegayaa in Dowladii ay Taangiga ku sideen
ay Guul dareysatay,maxaan kaa filaayey Mallaz Dijaal Cawarow in
aad sidaa u ooyidoonto, ma`waadan ogeyn in Wasaarada Gashaaniga
iyo Kuliyada Jaale Siyaad Ciidankii Gumeysiga ee ku jiray badankooda
is dhiibeen ayna dhagta dhiiga udareen Mujaahidiin uu hogaaminaayo
Sh C/raxman Janaqow kuwaa oo kusii wajahan Xirada Asluubta?, ma`waadan
ogeyn in Ciidankadii Niyada jabsanaa ee ku sugnaa Masaajidka Sh
Cabdi ee Cali Kamiin ku yaal ee aad ka dhigteen Kaniisad iyo kuwii
Xarunta Xisbiga ku jirayba in Mujaahidiin uu horkacayo Sh Xasan
Dahir Aweys ay ka dhigeen wax baqtiya iyo wax laqabtaa oo haweenka
laga adeejiyaa?.
Ma`waadan ogeyn in Cisbitalka Carafaad,Gubta iyo nawaaxigaa Mallasow
ay soo nadiifiyeen Xoogaga Caaboon ee Jabiso ee uu horkacaayo Sh
.......kabigana soo saaray Isbartiibo oo ay horay dhinaca kale uga
hurgufaayeen Dhinbilo Rasaas ah Mujaahidiin hormuud uu ka yahay
Sh Shariif iyo Mujaahidiinta Alshabaab?, Ma`waadan ogeyn Males in
dhamaan Walalaha Mujaahidiinta heshiiyeen Rabbina Muwaafaqadaa nagu
siiyey Guuusha? Nacabkiyow kanaxoo Nafta waa.
Afayeenka Jabiso ayaa markale Idaacada kusoo noqday wuxuuna sheegaya
in Rag badan ay gacanta ku dhigeen Ragna Xukunka Alle lamariyey,kuwa
ku baqtiyey Dagaalka Madaxtooyada ka socda ayuu ka magac dhabay
Xuubsireed,Daahir Maxamed Xirsi,C/di Xaaji Goobdoon,Darwiish,iyo
Askar, isagoo sheegay in qaar uu Nuurcade ka mid yahay iyo Axmed
C/di salaan dhaawac yihiin, qaarka ay hayaana ay dib kasoo sheegidoonaan
Magacyadooda, isagoo sheegay in Rag waaweyn oo Gaala wad ahaa ay
ka mid yihiin, waxaan is warsaday kuwa lahayaa ma`waxaa kamida Cabdulahi
Yusuf,Maxamed dheere iyo Siciid dheere, mase Gabre, markasaan is
iri horta aan utago Nuur cade iraahdana Maadama aad Aabahey Korneyl
Barre Xaaji Allaah yarxamuyee aad saxiib qaaliya ku aheydeen Ciidanka
iyo kadib intaanu saaca kaa wareegin Maantana wada xun in ay Nafta
kaga dhacdaa aad halis utahay Nuurow Naar iska bad baadi Ilaaheyna
utowba keen oo Cafis warso koley dhaawacada in aad ka`kicidoontid
ma`ogid, hadaad ka kacdana xisaab Aduunya kuu dhiman iyo tii Akhiro.
Digfeer Ciidankii ku jiray iyo Xeradii Horseed ee Itoobiyaanka ahaa
iyo Copy-goda waxaa Dagaal bal baliyey oo Barakeysan ku qaaday Mujaahidiin
uu korkacaayo Sh C/di qaadir Cali Cumar waxaana ka baxay dhawaaq
cadowgii, waxeyna ciidankaasi isku soo dharariyeen ilaa Saybiyaane,
durbana waxaa lasoo shegayaa in C/di Qeybiid ku mid yahay kuwa lagu
qabtay, wuxuuna iska hor`imaad culusi uu ka socdaa Hoyiga Gabre
ilaa Sona K,Bishaarada kaloo timid ayaa ah iyadoo Guutooyinka Shuhadada
Badamadow lasoo sheegayo in ay soo dhafeen Baraawe, Shuhadada Badamadow
ayaa waxaa horkacaaya Sh Xasan Turki, Guutooyinka Shuhadada Badamadow
ayaa ku wajahan in ay u nusreeyaan walalahooda inta badan Xarumaha
uu cadowga fadhiyey qeybo ka qabsaday ama qaarna qabsaday qaarna
wali ay Xabadu ku socoto, Markaan arkay Guulaha isdaba yaal iyo
in cadowgii Gooba badan laga soo saaray ayaan inta Idaacadaha mid
ka mida wacay ka bilaabay in aan Mujaahidiinta ku Gubaabiyaa Gabaygii
Abwaan Dhirbaaxa Jinni utiriyey Mujaahidiintii ku jirtay Dagaalkii
Saban saban ee Xabashida dhagta dhiiga loogu daray.
Qaranimo Dadkii doonayo iyo inuu Calan qaato
Qurbacdaa mayara iyo Nimuu Gumacu Leefaaye
Qarniyaal ayaa lagu waday Qoob ku Diririkaaye
Qalbigeena iyo haduu ogyahay Qaatilnimadeena
Qalfooftaa lasoo uruurshay Qalab ma`keeneenee
Qasabuu inoo baran markaad Dacar u Qooshtaanee
Qofka kaadi taga waa in laabtu Qaraxdaaye
Isagaa qanci ee Xaajadu Qabow haloo diido
WQ Qorra iyo Saxafi: Maxamed Barre Xaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|

|