News from Somalia in Somali |
Ha
Jareexin Caashaqa.
Hobalka qaada: Cabdullaahi
Cali Dhuuboow.
Laxanka: Cabdullaahi Cali Dhuuboow.
Jacaylkaagu inanyahay
Wuu I jahawareershoo
Jamaad aragtidaadeey
Jilataa nafteydii
Jammaal-qurux wanaageey
Jeegaan bil-dhalatiyo
Jaahii cadceeddaay
Luul iyo jawharadeey
Hogol juuca bi'isaay
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Jooggiyo hannaankiyo
Jimihiyo xubnaha guud
Timaha dhabarka jiifsaday
Ilkahaaga jaangoan
Jilbis midabka dahabka'a
Marka aan jalleecaba
Samsam jammashadaadaan
La jiriiricoodaa
Jacayl baa I laasima
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Inanyahay jar roob iyo
Jiilaalku kala wacan
Jacayl iyo nac kala wacan
Jannadii fardoowsiyo
Jabal naara' kala wacan
Jidhka iyo quluubtiyo
Jaahana u kala roon
Samsam jaadka aa tahay
Rubaddeyda jammatoo
Qalbigaad dhaxjiiftaa
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Adaan jawharad iyo dahab
Kaa jeclahay nafteydii
Alloow yaa Jammaadeey
Jiinkii shabeeliyo
Jubba kugu aroosaa
Jawhar kula dalxiistaga
Ood Jaamac iyo Qeys
Jammaal Hibo u qaaddaa
Intaad dunida joogtana
Jacaylkaaga laasima
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Gabadhaan jeclaayeey
Jidhka waxaan ka naaxaa
Nafteyduna jubbootaa
Jacayl-farax caweeyaa
Habeenkii riyada jaan
Adigoo jammaal wacan
Jaaha roobladhaca iyo
Jeegaan dhiggeeda'a
Marka aad jalleecada
Igu labajibbaartee
Jacaylkeennu maradhala
Hareertaada jiifsada
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Waxaa jammashadeyda'a
Inaan jawharadluuleey
Jacaylkeenna inanyahay
Jaangoynta caashaqa
Sidii loo jaheyn lahaa
Uga dhaca jar iyo buur
Wixii jeer na soo maray
Jeelkii na daayaa
Jacayl dhaba' wadaagnaa
Jaliil sidaan ka filayana
Oori aan jeclahaad noqon
Sidaan kuu jantoo kale
Ii jecloow xayaatii
Ku jecliyaa xabiibtii
Ha jareexin caashaqa.
Curiyaha: Abwaan
Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza).
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|