News from Somalia in Somali |
Maxaan ku doortay
Nuradiin - musharaxa madaxweynenimada PL ?
18kii sanoo la soo dhaafay, waxaanu aragnay shaqsiyaad
aan ka warqabin degaanada ay u dhasheen , waxbana aanan tarin balse
u isticmaalay sumadda ay wataan inay uga faa'iideystaan ka qeyb
galidda doorashooyinka Puntland iyo shirarkii dibedda Somaaliya
loogu qabtay.Dadka noocaas ah hadda waxay ku badan yihiin musharixiinta
laakiin ma rabo inaan carab dhabo, anigoo dadweynaha u dhaafay inay
iskood u gartaan.
Arrintaan waxay soo xasuusineeysa inta waayeelka ah, dooroshooyinkii
Somaaliya ka dhici jiray Kacaanka ka hor oo ay dhici jirtay in qof
uu kursi u soo doonto degaan uusan ka warqabin,beeylihiyey amase
waligiisba uusan tegin laakiin reerkiisa ay degan yihiin.
Waxaa kaloo iyaduna la arkay in qofka noocaas ah marka uu helo ama
uu waayo kursiga uu soo doontay inuusan ilaa doorshada dambe uusan
ku soo noqon jirin meesha dadka codkooda uu rabo ay degan yihiin.
Dhinaca kale, waxaa jira rag & dumar fara badan oo dibed joogidda
ka doortay dalkeena hooyo. Dadkaasna waxay iskugu jiraan kuwo markoodi
horayba aan dalka ka soo bixin iyo kuwo dalka dib ugu noqday si
ay umaddooda ugu kordhiyaan maskax, murug iyo maalba.
Dooroonayaashaasna dhinaca PL waxaa laga soo qaadan karaa Dr. Xaawo
Adan iyo Dr. Fadumo Jabriil oo waxtarkoodu ay sida qoraxda u cad
yihiin.
Dhinaca ragguna, waxaaba tusaale fiican inoo noqon kara aqoonyahanka
da'da yar ee dadkiisa inuu u shaqeeyo ka door biday jagooyinka sare
ee uu dibedda ku heystay.
Tusaale ahaan, isagoo madaxda qorsheynta ee magaalada Camden ee
London ka mid ah ayaa ergo waxaa u soo dirsaday Gen. Cade Muse si
uu madax uga noqdo hay'addii tageerada dadkii ku waxyeeloobay Sunaamida
loo abuuray ee cid lagu aamino la waayey.
Nuradiin codsigaas wuu aqbalay, wuxuuna dan yarta PL u keenay malaayiin
doolar iyo la siiyo dadkii dhibaatada soo gaartay min guri daar
ah, doon kulluumeysi iyo matoor dabka dhaliya.Waxaa kaloo dadaalka
Dr. Nuuradin lagu helay oo kale isbitaalo iyo iskuulo in laga dhiso
PL siiba degaankeeyga Baargaal ee boqolaalka sano la illoobay.
Waxaana waligeed la illoobi doonin sidii uu uga dhiciyey dadkii
damacsanaa inay boobaan waxyaabihii loogu soo talla galay masaakiinta
ku waxyeeloowday dhufaantii ka dhacday Waqooyui Bari.
Si kastaba ha ahaatee, waxay illa tahay inayan reer PL aysan illoobi
doonin abaalka uu ku leeyahay musharaxaan, uguna abaal gudi doonaan
codkooda iyadoo maanta la wada rabo qofka sifooyinkiisa oo kale
leh,laguna aqoonin tuuganimo,eeh iyo anshaxumo.
Hadalkiina waxaan ku soo gooyey, anigoo ku leh Nuuradiin,"
Madaxweyne noqdoow Diiriyow ha baqan ".
Abdi Ali Baargaal
Abdi Ali Baargaal" <abdi.baargaal@gmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|