News from Somalia in Somali |
Warqad furan oo ku socota:
Badhisaabka Gabiley .........Saaxiibkay Maxamed-Xabiib
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Walaal Maxamed: Asalaama caykum wa raxmatullaahi
wa barakaatuh. Waxa kula hadlaya; Maxamed Xirsi Guuleed. Waxa i
soo gaadhay in laguu doortay guddoomiyaha gobolka cusub ee Gabiiley.
Markii aan warkaas maqlay lama aan yaabin. Maxaa yeelay? waan ogaa
in aad u qalanto jagadaas iyo mid kaleba. Waxa aan la socdaa amaba
aan dareemi karaa in ay ku soo gaadheen hambalyooyin aan la soo
koobi karin oo kaaga kala yimid dad aydun asxaab ahaydeen, qaar
aad ehel tihiin iyo qaar aad dusha uun iska taqaanneen iyo weliba
khalqi badan oo hadda uun ay isugu kiin horrayso. Aniga qudhaydu
waan naawilay in aan kula soo xidhiidho oo aan tilifoon kuu soo
diro. Dabadeed waxan ka fekeray wixii aan kugu odhan lahaa. Waxa
ii soo baxday in aanan tilifoon kuugu dhammayn karin, wixii maskaxdayda
ku soo dhacay. Markaas ayaan go´aansaday in aan kuu soo diro
farriin qoraal ah. Haddana waxan ka fekeray sidii aan kuu soo gaadhsiin
lahaa qoraalkaas. Waan hayey sanduuqaaga internetka oo waan kuu
soo dhigi karayey. Laakiin waxan door biday in aan warkayga hawada
kuu soo mariyo si dadkoo dhamiba u ogaadaan. Adigu hadda waxa aad
noqotay qof dadka u dhexeeya oo warkiisa in la ogaado la wada rabo.
Dhinaca kale waxa jira dad badan oo kula meeqaan ah oo xilal kaaga
la mid ah haya. Kuwaas qudhooda farriintaydu way ku socotaa.
Walaal Maxamed: Aniga farriintaydu ma aha ?hambalyo
iyo bogaadin? ee waa heegan-gelin iyo hogatusaalayn walaalnimo.
Waan kuu warramayaa, waanan kuu digayaa. Waxa laga yaabaa in aad
ku faraxday jagada laguu magacaabay. Waxa laga yaabaaa in aad u
mahad-naqday qof kuu soo hambalyeeyey. Waxa kaloo laga yaabaa in
ay badanyihiin dadka ku majeeranaya ee u arka in aad si fiican cagta
uula heshay jaranjarradii darajooyinka adduunka lagu fananayey.
Laakiin anigu dhinac kale ayaan arrinka kaa tusayaa ee bal dhugo
warkayga.
Walaal Maxamed: Marka hore waxad ku sallidaa sharaf
badanihii laguugu magac-daray, Maxamed Rasuulullaahi(scw). Qof walba
dadka waxa ugu jecel waalidka dhalay. Adigana waalidkaagii waxa
ay kuugu magac-dareen qofkii ay u arkayeen in uu bina aadanka ugu
khayr badnaa, si aad khayrkiisa wax uga mudato, waa Nebi Maxamed
e (scw). Haddaba suubanahaas laguugu magac-daray muxuu ka yidhi
jagadan aad ku magacaabantahay?
Wuxu yidhi khayr badanuhu scw: ?Ma jiro Qof u taliya
xiitaa toban qof , hadduu jirana waxa la keenaayaa maalinta qiyaamaha
isaga oo katiinadaysan, Wax aan caddaalad ahaynina kama furfurayso
katiinaddaas?. Xadiiskaas waxa soo weriyey sheekh Mundiri
Waxa kale oo uu yidhi Nebigaagi suubaanaa scw: ?Ma jiro qof amiir
ah oo muslimiin u taliya oo aan isu dhibgelin una nasteexayn, haddiise
uu jiro jannada ma galo?. Waxa soo saaray xadiiska Imaam Muslin
Haddii aad u fiirsato labada xadiis waxa kaaga soo baxaya in aad
ku badbaadi karto uun saddex arrimood oo kala ah:
Caddaalad
Hawlgal waxtar leh, oo dhibkiisuna adiga kugu dhaco dheeftiisuna
umadda u hadho
Dadka iyo Hawsha aad u qabanayso oo aad daacad ka ahaato
Haddii Alle kugu guuleeyo taas oo lagaa helo caddaalad, dadaal iyo
daacadnimo, waxan kuu hayaa bushaaro weyn iyo hambalyo aan la soo
koobi Karin. Bal u fiirso samigaagii khalqiga ugu khayrka badnaa
iyo Nebigaagii adduunka nuuriyey Maxamed Binu Cabdillaahi (scw)
bushaaradiisa:
Wuxu yidhi Nebigu scw: ?Kuwa caddaaladda sameeyaa,
waxa ay Alle agtiisa ku leeyihiin kuraasi nuur ah oo midigta Raxmaanka
taal, - Ilaahay labadiisa gacmoodba waa midige- Kuwaasi waa kuwa
ku caddaalad sameeya xukunkooda, ehelkooda iyo xilalka loo dhiiboba?
Xadiiskan waxa soo saaray Imaam Muslin
Waxa kale oo uu Nebigu sheegay Todobada qof ee maalinta qiyaame
loo hadhaynayo in uu ugu horreeyo imam caadil ah. Imaamku waa ninka
cid muslimiin ah xukuma ee taladoodu ka go´do, sida aad haddeer
adigu tahay oo kale.
Walaal Maxamed: Haddii aad intaas fahantay waxa kuu caddaanaya in
aad tahay nin itixaan weyn gacanta loo geliyey. Laga bilaabo maalintii
aad guddoomatay xilkaas ilaa maalinta aad ka tegi doonto, waxa aad
ka dhigantahay nin fadhiya qolkii itixaanka. Hambalyada ama habaarka
waxa aad mudan doontaa marka ay caddaato in aad itixaankii ku dhacday
ama aad ku baastay. Haddaba ma isu aragtaa nin itixaan ku jira?.
Maxaase calaamad u ah qof itixaan ku jira?
Walaal Maxamed: Ma tihid, guddoomiyaha gobolka Gabiilay
oo keli ah ee waxa aad tahay ?guddoomiyihii ugu horreeyey? ee gobolka
Gabiiley. Taas macneheedu waxa weeye; jidka aad maanta jeexdo ayaa
gobolkaas ku raagi doona. Dadku waxa ay odhan doonaan ; ?waxa sidan
iyo sidaa? jideeyey guddoomiyihii ugu horreeyey ama wuxu arrinkani
dhaqan noqday xilligii guddoomiye Maxamed-xabiib. Haddii ay khayr
tahay waad liibaantay, haddii ay xumaan noqotana waad hoogtay, Rabbiga
kacbada ayaan ku dhaartee. Bal hadda u fiirso xadiiskan saxeexa
ah ee Nebiga laga soo weriyey. Wuxu yidhi run badanuhu(NNkh): ?
Qofkii jideeya dariiq wanaagsan wuxu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka
ciddii ku dhaqanta iyadoo aan qofna ajarkiisa waxba laga dhimahayn.
Qofkase jideeya dariiq xun, wuxu leeyahay dembigiisa iyo dembiga
ciddii ku dhaqanta, iyadoo qofna aan dembigiisa waxba laga dhimahaynin?.
Waxa xadiiska soo saaray Imaam Muslin.
Halkaa waxa aad ka qaadataa in aad joogto kaalin
ama jago lagaaga dayan karo dariiqa aad jidayso. Ma waxa lagaa dhaxli
doonaa; musuqmaasaq, eex, laaluush, muqayilnimo, tumasho, xafladayn,
xoogsheegasho, kibir, horumar la´aan, isbedel la´aan
iyo xatooyo xoole dadweyne. Mise waxa lagaa dhaxli, Caddaalad, xaqsoor,
is-dhul-dhig, horumar, hammi badnaan, danyar kalkaalnimo, daciif
u hiilin, dhaqaale abuur, marti-taakulayn, diin kor u qaadid, culimo
karaamayn, cilmi kobcin iyo ciidda oo la aamino. Labada siyoodba
waad kartaa.
Walaal Maxamed: Gobolkan xilkiisa laguu dhiibay
iyo geyiga umaddeenna intiisa kaleba, waxa ka jira waxyaalo kaabi
kara horumarka iyo waxyaalo xagal-daacin kara. Waxa lagama maarmaan
ah in hoggaamiye kasta oo xilkaska ahi fahmo goobaha umaddu ka nugushahay
ee guuluhu ka xagal-daaci karaan iyo kaabayaasha haddii la xoojiyo
guushu ku soo dhawaan karto. Jirtoo aan dareensanahay in aad arrimahaas
ku baraarugsantahay haddana waxan jecelahay in aan qaarkood kugu
adkeeyo.
Xagal-daaciyeyaasha guusha waxa ka mid ah:
Qabiilka iyo Qabyaaladda
Musuqmaasuqa
Siyaasiyiinta hadhaadiga ah
Qaadka iyo qayilka
Hawl la´aanta
Isku tashi la´aanta
Kaabayaasha guusha waxa ka mid ah:
Dadka
Diinta
Aqoonyahanka iyo ardayda
wakhtiga
iyo Dhulka
Walaal Maxamed: Waxad ogaataa in qabyaaladdu tahay
mushkiladda ugu weyn ee lagu mashaqeeyey umadda soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogto. Bahalkan qabiilka ah oo aan dhaqankeena ka tirtirno
mooyaane si kalena uga samatobixi maynno. Haddaba adigu maanta qabiilka
ma tirtiri kartide, waa in aad caddaalad kula noolaato. Haddii Alle
kaa badbaadiyo ku camalfalka qabyaaladda, waxa aanad ka badbaadi
doonin ku eedaysnaanteeda. Inta hayb ahaan kuu xigtaa waxa ay kugu
eedayn doonaa,; shisheeye kalkaalnimo, doqon iyo mid abaal daran.
Inta hayb ahaan laf kale gashaana waxa ay kugu eedayn doonaan in
aad u burisay xigaalkaaga, in aad iyaga necebtay oo aad cuqdadaysan
tahay iyo arrimo kale. Allaahu mustacaan. Haddii aad sabirto oo
aanad xaqa ka leexleexan waa laguu wada garaabi aakhirka. Waxaanse
talo kuugu soo jeedinayaa arrimahan:
Waxan maqlay in gobolkan ay degi jireen marka laga
reebo beesha loo tiiriyo, beelo kale oo dhawr ah. Beelahaas badankoodi
way ku sii dabo-yaryihiin ayaa igu maqaalo ah. Si tarraxnaanta bulsho
u sii jirto bilicna ugu kordhiso gobolka, ku dadaal in aad ku negayso
beelaha kale gobolka, kuwa ku sii dabayarna ku soo celiso. Hana
kaa ag dhawaadeen akhyaartoodu.
Ma cammiranto weligeed meel cid soocani degtaa. Haddaba Si gobolku
uga badbaado beel soocan, ku dadaal in aad soo dejiso dad deegaannada
kale ka soo jeeda. Waxad samaysaa in aad ku casuunto deegaamaynta
gobolka dhawr kun oo qof. Ha la siiyo dhul bilaasha oo ay iska bixiyaan
cashuurta iyo sharciyeynta oo keli ah. Laakiin shuruud ha lagu xidho
in uu qof waliba ku cammiro goobtaas muddo kooban, sida meherad,
beer ama guri. Haddii qofku muddadaas ku cammiri waayana cid kale
oo cammirta ha lagu wareejiyo. Arinkani wuxu gobolka ka dhigi karaa
mid dhakhso u horumara.
Si qabyaaladdu u macno beesho, ha tix gelin kaabayaasha qabiilka,
sida annaga ayaa waxan lahaan jirnay iyo waxan ha nala siiyo iyo
afmiishaarnimada iyo dhulkan annaga ayaa kuwaas ka leh iwm. Shirarka
beelaha iyo shirarka beelaysan iyo la shirshirkoodu ceeb ha ka noqdeen
aktaada. Waa haddii Alle ku karsiiyo eh. Ma jirto sabab aad ugu
seeto dheerayso qabiilka, maadama aad joogto jago weedhaadu soconayso.
Walaal Maxamed: umaddeena waxa dhiigga ka galay
oo sidii kansarka ugu fiday musuqmaasaq, wax is daba marin iyo lunsashada
hantida guud. Waxad mooddaa in aanay dadkeenu xaaraanba u qabin
bililiqaysiga xoolaha aan gaarka loo lahayn. Waxanse filayaa meesha
umaddeena dabku kaga baxayaa in ay halkaas tahay. Wax ma ka qaban
kartaa mushkiladdaas iyada ah??. Ma mamnooci kartaa laaluushka?
Ma mamnooci kartaa gunnooyinka aan hawl lagu mutaysan? Ma joojin
kartaa shaxaadka afmiishaarka? Haddii aad taas samayn karto, waxba
ha ula hadhin. Waxaanan kugu adkaynayaa in aad adigu ugu horrayso
is xakamaynta. Mushaharka aad qaadanayso ah ahaado mid la yaqaanno,
adiguna aad taqaanno. Hadduu doono ha bato eh. Wakhtiga aad shaqo
ku jirto iyo wakhtiga aad danahaaga gaarka ah ku foogantahay waa
in la kala yaqaanno adiguna aad kala taqaanno. Qofka siddeed saacadood
shaqeeya iyo ka afarta saacadood shaqeeyaana yaanay isku mushahar
noqonin. Haddii aad sidaas yeesho, wax uun baad ka badbaadin doontaa
umaddan maalin walba wax ka sii dhacayaan ee ay hoosta ka cunayaan
kuwii lagu aaminay. Waxase kula kulmi doona dhib weyn. Waa lagaa
ashkatoon doonaa. Waa qof aan la af garanayn, waa nin dabeecad xun,
dano siyaasadeed ayuu leeyahay iwm ayaa lagaa faafin doonaa. Aakhirkana
waa lagu gebogebayn doonaa si meesha loo keeno mid aanay xalaasha
iyo xaraantu u kala soocnayn. Waa lagu gebogebayn doonaa sidii ku
dhacday Maxamed Xuseenkii reer Burco. Laakiin adoo xaq ku taagan
ha lagu gebogebeeyo ayaa fiican.
Walaal Maxamed: Waxa lagu ducaystaa ( æáø
ÇðãæÑäÇ ÃÎíÇÑäÇ
æáÇ Êæáø ÇðãæÑäÇ
ÃÔÑÇÑäÇ Çááåã(
oo macneheedu yahay : ?Ilaahayoow talada noogu dhiib kuwayaga khayrka
qaba oo ha noogu dhiibin kuwayaga sharka badan?. Umaddeena ducadaas
lagama ajiibin ilaa hadda. Mar walba waxa hormood u ah inta ugu
khayrka daran. Barwaaqo umaddani gaadhana waxa la filayaa oo keli
ah marka laga hor dhaqaajiyo siyaasiyiinta hadhaadiga ah. Siyaasiyiinta
hadhaadiga ah waxan uga jeedaa; kuwa nadaamka dawladeed ka bartay
gumaystayaashii iyo ardaydoodii ee dawladnimada u qaba; sidii gumaystuhu
ula dhaqmi jirey umaddeena iyo sidii ardaydii gumaystuhu ula dhaqmi
jireen isaga dabadii. Waxa ay garanayaan uun, xoog-sheegasho, amark
u taaglayn, laaluush, maal tabcasho iyo horumar soo kordhin la´aan.
Haddii aad awooddo waa in aad iska fogayso dadkaas dhaqankoodu fasahaaday
ee aan weli toobad keenin. Waa in aad isku hareereyso dhiig cusub
iyo dad is bedel doon ah. Isbedeldoonka ugama jeedo kuwa u xiiqsan
in ay kursiga ka ridaan qof si ay qof kale oo la mid ah kursiga
ugu fadhiisiyaan. Waxan isbedel doonka uga jeedaa; kuwa raba in
ay geedo cusub ku tallaalaan meel kasta oo geed laga gubay dhuxul
darted. Siyaasiyiinta hadhaadiga ahi bulshada way curyaamiyaan,
way cabsi geliyaan, mucaawino shisheeye ayey u ballan qaadaan. Isbedel
doonku se waxa ay rabaan in ay dadka kalsooni geliyaan, in ay isku
fillaansho gaadhaan iyo in ay Alle isku xidhaan oo ay isaga aqoonsi
ka raadsadaan. Kuwan iyaga ah isku hareeree. Waa haddii aad awooddo,
haddii kalena xilkan ha ku raagine iskaga tag, waayo? Rafiiqa xumi
aakhiradaada iyo adduunkaaga midna uma fiicna.
Walaal Maxamed: qaadka, hawlla´aanta iyo isku
tashi la´aanta umaddeena haysata warkooda kuma dheeraanayo
oo adba waad ka dheregsantahay. Waxa aan xasuustaa, beri aad Sweden
timid su´aal dalkii lagaa waydiiyey jawaabtii aad ka bixisay.
Waxa lagu waydiiyey horumarka dalkan iyo sida uu isu bixin karo.
Markaas waxa aad ku jawaabtay :?In uu wadankeenu sii jiro oo aanu
isku dumini waa arrin mucjiso ah. Maxaa yeelay dal aan waxba soo
saarin oo aan waxba dhoofinin, oo debedda kala soo dega wixii ay
cunayeen oo haddana qaad ku soo iibsada malaayiin lacag ah, waa
yaab sida uu u sii jiro? Markii aad hadalkaas lahayd aad ayuu ii
taabanayey maadama wax iiga baxsanyihiin arrimaha la xidhiidha National
economics. Si wadanka dhaqaalihiisu hagaag ugu shaqeeyo waa in ay
isu dheelitirnaadaan, waxa ay dhoofinayaan iyo waxa ay soo dejinayaan.
Haddii Alle ku karsiiyo waa in aad dadka gobolkaaga u jihayso sidii
ay cuntadooda ula soo bixi lahaayeen, gobollada kalena ay uga kaafiyi
lahaayeen cunto debedda uga timaadda. Waa in aad dadka hawl geliso
adiga oo aan u ballan qaada hayn barwaaqo soo dhaw. Dadka gobolkaaga
u jihee xagga diinta iyo shaqada, si ay qaadka isaga ilaalin karaan.
Adeegso culimada halgemayaasha ah iyaga ayaan adduun kaa rabin oo
mushaharkooda baanka aakhiro dhiganayee.
Walaal Maxamed: Waxa ugu muhiimsan
ee aad haysataa waa:
· Dhul beerashada ku wanaagsan oo haddii
si fiican looga faa´iidaysto baahida cunto dabooli kara.
· Iyo Dad u badan shaqo la´aan oo haddii
aad dhinaca wax soo saarka u jihayso, noloshoodu macno weyn yeelanayso
· Iyo Diin islaam oo haddii dadka lagu abaabulo
kuu noqonaysa awoodda ugu weyn ee midnimo iyo wax soo saar lagu
dhalin karo.
o Dadka u sheeg in ay dhulka cammiraan si khaliga
ilaahay uga faa´iidaysto. Hawsha iyo hantida ka baxdana in
ay sadaqad ahaan u niyeystaan oo ay baanka aakhiro dhigtaan. Haddii
aad taas ku guulaysato; midhaha tacabkaas intooda badani nolol ayey
ku gaadhi doonaan, aakhirana liibaan weyn ayey ugu tegayaan
o U sheeg dadka haddii ay dhulka ku beeraan geed
adduunka lagu manafacaadsan karo, hadhna ha ahaatee, in iyagana
jannada looga beerayo geedo badan sida uu ina soo gaadhsiiyey Nebigii
Ilaahay scw.
o U sheeg dadka in ay martida sooraan, masaakiintana
xoolo u gooyaan.
o U sheeg dadka in ay dembi-dhaaf dalabka badiyaan
oo ay had iyo jeer isugu soo baxaan Alle-bari, wuxu Allaha weyni
ballan qaaday in uu markaa raxmaddiisa u furayo eh
Walaal Maxamed: Dadka aad xukumayso ha u sheegin
been. Waayo? Nebigu scw wuxu yidhi: ?saddex qof ilaahay lama hadlo
maalinta qiyaame, dhinacoodana ma fiiriyo, dembigoodana ma dhaafo,
weliba cadaab daran ayaa lagu ridaa. Waxay kala yihiin; madax beenaale
ah, miskiin kibraan ah iyo oday weyn oo qaxaab ah?. Ilaahay kaama
dhigo kuwaase, dadka been ha u sheegin. Ha odhan barwaaqo ayaa idiin
soo socota, ee waxad tidhaahdaa barwaaqadu agtiinay taallaaye la
soo baxa. Ha odhan mucaawimo ayeynu sugaynaa ee ku dheh, idinku
is caawiya. Ha odhan ictiraaf ayaa idiin soo dhaw ee ku dheh, ilaahay
ictiraaf weydiista idinkuna is ictiraafa.
Walaal Maxamed: Amiirkii muuminiinta ee Cumar binu
khaddaab, muu seexan jirin habeenkii ilaa uu soo dhego dhegeeyo
bal in ay jiraan cid gaajaysani iyo in kale. Waxa laga soo weriyey
in uu yidhi: ?Wallaahi haddii baqali ku turanturrooto Ciraaq, aniga
ayaa Alle i waydiinayaa oo odhanayaa; Maxaad cumaroow jidka ugu
hagaajin wayday?. Waxan ka wadaa haddii gobolka Gabiilay, xoolo
ku harraadaan, ama qoys gaajo ku baryo, ama geed la jaro si dhuxul
looga dhigto, ama shil baabuur u dhaco waddada oo xun darted, adiga
ayuu xil kaa wada saaranyahay.
Walaal Maxamed: Ilaahay ha ku xafido oo ha ku asturo.
Waxan garanayaa rag akhyaar ahaa oo culimo ahaa oo markii ay muquurteen
siyaasadda, uu dharkii culimonimadu ka dhacay oo mafrishyada qaadka
loogu soo hagaagay. Ilaahay taas ha kaa kor yeelo. Waxaas aan kuu
sheegay waa iga waano. Anigayga kula hadlaya ayaana waanada kaaga
baahi badan. War intan ka badan ayaan kuu soo qori karayey. Laakiin
intaniba ma yara haddii Alle ku karsiiyo. Waxan doonayaa in ay xasuus
kuu noqoto, dadka kula shaqaynayana ku baraarujiso caawintaada,
kuwa gobollada kale iyo maamullada kale hayana ay u noqoto tusaale.
Wa salaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh
Maxamed Xirsi Guuleed
2008-08-14
abdibashir@hotmail.com
Posted by: Osman Abdillahi Sool. Freelance
Journalist. sooldhuub@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|