Somali News  
   
 


News from Somalia in Somali

KU CAASHAQAYE MAXAN KU CALFAN WAYEY
Sideedaad Part 8



Qofba waayihiisa
Ileeyn meel ku waaboo
Waynu kala fogaanee
Miyaan kuu waramey wali?

Waxan galay Nabsi anigoo u jeedana waan dhiibsaday jaceyl qof aan u qabay ayaan daruuf u indho saabtay naftaydii ayaan ciqaabay Gabar yar ayaan niyad jabshay aniga laftigayga ayaan aqoon waxan ku suganahay waxan is arkaa anigoo heesaya qaadayana hees uu lahaa Fanaanka caanka ah ee Mohaemd Ahmed Kuluc.

Qofba waayihiisa Ileeyn meel ku waabooWaynu kala fogaanee Miyaan kuu waramey wali? inta badan markaan joogo xaafada ama aan joogo Xafiiska ayaan qaada lakinse dad ku ma fahmaan in heystaan aan u qaadayo qof aan jeclahay hadana aan rabo in aan oga warbixiyo waxa i qabsaday oo jaceyl keedii iyo kii aan u qabay naso dhexgalay, balse Fartuun heesta markii aan qaadayo waxa ay itiraahda qoftaas maad lahadashid oo usheegtid sida ay wax isku badaleen xitaa waxan ku ogolahay in aad ila guursatid ee adigana ha is ciqaabin ayadana ha iqaabin, Fartuun waxa ay tahay gabar uu dhalay adeerkay balse waxa ay siitahay gabar aan qabo waxan ka baqay Adeer oo hada jiroole ah in uu maqlo in aan guursaday Hodan waayo Adeer aad iyo aad ayaa waxa ugu kacsan Sokorta iyo Dhiiga tasna waxa ay sababtay in aan ka ilaalsho wax kasta oo dhibaya xitaa waxan la dhowray in uu aado shaqooyinkiisa waana shaqada aan ku jiro habeen iyo maalin waxa i haysata Arqalad ween oo Hodan aan cidlo aan oga tagay balse waxan hilmaamin Jaceyl kii aan uqabay Hodan

Naftayda ayaan ciqaabayey waxan go aan saday in aan Email udiro waayo moddo Sanad ah ayaan ka aamusay codkeedana waxan ka baqay in ay u dulqaadan weydo

Ku:Gacalisadayda Hodan

Salaan cuddoonoo Calooshiyo beerka Cududada jirkeygiyo Caqligeyga ka timid Carrabkeyguna carrifoo Cirkaa sareetiyo Gaadhay caadkaa Camidhay adduunyada Oo ruuxey u caraftaa La cajaa'ibayaan Calaacalaha ku sidaaye Hodanay iga guddoon Ceynka kale cuddooneey Cantar kii xijaabiyey Ceebla' ciribta gooyay Calimaax cunaha jaray Ku dabaashay cowraloo Cilmi aakhiro u diraa Anna calanka ii suray Carfooneey aawadaa Ceyshkii ka go'ayoo U ciishooday nafteydii Cishqigeyga inuu jiro Waxaa kuu caddeyn kara oo misna kuu calaamad ah Cadgo'a jirkeygiyo Ceynka aan isku beddelay Waxanse u cabanayaa raali galin in aad iga qaadato macaanay Salan kadib, warqadan waxan kugu soo qoray in ad i cafisid wayo moddo

dher waxan jaray Xirirkaga, Run ahanti waxan la kulmay Arin labadeena nakala jaray, waxan aday somalia markan kasoo noqday waxan la kulmay Adeer oo Sakaraad ah oo isbitaal ku jira, waxa uu iga codsaday si uu Reerka u dumin xoolahana aysan u baabi in in aan guursado Gabadhiisa Fartuun wana codsigiisa ugu horaysay oo Adeer iga codsaday waan dhaafiwayey waxana go aan saday in aan Adeer Gabadhiisa guusado Gabar maskiin ahna aan ka galo Nabsi, Hayeeshee waqti kasta adiga ayan kula jira oo nafsadaydii oo dhan Fakar ayaan ku qaatay sidaas awgeed waxan kugu soo qoray warqadaan in aan ku sheego waxa nakala Jaray waxana filayaa Cafis iyo in aad ifahantid waayo waxad tahay qofta kaliya aan fahmay intii aan la socday

I love you Macaan waxan ka sugayaa jawaab hadii alle idmo abaayo macaanto

Gacaliyagaha

Isla galabtii waxan Furay Email kaygii waxana ku arkay warqad ku jirta oo ay soo dirtay Hodan, inta uu furmayey internetka oo xogaa culus waxan ka bixi wayey wal wal iyo waxa ay ugusoo jawaabi donto balse sidaan ayeey ugu soo jawaabtay

Ku: Hanad yare

Nolasha ayaa qiso xabaarsan, calafkana waa waxa uu rabi qoray, nabsiga aad gashayna waa naf aad goysay, Email kaad isoo dirtay waxan filayey in aan ku farxi doono waayo muddo ayaan kala maqneed waxana ku soo diri jiray warqado igama aadan soo jawaabi jirin balse Email kaaga waxa uu watay Murugo, Qalbi jab, iyo in ay iga qubato ilmo, Hadda waxan ku dhaho magaran karo maxaa yeelay waxad moodeysa in nafta ay iga baxayso, hadii aan heli karo wax iga qaadana madiideen, maxad sidaas igu gashay Axdigii maxad oga baxday miyaadan ogeen sanadka aan kala maqneen dhibta iyo Rafaadka aan maray, ma ogtahay in layga soo doontay cidayadi balse aan diiday, cidana dhibaato badan aan isla soo marnay intasba waxan usamenayey sidaan ku heli lahaa balse adiga waad isbadashay Xoolo ayaad heshay Gabarna waad Calfatay waqtigana wuu ku hiiliyey balse Nabsi ayaad iga gashay, shalay waxad ka cabanaysay Farxiyo balse mantay fiiri dhibta ihaysata aniga Adiga Cidlo ayaad igaga dhaqaaqday Cidayadiina waan kala dhibamay Meel Cidlo ah yaan ku dhacay Sorry wan ka xumahay qadarka ayaa ii qornaa

Bye waa qofti ku jecleed
Markaan helay Email keeda waan aqristay kadibna waan u jawaabay

Ku: Hodan

Sidaas mahan, waxan jeclahay waa adiga oo kaliya balse waqtiga ayaa iga heelshay, Nolashayda waxan jeclaa in aan wax badan ka badalo balse weynoqon wayday, waxa subax igu soobaxday Gabar Burji wadata waana adiga,waxan bartay Adeerkay adiga ayaa usabab ahaa, waxan ka helay Garab, ilaa heerka aan taganahay mantay, lakinse runtii waxa ah in aan nabsi kaagalay, ma rabo qof jaceyl kiisa in aan bur bursho ama aan galo nabsi hada waxan ku ahay wili sidadi, oo adiga mooye cid kale ma jecli, hadii aad arag laheyd jaceyl kaaga dartis sidaan u ekaaday waad ii garabi laheyd, Lakinse masiibada meel ay igaga timid garan mayo iyo dhibtaan aan iga harayn, waayo waxan niyada ku hayey markaan wax barto in aan ku heli doono lakinse Wax barashadii markaan bogay Adeer ayaa ii dhiibay Company ka mid ah Company yaashiisa, kadibna waxan aday Soomaaliya waxan soo laabtay Adeer oo sakaraad ah waxana uu iga codsaday in aan Cidda aan hayo iyo xoolaha Gabadhaasna aan guursado, hada Daruuf ayaa i haysata walaalay macaan ha igu siideen Duurka waxan ka rabaa Garab buuxda waxana jeclahay in aad noqotid Jaceyl kayga meel kasta aad joogtidna waan kugu imaanaya i love you manay.

Hanad yare Gacaliyahaga

Kadib markii ay heshay Aqbaartayda labaad waxa ay gashay Shil

MAXAA ANIGA II QORAY QAHARKA

Waxa jira laba qof oo mataamo ah, anigana waxan ahaa Mataan oo Qiso ayaa ila mataan sana, Markaan Hanad qaaday waxan arkay Rajo xumo badan waayo waxan ka dhashay Qoys Faqiir ah oo ku dhaqan Baadiyaha, kadib waxan imid Kenya oo ah Magaalo weyn oo Hami iyo Rajo ay ka buuxdo waxan helay Responsor dibada ah balse waan soo baasay waxana ku xarooday Airport ka lakinse Falaygii aan Raaci lahaa waa la baajiyey waxana sababay Qarax ka dhacay New york iyo Washintown markaan soo noqday waxan arkay in wali ay ugu gadarsan tahay Rajo xumadii , waxan jeclaaday Farxiyo balse waan Calfan wayey, waxan jeclaaday Hodan balse anigoo arkaya ayaan iska indho xiray Daruufo i haysata, hadana waxan maqlay Hodan in ay Gashay Shil kuna beeshay jug kasoo gaadhay Madaxa Indhaheeda iyo Codkeedi waxana u sabab ah Aniga, waayo waxa ay waligeed ku haminaysay in aan Guursado oo aan waligeen isku waarno wad moyee, anigana waan rabay balse Adeer kay oo aan jeclahay ahna nin ka igarab qabtay ayaa iga codsaday in aan Gabadhiisa guursado madaba uu san dhalin wax wiil ah isagana uu xanuun sanyhay si xoolaha aysan u baabi in iyo Qoyska ayuu igu darsaday Gabadhiisa kamana aan diidi karin

WAXAN GO AAN KU GAARAY SI AAN HODAN U HELO TILAABO AAN DIB UGU SOO CIELINAYO KENYA

Waxan diray Telephone una diray Guriga Hodan si aan ula hadlo Hodan hooyadeed, Nasiib wanaag waxa iga qabatay Hodan walasheed kadib waxan iri igu dhiib Maamada, waxan isla hadalnay Hodan Hooyadeed salaan kadib si fiican ayeey ugula hadashay balse maamada qisada aniga iyo Hodan way moogtahay, waxan ka codsaday in ay usoo noqdaan Kenya si Hodan Xaaladeeda aan ula socdo Qarashka diyaaradana aniga ayaa bixinaya ayaan iri Maamada ayaa iga aqbashay waxana udiray Lacag ay kusoo raacaan Diyaarada si ay usoo dagaan Kenya, Hodan waxa ay diiday in ay aado Kenya balse kadib way yeeshay Madaba ay indho beeshay Codkana uu ka xiran yahay, Bishii dabe waxa soo dagay Hodan Qoyskodii balse kulankeeni aniga iyo Hodan maxa na dhex maray



lasoco qeebta Sagalaad
Aqristayaasha qiimaha iyo qadarinta badan, waxan jeclahay in aan wada aqrisano qisadaan daqanshada mudan, gabadhaan indha la waxa ay dhib kasoo martay jaceyl keeda iyo mesha ay ku dabaysay jacayl keedi
Qalinka waxa u qaatay Qoraaga aad oga barateen qormooyinka jaceylka Hanadyare oo ku nool wadanka Kenya

Qoraasare hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email: peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385


http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)