News from Somalia in Somali |
Warbixin(report) xaalada
Somaliland
Duullaankii qorshaysnaa ee Ruushku ku Qaaday Wadanka
Georgia ayaa haatan u muuqda mid soo Ibabeelay Madaxwaynaha Georgia
ayaa sheegay in ciidamada raashiyaanku gacanta ku dhigeen intabadan
dalka Georgia hogaamiyaha dalkaasi Mr Mikheil Saakashvili ayaa xaqiijiyey
in Magaalda Gori ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada ruushku isla
markaas ay 70 km u jiraan Caasimada dalkaasi.
Mr Mikheil oo ka hadlay Tv maxali ah ayaa Yaboohay Xabad joojin
ku meel gaadhka ah,baaqan ka soo yeedhay dawlada Georgia ayaa noqday
mid ay u riyaaqeen madaxda midawga yurub iyo beesha caalamka.
Si loo dhaqan galiyo xabad joojin ku meel gaadh ah waxaa magaaalada
Tbilis ee Caasida Georgia ka degay wufuud sarsare oo ka socda midawga
yurub,wasiirka arimaha dibada ee Dalka france oo goor sii horaysay
waramay ayaa tibaaxay in dawlada Georgia saxeexday dhanbaal ku baaqaya
xabad joojin wuxuu wasiirku carabka ku adkeeyey in ay dhakhso u
booqanayaan Moosko si ay wada xaajood ula yeeshaan madaxda ruushka.
Dhinaca kale ciidamada ruushka ayaa ku adkaysanaya in aysan u gudbi
doonin Goobaha iyo bogcadaha aan muranku ku jirin ee ka tirsan dhulweynaha
Georgia waxayna ugu baaqeen ciidamada hubaysan ee ku sugan dhulka
ay gacanta ku hayaan in ay isa soo dhiibaan hubka ay dhigaan.
khasaaraha uu sababay dagaalkani waa mid balaadhan oo aan la soo
koobi karin kumannan ruux ayaa ku geeryooday dhismayaal iyo Magaalooyin
door ah ayaa baabay wuxuuna sabay dagaal kani bara kac kii ugu xumaa
ee soo waajaha shucuubta ku dhaqan mandaqada dagaalku saameeyey.
Isbarbar dhiga Labada xoog ee Iska horyimid !
Ruushka Georgia
Troops 90,000 Troops 18,000
Tanks 800 Tanks 180
air craft 360 aircraft 9
Sababtee Loodagaalay?
Markii Itixaadkii Soofiyati burbruray Georgia waxay kamid noqotay
dhowr iyo tobon Jamhuuriyadood oo door biday in ay is kood isu Maamulaan
walow ay ku guulaysatahy dawlada Georgia qandhinta shucuubta ku
dhaqan wadankas misna uma suurta galin kasbashada shucuubta Isir
wadaaga ah ee Ossentia loo yaqaano oo ah Dadyow ku lifaaqan xuudka
wadamahada Ruushaka iyo Georgia.
Koonfurta Ossetia oo ku taal wadanka Georgia waxay noqotay goob
uu san ku fudin maamulka dalkaasi waxaana laga mannuucan dadka reer
Koonfur Ossetia in samaystaan Axsaab siyaasadeed inta badan siyaasiyeenta
deegaan kaasi waxay noqdeen kuwa ka buuxa xabsiyda Arimahan ayaa
soo dadajiyey in Koon furta Ossetia ku dhawaqado goosasho iyo madax
banaani.
Sanooyinkii lasoo dhaafay daagaalo goos goos ah ayaa dhexmaray koonfurta
Ossetia iyo dawlada Georgia dagaalkii ugu danbeeyey ayey Dawlada
Georgia ku qabsatay inta badan deegamadaasi waana tan keentay in
ciidamada Raashiyaanku soo dhex galaan yaga oo garab siinaya koonfurta
Ossetia oo hatan guud ahaanba gacanta ay ku hayaan ciidamada ruushka
oo isku magacaabay Nabad Ilaaliyayaal.
khadar Maxamed Xaashi "Huruusse"
darwiishka@hotmail.com
London
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|