News from Somalia in Somali |
Warbixin(report) xaalada
Somaliland
Hordhac:-
Qoraaladan waxaan ka soo dul xaadiyey warbixin dheer
oo aan ka diyaariyey mudadii u dhaxaysay 3 April ilaa 28 May 2008
,xilligaas oo aan ku sugnaa dalka hooyo ee Somaliland. Mudadaas
kooban waxaa ii suurto gashay in aan booqdo Hargeysa- Burco -Berbera
iyo Gabilay,gobolada kalena waxaa qaarkood kula xidhiidhay khadka
Telefoonka.
Warbixintani waa sheegid khadaadka jira ee cid waliba
ku lug leedahay, xalintooduna inna wada sugayso,waa talo soo jeedin,waa
badbaadin dalkeena iyo dadkeena, waa sixid wixii inaga khaldan,waa
maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd" BELO MADAX LA QABTO AYEY
LEEDAHAY EE MINJO LA QABTO MA LAHA"!!!
Ma garanayo meel aan ka bilaabo amase cinwaanka aan ugu horeysiiyo
qoraaladan taxanaha ah,sababtoo ah meeshaad eegtaba waxaa ka jira
dhaliil baaxad leh oo u baahan wax ka qabasho deg deg ah .
Nabada:-Warbixintani
waxaan ku eegaynaa NABADA ka jirta dalka, waxaynu kaloo ku eegaynaa
erayga "NABADA KHAL-KHAL HA GELIN AMASE HEBEL NABADUU KHAL
KHAL GELINAYAA" earaygan oo ah mid inta badan dhegahaaga ku
soo dhacaya marka aad dalka joogto,balse macnaha erayga iyo ujeedada
loo isticmaalaa ay kala duwan yihiin ?
Ictiraafka:-Ictiraafku aad ayuu inooga raagay, waa
maxay sababaha keenay in aynu 18 sano CITIRAAF raadin?,sidoo kale
waxaan talo iyo tusaale kaga bixin doonaa sida lagu heli karo aqoonsi
Somaliland hesho,waa haddii la dhegaysanayo.
Dabka ka baxaya Geeska Afrika:- Waxaa jira dab kulul
oo ka baxaya guud ahaanba Geeska Afrika,balse suaasha muhiimka ahi
waxay tahay Somaliland maxay qorshe ka leedahay dabkaa ka baxaya
derisyadeena ? mase laga yaabaa in uu inagu soo fido ?
Golaha Baarlamaanka:-Mudo
dheer ayaa ka soo wareegtay markii aynu soo dooranay Golaha Baarlamaanka
ee maanta jira ,oo ah kii aynu wada ogeyn Doorashadiisa wixii dhib
inaga gaadhay balse noqon waayey mid kaalintii laga sugayey buuxin
kari waayey ,shaqadiisuna noqotay "KU JIQSII" ,sidoo kale
Dastuurka dalku lahaa waa wada qabyo,maxaa sabab u ah?
Golaha Wasiirada:-Waxa sidoo kale aynu eegi doonaa
Golaha Wasiirada oo la odhan karo waxaa hadheeyey musuq maasuq xadkii
dhaafay,Wasiiro beelo ku fadhiya , xisaabtan la,aanta iyo Dowlada
oo la odhan karo waxa ay ka baaqsatay wax badan oo ay qaban karaysay
.
Waxaan faahfaahin dheerada idinka siin doonaa Wasaaradaha,oo
u qaybsama 3 qaybood oo kala ah qaar la amaano sida Qorsheynta -
Duulista Hawada ,qaar ku guul daraystay howshii ay Ummadda u hayeen
sida Caafimaadka -Waxbarashada-Warfaafinta iyo qaar ay adag tahayba
in fahanto waxa ay qabtaan sida Wasaarada Dib u dejinta-Xidhiidhka
Golayaasha-Boosta iyo isgaadhsiinta iwm.
Guddiga Doorashada:-Waxaan eegi doonaa welwelka
aan ka qabo Guddiga Doorashooyinka oo aan odhan karo,laguma haleyn
karo doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta soo socda ,waxaanan ka baqayaa
in ay noqdaan kuwo kala saari kari waaya amase ku dhawaaqi kari
waaya natiijada kama dambeysta ee Doorashooyinka soo socda..
Cadaalada:-Cadaalada iyo Maxkamadaha,waxaa
la odhan karaa ma aha qaar wax iska bedeleen 5ti sano ee igu dambeeyey
dhul boobka ,KU QABSO KU QADI MAYSIDE,weli halkiisii ayuu ka sii
socdaa.
Gobolada:-Waxaan aad iyo aad
ula yaabay burburka ka muuqda Gobaladii hore u jiray , kuwa cusub
ee soo kordhay iyo sida loogu qasaaray Doorashooyinkii Deegaanka,mana
garanayo dhib mooyee waxay dheef ah oo ay soo kordhiyeen
Sixir bararka-Abaarta
- Biyo la,aanta iyo shaqo la,aanta:_Waxaa xiligan ka jira Somaliland
SIXIR BARARKA-ABAARTA -BIYO LA,AANTA baahsan ,waxaase layaab ah
sida aanu jirin wax qorshe amase ku talo gal ahi Dowlad iyo shicib-ba..
Xidhxidhista soo badatay:-
Sidaa lala wada socdo waxaa soo badanaya xidhxidhista muwaadiniinta
Somaliland taasoo marka dhinac laga reego ah "calaamad khatar
ah" oo aynu hore u soo aragnay, waayo aragnimona aynu u leenahay
,warbixintan aynu ku eegi doonaa.
Banaan baxyada :-Waxaa
Hargeysa ka dhacay BANAAN BAXYO keenay dhimash iyo dhawac,waxaana
ka mid kuwii dhacay , 28 April.2008 iyo 7 July.2008 ,waxaynu is
weydiindoonaa suaalaha ah ,maxay u dhaceen?, maxaa laga qabtay ?
yaa loo raacayaa qasaarihii naf iyo maalba lahaa ?,ma laga yaabaa
in qaar kale dhacaan ?
Qabyaalada:-Tv-yada
.Jaraaidka, Xisbiyada ,Dowlada iyo guud ahaan shacabkaba waxaa si
weyn uga muuqata isticmaalka iyo dhaqanka QABYAALADA, oo la odhan
karo waxay halis gelin kartaa jiritaanka Somaliland "reer hebel
baa shiray"reer hebel baa diiday" iyo hadaanu reer hebel
nahay"
Ganacsatada:Waxaa marag
ma doonto ah in GANACSADA dalka joogtaa ay yihiin qaar aan wax dan
ah ka lehayn shacabka balse caado ka dhigtay sidii ay u dhiig miiran
lahaayeen shacabka masaakiinta ah iyo weliba sidii ay ula baxsan
lahaayeen cashuurtii Dowlada.
UN iyo NGO-kale:-Warbixintani waxay sawir idinka siin doontaa
shaqada ay qabtaan HAYAHA UN-ta iyo NGO - gaar ahaan sida ay u dhacaan,baabiyaan
dalka ee aanay u jirin cid la xisaabtantaa.
Af-miinshaarinta:Waxaan ku eegi doonaa 100 AF-MIINSHAAR
ee hoos fadhiista Geedaha qaar ka mid ah Hotel-da Hargeysa ku yaala
,ee inta badan ku howlan sidii ay u kala fogeyn lahaayeen shacabka
walaalaha ee reer Somaliland iyo cida ay u shaqeeyaan.
Qurba-Jooga:Waxaynu ku eegi doonaa QURBA
jooga reer Somaliland iyo wixii ay dalka iyo dadka ku soo siyaadiyeen
Siyaasad, dhaqan iyo dhaqaale intaba .
SaxaafadaDhinaca SAXAAFADA Somaliland waxaa jira isbedel ka muuqda
dhinaca tirade , balse weli waxaan meesha ka bixin tayo xumadii
awelba haysatay Tv-yada,Jaraaidka iyo Radio Hargeysa.
Qaadka iyo Sigaarka:- Somaliland waxa dhaqaale
ahaan la daadegay QAADKA iyo SIGAARKA oo runtii la odhan karo waxay
dalka dibada uga saaraan lacag adag oo aad iyo aad u fara badan,sidoo
kale wxay sanad walba galaaftaan dad aad u fara badan,waxarbixintan
ayaan ku sii faahfaahin doonaa.
Akhrista intii aan joogay dalka hooyo ee Somaliland arimahaas iyo
weliba qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin waxyaabihii aan aad
u daneynay in aan wax ka ogaado, anigoo si joogto ahna idiinku soo
gudbin doona.
Hadal iyo dhamaan lama qaban wax badan oo la qaban
kari lahaa ee maxaa loo qaban waayey,waa suaal inoo wada taala ?
Mahadsanidin
--la soco qaybaha dambe ---
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|