Waxaan Akhristayaasha Somaliweyn ugu bishaareeynaynaa in barnaamijkii raýiga dadweeynuhu u dib u Bilaabandoono Toddobada Bishaan (2008-03-7)
########
Waxaan intii muddo ah hakinay raýigii dadweeynaha si aanu dib u habayn ugu samayno una dejinno waddo cad oo la raaco .Waxaan ammaan u jeedinaynaa dadkii sida joogtada ah raýigooda wanaagsan Somaliweyn ugu soo qori jiray ,waxaana ku dhiirigalinaynaa in aay halkoodii ka sii wadaan .
Qofkasta wuxuu xaq u leeyahay in uu fikraddiisa sida aay la tahay uu u dhiibto ugana bogto hasayeeshe waxaa ka reeban Raýiga dadweeynaha oo anaan soo qoridoonin maqaalada xambaarsan arrimaha Soo socda:
1.Aflagaado qof shakhsi ah ama qabiil magaciisa la xusayo loo jeedinayo
2.Qormo lagu durayo diinta Islaamka iyo Anshaxa wanaagsan
3.Dhiirigalin Colaad iyo guubaabo ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda fidno ka abuuri karta.
Raýigaaga usoo dir cinwaankaan: contact@somaliweyn.com
Ballanteenu waa Toddobada Bishaan (2008-03-07) iyo Raýigii Dadweeynaha oo Dib u Bilaabmaya
Wada Shaqayn Wacan
Maamulka Somaliweyn.com