Somali News
    Hees  
 

Dowrka Haweenka ee Nolosha

Gothenburg Axad 13 April 2013 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowrka Haweenka ee Nolosha.

Haweenku waxa ay ka mid yihiin -sida Raggaba- inta sida Tooska ah lagula Khiddaabay Takaaliifta Sharciga ah. Haddii ay ahaan laheyd wax lays Faray Fartoomiddooda iyo wax leyska Reebay ka Reebtoomiddood.

Haa, waa ay jirtaa Axkaam ay la kala gaar yihiin Ragga iyo Dumarka.

Maanta meeshan uma joogno ka Hadalka Axkaamta ay Haweenku la gaar yihiin. Sida Xeydka, Nifaaska , Hooyonimada, Ubadnimada ama Oorinimada, ee waxa aynu u joogno ka hadalkooda waa Xuquuqda ay u Simman yihiin Ragga iyo Dumarka.

Haweenku waxa ay Xaq u leeyihiin -Sida ay Ragguba Xaq ugu leeyihin- in ay ka Qeyb qaatan wax soo saarka, Kobcinta, dhaq-dhaqaaqyada Bulsheed ee kala Duwan. Sida Wax-barashada, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Dhammaan Dhaq-dhaqaaqyada lagu Horu-marinaayo bulshada. Taasoo ah Xaq Insaani ah ee ay Gabadhu leedahay.

Xuquuqda Siyaasiga ah:

Waxaa dhici karto in aynu la Yaabno Xaqqa ay Gabadhu u leedahay ka Qeyb galka Dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed.
Taa waxa aan ku Sababeyn karaa in ay Xaddidan tahay amaba ay yar tahay Aqoonta aan u Leennahay Xuquuqda Abyiman(dhammeys tiran) ee ay Leedahay Gabadha Insaan iyo Islaam ahaan.

Waxaa naloo Meerin jirey oo kaliya Xuquuqda qoys, iyo Qaraabaninmo. Sida Hooya, Oori, Inan iwm. Balse Xuquuqaha kale maaheyn muddo dheer kuwa la' Ictiraafsanaa. Oo Xuquuqda Siyaasiga ee Gabdhaha waxa ay aheyd Mid aan la soo hadal qaadi karin (Social Stigma).
Taana waxa ugu wacan Aragtida guud ee Bulshada oo u Af-duubnaa Faham Qalloocan ama Foorara oo lagu Nabay amaba loo Saarshay Diinteenna Suubban.

Hadda waxa lagama maar-maan noqotay in aynu Islaamka wax ka weyddiinno Xuquuqda Siyaasiga ee Gabadha Muslimadda ah.
Inta anaan Gudo Galin ka Hadalka waxa Islaamku ka qabo Kaalinta Siyaasadeed ee Gabadha Muslimadda ah, waxa Muhim ah oo Biyo kama Dhibcaan ah in aynu ugu horreyn Qeexno "Waa maxay Siyaasad?".

Siyaasaddu waa Hab iyo Haaneed loo maro sidii loo Qaadan laha Qaraar ama Go'aan loogu Adeegayo Bulshada Qof iyo Qoys, Koox, Wadar iyo Waaxid Lab iyo Dheddig, Sheyb iyo Shaab.

Waa sidii leysku Waafajin lahaa Aragtiyada kala Duwan ee Danaha ku Qotoma ee ay Leeyihiin Kooxaha uu Tartanka ka Dhexeeyo. Waa Ilaalinta Xuquuqaha iyo Heerarkooda kala Duwan iyo Sida ay u kala Mudan yihiin. Waa ku Xambaaridda Bulshada Gudashada Waajibaadka kala Duwan iyo in loo Fududeeyo Bulshada Gudashada Waajibaadkaas iyo Oofsashada Xuquuqahaas.

Intaas aynu soo sheegnay waa Maqsad ka mida ah Maqaasidda Shareecada Islaamka ayadoon loo Eegeyn Kuwa u Qumayo Lab iyo Dheddig (Masculine and Feminine).

Tusaale: Markii Ummunaa Umm Salamah ay maqashay Qawlkii Ilaahey, يا أيها الناس يا أيها الذين آمنوا ayada oo ku Shuqlan howl-maalmeedkeda, waa ay soo Orodday. Dadkii ayaa is weyddiiyey waxa ay la Roortay Ummul Mu'miinta? Kolkaas ayey ugu Jawaabtay: Sow ka Mid maahi dadka loogu Naadiyey ama loogu Ciyey Iimaanka ?!

Qur'aanka marki loo Fiirsado , waxa uu ka sheekeeyey Rag iyo Dumar uu Dhex maray Iskaashi leh Dhinacyo badan oo ah Sama ka talinta.

والمؤمنون والمؤمنات بعضهم أولياء بعض يأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر ويقيمون الصلاة ويؤتون الزكاة ويطيعون الله ورسوله أولئك سيرحمهم الله إن الله عزيز حكيم

Aayadda 71-aad ee Suuratu Tawbah:

Waxa kale ee uu ka hadlay Qur'aanka Rag iyo Dumar isku Baheystay Xumo-ka talin, Laqdabo iyo Lug-gooyo.

المنافقون والمنافقات بعضهم من بعض يأمرون بالمنكر وينهون عن المعروف ويقبضون أيديهم نسوا الله فنسيهم إن المنافقين هم الفاسقون.

Aayadda 67-aad ee Suuratu Tawbah.

Soo yaalka taariikheed ee Islaamka iyo Kaalinta Haweenka .

لقد كان في قصصهم عبرة لأولي الألباب ما كان حديثا يفترى ولكن تصديق الذي بين يديه وتفصيل كل شيء وهدى ورحمة لقوم يؤمنون

Waxaa ila Quman in aan wax ka Dhahno Haween ka Dhaqay ama ka Dheereeyey Rag badan.
Haweenkaas Codkooda iyo Mawaaqiftooda Siyaasigaa oo Hiil aan la Loodin karin u noqdey Islaamka.

Tusaale Ummul Mu'miniin Khadiijah Bint Khuweilid.

Dawrkeedu ma uu ku koobneyn oo kaliya Hooyo leh Isuma qaddo Marras ah ( Ummul Ciyaal) ama Oori la Qabo ama Guri-joogto.
Bale´ waxa ay aheyd La-taliyaha gaarka ee Suubanaha (SAWW) ee Dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.
Waxaan Tusaale u soo qaadan karnaa Erayo Taariikhda Galay Raadna ku Reebtay Quluubta Iimaanka laga Helay, Erayadaasoo ka Khafiifinayey ama ka Dabcinayey Suubbanaha (SAWW) Kiilka Siyaasadeed, Bulsheed iyo Dhaqaale ee uu Nabiga (SAWW) la Kacan Kufayey.

كلا، أبشر، فوالله لا يخزيك الله أبدا؛ إنك لتصل الرحم، وتكسب المعدوم وتصدق

الحديث،وتحملالكل،وتقريالضيف،وتعينعلىنوائبالحق

Aasiya:

Aasiya waxa ay laheyd Kalimadii lagu kala Baxay, mar lagu Muransanaa in Nafta la Dhaafiyo Nabi Muuse (AS) oo Sabi ah.
Fadliga Ilaahey ka dib, waxa uu Nabi Muuse ku Bad-baaday Xikmadii Aasiya.

وقالت امرأة فرعون قرة عين لي ولك لا تقتلوه عسى أن ينفعنا أو نتخذه ولدا وهم لا يشعرون

Aayadda 9-aad ee Suuratul Qasas.

Ilaa Aasiya ay Gaartay Heer ah in Allaah Qur'aanka dhexdiisa ugu Maah-maaho Mu'miniinta Kale.

وضرب الله مثلا للذين آمنوا امرأة فرعون إذ قالت رب ابن لي عندك بيتا في الجنة ونجني من فرعون وعمله ونجني من القوم الظالمين

Aayadda 11-aad ee Suuratu Taxriim.

Bal Adiguba Qiyaas Martabada iyo Heerka uu Qur'aanku Gaarsiiyey Aasiya !

Ragga ku Maman amaba uu Madax Maray Damaca Xilal Siyaasadeed, waxa ugu Sugan Duruus Qisada Balqiis Boqoraddii Reer Saba'.
Balqiis waxa ay ka mid tahay Gabdhaha uu Waxyiga Ilaahigaa siiyey Qaddarin aysan Nasiib u yeelan Rag Badan oo soo Maray Sooyaalka taariikheed ee Islaamka. Waxa ay ku Mudatay Qaddarintaasna waa Shan (5) Walxaad.

1-Waxa ay aheyd Runley Runta kula Dhaqanta Shacabkeeda iyo Xukuumaddeeda.Waxa ay kula Dhaqmeysay Ummadda ay Hoggaanka u aheyd Waxa lagu yiraah Luqadda Casrigaa (Transparency).

قالت يا أيها الملأ إني ألقي إلي كتاب كريم إنه من سليمان وإنه بسم الله الرحمن الرحيم ألا تعلوا علي وأتوني مسلمين

Aayadda 29-aad ee Suuratu Naml.

2-Xilkasnimo.
Waxa ay Xil iska saartay Amniga iyo Amaanka. Waxa ay Heegan buuxa gelisay Dhammaan Ciidamada Qalabka sida.
Waxa ay Sameysay Jintuur iyo Dhoolatus Milatary.

قالوا نحن أولو قوة وأولو بأس شديد والأمر إليك فانظري ماذا تأمري

Aayadda 33-aad ee Suuratu Naml.

3-Dulqaad iyo Degganaan iyo Aragti fog.(a Long-term Strategy and Vision)

قالت إن الملوك إذا دخلوا قرية أفسدوها وجعلوا أعزة أهلها أذلة وكذلك يفعلون

Aayadda 34-aad ee Suuratu Naml.

4-Garaad Siyaasadeed (Political Savvy)

وإني مرسلة إليهم بهدية فناظرة بم يرجع المرسلون

Aayadda 35-aad ee Suuratu Naml.

Balqiis waxa ay laheyd Biseyl Siyaasadeed u horseeday in uusan Dagaal kaliya Xalka aheyn ee ay jiraan Tabo kale ee Siyaasadeed.
Waxa ay Is-bar-bardhig ku sammeysay laba (2) Khasaara tee Qaadasha ku Habboon (Choose Between Two Devils).
Dagaal aan la Ogeyn waxa uu ku Aakhirsanayo Guul iyo Guul-darro Xaqqiiqada Bar-bar socotana ay tahay Bur-bur aan muddo Dhow laga soo Kabsan.

Waxa ay Qaadatay ama Aqbashay in ay la Jaan-qaaddo Isbaddalka Cusub ee uu Suleymaan (AS) la Yimid, si ay Dadka iyo Dalkaba uga Nabad galaan Bur-bur Dhan walba ah.

5-Garwaaqsi iyo Dib isu Sixid.
Balqiis ma aysan aheyn Gar-maqaate. Waxa ay Ogoleyd in lala Wadaago Talada iyo Ra'yiga.

قالت يا أيها الملأ أفتوني في أمري ما كنت قاطعة أمرا حتى تشهدون

Aayadda 32-aad ee Suuratu Naml.

Balqiis waxa uu Qur'aanka ku Tilmaamay Qof ku Baraarugsan Yaqaannana Qeybka ay ku Leedahay Mushkilada Markaas Taagan. Sidaa darteed Wax Dhib ah kuma Qabin in ay Aqbasho Sama ama Wanaagna ay ka daba geyso Xumaha ka dhaco.

قالت رب إني ظلمت نفسي وأسلمت مع سليمان لله رب العالمين

Aayadda 44-aad ee Suuratu Naml.

Xittaa Qur'aanka waxa uu ina Barayaa in Tajriba iyo Tijaabo la Marsiiyey Cagliga iyo Garaadka Balqiis kuna ay Najaxday.

نكّرُوا لها عرشها ننظرْ أتهتدي أم تكون مِن الّذين لا يهتدون

Aayadda 41-aad ee Suuratu Naml.

Waxa xiiso leh in Qur'aanku u banbixin Inkiraadda Hoggaanki Balqiis. Haddii ay jiraan wax Qur'aanka ka Reebay Balqiis waa, Gaalnimadi ay ku sugneyd.

وَ صَدّ ها ما كانتْ تَّعبُد مِن دُونِ اللّهِ

Aayadda 43-aad ee Suuratu Naml.

Dowrka Haweenka waa mid ku Cad taariikhda Islaamka. Waxa jirta in Suurado dhan loogu Magac-daray Haweenka Si' Guud iyo Si' Gaara ah intaba.
Qur'aanka laguma hayo Hal Suurad, hal Juz ama hal Xizib oo Ragga loo Magac-daray.
Warkaas hala Dheehdo !.

Waxaa la Yiraahdaa; Sababaha uu Ninka Ragga ah Wax ku Naqdo waa ay Badan yihiin. Balse Waa Sax ayaan Is-Leeyahay in la Sheego in Waxa ugu Muhiimsan ee Ragga wax ka Dhigi kara waa Haweenka Haddey ahaan laheyd Hooyadii Dhashay ama Araddiisa.

وراء كل رجل عظيم امرأة.

Sababku waa Mid Sahlan. Waxaa la Yiraah-Marki laga Hadlaayo Kaalimaha kala Duwan ee ay Ragga iyo Dumarka ku Aaddan yihiin-;Ninku Waa Keene. Balse Haweenneydu waa;Kariso, Keydiso, Koriso, Kobciso, Kaafiso iyo Weliba Kulmiso.
Kaalinta Ninka Ragga ah waa ay Caddahay waana Mid.Hayeeshee Kaalinta ay Gabdhu ka Ciyaareyso Nolosha Qeybaheeda kala Duwan waa Intaas Kaalimood oo Leysu Geeyey.

ألنِّساء شقائق الرّجال

Haweenku waa kala Bar 50% ama ka Badan 75% ee Bulshada Bani-Aaddamka.
Haddaba Sideebey Suurtagal ku Tahay in Meesha laga Saaro Qeyb ka Mid ah Mujtamica Insaaniga ah ?!!!

Waxa Xaqiiq Biyi-kama-Dhibcaan ah in ay Jiraan (Women with Competence, Qualifications and Performance in Their Cv:s Not Least Succesful Leadership Skills) Gabdho leh Aqoon, Waaya-Aragnimo, Hawl-karnimo, Hufnaan iyo Weliba Sifooyinka/Tilmaamaha Hoggaan Najaxay oo ku Filan in ay Xaq u Yeeshaan in ay u Adeegaan Ummaddooda.
Haddaba Haddii aanan Aqbalin amaba aan la Jaan-Qaadin Xaqiiqadaas ee aan Taa Baddalkeeda ka Hor-joogasanno Hablaheenna Gudashada Waajibka kaga Aaddan Ummaddooda, Waxa Yaqiin ah in aynu Wax Badan ku Weyn doonno.
Gabdhaheena kuma Weyn doonaan Inta aynu ku Weyn doonno.

Haa, Haddii aynu Isla Oggolaanno Xaqqa ay Gabdhuhu u Leeyihiin in ay Qeyb ku Yeeshaan Aaya-ka-Talinta iyo Qabashada Xilalka kala Duwan ee Qaranka, Waxeynu ka Doodi karnaa amaba Isla Meel-Dhigi karnaa Shuruudaha/Tilmaamaha ku Habboon ee u Oggolaanaya Haddii ay soo Buuxiso iyo Haddii Kale intaba. Sida;Diinta, Dhaqanka, Nuuca Shaqo, Da'da, Qoys ama Xaas ahaan, Carruur IWM.

Waxa Dhab ah in ay Jiraan Haween ka Karti iyo Garaad Sarreeya Ragga.
"Guuleystayaal Eebbahay kugu Galladay, Waa Gar-gaarsimo' e
Waxse Jira Mid Xarraga Is-Godayee, Gabari Dhaantaaye,
Ee Gablame Caasiya iyo Waalidkii Yaw Gar-Naqi Doona ?!"

Gebo-gebo:

Haddiiba uu Islaamku yahay Luqadda aynu is kula Khiddabeyno ama is kula Hadleyno, Haddaba waa Kaa Islaamki sida uu uga Taariikheeyey Dowrka Gabadha Muslimadda ah.
Uma baahnin in aan ku Mashquulno Qarawga iyo Calwasaadka Wadaad ay Madax-martay Was-waaski Jaahiliyadi, kaasoo ahaa ; in Gabadhu Dalbato Xuquuqdeeda oo Dhammeystiran warkeeda daaye ay aheyd in Iyada la Dhaxlo.
Haddii Laxadadaan la joogo ay Balqiis iyo Ragaan Ogahay ku Tartami lahaayeen Codkeyga, waxaan Siin lahaa Codkeyga ................. Idinkaba Dhammeysta !.

Waxaan Rabaa in aan Dooddeyda ku soo Af-meero Tixdan uu Tiriyey Abwaanka Weyn ee Cabqariga ah ee Soomaaliyeed Allaha Dhowree. Abwaan Muhammad Ibraahim Hadraawi;
Waxa uu Sawir ka Bixinayaa Abwaanku Xaqiiqada la Dafaray ee ah Kartida, Garaadka, Hufnaanta, Hawl-karnimada iyo Il-waad-Quruxda ay Leeyihiin Hablaha Soomaaliyeed ee Dhuux Macnaha iyo Murtida ku Sugan Tixda Abwaanka !

Gabigeed Adduunyada, Gobol Gobol u Qaadoo
Habla Weerar Geli kara, Habla Geela Dhicin kara
Habla Geesi Dili kara, Gobanimana Hanan kara
Habla Talada Goyn kara, Garta Madal ka Naqi kara
Garashana iskaga Midah, Quruxdana ka Wada Goba
Geesteenna Mooyee, Gayi kale ma Joogaan.

Sh. Abdrahmaan Sh. M'diin Eli

Eliyow@hotmail.com

Sh. Abdrahmaan Sh. M'diin Eli

Eliyow@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)